Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ah Guddoomiyaha Golaha Fulinta ee
Maxaakiimta islaamiga ah oo shalay Salaaddii Jimcaha ahayd kaddib khudbad uu
ka jeediyey Masjidka isbahaysiga Islaamika, waxa uu shacabka soomaaliyeed u
soo jeediyay in ay midoobaan oo ay u diyaar garoobaan sidii ay isaga difaaci
lahaayeen ciidamada shisheeye ee la damacsan yahay in la keeno soomaaliya oo
ay hor boodeyso dowladda Itoobiya.
Mar uu ka hadlayey arrimaha gobalka Sh/hoose, waxa uuna Sheekh Shariif
sheegay in maanta degmada Afgooye lagu qaban doono xaflad Maxaakiimtu kula
wareegayaan Gobalka Sh/hoose kaddib marii gobalkaasi uu su’aal taagan ka
noqday Maxaakiimta Islaamiga ah.
Durbadiiba waxaa shalay bilaabatay in la qaado isbaarooyinkii ugu
waaweynaa ee dhex yiilay gobalka Sh/hoose, taas oo ay si aad ah u soo
dhaweeyeen dadweynaha Gobalkaas ku nool, oo sheegay in wareejinta
Maxaakiimta lagu wareejinayo gobalka ay taageero weyn kaga heli doonaan
Maxaakiimtu shacabka Soomaaliyeed iyo waliba kuwa ku nool Gobalka Sh/hoose.
Botaan1@hotmail.com
Maxkamadaha oo Hub ka
dhigis kawada Gobolka J/Hoose
Muuse Maxamuud
Jiisow
musejisow@hotmail.com
muqdisho
somaliya
002521576666/002521653623
Ciidamo uu horkacayay Sheekh Xasan Turki ayaa waxa ay
howl-galo hubka dhigis ah ka sameeyeen tuulooyin ka tirsan gobolka
J/hoose oo dhowaan ay qabsadeen.
Howl-galkan hubka dhigista ah ayaa Maxkamadaha islaamka
waxa ay ka fuliyeen tuulada Mareereey iyo kuwo kale oo ku dhow dhow,
iyadoo maleeshiyo halkaasi joogtay laga qaaday qoryo gacmeedyo marka
laga reebo kuwo Maxkamadaha taageeray.
Sh. Xasan Turki ayaa waxaa la sheegay in uu ku war
galiyay dadka deegaanka in la qaadayo dhamaanka hubka sida sharci darada
ah lagu heysto.
Deegaanka howlgalkaan laga sameeyay oo ah Mareereey ayaa
waxaa dagan dad ay isku heyb yihiin Sheekh xasan Turki.
Maxkamadaha islaamka ayaa howl-galada hubka dhigista ah ee ay fuliyeen
waxa ay ku doonayaan in ay ku xaqiijiyaan amaanka deegaanadaas.
Mr. Mad
brigand“Waxaan awoodnaa beesha caalamka hadaan nahay in aan caadaais
saarno labada dhinac ee isku haaya somaliya si aynu u cidleynin
dadaalada nabada .
Hay.adda
xalinta khilaafaadka marka magaceeda la soo gaabiyo loo yaqaano (ICG) oo
hadla digniin ah ka soo saartey ciidamada la sheegayo in loo soo dirayo
somaliya ee garabka siinayo dowlada ku meel gaarka ah ee somaliya iyada
oo ICJ da arintaasi ku tilmaantay mid dhibaato u soo kordhineyso sida ay
qortey wakaakada wararee jarmalka PPA
Mad brigand oo ah qabiir ku xeel dheer
arimha geeska Africa oo na ka tirsan hay.adda xalinta khilaafadka ee
geeska Africa ( ICG ) ayaa sheegay in ciidamada loo soo dirayo Somalia
ee lagu xoojinayo dowlada FDKMG ee fadhigeedu yahay baydhabo ay tahay
arin aan xal u keeni Karin dhibaatada ka jirta dalka somaliya
Mr. Mad brigand
waxaa uu sheegay in beesha caalamku ay tahay
in ay fahmaan in maxaakiimta islaamigu door muhiim ah ay ku leeyihiin
hanaanka nabada ee somaliya ay na waajib tahay in la heshiisiiyo iyaga
iyo dowlada FDKMG ee somaliya iyada oo la raacayo hab dublamasiyadeed ,
Mr. Mad brigand“Waxaan
awoodnaa beesha caalamku in ay caadaais saaraan labada dhinac ee isku
haaya somaliya si aynu u cidleynin dadaalada nabada .dhinaca kalana
agaasimaha barnaamijka ha.adda xalinta khilaafaadka ee (ICG ) da
suleymaan bagbo ayaa waxaa sheegay in maxaakiimtu ay si cad u diidan
yihiin qorshaha ciidan keenida ee somaliya iyaga oo taa ka xiga in ay la
dagaalamaan ciidan kasta oo shisheeye ah oo soo gala somaliya ,
Hay.adda (ICG)
ayaa rajo wanaagsan ka muujineysa qabsoomida wareega sadaxaad ee shirka
lagu balansan yahay in uu ka dhaco magaalada kharduum ee dalka suudaan
kaas oo lagu wado in ay isa soo horfadhiismaan dowlada FDKMG ee somaliya
iyo maxaakiimta shareecda 30 ka bisha octobar hadii ay beesha caalamku
xooga saaraan arintaasi in kasta dhaqdhaqaaqa dagaal ee ka jira
somaliya uu fashilin karayo kulanaasi khartuum lagu wado in uu ka dhaco
,
JAAMACADDA CARABTA OO WAFUUD
XAQIIQO
Ururka jaamacada carabata ayaa waxay go’aan ku gaartay
in wafdi heer sare oo xaqiiqa raadis ah ay u soo dirto Dalka Soomaliya
si ay wax uga ogaadaan qabsoomida wareega sadexaad ee wada hadalada
magaalada Khortoum ee dalka Sudan ee u dhexeeyey maxaakimta Isalaamiga
iyo Dawlada fedaralka.
Simiir Xusni oo ah ergeyga Gaarka jaamacada Carrabta u
qaabilsan arrimaha Somaliaya isla markaana madaxa u ah wafdigan ayaa u
sheegay jariirada Al-Sharqal Awsat ee ku hadasha Afka carribiga in
wafdigani uu booqan doono dhamaan wadamada deriska la ah dalka
Soomaaliya sida dalalka Jabuti, Uganda , Kenya iyo Itoobiya si uy u
eegaan fikarahada iyo aragtida hogaamiyaasha dalakani ay ka qabaan
isbedelada xaaladaha dalka soomaliya ee haatan dhex maquuraneysa iyo
weliba sidii loo soo af jari lahaa dhibaatada siyaasadeed islamar kaana
wax looga qaban lahaa arrimha xaga amaanka .
Isagoo tilmaamay Mr. Samir Xusni in wafdigani booqan
doono caasimada Soomaaliya ee Muqdishu ay tahay markii ugu horeysay ay
booqdaan caasimada Soomlaiya tan iyo markii ay midowga maxkamadahu ay la
wareegeen caasimadda muddo haatan laga joogo ku dhowaad sadex bilood.
Sidoo kale waxaa uu cadeeyey Mr. Samir inay booqan
doonaan xaruunta dowladda Federalka Soomaaliya ee magalada Baydhabo si
ay wada hadalo ula yeeshaan maxdaxweyanha dowladda Federalka C\laahi
yuusuf Axmed iyo Ra’illsul wasaarhiisa Cali Max'ed Geedi
Samirr xusani ayaa waxaa uu markii ugu horeysay ka
hadlay qabsashada ay maxaakiimtu ay qabsadeen magaalada Kismayo, wuxuuna
sheegay isagoo carrabka ku adkeeyey in Urrurka jaamacada carabta aysan
u arkin waxa dhacay oo ah qabashada Kismayo inay xad gudub ku tahay
heshiiskii Khortoum oo qeexayay in labada dhicac aysan isku balaarinin
ama qabsanin meel ka baxsan halka ay haatan gacanta ku hayaan
Samiir Xusni ayaa waxaa uu yiri "waxaan sida aan u
famahnay islamarkaana waraka aan ka helnay Soomaaliya ay xaqiijinayaan
in waxa ka dhacay magaalada Kismaayo ahaayeen afgambii aanu dhiig ku
daadanin oo aysan halkaa ka dhicin wax iska hor imaad ah Ciidamada
maxaakiimtana wax weerar ah aysan qaadin ayagoo kaduulaya saldhigyadooda
Magaalada Muqdisho, isagoo u arkaya in Jaamacada Carrbata aysan ahayn
mid ay cambareynayso tallaabadani.
Hase ahaatee Mr. Xusani ayaa sheegay in masuuliyiinta
ugu sarreysa ee dawlada Federalka ay ayagu ku eedeeyeen Ururka Jaamacada
Carrabta inay la safan tahay midowga Maxaakiinta taasina waxay tahay buu
yiri in Jaamacada Carrabta aysan war rasmi ah ama war saxaafadeed ka soo
saarin aygoo ku cadeenaya inay diidan yihiin galitaanka maxaakiimtu ay
galeen Magaalada Kismaayo
Waxaa uu Mr Xusni ku nuux nuuxsaday inay jiraan baaqyo
ka imaanaya magaalada Baydhabo oo ka codsanaya Madaxeyne C\laahi Yuusuf
inuu qaadaco la kulanka wafdiga jaacmada Carrabta taasoo si cad loogu
muujinayo cabashada dawlada Federakja sababo la xiriira siyaasada Ururka
Jaamacada Carabta ee ku aadan Maxaakiimta islaamka.
MAXKAMADDA ALBAYA-AN OO U
HANJABTAY
Maxkamada islaamiga ee Al Bayaan ayaa ku hanjabtay in
dhibaatooyin xoogan oo ka dhalan doona xariga culumada dowladda KMG ah
ay ugu geystay magaalada Baydhabo haddii aan si deg deg ah loo sii deyn
islamarkaana magdhow laga bixin.
Cismaan Xaaji Cadoow oo ah afhayeenka xogayaha guud ee
maxkamada Al-bayaaan ayaa hadalkan sheegay isagoo intaasi ku daray
cawaaqib xumada ka dhalan doonto hadii aan la sii deyninin labo nin
culumada ah ee maanta ciidamada dowlada kmg ay xireen, wuxuu kaloo
sheegay in culamadaan cidamada amaanka ay gacanta ku hayaan laga soo
qabtay, iyaga oo jooga guryahooda islamarkaana lala xiriirinayo
qaraxyadii la damacsana dhawaan in lagu qaarjiyo madaxweyne C/laahi
Yuusuf
“waxaa naga go’an hadii aan la soo deynin culumada
Baydhabo lagu qafaashay mudu 24 saac ah in ay la kulmi doonaan jawaabta
ku haboon taa macneheedana waxa weeye waxaa jabay shirkii Khartoum” ayuu
si kulul u yiri xogoyaha.
Maxkamada Al-bayaan oo ka mid ah goloha maxaakiinta
islaamiga ayaa waxaa dhistay goor sii horeysay shabaab ka soo jeeda
gobolada Bay iyo Bakool, iyadoo horeyna u sheegtay mas'uuliyada dibad
baxyo looga soo horjeeday qorshaha ciidamo keenista ee urur goboleydka
IGAD oo ka dhacay magaalda Baydhabo.
Hadalkan ayaa yimid ka
dib markii ciidamada dowlada Federalka ay xabsi dhigeen rag culumo ah oo
lala xiriirinayo qaraxyadii dhawaan ka dhacay magaalada Baydhabo.
XUKUUMADA MARAY-KANKA OO QIRTAY IN
AY
Haweenayda arrimaha dibadda u
qaabilsan arrimaha dibadda Condaleza Rise ayaa waxa ay shaaca ka qaaday
in wadanka Maraykanku uusan ilaawin arrimaha dalka Soomaaliya.
Rise ayaa waxa ay sheegtay in
geeska Afrika ay aaminsan yihiin in ay ku sugan yihiin kooxo ka tirsan
ururada argagixisada Caalamka gaar ahaan ururka Al-Qacida.
Waxa ay intaasi ku dartay in ay
garab is taagayaan cid alaale oo ay aaminsan yihiin in ay la
dagaalamayaan argagixisada geeska Afrika.
Wasiirka arrimaha dibadda
Maraykanka waxa ay sheegtay in ay hayaan cadaymo ku aadan in xubno ka
tirsan ururka daalibaan oo ka dagaalamay geeska Afrika.
Waxa ay sheegtay in ay xukuumadda
Washington ku dadaalayso sidii ay ula dagaalami lahayd argagixisada
caalamka.
RA'IISUL WASAARE GEEDI OO BAYDHABO
KU
Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Cali Maxamed Geedi oo dib
ugu soo noqday Baydhabo ayaa ka hadlay arrimihii uu dalka Kenya u tagay.
Prof.Geedi oo intuu uusan ka dhoofin dalka Kenya
halkaasi wareysiyo ku siiyey saxaafada ayaa ka hadlay khatarta ay
Maxkamadaha Muqdisho ku yihiin dalka Soomaaliya.
Ra'iisul wasaaraha ayaa ku dhawaaqay in barakac badan ay
Maxkamadaha ku sameeyeen dadka shacabka ah oo uu sheegay in la
caburiyey.
Geedi ayaa markii uu soo gaaray magaalada Baydhabo
saxaafada usheegay in dowlada Somaliya ay diyaar u tahay in ay ka
hortagto dhaq dhaqaaqa dhul balaarsiga ah ee Maxkamadaha Muqdisho.
Ra'iisul Wasaaraha ayaa safarkiisii Kenya ku tilmaamay
mid uu Beesha Caalamka ugu bandhigayey falalka foosha xun ee ka socda
gudaha Somaliya, waa sida uu hadalka u yiriye, isla markaana ay
horboodayaan Maxkamadaha Muqdisho.
Geedi ayaa sheegay in dowladiisu ay heshiiskii Khartuum
qalinka ku duugtay ayadoo ka shaqeyneysa danta ummada Soomaaliyeed,
balse ay Maxkamaduhu si isdaba joog ah ay heshiisyadaasi u jabiyeen.
Prof. Geedi ayaa sheegay in dowlada ay shacabka ka
difaaci doonto dhulbalaarsiga iyo weerarada ay wadaan Maxkamadaha.
Hadalka Ra'iisul Wasaaraha ayaa astaan u ah sida ay u
kala fogaadeen Dowlada iyo Maxkamadaha Islaamiga oo horaantii bishan
heshiis labaad ku kala saxiixday Khartuum ee dalka Suudaan.
Labada dhinac oo u balansanaa in ay wareega seddexaad ee
shirka Khartuum isugu tagaan 30ka bisha Oktoober, ayaa hada la
saadaalinayaa in ay adag tahay shir labada dhinac ay isugu yimaadaan mar
sadexaad.
Dhinaca kale Ra’isul wasaaraha ayaa ka sheegay intii uu
ku sugnaa magaalada Nairobi in ay heegan buuxa ugu jiraan ciidamada
dowladaha Kenya iyo Itoobiya sidii loogu soo daad gureyn lahaa dalka
somalia hadii ay maxkamadaha ay isku dayaan in ay weeraraan xarunta
dowlada Federalka ee magaalada Baydhabo.
Ra'iisul wasaaraha ayaa waxa uu meesha ka saaray in ay
jiraan ciidamo Itoobiyaan oo ku sugan dalka Soomaaliya, wuxuuna sheegay
ay muhiim ay u tahay amaanka gobolka Dalka Kenya iyo Itoobiya,
islamarkana ciidamadooda ay diyaar u yihiin in ay ka difaacan dowlada
koox kasta oo isku dayda in weeraraan xarunteeda oo ku taala magaada
Baydhabo.
DOWLADDA KENYA OO SHEEGTAY INAY
Dawladda Kenya ayaa walaac ka
muujisay in ay dalkeeda u soo gudbaan kooxaha Maxkam-adaha Islaamiga ah
ee dagaalka kula jira hoggaamiye kooxeed-yada mudada 15-ka sannadood ah
xoogga ku haystay Soomaaliya oo ay tilmaantay in aad ugu sahlan tahay in
ay si dhib yar qalaanqal uga ridi karaan xadka Kenya la wadaagto
Soomaaliya, halkaas oo ah meel ay aad ugu badan yihiin dadka muslimka
ah.
Afhayeen u hadlay dawladda Kenya
ayaa sheegay in dalkiisu la yaaban yahay sida ay u suurto gashay
Soomaaliya in ay gacanta u gasho kooxo islaamiyiin ah, "taas oo aanay
xukuumadda Kenya marna filayn," ayuu yidhi Afhayeenka oo magaciisa
qariyey. Kenya oo taageerta dawladda Cabdillaahi Yuusuf oo dalkeeda
loogu dhisay Somaliya, fadhigeeduna yahay magaalada Baydhabo, balse aan
lahayn awood isku difaacdo, xukuumada Kenya waxay wadnaha farta kaga
haysaa dagaal ka dhex dillaaca maamulka ay dusha ka ilaaliso ee
Cabdillaahi Yuusuf iyo Isbahaysiga Maxkamadaha Islaamiga ah, kaas oo
haddii uu qarxo ay lama huraan noqon-ayso in uu u tallaabi doono dhinaca
xuduudka labada dal.
"Ma jiraan wax dammaanad qaadaya in
aannu dagaalkaa dibadda ka joogno." Sidaa waxa lagu sheegay qoraal
dawladda Kenya ka soo saartay dareenka ay ka qabto isballaadhinta
Maxaakiimta oo ku fidaya xuduudka dheer ee u dhexeeya Soomaaliya iyo
Kenya.
Dawladda Kenya baqdinta runta ah ee
ay ka qabto collaadda Maxaakiimtu waa mid la xiriira dhulka Soomaaliya
ee ay haysato, waana mid soo jireen ah oo taagnayd tan iyo markii
gumaysiga reer Yurub uu shan waaxood u kala jaray dhulweyn-aha Somaalidu
degto oo Kenya qayb ka mid ah maamusho.
Dadka Soomaalida oo u qaybsan xoolo
dhaqato iyo beeralay ayey dunidu u qaybsatay shan waaxood oo kala ah;
Soomaaliyada maanta oo Talyaanigu qaatay, British Somaliland oo hadda ah
dal la baxay Somaliland, balse aan weli la aqoonsan, Somali French
(Djibouti) iyo dhulka ballaadhan ee ku dhereran xadka Somaliya oo ay
kala qaybsadeen Kenya iyo Itoobiya.
Dhulkaas oo Soomaaliya dhowr kula
dagaalantay Itoobiya, ayaa la filayaa in markan iska-horimaad hore lihi
ku dhexmari doono kooxaha Maxaakiimta Islaamiga ah oo hore ugu baaqay in
ay soo celinayaan midnimada shanta Soomaaliya, waana halka ay salka ku
hayso collaadda rasmiga ah ee ka dhexaysa hadda dhinacyada iska soo
horjeeda, iyada oo dawladda Itoobiya ay mar horeba dib u bilowday diyaar
garowgii oo ay ciidamo geysay gudaha Soomaaliya.
Somaliland oo madax banaanideeda ku dhawaaqday sannadkii 1991-kii, iyo
Maamul-goboleeka Puntland oo labada xasillooni ka jirto, kana bed-qaba
halakada mashaqaysay Soomaaliya inteeda kale oo ay gacanta ku hayaan
dagaal-oogayaal. Waxay labadan maamulba hadda ka midaysan yihiin
baqdinta ay ka qabaan awoodda xawliga ah ee Maxkamadaha Islaamiga ah.
Muuse Maxamuud
Jiisow
musejisow@hotmail.com
muqdisho
somaliya
002521576666/002521653623
Barnaamijkii Radio Xoriyo
29
September 2006
Ururrada
xuquuqul insaanka oo u baqaya macalimiin Meles u xidhxidhan.
Sargaal sare oo ka goostay
ciidammada Itoobiya
Khubaro ka digay in Soomaaliya
ciidammo shisheeye loo diro
Barnaamij Ku saabsan Guulaha bisha barakaysan ee Ramadaan.
======================
Ururrada
xuquuqul insaanka oo u baqaya macalimiin Meles u xidhxidhan.
Ururrada xuquuqul insaanka ee
caalamiga ah ayaa si wayn uga walwalsan nabadgelyada labo macalin oo
xukuumadda Itoobiya xabsiga dhigtay, ka dib markii urur ay ka trsan
yihiin uu xukuumadda si wayn u dhaleeceeyay.
Ururka xuquuqda aadanaha daneeya ee
Amnesty International ayaa sheegay in labadan macalin oo magaalada
Addis Ababa laga qabtay markii ay bisha Sebtember 23 ahayd aan ilaa
iyo hadda wax maxkamad ah la horkeenin, sidaas darteed ay khatar u
yihiin in jidhdil lagu sameeyo ama si xun loola dhaqmo ama laba
waayo.
Amnesty waxay kaloo intaas ku dartay in mid ka mid ah lamacalin lagu
hayo xarunta dhexe ee denbi baadhista Itoobiya, midka kalana aan war
laga haynin meel la geeyay sidii loo qabtay.
Labadan macalin waxay xubno
firinfircoon ka yihiin maamulka Ururka Macalimiinta Itoobiya,
waxaana loo malaynayaa in loo xidhay sababo la xidhiidha iyadoo
Ururka Macalimiinta Itoobiya uu dhawaan ururka shaqaalaha adduunka
kala hadlay arrimaha faragelinta ay xukuumadda Meles ku samayso
hawlaha Ururka Macaliminta iyo xubnaha ururka oo ay xidhxidho.
Ururka Macaliminta Itoobiya wuxuu
marar badan si wayn u canbaareyay siyaasada waxbarasho e xukuumadda
Meles Zenawi. Wuxuu sidoo kale aad u dhaleeceeyay tallaaboyinkii
bahalnimada ahaa ee xukuumadda Meles ka qaaday dadkii ka gadooday
musuqmaasuqii doorashadii 2005.
Sargaal sare oo ka goostay
ciidammada Itoobiya
Saraakiisha sarsare ee ciidammada
Itoobiya ayaa beryahan denbe billaabay inay ka goostaan ciidammada
oo magangelyo u raadsadaan dalal Itoobiya ka baxsan.
Dhawaana waxaa ciidamada Itoobiya ka
goostay Gaashaanle Tesfaye Yemane, kaasoo magangelyo siyasadeed
waydiistay dalka Jarmalka oo uu koorso lix blood ah u joogay.
Gaashaanle Yemane wuxuu dalka Jarmalka isu dhiibay bisha Sebtember
20-keedii.
Tesfaye Yemane, oo ciidammada Itoobiya
ka tirsanaa 15 sano, ayaa sheegay in xkuumadda Meles ay hadda
awoodeedii oo dhan isugu gaysay sidii ay dadwaynaha Itoobiya u
cabdhin lahayd, sidaas darted uu damiirkiisu diiday inuu xukuumad
noocaas ah u sii shaqeeyo.
Wuxuu kaloo intaas ku daray in
dadwaynaha Itoobiya ya hadda ku nool yihiin xaalad aan cadaabta ka
dhicin, sidaasna wuxuu sheegay mar uu warramayay raadyaha Jarmalka,
qaybtiisa amxaariga.
Labadii bilood ee u denbeeyay waxaa
ciidamada Itoobiya ka goostay labo jannaraal, dhawr kornayl iyo
saraakiil kale oo darajooyin sarsare leh, kuwaasoo ku biiray
jabhadaha la dagaallama xukuumadda Meles eek u bahoobay Ururka
Xorriyada iyo Dimuqraadiyada AFD.
Khubaro ka
digay in Soomaaliya ciidammo shisheeye loo diro
Matt Bryden oo ah khabiir u kuur-gala
arrimaha Geeska Afrika ayaa ka digay in ciidamo shisheeye ah loo
diro dalka Soomaaliya, isagoo taa badalkeeda ku boorriyay beesha
caalamka inay dhiiri geliso in lagu cadaadiyo dowladda ku meelgadhka
ah iyo golaha maxkamadaha islaamiga ka qeyb galka wareega seddexaad
ee wadahadalka Khurtuum uga furmaya labada dhinac bisha Oktober, si
nabad loogu soo dabaalo dalka Soomaaliya.
Khabiirkan, oo ka tirsan hay'adda
International Crisis Group (ICG) wuxuu sheegay in ciidamo loo diro
dowladda ku meelgaadhka ah ee Soomaaliya ayna xallinaynin dhibaatada
Soomaaliya, nabadna u horseedaynin.
Bryden waxa uu sheegay in beesha
caalamka looga fadhiyo inay ku cadaadiso dowladda ku meelgaadhka ah
iyo maxkamadaha islaamiga in aanay cidlaynin wadahadalka nabada ee
uga socda Khurtuum, isagoo intaa ku daray in dadaallada beesha
caalamka ay yihiin kuwa gaabis ah.
Wuxuu kaloo carrabka ku dhuftay in
hindisaha ciidamada loogu dirayo Soomaaliya uu u muuqdo mid dowladda
lagu ilaalinayo oo kaliya, halkii ay ka ahaan lahaayeen ciidamo
caalami ah oo loo dhan yahay, wuxuuna tilmaamay in ciidamada
Itoobiyaanka ah ee ku soo qulqulaya dalka Soomaaliya ay xoojinayaan
taageerada loo hayo maxkamadaha islaamiga.
Sulliman Baldo oo isaguna agaasime ka
ah barnaamijka Afrika ee hay'adda ICG ayaa sheegay in ciidamo
shisheeye ah oo loo diro dalka Soomaaliya ay xasilooni darro u
horseedayaan gobolka oo dhan.
Sulliman Baldo wuxuu yidhi;
Maxkamadaha islaamiga wey caddeeyeen mowqifkooda ay ku diidan yihiin
keenista ciidamo caalami iyo kuwa ka socda gobolka, waxayna sheegeen
inay dagaal la gali doonaan ciidamadaasi, wayna ka dhabayn doonaan
ayuu yidhi go'aankooda.
Waxaa sii kordhaysa awoodda
maxkamadaha islaamiga, iyadoo maxkamaduhu ay gacanta ku dhigeen
magaalada istiraatijiga ah ee Kismaayo, tallaabadaasoo ay sheegeen
inay kaga hortagayeen in ciidamo shisheeye ah laga soo dejiyo dekada
magaalada Kismaayo.
29
September 2006.
Axmed
Gaal-Eri
Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 25 MB ee
dhererkeedu yahay 11865 KHZ,iyo internetka
Radioxoriyo.com,Ogaden.com
Maalmaha Talaadada iyo Jimcaha 7: 30PM waqtiga Afrikada Bari