SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Wararkii Sept 21, 2006
  • Saraakiil CIA ah oo ku sugan Magaalada Garoowe kuna soo jeeda..
  • Qaraxii ka dhacay Baydhabo oo laga yaabo in uu soo dedejiyo in soomaaliya..
  • Puntland oo si kulul u beenisay in dad Digil iyo Mirifle ah si xun loola dhaqmey..
  • Madaxwene C/llaahi Yuusuf oo Gebi ahaan joojiyey safarkiisii…
  • Ururka SOYWA oo qabtay siminaar ku saabsan Xaquuqda
  • Taliyaha Saldhiga Garowe oo wax kamajiraan ku tilmaamay qoraal
  • Golaha deegaanka Degmada Boocame oo doortay gudoomiye iyo kuxigeenkiisii.
  • DAGMADA BALCAD OO NASIIB U YEELATEY IN LAGA FURO DUGSI SARE

Saraakiil CIA ah oo ku sugan Magaalada Garoowe kuna soo jeeda..

Wararka ka imaanaya maamul Gobaleedka Puntland, waxay sheegayaan in saraakiil ka tirsan CIA-da Mareykanka oo ka kooban lix sarkaal ay haatan ku sugan yihiiin xarunta maamul Gobaleedka Puntland, waxayna halkaasi kulamo kula leeyihiin saraakiil iyo mas’uuliyiin ka tirsan maamul Gobaleedka Puntland.

Arrimaha ugu waaweyn oo ay isla soo qaadeen ayaa lagu sheegay sidii wax ogaan lahaayeen dhaqdhaqaaqa argagixiso ee ka jira geeska Afrika, gaar ahaan maamul Gobaleedka Puntland.

Saraakiishaas oo si aad ah loo ilaalinayo ayaa waxaa sugayaan madaxweynaha Maamul Gobaleedka Puntland Gen. Cadde Muuse oo weli ku sugan deegaano ka tirsan Gobalka Sool, waxaana la filayaa in Cadde Muuse uu soo gaaro Magaalada Garoowe maanta.

Saraakiishaan ayaa la filayaa in ay u ambabaxaan magaalada Baydhabo si ay wax uga ogaadaan qaraxii dhawaan lala beegsaday Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed oo la doonayey in lagu qaarijiyo.

Qaraxii ka dhacay Baydhabo oo laga yaabo in uu soo dedejiyo in soomaaliya..

Kaddib markii 18-kii bishan qarax lala beegsaday Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa warar aanu ka helnay mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda waxay sheegayaan in qaraxii ka dhacay magaalada Baydhabo uu soo dedejinayo in ay soomaaliya soo galaan ciidamo ka socda wadamada IGAD.

Waxaa shalay magaalada Baydhabo soo gaaray sarakiil ka socota Itoobiya iyo Uganda, kuwaas oo durbadiiba kor meeray goobaha ay ciidamadooda dejinayaan.

Warku waxa uu intaa ku darayaan in ciidamada ugu horeeya ay soomaaliya soo gaari doonaan horaanta bisha october, waxaana marka hore soo galaya sida lagu waramay ciidamada Itoobiya, oo haatan ku diyaar garoobaya xuduuda u dhexeysa Soomaaliya iyo Itoobiya.

Qaar ka mid ah wadamada IGAD ayaa horaantii bishan waxay isku raaceen in soomaaliya loo diro ciidamo nabad ilaalin ah.

Puntland oo si kulul u beenisay in dad Digil iyo Mirifle ah si xun loola dhaqmey..

Afhayeen u hadlay maamul Gobaleedka Puntland ayaa si kulul u beeniyey warar ay baahiyeen qaar ka mid ah warbaahinta oo sheegayay in dad u dhashay beelaha Digil iyo Mirifle oo ku sugan Maamul Gobaleedka Puntland si xun loola dhaqmay, waxa uuna afhayeenku warkaasi ku tilmaamay kuwo la doonayo in la isaga hor keeno bulshada Soomaaliyeed.

”Dadka u dhashay Digil iyo Mirifle ee ku sugan Puntland waa dad gobaladoodii jooga wax dhib ah oo nagala dhexeeyana ma jiraan” ayuu yiri Afhayeenkaasi oo sheegay in la isugu xiri karin qaraxii ka dhacay Baydhabo iyo la dhibaateeyo dadka u dhashay beelaha Digil iyo Mirifle. (Warar dheeraad ah oo arrintan la xiriirta hoos ka akhri).

Madaxwene C/llaahi Yuusuf oo Gebi ahaan joojiyey safarkiisii…

Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed oo dhawaan ka badbaaday isku day dil ayaa warar aanu ka helnay madaxtoonyada magaalada Baydhabo waxay sheegayaan in madaxweynuhu uu ka baaqsaday kulan madaxeedkii Qaramada Midoobey oo sanad walba waqtigaan la qabto.

Madaxweynaha oo la filayey in uu u ambabaxo Magaalada New York ee Cariga Mareykanka marka Xukuumadda Federaalka ay codsi kalsooni ah ka hesho dowladda, hase yeeshee Madaxweynaha ayaa qarax lala beegsaday, taasina waxay keentay in uu gebi ahaanba ka baaqsado ka qaybgalka kulankaasi.

Madaxweyne C/.llaahi Yuusuf ayaa haatan waxaa la filayaa in uu xaliyo dhibaatooyinka ka taagan Magaalada Baydhabo ee u dhexeysa dadka deegaanka iyo waliba Dowladda Federaalka, kaddib markii ciidamo taabacsan Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed ay garoonka Baydhabo ku dileen ilaa iyo todobo ruux oo ka tirsan maleeshiaydii ku sugneyd garoonkaasi, sidoo kael madaxweynaha ayaa u baaqday isagoo maalmaha soo socda qaabi doona wufuud kala duwan oo ka imaaneysa dalka dibaddiisa.

Ururka SOYWA oo qabtay siminaar ku saabsan Xaquuqda

Maalintii shalay ahayd ayaa xarunta Ururka SOYWa waxaa lagu qabtay siminaar ay soo qabanqaabisay Ururka SOYWA iyadoo gacan ka heleysa Hay’adda NOVIB, waxaana ka qaybgalay ilaa iyo 20 qofood oo ka socday ururada dhallinyarada.



Siminaarkaan oo lagu baranayey cashiro la xiriira xaquuqda Haweenka ayaa waxaa cashiro ka bixinayey AVV. Sakeriye, C/llaahi Shaashaale iyo C/Naasir Yuusuf Macallin (Ganey), waxayan dhamaantood si aad ah ugu dheeraadeen tacadiyada loo gaysto Haweenka Soomaaliyeed.

Xabiibo Max’ed Guutaale oo ah madaxa tababarada Hay’adda SOYWA ayaa soo xirtay siminaarkaasi, waxayna u soo jeedisay in xubnihii ka qaybgalay siminaarkaasi ay casharadii ay halkaasi kabarteen uga faa’iideeyaan gabadha kale ee Soomaaliyeed, siminaarkaan oo socday mudo labo maalmood ayaa aheyn midkii ugu horeeyay oo uu qabto Ururkaasi

W/D; Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail: amiinkhasaaro@hotmail.com 


Garowe: Taliyaha Saldhiga garowe oo wax kamajiraan ku tilmaamay qoraal ku soo baxay qaar ka mid ah shabakad wareedyo somali leedahay, run sheeg dadkuba ha ku necee.

Taliyaha saldhiga garowe Gaashaanle sare Cabdi Gaani ayaa wax kamajiraan ku tilmaamay qoraal ay soo bandhigeen qaar ka mid ah shabakada wareedyada somalida  oo ka dhan ahaa dacaayado wax loogu dhimayo amaanka iyo nabadgalyada  ka jirta puntland.

Waxana uu taliyuhu sheegay in shabakad wareedyadaasi ay yihiin kuwo wax iska buun buuninaya oo aan xaqiiqda somalida u bandhigayn oo been lagu bartay, warkooduna yahay been aan sal iyo raad toona lahayn.

Taliyaha saldhiga garowe ayaa intaas ku daray inaysan jirin cid u dhalatay deegaanada Bay iyo Bakool oo wax yeelo loogaystay waxana uu sheegay in warkaasi uu yahay mid ay  shabakadkaasi iska qoreen iyaga oo cabiraya fikirkooda taliyaha ayaa ugu baqay guud ahaan somalida in ay alle ka cabsoodaan oo ay wax walba runta ku dabakhaan intii ay samayn lahaayeen been dadku ku nicilahaa run sheeg dadku haduu dono hakugu necee ayuu yiri taliyuha saldhiga garowe Cabdi gaani

Websiteyo ayaa lagu soo daabacay qoraalo wax loogu dhimayo amaanka iyo nabad galyada la isku halaynkaro ee 15 sano ee somalia ay ka taagnaayeen qaska iyo jahwareerka siyaasadeed  iyo dagaaladuba ahaa goobo nabad galyo si wayna ay soomalidu  ugu soo jabtay ilaa maantana aan wax dhib ah loogu gaysan dadka ka soo jeeda koonfurta somaliya isla markaana ka xamaalanjiray magaalooyinka waawayn ee puntland qaakoodna ku haystay ganacsi yar yar  oo ay kala soo baxaan qutulyoonkooda isla markaana ay ka samaysteen guryo ay mulki ahaan u leeyihiin oo aan cidina ku haysan.

Dadka D&M ayaa ah kuwo si wayn looga qadariyo deegaanada puntland oo aan wax dhib ah loo gaysan waxayna dadkaasi ku ahystaan deegaanada puntland hanti  isugu jirta guurto iyo maguurto waxayana si wayn magaalooyinka  puntland uga dhisteen guryo dhagax ah oo ay mulki ahaan leeyihiin.

Si kastaba waxaa la isla dhexmarayaa xaalad abuurka ay wadaan qaar ka mid ah warfaafinta somalida gaar ahaan kuwaas aan kor ku soo sheeganay oo iyagu soo bandhigay qoraalo wax loogu dhimayo amaanka puntland waxaana la is waydiinayaa halka ay ka keenee warkaas ay ku soo bandhigeen shabakad wareedyadooda oo ah kuwo been abuura oo wax loogu dhimayo amaanka puntland.

Boocame: Golaha deegaanka Degmada Boocame oo doortay gudoomiye iyo kuxigeenkiisii.

Xaflad si wayn loo soo agaasimay oo uu ka  qayb galay Madaxwaynaha DGPl Admeral General: Cade Muuse ayaa lagu dhisay gole deegaan kadibana ay halkaasi ku doorteen gudoomiye iyo ku xigeen.

Golaha degaanka ee degmada boocame,  ayaa lagu dhaariyey xubnihii golaha degaanka kaasi oo ka koobnaa 19xubnood oo labo haween ay tahay,waxayna halkaasi  ay isla markiiba ku doorteen guddoomiye iyo ku xigeenkiisii doorashaduna ay ahayd hab gacan taag ah ayaa waxaa isu soo taagay doorashada gudoomiye nimada golaha deegaanka degmada Boocame 1 xubin oo ka mid ahaa golaha degmada kaasi oo helay  16 cod, siciid jaamc dhaaye oo isagu ahaa musharax kaliya oo aanay cidi la tartamayn,

Sidoo kalena waxaa isu soo taagay gudoomiye kuxigeenka golaha deegaanka Degmada Boocame in uu noqdo 1hal murashax kaasi oo lagu magacaabo Maxamuud Xirsi Manaf oo helay isna 16 cod oo aan cidna kula tar tamin waxaana halkaasi kaga dhawaaqay natiijadii doorashada   gudoomiyaha iyo ku xigeenkiisa  ayaa waxaa halkaasi kaga dhawaaqay wasiirka dawladaha hoose iyo hormarinta reermiyiga ee DGPL Cali cabdi awaare oo isagu ah gudoomiyaha gudiga doorashooyinka dawlada hoose ee deegaanada Puntland.

Ugu dambayntii ayaa waxa halkaasi ka hadlay madaxweynaha DGPL Gen: Cade muuse   oo mahad celin u soo jeediyey shacbka ku dhaqan degmada Boocame oo uga mahadceliyay sidii diiranayd ee ay u soo dhaweeyeen madaxwaynaha iyo wafdigiisii la socday waana uu intaa ku daray in uu Boocame u yimid sidii uu indhihiisa ugu arki lahaa xaalada ka jirta degmada Boocame isla markaana wax looga qaban lahaa wixii dhib iyo hormarla'aan ah ee ka jira degmada Isaga oo madaxwaynuhu balan qaaday in uu wax badan ka qabanayo hormarka degmada Boocame waxana uu markiiba booqasho ku tagay dhaw goobood oo degmada muhiim u ah sida  isaga oo madaxwaynuhu dhagax dhigay MCH ka magaaalda islamarkaana soo kormeeray halka la damacsan yahay in laga dhiso dugsiga sare ee degmada Boocame ay yeelan doonto mustaqbalka iyo ceelka biyaha degmad oo uu madaxwaynuhu sheegay in uu aad u dayacan yahay loona baahan  yahay in wax la gaqabto.

Degmada Boocame ayaa noqonaysa Degmadii 8aad ee laga hirgaliyo golayaasha deegaanka degmooyinka gobalada puntland iyaga oo ay horay u jireen ku ka horeeyay demagaan oo mar horeba yeeshay golayaasha deegaanka degmooyinka, hase ahaatee waa markii ugu horaysey ee gobalka  Sool degmo ka tirsan laga hirgaliyo Golayasha deegaanka.

A/rizak koronto
Garowe puntland


DAGMADA BALCAD OO NASIIB U YEELATEY IN LAGA FURO DUGSI SARE

Saminaar Socon Doono Mudo Sadax Cisho Ah Ayna Ka Qeyb Galeen Macalimiintii Ugu Horeysay Oo Wax Ka Dhigaya Dugsiga H/Dhexe Iyo Sare Ayaa Si Rasmi Ah Uga Furmay Xarunta Cayaaraha Kubada Teeniska Ee Dagmada Balcad , 

Saminaarkaan Oo Furitaankisii Ay Ka Qeyb Galeen Mas.Uuliyiinta Dagmada Balcad .Qaarka Mid Ah Ganacsatada .Waxgaradka .Iyo Culumaa.Udiinka Ayaa Waxaa Ugu Horeyntii Ka Hadlay Gudoomiyahay Siyaasada Xamar Iyo Xamar Daye Ahna Gudoomiyaha Dagmada  Balcad Macalin Xaashi Macalin Farax , Iyo Gudoomiyaha Maxkamada Islaamiga Ah Ee Dagmada Balcad Sh : Cali Sh: Maxamuud Shuuriye .Gudoomiye Ku Xigenka Dagmada Balcad Abuukar Adan Celi .Ugaaska Dagmada Balcad Ugaas Maxmuud Weli Ugaas Xuseen .Nabadoon Tahliil Axmed Ceynte .Iyo Ganacsade Maxaaday Cali Waranle Iyo Mas.Uuliyiin Kale Iyaga Oo Si Faahfaahsan Uga Hadlay Baahida Loo Qabo In Dib Loo Yagleelo Hanaankii Waxbarasho Ee Dagmada Balcad Oo Xaalada Murugaleh Ku Jiray Mudo Lix Iyo Toban Sano Ah Iyo Baahida Ay U Qabaan Dadka Ku Dhaqan Dadka Degan Balcad Dhinaca Waxbarasgada Iyaga O Xusay In Dagmada Balcad Ay Haatan Fursad Qaali Ah U Heshey In Ay Ka Bilowdaan Howlihii Waxbarasha Aasaasiga Ahaa Ka Dib Markii Maamulka Dagmada Balcad Iyo Dadweynaha Oo Kaashanaya Jaaliyadaha Somaliyeed Ee Ku Abtisada Dagmada Balcad Ay Iska Kashadeen In Ay Dib U Distaan Una Dayactirteen Goobihii Waxbarashada ,Maantana Ay Tahay In Macalimiintii Ugu Horeysay Ee Wax Ka Dhigi Laehyd Dugsiga H/Dhexe Iyo Sare Ee Dagmada Balcad Loo Furo Saminaarkii Ugu Horeeyey Oo Ay Ka Qeyb Galaan 12 Macalin Waxyna Ka Codsadeen In Ay Ka Faaiidaystaan Mudada Uu Saminaarkaan Socdo Iyaga Oo Si Gaara Ugu Mahadceliyey Qaarka Mid Ah Jaaliyadahaas Oo Ay Ka Mid Yihiin Yasiin Maxi Iyo Abuukar Cali Geedi Oo Iyagu Si Gaara Isaga Xil Saaray In Uu Najaxo Dugsiga H/Dhexe Iyo Sare Ee Dagmada Balcad ,  

Mas.Uuliyintaas Oo Ka Hadashay Furitaanka Saminaarkaas Oo Uu Ka Mid Ahaa Macalin Xaashi Maxamed Faarax Ayaa Ugu Baaqay Jaaliyadaha Ku Dhaqan Dalka Dibadiisa Ee Ka Soo Jeeda Deegaanka Balcad Iyo Nawaaxigiisa Iyaga Oo Ka Faaiidaysanaayo Nabada Haatan Ka Jirta Dalka Gar Ahaan Tan Balcad In Ay Dalkooda Iyo Deegaanadooda Ay Maalgashadaan Una Abuuraan Fursado Shaqo Iyo Kuwo Waxbarasho Sida Haatanba Ay Talaabad Koowaad Ay U Qaadeen Ayna Ku Ekaan Oo Keliye Waxbarashada Ee Ay Xooga Saaraan Dhinacyada Kale Ee Cafimaadka .Ganacsiga Wax Oosaarka Warshadaha .Xoolaha Yo Beeraha , 

Gudoomiyahay Maxkamada Islamka Ah Ee Dagmada Balcad Sh: Cali Sh: Maxamuud Shuuriye Ayaa Isne Ku Dheeraaday Faaiidada Waxbarasgada Iyo In Aysan Iku Mid Aheyn Ruuxa Waxyaqaan Iyo Ruxa Aan Waxba Aqoon Uuna Ku Guubaabiyey Macalimiinta Uu Siminaarku U Furmay Xiliga Duruustu Ay Socoto , 

Munaasibadaas Oo Aheyd Mid Si Wanaagsan Loo Soo Agasimay Ayaa Waxaa Lagu Wadaa In Maalinta Bei Ah Loo Soo Gabagabeeyo Macalimiintaas Iyada Oo Todobaadka Soo Socdana Lagu Wado In La Furo Dugisga H/Dhexe Ee Dagmada Balcad  

Muuse Maxamuud Jiisow
musejisow@hotmail.com
Muqdisho Somalia
0025215766663/002521653623


Safaaradda Liibiya ee Soomaaliya oo qabatey xuska Sanad guurada 37 aad ee kaacaanka Liibiya

Waxaa habeenkii xalay ahaa hotel shaamow ee Magaaladda Muqdisho lagu qabtay Xaflad si heer sara ah loo soo agaasimay waxaana lagu xusayey sanad-Guuradii 37aad ay ka soo wareegtay kacaankii Liibiya,waana markii uu xukun la wareegay Hogaamiyaha Liibiya Macamaral-Qadaafi waxaana ka qaybgalay Mas’uuliyiin ka socotay Maxkamadaha Islaamiga ah, Aqoonyahanno, iyo marti sharaf kale, waxaana ugu horreeyntii halkaas warbixin ka soo jeediyey safiirka Liibiya ee Soomaaliya Mudane Idiris wuxuuna sheegay in Shacabka Liibiya iyo Shacabka Soomaaliya uu ka dhaxeeyo xiriir soo jireen ah waxa uu sheegay in Dowlada Liibiya ay gargaar balaaran siisay Shacabka Soomaaliya gaar ahaan waqtigii ay socdeen dagaalada sokeeye, Mudane Idiris waxa uu sheegay in Dowlada Liibiya ay weli diyaar u tahay in ay sii wado gacansiinta Shacabka Soomaaliyeed.

Mudane Idirs wuxuu sheegay in Hogaamiyaha Liibiya uu haatan wado sidii afrika isugu keeni lahaa oo ay u yeelan lahayd, Gole Baarlamaan,Ciidamo qura, lacag kaliya , Baasaboor kaliya, wuxuuna sheegay in Hogaamiyayaasha Afriga ay si aad ula dhacsanyihiin qorshayaas uu wado Hogaamiyaha Liibiya.



Wax kaloo halkaaas ka hadlay Dr. Max’ed Cali Ibraahim oo ku hadlay magaca Maxkamadaha Islaamiga waxa uuna sheegay in Dowlada Liibiya ay waligeed garab taagneyd Shacabka Soomaaliyeed asagoo sheegay Dowlada Liibiya ay tahay Dowlada kaliya ee safaaradeedu ka furan tahay Soomaaliya xilli ay Shacabka Soomaaliyeed ay ku jireen dagaalo sokeeye, waana mid Mahadeedu uu leeyahay Hogaamiyaha Liibiya, waxaa kalo ka hadlay Shiikh Axmed dhicisow oo ku hadlayey Magaca Culuma’uddiinka Soomaaliyeed wuxuuna sheegay in Dowladaha Liibiya iyo Suudaan ay ahaayeen kuwa kaliya waligood garab taagnaa Shacabka Soomaaliyeed, xilli ay ummadda Soomaaliyeed ay ku jirtay dhibaato.

Sidoo kale waxaa ka hadlay Dr. Maxamed dheere uu ku hadalyey magaca aqoonyahannada Soomaaliyeed wuxuu sheegay in Dowlada Liibiya aysan horay u helin dad la macaamilooda balse maanta wuxuu sheegay in ay heystaan dad ay la Macaamili karaan asagoo ula jeeday Maxkamadaha Islaamiga ah. Ugu dambeyntii waxa Toortihii xuska si wada jir ah u wada jary Shiikh Yuusuf Max’ed siyaad indhacadde, Safiirka Liibiya Mudane idiris, iyo Dr. Max’ed Cali ibraahiim, waxayna xafladaasi ku dhamaatay sidii loogu talagalay.

W/D; Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail: amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Sept 21, 2006

»Kahortagga Khilaafka (Bilowga Ramadaanka)

Safaaradda Liibiya ee Soomaaliya oo Qabatey Xaflad Sanad guurada 37aad ee kaacaanka Liibiya
»Gawaari ay leeyihiin Xubnaha Dowlada oo loo Adeegsadey
»Ururka IGAD oo qabanaya kulan looga haldayo..
»Jaamacadda Carabta oo wal-wal ka muujisay..
»Wasiirada Arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo..
»Hay’ado iyo Ururo cambaareeyay Qaraxyadii…
»Garoowe: Dawlada hoose  oo bilowday hawlo lagu sifaynayo
»Maxakamadda Nuurul Islaam oo Saldhig Ka Sameysatey..
»Gabdho lagu xidhxidhay magaalada Jigjiga...
Wararka oo dhan ka akhri... Guji.. Sept 20

Warbixin dheer oo ku saabsan Qaraxyadii  ka dhacay Magaalada Baydhabo
»Cabdulaahi Yuusuf oo ka Hadley…
»Cali Maxamed Geedi oo Qaraxaasi Dusha u saariyey ..
»Shiikh Shariif oo qaraxaasi ku Tilmaameyin ay ka dambeysey
»Qaramada Midoobey oo Cambaareysey…
Wararka oo dhan ka akhri... Sept 19

Garoowe: 170 Macalimiin ah oo wax kadhiga Gobalka Nugaal oo Tababar Loo furay
»Xisbiyada is beddel doonka ah oo ku soo gabagabeeyay..
»Golaha Samafalka iyo hormarinta Soomaaliyeed oo soo..
»Warbixin kooban: Furitaanka Buhoodle Airport iyo...
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Sept 19

Maalinta Masaajida Denmark oo sannad kasta la qabto 17 September

Warabixin: Qaraxyadii lala Beegsaday Madaxweynaha DFKMG
Baydhabo:  Madaxweyne C/laahi Yuusuf ayaa ka badbaadey qaraxyadaas, waxaana halkaas ku... warka oo dhan...


Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


MINNEAPOLIS::: ARDAY QALIN JEBISEY:::::::: GUJI [WARAR HORE]


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD