Guddi loo xilsaaray in ay soo dhameeyaan khilaafkii ka dhasahy Natiijadii
Imtixaanak sanad dugsiyeedka sanadkan ayaa maanta warbixin ay soo saareen ku
soo bandhigay qoraal dheer oo mudo qatay warbin dheer oo u qoranyd sidatan.
Ku: Madaxwaynaha DGPL Date:
19/09/2006
Ujeedo: Go’aankii Guddiga Dib U Eegidda Imtixaanka
fasalada Afraad ee Dugsiga Sare ee Gambool
Tix raac warqada sumadeedu tahay M/WDPS/696/06, File No: 1, kuna
taariikhaysan 070/9/2006, kuna saabsanayd magacaabid guddi.
Hadaba markii ugu horaysay oo ay gudigu isu yimaadeen oo ahyd
12/09/2006,ayaa wuxuu guddigu samaystay jadwal shaqo oo ahaa sedan.
- 12/0906 in lagu sameeyo akhris guud oo tifaftiran warbixinta UNESCO ay
soo gudbisay.
- 13/09/06 in dib loo eego imtixaankii maadada taariikhta
- 14/09/06 in dib loo eego imtixaankii maadada xisaabta
- 15/09/06, jimce
- 16/09/06 in dib loo eego imtixaankii maadada fisigiska
- 17/09/06 in dib loo eego imtixaankii maadada bayolojiga
- 18/09/06 in dib loo eego imtixaankii maadada kimistariga.
Iyadoo madasha uu guddigu ku shaqaynayey ay ahayd xafiiska Guddoonka
waxbarashada Gobalka nugaal oo amaankiisa la sugay.
Hadaba mudane madaxwayne waxaanu halkaan kuugu soo gudbinaynaa wixii aanu
kala kullanay ka guddi ahaan hawshii naloo xilsaaray.
· Markii ugu horaysay oo aanu waydiinay furayaashii imtixaanka khaas
ahaan maadada taariikhda (key of the marking scheme) qoyaha UNESCO waxay noo
sheegeen in aysan hayn furayashii imtixaanka oo ay jiraan Nirobi.
Taasoo nagu kaliftay in aan qaadano go’aan ah inaan hawsha halkeeda ku
joojino isla markaana adiga kula soo socodsiino.
Balse mudada nusaac ah kadib waxay noosheegeen in ay heleen furayashii halka
ay yaalaan kadib markii ay la xiriireen xafiiskooda Nirobi taasoo nagalisay
dareen shaki ah .
Dib u eegidii maadada taariikhda
Markaanu eegnay warbixintii ay soo qoreen UNESCO iyo natiijadii imtixaankii
ardayda dugsiga Gambool ee ay soo gudbiyeen waxaa nooga soo baxday sedan
· Waxaa waxba kamajiraan noqotay warbixintii UNESCO oo ahayd in
dhamaan ardaydu ay khaldeen su’aasha 6aad ee qaybta 1aad taasoo cadaatay in
ardaydu isugu jireen wax khalday iyo kwo ka jawaabay.
· Qaybta labaad ee imtixaankaas ayaa UNESCO waxay ku eedaysay ardaydu
in ay qoreen jawaab isku mid ah taasoo noqotay waxba kamajiraan, waxaana
cadaatay in ardaydu ay isticmaaleen jawaabo kala duwan.
· Mudane madaxwayne markaanu tusaale ahaan u soo qaadano fasalka 4C
ee dugsiaga Gambool waxay UNESCO ku eedaysay in ay iska qisheen imtixaanka taasi
oo ay u soo qoreen (No Grade) laba arday mooyee intii kale, Markaanu arintaas
dib u eegnay baaritaan gun dheerna ku samaynay waxaa cadaatay in fasalkaasi wax
qish ah uu san ka muuqan warqadahoodii imtixaanka darajooyinkii ay keeneena u
dhaxaysay 26-93% sida ku cad lifaaqa liiska ardayda ee la socda qoraalkan, waxaa
kale oo xusid mudan in ardayga leh RL:56258 warqadiisii aanayba ku jirin
buqshada imtixaanka isagoo liiska imtixaanka ay ku qorantahay ka qayb galkisii
imtixaankaas.
· Majiraan wax astaan qish ah oo ay soo sheegeen ilaaliyayaashii iyo
kormeerayaashii imtixaanka.
· Liiska ardayda imtixaanka u fariistay wuxuu u qornaa habtaxane ah
(alphabetical order) iyo nubero si taxane ah isugu xiga (serialized Nubers)
laakiin nasiibdaro warqadaha natiijada lagu soo gudbiyay labadaas astaamood oo
nidaamka imtixaanaadka lagu yaqaan midna ma aysan lahayn, sidoo kale waxaan ku
oolin astaandii UNESCO iyo shaabadii xafiiska imtaanaadka, kaliya waxaa ka
muuqatay shaabad ay ka muuqatay xafiiska wasiirka waxbarashada!!!!!
· Waxaa iyaduna xusid mudan in imtixaanka ay ka muuqatay habsixitaan
oo aysan ku dhisnayn taasoo ardayda qaarkood la siiyay darajo ka hoosaysa tii ay
xaqa u lahaayeen (Down Grading).
Maadada xisaabta
· Markii ugu horaysay ee aanu furany baqshadii ay kujireen waraaqaha
imtixaanka ee xisaabta waxaanu ka helnay warqad ah form warbixineed ah uu
leeyahay kormeeraha imtixaanku, taasoo ahayd in laga helo imtixaan walba,
laakiin nasiib daro waxay ka maqnayd imtixaanada kale oo dhan taasoo noola
ekaaday in si ula kac ah looga bixiyay.
· Meelaha qaarkood waxaan islahayn natiijada imtixaan ee ardaygu
keenay iyo waxa loo soodhajiyay.
· Waxaan xaqiiq ahayn in dhamaan ardaydu ay wada saxeen qaybta
(Multiple choice) oo lagu soo eedeeyay in ay kala qisheen islamarkaana ay wada
saxeen.
· UNESCO waxay sheegtay dugsiga Gambool in uu aad uga sareeyo
dugsiayada kale ee puntland maadada xisaabta, xaqiiqaduse waxay tahay sida ka
muuqata natiijada imtixaanka in qolka 1aad ay ka dhacday sadex meelood oo meel,
dhibcaha ay heleen waxay u dhaxeeyeen 20-93% taasoo macnaheedu yahay in aan
meeshaas wax astaan qish ah kaba jirin, Qolka 2aad waxaa dhacay sadex meelood oo
laba meelood, Qolka 3aad waxaa ka dhacay 4meelood oo sadex, Qolka 4aad waxaa
dhacday 10 arday halka ay 9 ardayna ka baaseen. Guud ahaan 45 arday oo ka mid
ahaa 82 arday ayaa dhacay arintaasoo burinaysa warbixintii UNESCO ee sheegaysay
in maadada xisaabta lagu shubtay.
Maadada Fisigiska
- Eedaynta UNESCO PEER ee ku saabsan maadada fisigigksa taasoo oranaysa
ardaydu waxay kala guursadeen imtixaankaas oo dhan iyadoo ay sheegeen
inaysan sixinba imtixaankaas, arintaasi waxay noqotay waxba kama jiraan
markaanu u kuurgalnay.
Maadada Bayolojiga
- Qaybta 1aad waa suurto gal in ardaydu kala qisheen qaybta (Multiple
choice) in kastoo aan lahayn wax caddayn ah oo kormeerihii ama
ilaaliyayaashii ay soo qoreen iyo warqad ay calaamiadiyeen toona.
- Qaybta 2aad waxaa beenoowday in ay ardaydu isticmaaleen luuqad iyo erayo
isla mid ah buundooyinka ama dhibcaha ardaydu ay keeneen waxay u dhaxaysey
31-79% waxaana caqli gal ahayn in buundada intaas isku jirta la gu sheego
kala qishid.
F.G Laba fasal warqadahooda oo dhan ayaa la isku qasay taasoo ujeedada
lagalahaa aanab garan.
Waxaa kale oo xusid mudan in afarta buqshadood ee warqadaha bayologigu ku
jireen dusha looga qoray far waawayn oo cay iyo aflagaado ah sida( Gambool
cheters &Gambool cheetahs!!!).
Maadada kimistariga :
- Imtixaan kaas waxaa cadaan ah in waraaqaha qaybtood aan laba sixin
qaarkoodna bar la saxay barna lagatagay, waxayna UNESCO ku andacootay in
haddii lawada saxo ay keeni lahaayeen darajooyin kabadan 80% sidaas
darteedna aaay iskaba daayeen sixitaanoodii.
Talo Bixinta gudiga
Ø In si dag dag ah oo cadaalada dibloogusaxo 5ta maado ee ay UNESCO
ciladeeyeen .
Ø In loo magacaabo macalimiin aqoon leh masuulna ah dib usixida
intixaanaas .
Ø In UNESCO lagala xisaabtamo qaabka foosha xun ee ay u maamushay
imtixaamada dugsiga sare ee Gambool.
Ø Waxaanu ku talinaynaa in aan ardayda dib loogu celin imtixaanka.
F.G Imtixaanka luuqada afka soomaaliga, warqada natiijada waxaa ka muuqata
inay ardaydu kuwada dheceen dhawrqof mooyee, taasoo aanu is waydiinay cida
saxday maadaama aan sanadkan puntland laga qaadin cidii afka Soomaaliga,
Carabiga iyo Diinka sixijirtay.
Magacyada iyo saxiixa gudiga

A/rizak koronto
Garowe puntland
Faafin: SomaliTalk.com | Sept 24, 2006
.