Shirkii Suxufiyiinta Qaarada Afrika oo lagu soo gabagabeeyay Magaalada
Rabat ee dalka Morocco iyo Suxufiyiinta Qaarada Afrika oo isku Raacay in
ay Midoobaan
Waxaa lagu soo
gabagabeeyay magaalada madaxda dalka Morooko ee Rabat shirkii
suxufiyiinta ee Qaarada Africa oo ay si wada jir ah usoo wada qaban
qaabiyeen Ururka Suuxfiyiinta Adduunka ee magaciisa loosoo gaabiyo IFJ
iyo Ururka Qaranka Suxufiyiinta Moroko.
Shirkan oo ah kii ugu horeeyay ee
qaarada Africa suxufiyiintooda ay isugu yimaadaan, kaasoo isla markaa ka
dhaca meel ka mid ah qaarada afrika ayaa Soomaaliya waxaa uga qeyb galay
Ururka Qaranka Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee NUSOJ oo xubin buuxda ka
Ururka Suxufiyiinta Adduunka ee IFJ.
Kulanka Rabat oo bilowday maalintii
sabtida aheyd ayaa waxaa looga hadlaayay arrimo dhowr ah oo la xiriiro
xoriyadda saxaafadda ee Qaarada Afrika, xaaladaha shaqo ee suxufiyiinta
qaarada, dhisida urur suxufiyiinta oo ku hadla magaca suxufiyiinta
afrika iyo xiriirka ka dhexeeya ururada kasoo qeyb galay iyo ururka
suxufiyiinta ee adduunka ee IFJ.
Maalintii sabtida aheyd ayaa shirka si
rasmi ah uu u furmay, waxaana halkaasi hadalo kasoo jeediyay Xoghayaha
Guud ee ururka suxufiyiinta Maroko Younis M'jaahid oo kusoo dhaweeyay
ergada shirka dalka Marooko iyo gaar ahaan magaalada Rabat. Younis waxaa
uu sheegay in shirka uu yahay mid afrika ay leedahay, afrika arrimaheeda
looga hadlayo, lana doonayo in afrika codkeeda ku muujiso si wada jir
ah. "Waxaan u baahan nahay in afrikaan ahaan aan noqono dad mideysan,
waxa kaliya ee aan doonayno haddii aan nahay Moroko waa intaa" ayuu yiri
Younis
Furitaankii Shirka ayaa waxaa ka hadlay
Xoghayaha Guud ee IFJ Mr. Aidan White oo sheegay in IFJ ay ku faraxsan
tahay in ay maanta kala qeyb gasho suxufiyiinta Africa sidii ay codkooda
oo mideysan u muujin lahaayeen. Aidan White waxaa uu cadeeyay in ay IFJ
siyaasad ahaan ay dagsatay in ay difaacdo ayna hormariso ururada
suxufiyiinta ee ku ad adag fulinta waajibaadkooda. "Waxaa naga go'an in
aan gabar istaagno saaxibadeyn ee ku shaqeeya xaaladaha qalafsan,
kuligeenana waa in aan gacmaha is qabsano si aan si wada jir ah ugu
wajahno xaalada bulsho, dhaqaale, siyaasadeed iyo isku furfuranta
adduunka (globalization)" ayuu cadeeyay Aidan White.

Warbixin dheer oo uu halkaas ka aqriyay
agaasimaha xafiiska Africa ee IFJ Mr. Gabriel Ayitte Baglo ayuu
tilmaamay in Qaarada afrika ay ka qabteen shaqo aad u culus oo kala
duwan marka la eego baaxadda iyo gobol hoosaadyada ay ka shaqeeyeen ee
galbeedka afrika, bariga afrika, afrikada koofureed, bartamaha afrika
iyo waqooyiga afrika. Gabriel waxaa uu ku sheegay warbixintiisa in
galbeedka Africa ururadooda ay la xarbinayaan sidii ay u heli lahaayeen
heshiis wada jir ah oo ku saabsan xaaladaha shaqo ee suxufiyiinta ka
howl gala 16ka dal ee gobol hoosaadkan kaasoo loo gudbiyo urur
goboleedka ay ku mideysan yihiin dalalkaas ee la yiraahdo ECOWAS si ay
madaxda dalalkaas u ansaxiyaan oo markaa wixii ka dambeeya lagu saleeyo
heshiisyada shaqo ee dalalkaas.
Mar uu Gabriel ka hadlayay bariga
afrika ayuu tilmaamay in Ururka Suxufiyiinta Uganda uu helay aqoonsigii
uu ku shaqeyn lahaa si sharci ah, kadib sanado dheer oo ay sugayeen. Dalka
Kenyana waxaa uu sheegay agaasimaha afrika in uu kasoo kabtay
qalalaasihii dhinaca hogaanka ee heystay ururka bishii March ee sanadkan.
"Waxaan noo farxad ah in uu shirka maanta nagala qeyb galayo Mr. Eric
Orino oo ah Xoghayaha Guud ee ururka suxufiyinta Kenya" ayuu ku daray
Gabriel hadalkiisa.
Gabriel Baglo waxaa uu sidoo kale
sheegay in Ururka Qaranka Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee NUSOJ uu shaqo
adag ka hayo dalka gudhiisa ayadoo uu dalku ku jiro xaalado aad isu bad-badalayo
siyaasad ahaan iyo nabadgelyo ahaan. "IFJ iyo NUSOJ intii ay wada
shaqeynayeen, Soomaaliya wax badan ayaan ka qabanay oo aan ka baranay"
ayuu yiri Baglo. "Waxaan ku faraxsanahay in aan idin sheego in ururka
suxufiyiinta Soomaaliyeed ee NUSOJ uu ka mid yahay ururada ugu
firfircood ee qaarada waana tusaale fiican in Soomaaliya oo fowdo ay ka
jirto uu ururkiisana si xoog leh u shaqeynayo". Waxaa uu sheegay in
Soomaaliya xoogga la saarayo difaacitaanka xoriyada saxaafadda iyo
nabadgelyda suxufiyiinta oo ah mid aad khatar ku jirta.
Xoghayaha Guud ee NUSOJ Cumar Faaruuq
Cismaan ayaa shirka uga warbixiyay xaalada ay ku sugan yihiin
suxufiyiinta Soomaaliyeed iyo sida NUSOJ ay u wajahayso xaaladaha kala
duwan ee dalka ka jira. Cumar Faaruuq waxaa uu tusaaleeyay in meelo
badan la isaga dayayo in xoriyadda saxaafadda laga caburiyo laakiin ay
ka go'an tahay in ay difaacaan.
Shirka oo
lasoo gabagabeeyay maalintii Isniinta aheyd ayaa waxaa ay isku raaceen
in la dhiso urur ay leeyihiin suxufiyiinta qaarada afrika kaasoo si
rasmi ah uga hadla suxufiyiinta Qaarada, waxaana loo saaray guddi
arrintaas kasoo baaran daga oo dib uga soo laaban doono ururadii
afrikaanka ahaa. Waxaa loo jeediyay in IFJ ay kordhiso dadaalkeeda ku
aadan dhisida iyo xoojinta ururada suxufiyiinta. Sidoo kale waxaa la
isku raacay in ol ole loo qaado sidi loo sii deyn lahaa suxufiyiinta
waqtigan xiran oo ay ka mid yihiin suxufiyiinta ku xiran Ethiopia iyo
Eritrea.