Wararkii: Sept 11, 2006
- Observer: Dowladda Mareykanka iyo
Dowladda Federaalka oo doonayey in ay iska kaashadaan..
- Furitaankii Jaamacada Kismaayo ee
Sannad Dugsiyeedka 2006/2007
- Tartan Kubbada Miiska ah oo u furmay
qaar ka mid ah Dugsiyada Gobalka Banaadir
- Shariif Xasan iyo wafdi uu hogaaminayo…
- Dowladda Liibiya oo aad uga carootay …
- Xulka Qaranka Soomaliya oo looga
bediyey…
- Hay'adda Danwadaag oo buugaag ugu deeqday
dugsiyo ku yaala Puntland
- Madaxweyne C/laahi Yuusuf oo gaashaanka
ku dhuftay casuumaad kaga timid dhiggiisa madaxweyne Qadaafi
- Xukuumaddii Prof. Geeddi oo la
horgeynayo maalinta Arbacada fadhiga baarlamaanka
- Xubnihii Dawlada Federalka KMG ah uga
qayb galay shirkii Khartuum oo galinkii danbe ee shalay ku soo laabtay
baydhabo.
- Warqaddii uu Coleman u
Diray Masjidka Abuubakar
Dowladda Mareykanka iyo Dowladda Federaalka oo
doonayey in ay iska kaashadaan.,
Jariirada The Observer oo arrintaasi kashiftay
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail: amiinkhasaaro@hotmail.com
Wargeyska The Observer oo ka soo baxa Dalka Ingiriiska ahna wargeysyada sida
aadka ah looga akhristo dunida ayaa waxa uu daboolka ka qaaday in ay soo gaareen
Iimeelo iyo Fariimo uu ka helay shaqsiyaad caan ah kuwaas oo la xiriiray
howlgalo Mareykanku damacsanaa in uu ka fuliyo gudaha Dalka Soomaaliya, kaas oo
uu kala kaashaneyey Dowladda Federaalka ee taagta daran, waxa uuna Mareykanku
doonayey in uu duqeeyo fariisimo ay lahaayeen Maxaakiimta Islaamiga ah.
Fariimaha soo gaaray Wargeyska The Observer
waxay ku taariiksanaayeen bishii June ee sanadkaan, waxaana hawlgaladaasi ku
jiray shirkado dhinaca ammaanka qaabilsan oo ka kala socday Wadamada Mareykanka
iyo Ingiriiska, mid ka mid ah fariimada Iimeelada ayaa waxaa diray haweenay lagu
magacaabo Michele Ballarin oo iyadu agaasin ka ah shirkad qaabilsan dhinaca
ammaanka oo fadhigeedu yahay gobalka Virginia oo lagu magacaabo Select Armor.
Michele Ballarin waxay fariimahaas iimeelada ah u kala dirtay shaqsiyaad ay ka
mid yihiin Cris Farina oo ka mid ah shirkad ammaanka qaabilsan oo lagu magacaabo
ATS Worldwide oo saldhigeedu yahay gobalka Florida, waxayna u sheegtay in kulan
ay la yeelan doonaan Madaxweynaha Dowladda Federaalka C/llaahi Yuusuf Axmed kaas
oo ka dhici lahaa Magalada Nairobi ee Dalka Kenya, waxaana madaxweynaha laga
dhageysan lahaa warbixino la xiriira dhaqdhaqaaqa kooxaha argagixisada ee ka
jira Gudaha Soomaaliya, waxaa la sheegay in Madaxweyne C/llaahi Yuusuf uu sidoo
kale kulan la yeeshay Sarkaal ka socday Qaramada Midoobey iyo waliba xubin ka
tirsan Shirkad amniga ka shaqeysa oo ka laga leeyahay Dalka Ingiriiska.
Dhanka kale Michele Ballarin waxay daboolka ka
qaaday in ay hawgaladani ay wax ka ogeyd Hay’adda Sirdoonka Mareykanka ee CIA-da.
Wargeysku waxa uu sheegay in hawgaladan uu Mareykanku ka damacsanaa in uu
taageero ku siiyo Dowladda Federaalka ee Taagta daran ee fadhigeedu yahay
Magaalada Baydhabo.
Furitaankii Jaamacada Kismaayo ee Sannad
Dugsiyeedka 2006/2007
Kismaayo (aslaamu calaykum): Waxaa maalintii
Khamiista kadhacay magaalaada Kismaayo xaflad ballaadhan oo lagu maamuusayay
furitaanka sannad daraasiga cusub 2006/2007 ee jaamacada kismaayo .
Xafladaa oo ay ka soo qayb galeen dad aad u
badan oo ka kooban dhammaan qaybaha kala duwan ee bulshada kismaayo.
Xafladaa waxaa furay gudoomiyaha magaalada
kismaayo Xaaji Daahir oo mahad celin u soo jeediyay dadaalka ay wadaan maamulka
jaamacada kismaayo.

 
Waxaa kale oo halkaa ka hadlay ku xigeenka
ra'iiska jaamacada ustaad Xasan Jaarane oo sharraxaad dheer ka baxshay
barnaamijka jaamacada ee kala duwan.
Qoraalkaan kala xiriir:
towfiiiq@hotmail.com
Tartan Kubbada Miiska ah oo u furmay qaar ka
mid ah Dugsiyada Gobalka Banaadir
Waxaa dhawaan Garoonka Dugsiga Al-Farxaan ka furmay tartan ay ka qaybgalayaan 7
dugsi oo ka kala socoda dugsiyada Gobalka Banaadir, waxa uuna tartankaasi yahay
hoyraalka K/miiska ee Dugsiyada Gobalka Banaadir, waxaana furitaankii
tartankaasi ka qaybgalay mas’uuliyiin ka socotay Guddiga Olombikada Soomaaliyeed
oo uu horkacayay Kusimaha Guddoomiyaha Guddiga Olombikada Soomaaliyeed C/qaadir
Ibraahim Gacal Abkow, waxaana ka mid ahaa mas’uuliyiintaasi Guddoomiye ku
xigeenka Olombikada Xaaji Cabdi Cilmi Warsame, Xoghayaha Xiriirka Soomaaliyeed
ee Olombikada C/llaahi Axmed Tarabi iyo Guddoomiyaha Xiriirka K/miiska Mudan
Aadan Korow, waxaana ugu horeyntii halkaasi warbixin ka soo jeediyey maamulaha
Iskuulka Al-farxaan Mudane C/llaahi Xasan Max’ed (Bikole), waxa uuna u
mahadceliyay guddiga Olombikada Soomaaliyeed iyo Xiriirka Soomaaliyeed ee K/miiska
oo uu sheegay in la’aantood uusan qabsoomi lahayn tartankaani, sidoo kale waxaa
ka hadlay Guddoomiyaha K/miiska Mudane Aadan Korow oo sheegay in Xiriirka
Soomaaliyeed K/miiska uu mar kasta diyaar u yahay in uu qabto tartamada noocaan
oo kale, oo uu sheegay in ay ka soo bixi karan dhallinyaro mustaqbal ku leh
cayaarta K/miiska, waxaana ugu dambeyntii cayaartaasi kusimaha Guddoomiyaha
Guddiga Olombikada Soomaaliyeed C/qaadir Ibraahim Gacal (Abkow) oo la dardaarmay
ardaydii ka qayb galeysay tartankaas in ay la yimaadaan Cayaar wanaag iyo asluub,
waxaana cayaartii ugu horeysay lagu furay Muno iyo Faadumo, waxaana cayaartaas
ku guuleystay Muno oo ka socotay Al-Farxaan.

Xagga wiilasha waxaa wada cayaaray.
Al-Farxaan Vs Mogdisho Primary & Secondary School 2-0
Shariif Xasan iyo wafdi uu hogaaminayo…
Waxaa maalintii shalay ahayd Magaalada Baydhabo dib ugu laabtay Guddoomiyaha
Baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aada, waxaana safarkiisa ku wehliyey xubno ay
ka mid ahaayeen Wasiirka Gaadiidka Cirka iyo Dhulka Max’ed Ibraahim Xaabsade oo
dhawaan dowladda ugu baaqay inay isaga guurto Magaalada Baydhabo, kaddib markii
ay xasuuq ka gaysatay garoonka Diyaaradaha.
Shariif Xasan oo ka qaybgalay kulankii lagu dhex dhexaadinayey dowladda
Federaalka iyo Golaha Maxaakiimta ee ka dhacay Magaalada Khartuum , kaas oo ay
ka soo baxeen dhowr qodob oo ka mid ahaayeen in la isku dhafo ciidamada labada
dhinac.
Shariif Xasan ayaa maanta la filayaa in uu shir jaraa’id ku qabto Magaalada
Baydhabo kaas oo uu ku faahfaahinayo kulankii ka dhacay Magaalada khartuum iyo
waliba aragtidiisa ku aadan xasuuqii ka dhacay garoonka Diyaaradaha ee Magaalada
Baydhabo, kaddib markii 4-tii Bishan uu ka dhacay dagaal. [warbixin dheeraad ah
hoos ka akhri].
Dowladda Liibiya oo aad uga carootay …
Dowladda Liibiya oo ay dooneysa in ay meel isugu keento xubnaha ugu sareeya
Doladda Federaalka iyo kuwa Maxaakiimta Islaamiga, ayaa hankaasi waxa uu noqday
mid lagu hungoobay kaddib markii ay Dowladda Federaalka ka baaqsatay fantiyihii
loo sameenayay sanad guuradii 7-aad ee ka soo wareegtay markii la aasaasay
Ururka Midowga Afrika, waxaana xafladdii ka soo qaybgalay wafdi ka socday Golaha
Maxaakiimta oo uu hogaaminayey Guddoomiyaha Fulinta ee Maxaakiimta Sheekh
Shariif Sheekh Axmed.
Dowladda Liibiya ayaa waxay sheegtay inay aad uga xumaatay baaqashadii ay
baaqdeen wafdigii ka socday Dowladdda Federaalka ee uu ka mid ahaa Madaxweyne C/llaahi
Yuusuf Axmed, waxayna meesha ka saartay warar ayaa baahiyeen qaar ka mid ah
Saxaafadda oo sheegayay in Dowladda Liibiya aysan dhex dhexaad ka aheyn arrimaha
Soomaaliya, waxaana la filayaa in ergay ka socda Dowladda Liibiya uu dhawaan soo
gaaro Magaalada Baydhabo ee Gobalka Bay.
Xulka Qaranka Soomaliya oo looga bediyey…
Xulka Qaranka Soomaaliya oo ka qaybgalaya tartanka Bariga iyo Bartamaha Afrika
ee da’dodu ka hooseyso 20-jirka ayaa maalintii shalay ahayd kulankoodii ugu
horeeyay waxay la yeesheen xulka Ruwanda.
Cayaartaan oo ahayd mid aad u adag oo ay ka qaybgaleen dadweyne aad u fara badan,
waxayna qaybtii hore ee cayaarta ku soo gebagabowday 2-0 oo ay lahaayeen Xulka
Qaranka Wadanka Ruwanda. Qaybtii labaad markii la isugu soo laabtay ayaa waxaa
la filayay in xulka Qaranka Soomaaliya uu is bedel la yimaado, hase yeeshee
Cayaartii 90-kii daqiiqo waxay ku soo idlaatay 4-0 oo ay guushu ku raacday Xulka
Ruwanda.
Cayaartaan oo ka dhacay Dalka Ruwanda ayaa waxaa xulka Soomaaliya tababare u
ahaa Coonka, waxayna cayaarta labaad xulka Soomaaliya yeelan doonaan maalinta
beri ah, wixii natiijo ah ee ku soo kordha dib ayaan idinkaga soo sheegi doonaa.
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail: amiinkhasaaro@hotmail.com
Xubnihii Dawlada Federalka KMG ah uga qayb
galay shirkii Khartuum oo galinkii danbe ee shalay ku soo laabtay baydhabo.
Axadii shalay ahayd ee abaarihii 7:30 ayaa waxaa Nairobi caasimada Kenya ka soo
baqoolay diyaaradii siday waftigii DFKMG ah ee oo horkayay shariif Xasan Shiekh
Aadan.
Waftiga ayaa waxaa ka mid ahaa Maxamed Ibraahim Xaabsade wasiirka Gaadiidka ee
dawlada wasiirka hawlaha guud iyo guriyeenta Maxamed Maxamuud Guuleed Gamadheere,
Wasiirka Kaluumaysiga iyo Khayraadka bada Xasan Abishir Farax Wasiirka
Gaashaandhiga ku xigaynkiisa Salaad Cali Jele, iyo xubno badan oo ka tirsan
baarlaanka DFKMG ah
Waxaana waftigaan ayaa waxay gaareen galabtii axadda ahayd magaalada baydhabo ee
xarunta KMG ah u ah dawlada Somalia waxaana ku soo dhaweeyay masuuliyiinta
dawlada ee ku sugan halkaasi.
Wasiirka Gaadiidka DFKMG ah Maxamed Ibraahim Xaabsade ayaa horay u sheegay in
dawlada ay isga guurto baydhabo.
Balse Ibraahim Kiish buur oo horay u hayn jiry wasaarada Gaadiidka ayaa isagu ku
sugab baydhabo waxaa uu si caro ku dheehan tahay uga jawaabay hadalka xaabsade
ee ah in ay dawlada ka baxdo baydhabo isaguu sheegya in hadalkaasi uu yahay mid
aan laga fiirsan oo aysan ku dhameen dhamaan siyaasiyiinta beelaha deegaanka.
Maxamed Cabdi Maxamed Bootaan
Somalitalk Nairobi Kenya
botaan1@hotmail.com
Hay'adda Danwadaag oo buugaag ugu deeqday
dugsiyo ku yaala Puntland
Hay'adda
Danwadaag Reliefe And Development Organization oo fadhigeedu yahay dalka
Ingiriiska, kana mid ah hay'addaha madaxa banaan ee ka qeybqaata horumarinta
bulsho weynta Soomaaliyeed, gaar ahaan dhinacyada caafimaadka, waxbarashada,
abaaraha, iyo arrimaha bulshada ayaa deeq waxbarasho oo ka koobneyd Buugaag iyo
qalmaan u qeybisay qaar ka mid ah ardayda danyarta ah ee wax ka barta dugsiyada
waxbarashada ee ku yaala gobolada Puntland gaar ahaana magaalooyinka Gaalkacyo
iyo Bacaadweyn.
Wakiilka hay'adda Danwadaag ee magaalada Muqdisho Maxamuud Max'ed Xaaji oo isagu
ahaa mas'uulkii maamulada dugsiyadaasi ku wareejiyay deeqdan qalabka
waxbarashada ayaa sheegay in guddoomiyaha hay'adda Danwadaag C/casiis Yuusuf
Jaamac iyo weliba xoghayaha guud C/xakiin Jaamac Jooje oo iyagu ku sugan
dalkaasi Ingiriiska ay ugu talo galeen qalabkan in ay waxbarashada u fududeyso
ardada da'da yar ee aan awoodin inay gataan buugaagta iyo qalmaanta ay dugsiyada
ku dhigtaan.
Maamuladii
dugsiyada waxbarashada ee ku loo qeybiyay buugaagtaasi ayaa u mahad celiyay
Hay'adda Danwadaag Reliefe And Divolopment Organization oo ay sheegeen inay isku
xil qaantay sidii ay u dhiiri gelin laheyd waxbarashada ardayda Soomaaliyeed,
gaar ahaana kuwa aan awooda u laheyn inay iibsadaan Buugaagta iyo qalmaanta wax
lagu barto, waxaana maamulka dugsiga waxbarashada ee Barda-cad uu sheegay inay
tahay hay'addii ugu horeysay ee deeq waxbarasho soo gaarsiisa dugsigan.
“Intii aan ku guda jiray qeybinta qalabkan waxbarashada, waxaan la kulmayay
baahiyo kala duwan, balse baahida ugu badan ee aan so arkay waxay ka jirtay
dugsiga H/dhexe ee Bacaad-weyn oo ay ka muuqatay ardadada wax kabarata diif aad
u weyn iyagoo aanan heysan dhamaamba qalabkii loogu talo galay iskuul waxbarasho,
sida dayactir la'aan ka jirta dhismaha iskuulka, macalimiinta dugsiga wax ka
dhiga oo aan qaadan wax mushaar ah qaadan kuna shaqeeya si mutadawac-nimo ah”
ayuu yiri wakiilka magaalada Muqdisho u jooga hay'addan Maxamuud Max'ed Xaaji oo
intaasi ku daray in iskuulku Bacaad-weyn ay dhigtaan arday agoon u badan isla
markaana ay u baahan yihiin dharka u gaarka ah waxbarasha ee Unifrm-ka.
Hay'addan Danwadaag Reliefe And Development Organization ayaa iyadu horey qeyb
lixaadleh uga qeyb qaadatay gurmadkii abaaraha ee ku dhuftay gobolada Koonfurta
Soomaaliya, afurinta dad danyar ah oo ku kala sugan magaaloyinka Gaalkacyo &
Muqdisho, waxayna sidoo kale ka qeyb qaadatay Afurinta dadka tabarta yar ee ku
nool xerooyinka qaxootiyada magaalada Muqdisho.
Qore: - Cabdixakiim Jaamaca Jooje
Social Development Adviser
saicentadv@yahoo.com
Madaxweyne C/laahi Yuusuf oo gaashaanka ku
dhuftay casuumaad kaga timid dhiggiisa madaxweyne Qadaafi
Muuse Maxamuud Jiisow
musejisow@hotmail.com
Muqdisho Somaliya
002521576666/002521653623
Madaxweynaha dowladda Federalka Soomaliya Col. C/laahi Yuusuf Axmed ayaa
gaashaanka ku dhuftay casuumaad rasmi ah oo kaga timid dhiggiisa madaxweynaha
dalka Liibiya Al-sayid Mucamar Al-qadaafi taasoo uu ku saabsaneyd ka qeyb galka
munaasabadda weyn ee loo sameynayo sanad guurada aas-aaska Ururka Midowga Afrika
iyo dib u habeynta ururkaas oo ka dhici laheyd magaalada Sirta ee dalka Liibiya.
Madaxweyne C/laahi Yuusuf Axmed oo la soo gaarsiiyay casuumaddan ayaa waxba kama
jiraan ka dhigay kaddib markii uu ka hinaasay casuumada kale ee loo fidiyay
golaha maxaakiimta Islaamiga iyo madaxweynihii ugu dambeeyay ee Soomaaliya C/qaasim
Salaad Xasan oo la ologga ah golaha maxaakiimta Islaamiga oo iyagu haatan ku
sugan magaalada Sirti ee dalka Liibiya kaddib markii ay maalmo ka hor halkaasi
gaareen.
Warar rasmi ah oo aanu ka soo xiganay magaalada
Baydhabo ayaa sheegaya in madaxweyne C/laahi Yuusuf Axmed uu arrintaasi darteed
kaga baaqday casuumaada uu u soo diray qaa'idka liibiya kaddib markii ay kaga
hormareen raggaasi dalka Liibiya, taasi oo uu ka dhigay C/laahi Yuusuf mid aan
waxba ka jirin.
Warku wuxuu intaasi ku darayaa in C/laahi Yuusuf Axmed uu sidoo kale ka
baaqsanayo inuu tago magaalada Newyork oo ah xarunta Qaramada Midoobay ee dalka
Mareykanka, halkaas oo lagu waday inuu kaga qeyb galo kulankii sanadlaha ahaa ee
ururka Qaramada Midoobay ay sanadkiiba mar isugu yimaadaan, iyagoo sanadkii ugu
dambeeyayna madaxweyne c/laahi Yuusuf Axmed si rasmi ah uga qeyb galay kulankaas,
balse haatan aan laga yaabin inuu ka qeyb galo kulankan oo dhici doona 19ka
bishan sida la rajeynayo.
Arrintan iyada ah ayaa loo arkaa inay sii kala fogeyneyso rajada weyn ee laga
qabay in Midowga maxaakiimta Islaamiga ah iyo dowladda Federalka ay isu soo
dhowaadaan iyadoo sida la ogyahayna tiro labo jeer kulan fool ka fool ah ku
kulmay wafdi ka socday labada dhinac, balse haatan ma muuqato wax rajo ah oo
laga qabi karo in heshiisyadii la saxiixay ay fulaan mar haddii uu jiro khilaaf
cad oo muuqda oo u dhexeeya labada dhinac.
Si kastaba ha ahaatee oday C/laahi Yuusuf ayaa si weyn u saluugsan heshiis ka
yimaada dhinaca maxkamadaha Islaamiga, wuxuuna gaar ah uga didsan yahay ninka
sidiisoo kale korneylka ah ee Sheekh Xasan Daahir Aweys oo ay mar hore
siyaasadda ku coloobeen xilligii ugu dambeeyayna uu kaga gacan sarreeyay dagaal
uu la galay.
Xukuumaddii Prof. Geeddi oo la horgeynayo
maalinta Arbacada fadhiga baarlamaanka
Xukuumaddii uu maalmihii la soo dhaafay soo dhisay ra'iisul wasaare Cali Maxamed
Geedi kana koobneyd 67-da wasiir, wasiiro dowle iyo wasiir ku xigeeno ayaa lagu
warramayaa in maalinta Arbacada ah ee soo socota la horgeynayo fadhigii
baarlamaanka si loo ansixiyo oo ay u howl gasho muddada seddaxda bilood ah ee
soo socota oo haatan maalmo ay ka baxeen.
Wararkii ugu dambeeyay ee ka imaanaya magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in ay
suurto gal tahay in xubnaha baarlamaanka federalka Soomaaliya markii la horgeeyo
fadhigooda xukuuma-daas cusub aanay helin codkii ama aqlabiyaddii loo baahnaa,
waxaana la sheegayaa in haatan horay loogu diyaariyay in aan wax cod ah la siin
oo afka ciidda loo geliyo.
Isku dayo fara badan oo la doonayey inaanan sinaba loo horgeyn xukuumadda
fadhiga baarlamaanka ayaa socon wayday, waxaana natiijadu ay noqoto in maalita
Arbacada ah si kama dambeys ah loo horgeeyo fadhiga baarlamaanka ama ha ridaan
ama yaanay ridine, balse waxay saadaashu u badan tahay iyo weliba warar hoose oo
laga soo xigtay qaar ka mid ah xildhibaanadu inaanay marnaba sina u dhaafeyn oo
ay ridayaan xukuumadda uu soo dhisay ra'iisul wasaare Cali Max'ed Geeddi oo
xubnaha baarlamaanku ay si aad ah u saluugsan yihiin.
Wafdigii uu hoggaaminayay Gudoomiyaha
Baarlamaanka Shariif Xassan oo saacado ka hor ka soo degay garoonka diyaaradaha
magaalada Baydhabo
Sept 9: Wafdigii uu hoggaaminayay guddoomiyaha baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh
Aadan ayaa saacado ka hor dib ugu soo laabtay magaalada Baydhabo iyadoo si weyn
loogu soo dhoweeyay isaga iyo wafdigiisa garoonka diyaaradaha ee magaalada
Baydhabo.
Wafdiga uu horkacayo shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa ka soo kicitimay magaalada
Nairobi ee dalka Kenya oo ay ku sugnaayeen 24kii saac ee la soo dhaafay iyadoo
horayna uu uga soo qeyb galeen isaga iyo wafdigiisa shirkii ka dhacay magaalada
Khartoum ee u dhexeeyay dowladda Federalka iyo maxkamadaha islaamiga ee Muqdisho.
Xubnaha uu hoggaaminayo Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa waxaa ka mid ah Wasiirka
Gaadiidka Cirka iyo Dhulka Maxamed Ibraahim Xaabsade, Aadan Maxamed Nuur (Aadan
Saransoor) oo dalka ka maqnaa in ku dhow 4-bilood iyo xubno kale oo horay uga
raacay Guddoomiyaha Magaalada Baydhabo.
Guddoomiye Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo wafdiga uu hoggaaminayo oo uu ka mid
yahay Wasiirka Dastuurka iyo Arrimaha Federaalka C/llaahi Sheekh Ismaaciil ayaa
waxaa si weyn ugu soo dhoweeyay magaalada Baydhabo xubno ka tirsan labada gole
ee dowladda Federalka.
Arintu si kastaba ha ahaatee imaanshiyaha wafdigan ayaa ku soo begantey xili ay
la wareegeen gacan ku heynta garoonka diyaaradaha ee beydhao malleshiyadii horey
looga qabsaday garoonka reer baydho oo taageera mmaxamed Ibrahin Xaabsade iyo
Shariif Xasan Shiikh adan ka dib wadahal mudo dheer socday oo ay ka qeyb galeen
gudi uu magacaabay raiisal wasaare Prof: cali Maxamed Geedi iyo gudi isugu jira
malaaqyo iyo ugaasyo oo ka soo jeeda qeysaska lag laayey malleshiyadii garoonka
diyaaradaha ee baydhabo waxaan isha lagu hayaa wasiirka gadiidka cirka iyo
dhulka Maxamed Ibraahin Xabsade oo 48 saac ka hor ku dhaqwaaqay in cabdulahi
yuusuf iyo ciidamadiisa ay isaga baxaan hadii ay ka bixi waayaana uu xoog looga
saari doono talabada uu qaado
Muuse Maxamuud Jiisow
musejisow@hotmail.com
Muqdisho Somaliya
002521576666/002521653623
Akhri: Warqaddii uu Coleman u
Diray Masjidka Abuubakar
Faafin: SomaliTalk.com | Sept 11, 2006
Qaramada Midoobey oo sheegtay iney xafiisyo ka furaneyso
Muqdisho
»Ma
dhab baa in Miless Sanawi, C/llahi Yuusuf & Sh. Xasan
»Daahir
Riyaale oo ka codsaday Males Sanawi in uu joojiyo…
»Xulka
Qaranka Soomaaliya oo galabta la ciyaaraya xulka …
»Ciidamada
Maxaakimta oo nin ku dilay Xaafadda Black Sea.
»Warsaxaafadeed
kasoo baxay Xisbiga Ramaas...
»Dadwayne
ay ciidammada gumaysigu xidhxidheen...
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Guji... Sept 10
|