Sheeko
soomaali la bagac baxday « goolcas iyo Lax » ayaa si
wanagsan u ga turjimaysa u hanqaltaagida xornimada iyo
madaxbanaanida uu Mohamed Abdulle Hassan tusaalaha ku
dayashada mudan u yahay.
Gool cas ayuu ku soo
dhawaatay xeeyn ido ah, mid ka mid ah idahii oo buurnaa
aadna u culus una bogtay quruxda Goolcasta jeclaan
lahaydna in aay la joogto, ayaa bilowday in aay
Goolcasta cashar u dhigto.
Waa sidee xaalka
qooskiina ( hadaad reer Goolcas tihiin)? marwalba waad
walwalsan tihiin, heegana ugu jirtaan sidii aad isku
badbaadin lahaydeen, Aadanaha ayaa idin u gaarsanaya,
midaa badalkeeda anaga, waa nala xanaaneeyee, nala
difaacaa na loona ka xeeyaa meelaha ugu daaqsin
wanaagsan sidaana waxa inoo sameeya dadka ina dhaqda.
Laxi ma fahmi karto,
ayey ku jawaabtay Goolcastii. Qoyskeena iyo kaada meelna
isakama eka. Waxaynu nahay caruurtii xoriyada dhul
waasicana ku nool. Aniga waxan door bidayaa in aay
naftu iga baxdo anigoo isku badbaadinaya xawaare
sare intii Aadane I dhaqan lahaa cunto igu daldali
lahaa ilaa aan ka cayilo ka dibna uu I dili lahaa
caruurtaydana xasuuqi lahaa. Caqligaygu caqli laxeed
ma’aha.
Rabitaankan adag ee
xornimo & madaxbanaanidoonka oo aay Goolcastani ku
taamayso waxay hurisay Sayidkii, isagoo dadkiisa
hogaaminaya, hardan la galo kii ugu adkaa la galay kuwii
soo duulay kuwaas oo ku dhaqaaqay olale dagaal dhul bad
iyo cirba si aay isaga iyo kacdoonkiisaba cagta u
mariyaan iyogoo isbahheeysi galay isu keenayna awood
tii ugu sareysay. Awoodaasoo aan isaga cabsi galin haba
yaraatee, maxaa yeelay wuxuu ku muujiyay gabay.
Isagoo
aay goobgoobayaan cadow aan naxeenin, hub kii ugu
danbeeyayna ku hubaysan, jiho walbana aay ka soo
weerarayaan askar midabo kale duwan, Tan iyo inta aan
noolahay qalbigaygu cabsi galimeeyso. Ruuxna afkayga
kamaqli maayo erayga kuu hogaansamay.Ummadd dagaalyahana,
ummaddii suugaanta, dadka soomaaliyeed dhamaantood ma
awoodaan waxan ahayn in aay u bogaan xurmeeyaana
Sayidkii tusaalaha dhameystiran u ahaa fikradooda
xornimo iyo badaxbanaanidoonka ah.
Taasina waa sababta aay
dadka soomaaliyeed u raaceen ayagoo waxba aan la harin
wadadii adkeed oo uu usoo bandhigay. Tani waxba uma
dhimeeyso kartidisa dhifka ah ee hogaamiyenimo hadii
aan muujino in aay jirto iscaawin iyo is ogolaansho
layaableh una dhaxeeysa Mohamed Abdulle Hassan iyo
dadkiisa, dadkaasoo muujinaya u bogitaankooda
cadaynayana xurmada aay u hayaan Sayidkii rogrogi jiray
hadalka sidii uu u rogrogi jiray hubka.
Hub culus oo war
isgaarsiineed, dagalyahan geesi ah, Mohamed Abdulle
hassan waa gabyaa weeyn, gabayadiisa qotada dheer wuxuu
u isticmaalay qadiyadiisa waxayna u eg yihiin gabayadii
reer celte (dadkii inta badan Yurub xukumi jiray
qarnigii 1000 aad taariikhda Nabi Ciise CS
hortii) una dabaaldagaya halyeeyadoodii iyo guulihii aay
gaaraan.
Waxa uu tirayaa gabayo
cajiib ah oo kiciya dareenka dhageeystayaasha, isla
markiina la xafidaa oo aay dadku isku gaarsiiyaan af
ilaa dhag afarta jaho ee wadanka. Hadii hab samayska
gabaygu uu farxad galiyo dadka gabay-yaqaanada ah,
nuxurkiisa wuxuu la yimaadaa baaxad weyn oo uu isku
badalaa hub culus oo war isgaarsiineed oo awooda
gumeystaha lagu burburiyo.
Dhab ahaantii gabayada
Mohamed Abdulle Hassan weey ka qoto dheer yihiin gabay
oo kaliya, Waxayna xambaarsan yihiin fariin digniin ah
iyo damaca gumaystaha oo aad moodo in uu maskaxdoodo soo
daalacday. Gabayadan xad dhaafka ah oo ku kala duwan
dhacdada aay ka hadlayaan, erayada hodanka ah oo uu
isticmaalaya ayaa ka dhigaya mid adag in si sahal ah loo
fasiro.
Ayadoo aay sidaas tahay
ayaa waxa jiray , kuwo isaga ka soo horjeeday, qaarkood
aay yihiin hogaamiye dhaqameedyo ama diimeed, dadka
noocaan ah waa kuwa aragti dheer aan lahayn, difaacayana
darajo ama danahooda qaaska ah una arka awooda
Daraawiishta in ay Qatar ku tahay. Kuma aayan dhicin in
si toos ah aay u muujiyaan cadaawadooda ama u babac
dhigaan xooga Daraawiishta, waxayse kula dagaalami
jireen ayagoo ku daba gabanaya hiil iyo hoona siinaya
cadawgiisa (Gumeystaha Ingiriiska).
Sayidku wuxuu ahaa mid
gacan bira kala hortaga kuwa u adeega cadawga qatar
galinaya wadajirka ummadda, mana uusan u dulqaadan jirin
qaa’inu-wadan iyo kuwa lugooya qadiyada uu aaminsanaa in
aay u tahay muqadas soomaali oo idil. Hadii
gacantaada midig aay ku qayaanto goo oo meel fog ku tuur,
tani waa dhaqan ka mida dhaqamadiisa. Nin adadag oo
aan u turin ciqaabta iyo xeerka u yaalana la tiigsada
shaqsi walba oo si kas ah u dayaca balamadii uu galay
ama khalad ula kaca sameeya isagoo aan loo eegeen
darajadiisa iyo meesha uu ka soo jeedo, tani waxay ka
mid tahay tilmaamaha aay nimankii isaga ka soo horjeeday
ku tilmaami jireen sida nin ma naxa ah oo kale, iyagoo
iska indha tiraya sababta aay ku dhacday in arinta
halkaa gaadho.
Xukunkan adag wuxuu
Sayid Mohamed Abdulle Hassan ku riday wiilkiisii uu
isagu dhalay, mar gudi uu ka mid ahaa loo saaray in aay
xukumaan ciqaabna mariyaan han dhaqankii wiilkiisa ,
wiilkaasoo lagu helay in si dayaca aay uga baxsadeen
goor habeena koox maxaabiisa uu ilaalinayay . Danbi
cawaaqib xumo weeyn leh, baxsashada maxaabiistan waxay
ingiriiska u sahlaysaa in uu helo war xogeed qiimo leh
oo uusan abid heli lahayn qasaare culus oo naf iyo maal
ah ka soo gaari karta Daraawiishta kuna saabsan, awooda
iyo meelaha aay ku kala suganyihiin Daraawiishta.
Sayidku waxay la
noqotay in danbi intaa la’eg ciqaabteedu aay tahay un
dil, sidaa ayuuna ugu dhawaaqay xukunkaa uu ku ridayay
wiilkii uu isagu dhalay. Wafdi la xurmeeyo oo
Daraawiishta ka mid ah ayaa u timid Sayidka xusuusiyayna
in wiilka uu xukunku ku dhacay uusan ahayn cid aan
wiilkiisa ahayn, kana dalbaday in xukunka laga qafiifiyo.
“ Adinka xor ayaad u tihiin in kalgacal uu idin qaado
marka wiilashiina danbi aay galeen laga xukminayo,
hadiise aad rabtaan kala danbeyn iyo is ixtiraam in
ummaddu aay ka dhex jirto, sameeya sidii dhamaan aan u
ahaan lahayn kuwa siman cadaalada horteeda”.
Halyeey qaran, waxa
halkani ka soo if baxay shaqsi soo jiidasho leh shaqsi
iimaankiisu iyo fikradihiisuba aay yihiin awood
iftiimaya taas oo uu ku soo jiitay ummadd abaal uga
haaysa u hanqaltaagidiisa qotoda dheer ee xornimo iyo
sharaf difaaca ah, laakiin waxay tani walwal iyo gariir
ku reebtay kuwa ku yimid badii ceeryaamada badneeyd ee
Yurub, ama ka soo dhaadhacay buurihii abasiiniya una
yimid in aay af iyo adinba ka xiraan ummaddan Alle ee
xorta ah, si sahal ahna dhulkooda ula wareegaan.
Shaqsi cajiib ah,
awoodiisa dagaalyahan-nimo marka lagu daro mida
istiraatiijiyadeed waxay amakaak ku riday cadowgiisii ka
soo horjeeday, waxayse farxad iyo reeynreeyn u ahayd
kuna karaar qaadan jiray isaga iyo asxaabtiisa. Liite
adoon Alle ah, nolol maalmeedkiisu waxay ahayd ku
dhaqanka sida ugu adag diintiisa uu amminsanaa.
Dhacdadan yar ama taaladii weyneyd ee bronze ah (nooc
biraha ka mid ah) oo aay ummadda soomaaliyeed Muqdisha
uga taageen xusuustiisa , beertii xoriyada ayaa
muujinaysa dhimashadiisa ka dib in uu yahay lama
ilaawaan.
Mudo ku dhow 15 sano
geeridii Sayidka ka dib, ayaa mid ka mid ah dadkii aadka
isugu dhawaayeen lana shaqeyn jiray isaga, Ismaaciil
Mire gabyaana ah waxa su’aalo weydiiyay shaqaale
ingiriisa, turjumihii soomaaliga ahaa ee aay ingiriisku
wateen ayaa isagoo caga jugleynaya amar ku siiyay
Ismaaciil Mire in uu isticmaalo erayga sir (mudane)
marka uu gaalka u jawaab celinayo ; Ismaaciil Mire
Allaha u naxariistee wuxuu ku jawaabay " Sayidoow afkii
aan ku iri sir ku oran mayo. " (" La bouche qui a
prononcé le nom de sayed ne prononcera jamais le mot
sir. ")
Joornaalku wuxuu soo xigtay buuga lagu magacaabo
(MOHAMED ABDULLE HASSAN ; POETE Et GUERRIER DE LA CORNE
DE L’AFRIQUE),
MOHAMED
ABDULLE HASSAN ; GABYAAGII IYO DAGAALYAHANKII GEESKA
AFRICA, oo aay qortay haweeneeyda la yiraahdo Nicole
Lécuyer-Samantar.
Dhamaad