Wararkii: Sept 28, 2006
- Kenya: Cali Maxamed Geeddi oo si
waji-gabax ah uga Huleelay Xafiis Wasiir kuxigeen
- Hubkii ay lahaayeen Seeraar iyo Goobaale oo ku wareejiyey
Maxkamadaha
- John Bolton “Waa in si taxadar ah loola socdaa xaalada Soomaaliya ..
- Warbixin ku saabsan labo Diyaaradood oo shalay ka soo degey Garoonka
- C/llaahi Yuusuf oo kulan gaar ah la yeeshey Xubnaha labada Gole ee Beesha
Mareexaan
- Wasiirka arimaha dibada Somalia Mr. Buubaa oo ka hor akhriyay Golaha guud
ee Q.M khudbad dheer..
Kenya:
Cali Maxamed Geeddi oo si waji-gabax ah uga Huleelay Xafiis Wasiir kuxigeen
Ra'iisul wasaaraha DFKMG, Cali Maxamed Geedi, ayaa Talaadadii Sept 26 waxa uu
si wajigabax ah uga baxay xafiiska wasaaradda
arrimaha dibadda ee dalka Kenya kaddib markii la qadarin waayey ballan uu la lahaa
wasiir kuxigeenka Wasaarada Arrimaah Dibadda Kenya, sida ay qortay jariidada
Standard ee kasoo baxda Nairobi.
Cali Maxamed Geeddi iyo safiirka Talyaaniga,
Mr Enrico Gerardo De Maio, ayaa isku mar waxa ay soo galeen xafiiska si ay ula kulmaan wasiir kuxigeenka
wasaarada arrimaha dibada Kenya, Mr Moses Wetang'ula.
Geeddi waxa u qorshaysnaa in uu arrimaha Soomaaliya uga warbixiyo..
Daqiiqad kahor intii uusan qaabilin De Maio, mr.
Wetang'ula waxa uu si dhaqso ah uga soo baxay xafiiskiisa waxana uu
dalbaday in ergeyga Talyaanigu uu soo galo xafiiskiisa. Talyaanigii waxa uu galay xafiiska kuxigeenka wasiirka.
Geeddi oo isla xilligaa ballanta lahaa bannaanka ayaa looga tegey. Waqti dheer markii
uu Geeddi sugayey in loo yeero, oo aysan muuqan cid tixgelineysa ballantii uu
lahaa, waxa uu ka huleelay goobtii si wajigabax ah, waxana uu si hal-haleel ah uga tegey goobtii uu ku sugayey wasiir kuxigeenka muddada dheer, goobtaas oo ahayd meeshii uu
kulahaa ballanta aan tixgelinta lasiin.
Kenya waa dal gumeysta qayb ka mid ah dhulka
Soomaaliyeed (NFD), Talyaaniguna waxa uu ka mid yahay dalalkii sababay in
Soomaaliya la qaybiyo.
Hubkii ay lahaayeen Seeraar iyo Goobaale oo ku
wareejiyey Maxkamadaha
Yuusuf Mire Seeraar “Hubka waxaan ku
bedeshay..”.
Waxaa maalintii shalay ahayd Magaalada Kismaayo
oo ay dhawaan la wareegeen Maxaakiimta Islaamiga ah ayaa wararka ka imaanaya
halkaasi waxay sheegayaan in Xildhibaan Yuusuf Mire Seeraar iyo Max’ed Rooble
Jimcaale (Goobaale) ay hubkooda ku wareejiyeen Maxaakiimta Islaamiga ah, waxaana
ka qaybgalay kulankaasi mas’uuliyiin ka socotay Maxaakiimta Islaamiga ah,
inkastoo khilaaf uu ka yimid wareejinta hubkaasi, ayaa aaqiritaankii waxaa la
isku afgartay in hubkaasi lagu wareejiyo Maxaakiimta Islaamiga ah.
Yuusuf Mire Seeraar oo ka hadlay xafladdii
wareejinta hubkaasi ayaa waxa uu yiri “hubka waxaan ku bedeshay nabad, waxaana
leeyahay kooxaha kale ee hubka in ay hubkooda ku wareejiyaan Maxaakiimta”. Mar
uu ka hadlayey Seeraar in uu weli jiro isbahaysigii Dooxadda Jubba, ayaa waxa uu
sheegay in isbahaysigaasi uu gebi ahaaba burburay, waxaa kalloo uu sheegay
Baarlamaanka Dowladda Federaalka uu haatan noqday mid u adeegaya Dowladda
Itoobiya, isagoo sheegay in uusan ka mid noqoneyn Baarlamaan ay Itoobiya ka
taliso.
John Bolton “Waa in si taxadar ah loola socdaa
xaalada Soomaaliya ..
Wakiilka Mareykanka u fadhiya Qaramada Midoobey
John Bolton oo qudbad ka jeediyay shirkii Golaha Ammaanka ayaa mar uu soo qaaday
xaaladda Soomaaliya, waxa uu sheegay in loo baahan yahay in si taxadar leh loola
socdo.
Wakiilku waxa uu sheegay in waqtigaan aysan
habooneyn in Soomaaliya laga qaado cunaqabeynta hubka, isagoo sheegay in ay
dhici karto in Soomaaliya uu ku qulqulo hub fara badan oo uu sheegay in uu ka
imaanayo dhinacyo fara badan oo uusan carabaabin.
Wadamo ka tirsan IGAD oo ay ka mid yihiin
Itoobiya, Kenya iyo Yugandha ayaa Qaramada Midoobey ka dalbaday in Soomaaliya si
dhaqsi leh looga qaado cunaqabateynta hubka si ay u fududaato in ay galaan
ciidamo ka socda IGAD, hase yeeshee Qaramada Midoobey arrinkaasi taxadar ayay ka
muujisey.
Warbixin
ku saabsan labo Diyaaradood oo shalay ka soo degey Garoonka
Waxaa maalintii shalay ahayd Garoonka
Diyaaradaha ee Magaalada Baydhabo ka soo degaqy labo diyaaradood oo siday xamuul
kala duwan, mid ka mid ah diyaaradahaasi ayaa lagu waramay in ay siday afar
gaari oo labo ka mid ah ay ahaayeen kuwa aan xabaddu Karin oo loogu talagalay
Madaxweynaha soomaaliya, iyo labo loogu talagalay ilaalada gaarka ah ee
Madaxweynaha, diyaaradda kale ayaa waxay siday raashin kala duwan oo loogu
talagalay bisha Barakeysan ee Ramadaan.
Labadan duyuuradooda ayaa waxaa la lahaa
Dowladda Liibiya, waana deeq ay Dowladda Liibiya ugu talagashay Dowladda
Federaalka, iyadoo labada gaari ee aysan xabaddu Karina ay bedelkooda yihiin
kuwii Madaxweynaha kaga gubtay qaraxii dhawaan ka dhacay Magaalada Baydhao ee
ahaa isku day la doonayey in lagu dilo madaxweynaha, hase yeeshee waxaa dhawaan
dowladda Liibiya cambaareeyay Ra’isul Wasaare Geeddi oo sheegay in Dowladda
Liibiya aysan dhex dhexaad ka aheyn Arrimaha Soomaaliya, isagoo sheegay in ay
gacan siiso Maxaakiimta Islaamiga ah.
C/llaahi Yuusuf oo kulan gaar ah la yeeshey
Xubnaha labada Gole ee Beesha Mareexaan
Wararka naga soo gaaraya Magaalada Baydhabo,
waxay sheegayaan in Madaxweyne C/llalahi Yuusuf Axmed uu maalintii shalay ahayd
kulan la yeeshay xubanaha Dowladda uga jira Beesha Mareexaan, waxaana kulankaasi
diiradda lagu saaray xaaladda Magaalada Kismaayo ee ay dhawaan gacanta ku
dhigeen Maxaakiimta Islaamiga. Inkastoo aan la faahfaahin waxyaabihii la iskula
soo qaaday kulankaasi, haddana beesha Mareexaan waxa ay Dowladda ka dalbatay
Taageero Milatari si ay mar kale gacantooda ugu soo laabato Magaalada Ksimaayo,
waxaa dhawaan la filayaa in Magaalada Baydhabo uu soo gaaro wasiirka
Gaashaandhiga iyadoo iyo Tiknikada iyo Ciidamada la socdana lagu biirin doono
Ciidamada kale ee ku sugan xerooyinka Baydhabo
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail
amiinkhasaaro@hotmail.com
MUSLIM AMERICAN SOCIETY OF MINNESOTA(MAS-MN) "Markii
ugu horeysay taariikhda MN"
MAS-MN waxay Muslimiinta deggan labada magaalo ee mataanaha ah iyo
nawaaxigeeda ku martiqaadayaan inay ka soo qeybgalaan Afur, Casho iyo
Taraawiixdii ugu horeysay ee lagu tukan doono Goobta kulamada ee Minnesota ugu
weyn Minneapolis Convention Center. Waxaa TARAAWIIXDA TUJIN DOONA: <
SHEIKH Sayid Al-Mutawali Alsharqaawi oo ah qaari iyo Imaam ka yimid
jaamacadda Al-Azhar. Waxaa kaloo goobta ka hadli doono culumo ay ka mid yihiin:
Sh. Abdalla Idiris, Gudoomiyaha Markazka waxbarashada Islaamka ee Waqooyiga
America.
GOOBTA: Minneapolis Convention Center 1301 2nd Av. South, Minneapolis, MN
GOORTA: Sabtida, Septmeber 30, 2006 6:00pm
Wixii faah faahin fadlan la xiriir Tawxiid Islamic Center (612)827-2804 or MAS
(651)457-7170 and Ummutu Muhammad Center (612)823-1943 or Al-Taqwa Mosque
(651)292-9675.
Wasiirka arimaha dibada Somalia Mr. Buubaa oo
ka hor akhriyay Golaha guud ee Q.M khudbad dheer maxaase uu sheegay ..

Ismaaciil Hure Buubaa Wasiirka arrimaha dibada
ee dowlada KMG ee Soomaaliya, ayaa habeenkii xalay ahayd magaalada New York oo
uu ka socdo shirka golaha guud ee qaramada midoobay ee 61-aad ka jeediyay
khudbad dheer oo uu kaga hadlay arinta Somalia isagoo iyo xaaladaha ugu
danbeeyay ee Somalia iyadoo wasiirku u matalayay dawlada Somalia shirkaasi
waxaana uu halkaasi ka sheegay arimo badan oo ay ka mid ahayd in xayiraada hubka
saran Somalia ay qaramada midoobay ka qaato , si loo suurta geliyo in ciidamada
nabad ilaalinta ee Afrikaanka ay tagaan Somalia ayaa uu yiri wasiirku .
Wasiirka arimaha dibada ee Somalia mr Buubaa
waxaa uu ka codsaday beesha caalamku In ay dawlada Somalia taageerto oo ay
markaasi la qaado xayiraada hubka ee saran Somalia isagoo ku dhaliilay beesha
caalamku in ay arinta Somalia ka gaabiyeen oo aan sidii la rabay aysan uga soo
bixin balse waxaa uu wasiirku dhanka kale rajo wanaagsan ka muujiyay in
wakhtiyada fooda nagu soo haya beesha caalamku arinta somalia wax ka qaban
doonto isagoo arintaasi rajo wagaan ka muujiyay .
Dhanka Wasiirka arimaha dibada ee dawlada
federlka mudane Buubaa waxaa uu golaha guud ee Q.M ka canbaareeyay isku daygii
dil ee 18kii bishaan oo ka bad baday madax waynaha Somalia isagoo sidoo kale
eedeeyey maxaakimta Islaamka inay jebiyeen heshiisyadii horey loo gaaray waxaana
sida oo hadalka u dhigay uu yiri waxay sameeyeen dhul balaarsi

Wasiirka arrimaha dibada Kenya Mr. Raphael Tuju
ayaa khudbad isna ka jeediyay magaaladda New York isagoo dawladiisa u matalayay
dawladiisa shirka golaha guud ee Q.M waxaana arimo badan oo uu ka hadlay ka
mid ahaa arinta Somalia isagoo sheegay in beesha caalamku iska ilaabeen xaalada
Somalia iyagoo ku sii jeeda dalalka Iran Korea waqooyi arinta somaliyana loo
daayay dalalka dariska la ah waxaana uu ku baaqay in beesha caalamku u istaagaan
arinta Somalia .
Hadalkiisa isagoo sii wata ayaa uu sheegay in
beesha caalamku ku boorinayo in wax ka qabtaan xaalada somalia ay imikadtan ku
sugan tahay isagoo ku baaqay in beesa caalamku isugu geeyaan awuudooda sidii
Somalia loogu soo dabaali lahaa xasilooni oo looga saari lahaa dhibaatada hada
dalkaasi uu ku jiro isla markaana la taageero dawlada Somalia ee ka fadhida
magaalada baydhabo.
Mr. Tuju wasiirka arimaha dibada ee Kenya ayaa
waxaa uu ka hadlay oo kale arimo ay ka mid yihiin qaxootiga somalida ah eek u
soo qolqolaya Kenya iyo calamka intiisa kale isagoo arintaasi wal wal ka
moojiyay waxaa kaloo carabka uu ku dhuftay arinta hubka fudfudud ee Somalia uga
soo gudba dalalka dariska lah kaas oo uu ku tilmaamay in dhinato uu ku yahay
xaalada gobolka iyo dagaantiisaba
Dawlada Ugnada waxay Somalia u diyaaray 1000
askari ‘’ sidaas waxaa sheegay Major Felix Kulayigye’’ afhayeenka ciidanka
dalkaasi
.Wakaalada wararka ee Reuters ayaa waxaa
afhayeenka ciidanka dalka Ugnada Major Felix Kulayigye u sheegay isaguu khadka
telfoonka ugu waramayay in 1000 askari oo ciidamada dalkiisa ah ay tagayaan
dalka Somalia si nabad loogu soo celiyo waxaana uu sheegay in ay ciidamadaasi ay
diyaar u yihiin iminka in ay u baqoolaan Somalia .
Afhayeenka ciidanka dalka Uganada ayaa waxaa uu
sheegay in ciidamadaa dalkiisu awood ku gali doonin dalka Somalia balse ay
tagayaan marka ay isku afgartaan dhinacyada siyaasada Somalia ka go’da
Maxaakint islaamiga ah ee somaliyeed ayaa iyagu
ka biya diidsan arinta in somalia ciidamo la keeno iyadoo maxaakintu gacanta ku
hayaan inta badan gobolada koonfurta Somalia halka dawlada Somalia ay iyadu
marar badan codsatay in Somalia la keeno ciidamo nabada ilaaliyo balse ay hor
taalo cuna qabtaynta hubka ee saran Somalia ee la saaray 1992 ka dib markii oo
bilawday dagaalada sokeeye ee Somalia sanad ka dib .
Maxamed cabdi Maxamed Bootaan
Somalitalk Nairobi kenya
Botaan1@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | Sept 28, 2006
Maxkamadaha oo Baaritaan ku samaynaya Falkii lagula Kacay
Calanka Soomaaliya
»Cabdulaahi
Yuusuf oo sheegey in soomaaliya ay qabsan..
»Sheybaarkii
ugu horeeyey ee lau baaro cudurka Qaaxada
»Itoobiya
oo soo dhawaysay falkii lagula kacay Calanka..
»Sh.
Shariif oo u soo jeediyey Shacabka in ay u diyaar...
»Warar
ku saabsan Barre Hiiraale iyo halka..
»Hay’adda
Danwadaag Relief oo raashin u qeybisay qoysas
»Cali
Maxamed Geddi oo Dublumaasiyiin kula shiray Nairobi .
»Madax
waynaha DGPL oo ka dhoofay boosaaso..
»Madaxweynaha
Puntland oo kulan la qaatay ganacsatada
»Dagaallo
cadowga lagu jabiyay oo ka dhacay meelo kala..
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Guji...
Sept 27
Dowladda Federaalka oo sheegtay in uu burburey heshiiskii..
»Shariif
Xasan oo Booqasho ku tegey Nairobi...
»Warbixin
ku saabsan xaalada Magaalada Kismaayo..
»Barre
Hiiraale oo Dowladda federaalka ka dalbadey Gurmad..
»Cali
Geeddi oo sheegay in kooxaha argagaxiso ay....
»Ciidamo
Itoobiyaan ah oo soo galay deegaano ka..
»Ururka
wershedlayda oo looga dhawaaqay muqdisho..
Wararka oo dhan ka akhri... Sept 26
Nin Soomaali ah oo
lagu dilay K/Afrika
kadibna lagala baxay Xubnaha Jirka ee Muhiimka ah sida Maskaxda,
Wadnaha, beerka, Kilyaha, iyo...
Guji... |