Wararkii: Sept 14, 2006
- Dowladda Federaalka oo uga digtay in
Maxaakiimta..
- Daahir Riyaale oo Melez
Zinawi ka diiday..
- C/llaahi Yuusuf oo laga
yaabo in uu ka..
- Sheekh Shariif Sheekh
Axmed oo ka codsday..
- Sheekh Xasan Turki “Xamar waxaan uga …”
- Lacag gaareysa 4-Kun oo Doolar oo la
soo…
- 8-Kun oo Askari oo la isku raacay in…
- Max’ed Ibraahim Xaabsade oo loo diray…
- Maxaakiimta oo beeniyey in ay weerarayaan kismayo.
- Libiya iyo Talyaniga iyo Eedayn Dhan ka
ah xuquuqda aadamiga
Dowladda Federaalka oo uga digtay in
Maxaakiimta..
Qaar ka mid ah
Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa waxa ay warqad qoraal ah u gudbiyeen
Guddoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan oo ku aadan in Maxkamadda
Islaamiga ah ay damacsan yihiin in ay weerar ku ekeeyaaan Magaalada Kismaayo,
waxayna Xildhibaanadu sheegeen in haddii ay Maxaakiimtu weeraraaan uu burburi
doono heshiiskii lagu gaary Magaalada Khartuum ee Dalka Suudaan. Guddoomiyaha
ayaa waxa ay xildhibaanada ka codsadeen in ay warqad deg deg ah u qoraan
Jaamacadda Carabta oo uu ugu sheegayo in Maxaakiimtu ay damacsan yihiin in ay
weerar ku qaadaan Magaalada Kismaayo ee Gobalka Jubbadda Hoose.
Xildhibaaanadaasi waxay sheegeen in tikniko iyo ciidan aad u fara badan ay
maalin walba ku sii socdaan agagaarka magaalada Kismaayo, kuwaas oo doonaya in
ay halkaasi ka saaraan Maleeshiyada taageerasan Wasiirka Gaashaandhiga Dowladda
Federaalka Barre Aadan Shire (Barre Hiiraale), hase yeeshee waxaa arrintaasi si
aad ah u beeniyey Taliyaha ciidamada Dooxadda Jubba Max’ed Rooble Jimcaale (Goobaale)
oo sheegay in aysan jirin wax dhaqdhaqaaq ah oo ay Maxaakiimta Islaamiga ka
wdaan Gobalada Jubooyinka, waxa uuna sheegay in dadweynaha ku nool gobaladaasi
ay si aad ah u taageersan yihiin Maxaakiimta Islaamiga ah, sidoo kale mas’uul u
hadlay Golaha Maxaakiimta ayaa waxa beeniyey in Maxaakiimtu dagaalo la damacsan
yihiin Magaalada Kismaayo. “Waxaan dhowreynaa heshiiskii Khartuum, mana dooneyno
in aan ku xadgudubno” ayuu yiri mas’uulkaasi oo sheegay in Maxaakiimtu tagi
doonaan hadba meeshii looga yeero.
Daahir Riyaale oo Melez Zinawi ka diiday..
Iyadoo uu maalmahan magaalada Adis-Ababa ku sugnaa Madaxweynaha maamulka la
magacbaxay Somaliland ayaa hadda warar aanu helnay waxay sheegayaan in Ra’isul
Wasaaraha Dalka Itoobiya uu u soo jeediyey Daahir Riyaale in ay heshiiyaan isaga
iyo Madaxweynaha maamul Gobaleedka Puntland Cadde Muuse si loo dhameeyo xurgufta
u dhexeysa labada maamul.
Ra’isul Wasaaraha Itoobiya ayaa waxa uu sheegay in maamulada Puntland iyo
Somaliland ay yihiin kuwo uu xiriir wanaagsan kala dhexeeyo, isla markaana uu si
aad ah uga soo horjeedo in uu dagaal dhex maro labada dhinac.
Madaxweynaha Somaliland Daahir Riyaale ayaa
Dowladda Itoobiya ku eedeeyay in ay gacan siineyso maamulka Putland, waxa uuna
si gaar ah gacanta ugu fiiqay hubkii dhawaan loo qaybiyey ciidamada Puntland,
waxa uuna u soo jeediyey Dowladda Itoobiya joojiso taageerada ay siineyso maamul
gobaleedka Puntland.
Maalintii doraad ayay ahayd markii halka ay isaga
soo horjeedaan ee Ari-Caddeeye ay Madaafiic isku weydaarsadeen Ciidamada
Puntland iyo kuwa Somaliland.
C/llaahi Yuusuf oo laga yaabo in
uu ka..
Warar aanu ka helnay saraakiil ku dhow dhow Madaxtoonyada Dowladda Federaalka
ayaa waxay sheegayaan in Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed laga cabsi qabo in uu
ka baaqsado shirka ay isugu imaanayaan madaxda wadamada Adduunka oo dhawaan ka
furmaya Magaalada New York ee cariga Mareykanka, shirkaas oo ah shir sanadeedkii
ay isugu imaan jireen madaxda adduunka.
Saraakiishaas ayaa waxay noo sheegeen in sababaha uu C/llaahi Yuusuf u baaqan
karo ay tahay iyadoo weli ay taagan tahay xiisaddii ka jirtay Magaalada
Baydhabo, kaddib markii Wasiirka Gaadiidka Cirka Dhulka Max’ed Ibraahim Xaabsade
uu u sheegay Dowladda in ay si dhaqsi leh isaga guurto Magaalada Baydhabo.
C/llaahi Yuusuf oo haatan dadaal ugu jira sidii uu xalin lahaa xiisaddaasi ayaa
haddii uusan ku guuleysan, waxa uu ka baaqan doonaa shirka Magaalada New York,
warar ayaa waxays heegayaan in laga yaabo in uu New York u ambabaxo Ra’isul
Wasaare Cali Max’ed Geeddi.
Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ka
codsday..
Guddoomiyaha Golaha Fulinta ee Maxaakiimta Islaamiga ah Sheekh Shariif Sheekh
Axmed ayaa ka dalbaday Dowladda Liibiya inay ka hor tagto in Soomaaliya loo diro
ciidamo nabad ilaalin ah oo ka socda Midowga Afrika.
Sheekh Shariif ayaa waxa uu sheegay in Soomaaliya aysan haatan u baahneyn
ciidamo shisheeye, madaama Dalka uu haatan yahay mid 100% aad u xasiloon.
Sheekh Shariif waxa kaloo uu sheegay in haddii ciidamo shisheeye la keeno
soomaaliya ay dhici karto in uu gacan ka hadal dhex maro shacabka Soomaaliyeed
iyo ciidamadaasi, maadaama shacabka Soomaaliyeed aysan marnaba ogoleyn in ciidao
la keeno dalka. Dowladda Federaalka ayaa dadaal ugu jirta sidii Soomaaliya loo
keeni lahaa ciidamo nabad ilaalin ah oo ka socda Wadamada Afrika gaar ahaan
IGAD, hase yeeshee ilaa iyo haatan waxaa aqbalay Itoobiya iyo Uganda.
Sheekh Xasan
Turki “Xamar waxaan uga …”
Sheekh Xasan C/llaahi Xirsi (Sheekh Xasan Turki)
oo ka mid ah Golaha Shuurada ee Maxaakiimta Islaamiga ah oo haatan ku sugan
Magaalada Muqdisho ayaa mar uu waramayey warbaahinta waxa uu sheegay in uu
dhawaan u kicitimi doono Gobalada Jubooyinka, halkaas oo uu sheegay in uu wakiil
uga noqon doono golaha Shuurada, isla markaana gobaladaas uu ka ilaalin doono
waxa uu ugu yeeray Itoobiyaanka iyo ciidamada Uganda.
“Anigu ma ahin qabiili, haddaan qabiil ahay Xamar
kama dagaalameen, ee waxaan xamar uga dagaalamay Islaanimo iyo wadaninimo” ayuu
yiri Sheekh Xasan Turki oo ugu baaqay maamulada Gobalada in ay raacaan Dabaysha
Islaannimo ee ka soo cusboonaatay Wadanka Soomaaliya.
Ugu dambeyntii waxa uu sheegay in uusan duulaan ku
aheyn gobalada Jubbooyinka, balse uu halkaasi wakiil uga noqon doono golaha
Shuurada ee Maxaakiimta Islaamiga ah, waxa uuna u soo jeediyey Shacabka
Soomaaliyeed in ay qaataan kibtaabka Alle.
Sheekh Xasan Turki oo si weyn looga yaqaano
goablada Jubbooyinka ayaa waxa uu sheegay in uu dib ugu laaban dono halkii
markii fariisinka u ahayd ee Raas-Kabooni.
Lacag
gaareysa 4-Kun oo Doolar oo la soo…
Masjidka
Isbahaysiga Islaamka oo ay waxyeelo ka soo gaartay Dagaaladii sokeeye, isla
marakaana dhawaan ay dib u fureen maxaakiimta Islaamiga ayaa waxaa la soo
gaarsiiyey lacag gaareysa 4-kun oo Doolar oo ay ugu deeqeen dad soomaaliyeed oo
ku nool Dalka gudihiis iyo dibaddiisa. Khadiibka Masjidka Sheekh C/raxmaan
Culusow ayaa u mahadceliyay intii soo dirtay lacagtaasi isagoo sheegay in
lacagtaasi ay tahay mid aan ku filneyn masjidka Isnbahaysiga.
“Dadka Soomaaliyeed marka hore ballanqaadyo ayay
sameeyaan haddana ballanqaadyadaasi ma noqdaan kuwo inta badan laga dhabeeyo,
balse waa ay jiraan dad ka soo baxa waxa ay ballanaqaadeen” ayuu yiri Sheekh C/raxmaan
oo sheegay in Masjidku uu u baahan yahay dayactir aad u xoogan.
Waxa uu intaasi raaciyey “ma ahan in masjidka loo
yimaado daawasho oo keliya, ee waxa uu u baahan yahay in hawl la qabto si dib
loo gu soo celiyo bilicdiisii”, waxa uuna shacabka Soomaaliyeed u soo jeediyey
in ay la soo gaaraan wixii tabarucaad ah oo uu masjidku u baahan yahay.
Masjidkaan oo uu dhismahiisa gacan ka gaysatay
Dowladda Sucuudiga ayaa waxyeelo xoogan soo gaartay, iyadoo dhawan roobabkii
xooganaa ee da’ay ay masjidka uga sii dareen.
8-Kun oo Askari oo la isku raacay in…
Waxaa habeenkii
xalay ahaa Magaalada Adis-Ababa lagu soo gebagabeeyay kulan ay isugu yimaadeen
Golaha Ammaanka Qaaradda Afrika, waxaana kulankaasi looga halday sidi soomaaliya
loogu diri lahaa ciidamo nabad ilaalin ah oo gacan siiya Dowladda Taagta daran
ee ku sugan Magaalada Baydhabo.
Golaha waxa uu sheegay in Bisha October
dhamaadkeeda Soomaaliya loo soo diri doono ciidano gaaraya 8-kun oo Askari oo la
sheegay garab istaagi doonaan Dowladda Federaalka, waxaana kulankaan Soomaaliya
uga qaybgalay Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Midowga Afrika C/kariin Laqanyo,
mar uu ka hadlay halkaasina waxa uu sheegay in shacabka Soomaaliyeed ay baahi
weyn u qabaan keenista.
Wadamada Itoobiya iyo Uganda ayaa horey u
ballanqaaday in ay soomaaliya keeni doonaan ciidamo horaanta bishan October,
hase yeeshee waxaa arrintaasi si weyn uga soo horjeeda Maxaakiimta Islaamiga ah
oo sheegay in ciidamadaasi ay qabuuro u noqon doonaan dalka Soomaaliya.
Maanta ayaa la filayaa in golaha Ammaanka Afrika
uu ka doodo qarashka ku baxaya ciidankaasi iyo sidii codsi loogu diri lahaa
Qaramada Midoobey si cunaqabateynta hubka Soomaaliya looga qaado, si ay
Soomaaliya u galaan ciidamo hubeysan, hase yeeshee ma jiro wadan ku yaboohay
qarash.
Max’ed Ibraahim Xaabsade oo loo diray…
Max’ed Ibraahim
Xaabsade oo si weyn uga soo horjeeda Dowladda Federaalka horeyna u sheegay in ay
Baydhabo isaga guurto, ayaa waxaa maalintii shalay ahayd Tuulada Goof-Guduud ugu
tagay Odoyaal iyo waxgarad ka tirsan Beelaha Digil iyo Mirifle waxayna ka
codsadeen in uu u hogaansamo go’aanadii ay dhawaan gaareen ee ahaa in khilaafka
ka taagan garoonka diyaaradaha lagu xaliyo wada hadal iyo is afgarad, maanta
ayaa la filayaa in guddigii Beelaha Digil iyo Mirifle iyana ay gaaraan Tuulada
Goof-Guduud, si ay Wasiirka Gaadiidka iyo Cirka dhulka uga dhaadhiciyaan sidii
uu ogolaan lahaa go’aanadii horey loo gaaray, hase yeeshee Max’ed Ibraahim
Xaabsade waxa uu ku adkeysanayaa in Dowladda ay si dhaqsi leh uga guurto
Magaalada Baydhabo.
Xaabsade oo wata
Maleeshiyooyin iyo Tikniko badan ayaa fariisin ka dhigtay Tuulada Goof-Guduud oo
30-Km u jirta Magaalada Baydhabo ee Gobalka Baay
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail:
amiinkhasaaro@hotmail.com
Midawga
Maxaakiimta islaamiga ah oo beeniyey in ay weerarayaan kismayo.
W/D: Canab Mumtaz
Maxaakiimta
islaamiga ah ayaa beeniyey in ay weerar ku qaadayaan ama ay ku yihiin
magaalada Dakada ah kismaayo,warkan ayaa soo baxay kadib markii safiiirka
dowlada KMG ah ee soomaaliya u fadhiya Dalka Ethiopia oo lagu magacaabo
Abdikariim Farah uu ka sheegay shirka gollaha amaanka ee midawga afrika uga
soconaya magaalada Addis Ababa in Maxakiimtu ay weerar ku yihiin magalada
kismaayo sida ay qortay Wakaalada Wararka ee Reuters.
Maxaakiimta
Islaamiga ah ee Midoobay ayaa ku tilmaamay warkaas inuu yahay mid been abuur
ah oo la damacsan yahay in qalqal lagu galiyo dadka dagan magalada kismaayo
loogana been abuurto Maxkamadaha,Badri hashi oo ka mid ah xafiiska
warfaafinta ee Maxaakiimta ayaa yiri”War uma kama warhayo wax dhaqdhaqaaq
ciidan ah oo jira,mana haysano wax qorshe ah oo aan ku weerarno kismaayo ama
meelo kaleba”Mar uu tilmamay warka Abdikariin Farah uu sheegayna waxa uu
yiri” waxa uu ku hadlayaa Afka Ithiopia”sidoo kale waxaa horey warkaas u
beeniyey taliyaha ciidanka booliiska ee kismaayo.
Af-hayeen u
hadlay Ururka isbahaysiga dooxada Juba oo lagu magacaabo Bille Abdulle ayaa
sheegay in ciidmadooda iyo kuwa maxaakiimta Islaamka ay ka dhexeyso xiririr
wanaagsan iyo wadashaqeyn,dakada magaalada kismaayo waxaa maamulkeeda
gacanta ku haya Isbaysi madax banaan oo lagu magacaabo dooxada Jubba waxaana
hogaamiya Wasiirka difaacada Dowlada Soomaaliyeed ee KMG ah.
Dowladda
Soomaaliyeed iyo Baarlamaankaba oo hadda Fadhigoodu yahay magaalada
Baydhabo waxa ay caalamka ka haystaan aqoonsi buuxa,laakiin waxa ay ku
guuldaraysateen Qorshihii lagu dhisy ee Dib u heshiisiinta iyo dhex galka
buslshada oo saldhig u ah Nabad galyada Wadanka,Kasbasho la'aanta shacabka
iyadoo ay jirtay ayaa haddana waxaa ku soo baxay Xoogagga Maxaakiimta oo helay
kalsoonida Shacabka Soomaaliyeed taasna waxa ay sii wiiqday tababartii
dowlada kana dhigtey mid xittaa magaalada baydhabo iyo xafiisyadeeda Nabad
galyo u weysan.
Wadamada dariska ah ayaa cabsi badan ka
muujinaya Midawga Maxaakiimta Islaamiga ah Gaar ahaan Kenya Iyo Ethiopia oo
labaduba ay aad u adag tahay siyaasadaha kala dhexeeya Soomaaliya marka ay
timaado dhulalka uu gumeysigi Ingiriska siiyey ee Soomaaliyeed haatana ay
dagan yihiin dad asalkoodu Somali yahay,Cabsidaas ka sokow waxaa jirta
feejignaan kale oo ah dhinaca amaankooda iyagoo sii adkeeyey xuduudaha ay la
wadaagaan Soomaaliya kana sii afeeftay Dhaqdhaqaaqa Maxaakiimta Islaamiga
ah.Arrimahan ayaa waxaa sii wehliya wararka sida xad-dhaafka ah oo ay
warbaahinta caalamka ka sheegeen Maxaakiimta taas oo u eg mid hurineysa
xaalad aan sal iyo raad lahayn sida ay horey u sheegeen Qaar ka mid ah
hogaamiyayaasha Maxkamadaha Midoobey.
Canab Mumtaz |
canabmumtaz@yahoo.com
Libiya
iyo Talyaniga oo lagu eedeeyay in ay sixun ula dhaqmeen muhaajiriinta soo
galaysa wadama dooda.Wadamada
Libiya iyo Talyaniga ayaa Haayada u dooda xuquudul insaanka ee looyaqaano
Human Right Watch ay labadaas wadan ku eedaynayaa in ay si xun ula
dhaqmeen muhaajiriinta Africanka ah kuwaasi oo doonaya in ay si sharci daro
ah ku soo galaan dalalaka midowga yurub iyaga oo soo maraya saxaraha Liibiya
si ay u soo galeen yurub.
human Right Watch warbixin ay ka soo
saartay xafiiskeeda New-York ayay kusheegtay in labadaasi wadan waa
Libiya iyo Talyanige ay doonayaan in ay si xoogleh muhaajiriinta ugu
celiyaan wadamadii ay ka yimaadeen taasi oo ka baxsan sharci
muhaajiriinta faraha badan ee ka soo talaabaya badwaynta kuwaasi oo si
sharci daro ah ku sooo galaya xeebaha wadanka Talyaniga si ay halkaasi
uga xamashaan oo ay shaqo uga helaan.
Human Right Watch waxay warbixinteeda ku
sheegtay in ay tahay sababaha ugu wayn ee ay dadkaasi uga soo tagayaan
dhulkooda ay tahay iyaga oo kala kulma jirdil, ciqaab, shaqo la'aan iyo
dhibaatooyin kale oo yaryar taasina ay ku kaliftay in muhaajiriintaasi
ay u talaabaan cariga yurub sida warbixinta lagu sheegay.
Warbixinada ay Human Right Watch ka
diyaarisay muhaajiriinta oo ka koobnayd 135 bog ayaa tan ugu
danbaysay si gaara loogu egayaa sida ay Liibiya ula dhaqanto
muhaajiriinta faraha badanle ee soo galay dalka Liibiya kuwaasi oo gaaraya
145,000 kuwasoo soo intooda badani ay Liibiya soo galeen
wakhtiyadii u dhaxaysay 2003 ilaa 2005, inta badan muhaajiriiinta
soo gaartay Liibiya ayaa ah kuwo ku xir xiran xabsiyada dalkaasi
Liibiya halka qaar kalena ay dacwado ku socdaan.
Hadii dadkaasi si xoogleh loogu celiyo
wadamada Eritrea iyo Somalia aya waxaa muhaajirintaasi soo food
saari akrta cadaadis ah in la dilo ama jirdil loo gaystosida
warbixinta Human Righr Watch lagu sheegay.
Bill Frelick oo Human Righ Watch u
qaabilsan dhinaca siyaasada ayaa yiti Liibiya muhaajiriintu kuma
badbaadayaan iyo kuwa nabad galya donka ah toona waayo sixun ayaa
loola dhaqmaa dadka muhaajiriinta ah, waxana uu wadamada midowga
yurub ku eedeeyay in ay ka gaabiyeen sidii ay Liibiya cadadis ugu
saari lahaayeen sidii ay dadka madowga uga shaqayn lahaayeen
Liibiya taasi oo ay kagamaaarmi lahaayeen u talaabka wadamada Yurub
.Majiro sharci dhinaca
nabadgalya doonka oo ay Liibiya leedahay ayuu yiri Bill Frelick,
Waana wadan ay ku nool yihiiin dad kabadan 5million, halmalyan oo
kale ayaa jira oo ah qaxooti doonaya in ay wadanaasi Liibiya
kunoolaadaan kuwasoo aan haysan hooy iyo hanti kaleba.
Sidoo kalena Human Right Watch
waxay wadanka Talyaniga ku eedaysay in uu wadanakasi si xun ula
dhaqmay muhaajiriin ka soo talaabay badwaynta Mediterranean kuwasi
oo dhamaantood wada African ahaa gaarayayna 2,800 dhamaantoodna lagu
celiyay wdanka Liibiya sida warbixinta lagu sheegay.
human Righ Watch waxay sheegtay in
dadka muhaajiriinta ah ee ka soo talaabaya badwaynta Mediterraneanka
ay soo gaaraan Talyaniga iyaga oo rafaadsan waxayna soo bar
tilmaadsadaan jasiirada Lampedusa oo u dhaw jasiirada kale ee Sicily
halkaasi oo ilaalada xeebaha Talyanigu ay ka soo daad gureeyanaa
dadkaasi muhaajiriinta ah.
Human Right Watch waxay kaloo
warbixinteeda ku sheegtay in Talyanigu uu san dadkaasi u samayn
xeryo waa wayn oo ay ku nafaisaan si ay isaga kal qaadaan culaysak
iyo dadka faraha badan leh ee soo galaya Talyaniga, dhamaan
muhaajiriinta ayaa la geeyaa xeryo yar yar oo ciriiri ah kuwaasi oo
ay ud hinteed nafsad ahaan iyo jimsi ahaanba sida ay Human Right
Watch ku eedaynayso Talyanigana waxay tiri waxaan arintaas ka
xaqiiqsanay in ay jirto haayadaha loo yaqaano NGO oo booqasho ku
tagay jasiiradaha dadka lageeyo ee dalka Talyaniga.
Human Right Watch waxay dawlada
cusub ee Talyaniga ka oo uu hogaamiyo Raisal wasaare Romao Prodi
in aan dadkaasi algu celin wadanka Liibiya oo aanay ku noolaan karin
muhaajiriinta oo aan wadankaasi Liibiya ahayn waan ay muhaajiriintu
ku badbaadi karaan.
A/rizak koronto
Garowe puntland
Goloha
maxaakiimta islaamiga ah oo ciidamadoodii u jiheeyey magaalada kismaanyo ee
xarun goboleedka jubada hoose .
Dhaqdhaqaaqyo ciidan ayaa laga dareemayaa
wadada isku xidha kismaanyo iyo magaalada xarunta ah ee muqdisho taasoo ay
sida wararku nagu soo gaadhayaan ay sheegayaan inay golaha maxaakiimtu ay
ciidamadooda u jihaysan yihiin magaalada kismaanyo .
Sidoo kalena waxaa wararku intaas ku
darayaan inay magaalada duleedka kismaanyo raaskaambooni lagu ururiyey
ciidamo gaadhaya 1500 askari halkaana ay hore ugu ahayd talis sh,xasan turki
oo isagu kamida golaha shuurada maxaakiimta islaamiga ,sidoo kale waxaa
dhaqdhaqaaqyo lamida kuwan laga dareemayaa magaalada kismaanyo oo uu ka
taliyo wasiirka gaashaandhiga dfkmg ah .
Dhaqdhaqaaqyadan ciidan urursi ayaa waxaa
saxaafada u xaqiijiyey xildhibaan axmed deer oo kamida xildhibaanada dfkmg
ah ee kazoo jeeda magaalada kismaanyo ,ayaa sheegay inay iska difaaci
doonaan hadii ay soo weeraraan maxaakiimtu ,isagoo intaas ku daray waxaa
arintani keeni doontaa fool xumo hadii asan ka fiirsan golaha maxaakiimtu
,mar la waydiiyey maxaad ku xaqiijinaysaan in golaha maxaakiimtu kismaanyo u
soo socdaan ayaa waxuu sheegay xildhibaanku waanu ognahayn talaabo kasta oo
ay damacsan yihiin maxaakiimtu waayo waxaa u gacan haadinaya qaar aanu isku
beel nahay oo magaalada kismaanyo ku sugan .
Dhaqdhaqaaqyadan lagu doonayo inay
magaalada kismaanyo soo gasho gacanta golaha maxaakiimta ayaa kusoo beegmay
xili uu taliyaha garoonka magaalada kismaanyo cabaas ay ciidamadiisu ku
dileen ,qaarna ku qabqabteen niman looga shakiyey inay wadeen howlo ka dhan
ah isbaahaysiga dooxada juba ,niamnkan ayaa ka koobnaa 6qofood oo ay
halklaasi ku geeriyooday hal qof halka shantii tii kalena xabasiga loo
taxaabay ,nimankan oo ahaa culimo u badan dhalin yaro ayaan la ogayn sababta
dhabta ah ee ay wadeen waloow ay maamulka magaalada kismaanyo ku tilmaameen
niman u adeegayey golaha maxaakiimta islaamiga ah ee fadhigoodu yahay
magaalada muqdisho.
Dhanka kale warar la isla dhexmarayo ayaa
sheegayo in maxkamaduhu ay ogaadeen in ciidamada igad som ay ka soo degi
doonaan dekeda magaalada kismaayo taasoo saba looga dhigayo in ciidamada
igad som ay saldhiga ugu weyn ee milateri ay ka dhigan doonaan magaalada
kismaayo oo ka kooban bad iyo berri xadna la leh dalka keynya ,
Si kastaba ha ahaatee isbaahaysiga dooxada
juba oo magaalada kismaanyo gacanta ku haya ayaa dhowaanahanba ku kala
jabnaa dhinacyada siyaasada taasoo soo dedejin karta inay golaha maxaakiimta
iyo ciidamada indhocade ay weeraraan magaaladaa kismaanyo ,sidoo kalena
iyadoo uu todobaadadkii nasoo dhaafay uu magaalada muqdisho soo gaadhay
gudoomiye ku xigeenka dooxada juba goobaanle ,isagoo shirar hoosaadyo la
yeeshay golaha maxaakiimta iyo masuuliyiinta uu kamid yahay madaxweynihii
dowladii carta c/.qaasim salad xasan
Muuse maxamuud jiisow
musejisow@hotmail.com
Muqdishosomalia
002521576666/002521653623
Faafin: SomaliTalk.com | Sept 14, 2006

MUXAMMAD
HALOO DIRO AQALKA US CONGRESS
Waxaa xalay oo ay taariikhda
aheyd Sept.12, 2006 ku guuleystay doorashada is reeb reebka
murashixiinta xisbiyada (Primary Election) hogaamiye Muslim ah
... AKhri....
Xaflad
Lagu Taageerayo Ururka Haweenka Horseedka Nabadda iyo Nolosha (HINNA)
9 September, 2006 - Fairfax, Virginia,
United States
 Maalintii
sabtiga ee bishu aheyd 9kii September waxaa lagu qabtay xaflad weyn
oo lagu taageerayo ururka Haweenka Horseedka Nabadda iyo Nolosha (HINNA)
degmada Fairfax, Virginia ee dalka Maraykanka. Xafladda waxaa soo
qabanqaabiyay dumarka Soomaalida ee dagan agagaarka magaalada
Washington, D.C. Waxaa xafladda ka soo qeybqaatay dad badan oo
Soomaaliya oo iskugu jira rag iyo dumar.
Waxaa furay xafladda Ibrahim Sheikh
oo aad ugu mahadnaqay dumarka soo qabanqaabiyay xafladda. Ibrahim
wuxuu si aad ah u xusay kaalinta muhiimka ah oo ey markasta dumarka
Soomaalidu ka qaataan u adeega shacabka Soomaalida gudaha iyo
dibadda wadankaba. Wuxuu Ibrahim hadalka ku wareejiyay Shamsa Ali
Haji oo ku hadleysay magaca dumarka soo qabanqaabiyay xafladda.
Shamaso waxay ka hadashay waqtiga
iyo shaqada badan ee gashay hirgalinta xafladda. Waxay kaloo Shamsa
ka hadashay sida ay ugu riyaaqsanyihiin howlaha ururka HINNA uu
horay u qabatay sidoo kalena ugu hanweynyihiin howlaha HINNA ay
qabandoonto mustaqbalka. Shamso waxay xustay in rayiga taageerada
loogu fidinayo HINNA uu ka dhashay kulan ay dumarku la yeesheen
Xildhibaanad Asha Xaji Elmi waqti ay booqasho ku joogtay gobolka
Virginia ee dalka Maraykanka.
Waxaa kaloo hadlay Habiibo Carale
oo kamid ah dumarkii soo qabanqaabiyey xafladda. Habibo waxay ka
hadashay muhiimadda xafladda iyo taageerada HINNA ay u fidiyeen
dadka Soomaalida ee dagan agagaarka Washington, D.C. Waxay Habiibo
hadalka ku wareejisay Hassan Warsame oo soo bandhigay “presentation”
iskugu jira hadal iyo masawiro oo ka hadlaya aasaaskii ururka HINNA
iyo howlaha aad u faraha badan oo uu uruku qabay mudadii gaabneyd oo
uu dhisnaa. Ugu dambeys waxaa soo xiray xafladda una mahadnaqday
dadkii xafladda yimid iyo kuwii soo qabanqaabiyay Filsan Darmaan oo
ka mid ah qabanqaabiyaashii xafladda.
Guddiga dumaraka ee xafladda soo
qababqasabiyey waxey ka kooban yihiin:
- 1. Shamsa Ali Haji
- 2. Filsan Darman
- 3. Maryan Osoble
- 4. Faduma Omar Mao (Faantooy)
- 5. Ruqia Sheikh Bashir
- 6. Habiba Carale
- 7. Maryan Gacal
- 8. Shukri Abdullahi Caddow
- 9. Vanda Versigla
Ururka HINNA:
HINNA waa urur samafal oo ku
saleysan u adeega shacabka Soomaaliya. Waxaa HINNA aasaasay dumar
Soomaaliyeed si ay wanaag iyo nolol wacan ugu horseedaan shacabka
Soomaalida una raadiyaan dowlad iyo nidaam ku dhisan cadaalad,
sinaan, iyo xaqdhowr. HINNA waxay horkac iyo horseed u tahay sidii
nabad waarta iyo nolol wacan loo gaarsiin lahaa dadka iyo dalka
Soomaaliyeed oo mudda dheer ku jiray colaad iyo bubur.
Ururka HINNA intii uu soo jiray
wuxuu qabtay howlo farabadan oo lataaban karo oo si waanaagsan
usaameeyay nolosha shacabka ku nool Xamar. Waxaa ka mid ah
howlahaas soo celinta nabadda, qaadista isbaarooyinka, furitaan
dugsiyo waxbarasho iyo hospital, kaalmeyn dadkii abaaruhu saameeyeen,
iyo howlo kale oo fara badan.
Ururka HINNA waxaa la aasaasay 28
April, 2003. Ururku wuxuu ka kooban yahay 60 xubnood oo dumar ah.
Madaxda ururka waxaa ka mid ah:
- Amina Abdi Nur ---- Gudoomiye
- Madina Maxamud(General)
- Asha Shacuur Ugaas
- Dhofa Khalif
- Sharifo Addow
- Asha Jofey
Contact:
Nasra Malin
malinnasra@hotmail.com
Xaabsade oo ku gacan seyray dhexdhexaadin uu wadey Gudoomiyaha
Baarlamaanka
»C/llaahi
Yuusuf oo ku sii jeeda Magaaladda New York…
»Geedi
oo dhaleeceyn u jeediyey Dowladda liibiya..
»Ciidamo
xoog leh oo lagu ururinay deegaanada J/Dhexe..
»Shariif
Xasan oo shalay warbixin siiyey Baarlamaanka
»Kulan
dhexmaraya Golaha Maxaakiimta iyo Hayadaha..
»Cadde
Muuse oo Booqaday Cisbitaalka Laascaanood...
»Puntland:
Qiimaha sarifka dollarka oo sare u kacay...
»Talaalka
Cudurka Dabaysha iyo Afrika...
»Iska
Hor-imaad laga soo sheegay Gobolka Sool...
»Ciidamada
Maamulka Somaliland oo Heegan La Galiyay.
»Siyaasiyiinta
Digil iyo Mirifle oo ku kala qaybsamey hadalkii
»Dagaallo
cadowga lagu naafeeyay oo ka dhacay Ogadeenya
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Sept 13
|