Gari laba qof kama wada qosliso
C/laahi Max'ed Faarax
Email:
alhiiraani@hotmail.com
Markii aan arkay dad u sacaba tumaya
ciidamada gumeysiga xabashida ayaan waxaan
xasuustay oraahdii uu yiri Wasiirkii
Gaashaandhiga ee israaiil Moshi Dayaan oo
aheyd(carabtu wax ma akhriyaan hadii ay
akhriyaana ma fahmaan hadii ay fahmana ma
fuliyaan), runtii waxaan arkay dad nocaas u
fakaraya oo ah qayb fara badan oo ka mid ah
soomaalida oo iyagu aan dib u jaleeceyn
taariikhdii murugsaneyd ee soo martay labada
dowladood ee ku salaysned caqiidada iyo
dhulka.
Tani waxa ay ku tusuneysaa dhacda kasta oo
dhacda in ay u tahay dadka dan iyo guul,
dhanka qolo kalena ay u tahay guul
darro,tan ayaa ah arin dabiici ah oo ka
dhaxeeya cid kasta oo iyagu iskaga soo
horjeeda fakir ama aydaloojiyad gaar ah,
soomaalida yaa horay u tiri(Xaajo tuur leh
baa nin la toosan),
Dadka noocaas ayaa ku qanacsan xasuuqa iyo
burburinta ay ka sameynayaan ciidamada
Xabashidu gudaha soomaaliya waxa ay u
arkaan in ay ka guuleysteen islaamiyiintii
iyagu ku xukumayey Muqdisho Shareecada
Islaamka taas oo ay u arkeen in ay ka soo
horjeedo danahooda ku salaysan diin nacaybka
iyo aragtida gaaban ee ay ka duulayaan kuwa
iyagu ku caanbaxay dhiiga in ay ka cabaan
shacabka soomalida oo aan aqoon wax arxan
ah oo ay u galaan dadkooda ayna u soo
hogaamiyeen intii iyaga ka badbaaday cadowga
Xabashida.
Waxa ay aheyd markii nin aad ugu faraxsan
xasuuqa ka socda Muqdisho uu igu yiri :waxad
ka soo horjeedaa Nuurka ilaah uu u soo diray
somalida,waxaan waydiiyey waxa uu ka wado
nuurka uu sheegayo ee uu la faraxsan yahay ,
Ma ahan tani mid ku saleysan jaahilnimo ama
taclin la'aan balse waxaa weeye aragti
gaaban oo ku salaysan qabyaalad fogaatay
taas oo keentay in uu kala garan waayo
sokeeye iyo shisheeye.
Dadka noocaan ah oo ku faraxsan gumeysiga
ayaa wax ku fahmi waayey hadalkii janaraal
Abaje oo ah xaakimka rasmiga ah ee somaliya
oo si cad u sheegay in uu isagu ka taliyo
Muqdisho ,taas oo uu ka wado in aysan jirin
wax la yiraahdo dowlad ka jirta dalka,waxa
ay wax ku fahmi waayeen falkii naxdinta
lahaa ee ay u gaysteen ciidamada cadowgu (Suuban)
oo ahayd haweeneey hooyo u ahayd 8 caruur
ah oo u bareertay in ay afka labadii yeerto
iyada oo waydiisaneysa walaalaheeda
muslimiinta ah in looga aaro cadawga dalka
qabsaday ee sharafteedii meel uga dhacay.
Taas marka aan ka soo gudubno ayaa waxaa
jira dad iyaga uu ilaah ugu deeqay in ay fahmaan waxa jira
isla markaasna ka dhiidhiyey dulmiga ay
wadaan gumeysiga iyo kuwa la socda ee
sheeganaya dowladnimada in ay ka hortagaan
naf iyo maalba,waxayna u istaageen in ay ka
xoreeyaan dalkooda kuwa xooga ku qabsaday
una aaraan (Suuban) iyo dad fara badan oo ay
gumaadeen ciidanka cadowga iyo kuwa hoos
rooraya ee kooxda Embagathi .
Kooxdan dambe ayaa waxay fahmeen in lala
dagaalamayo diintooda laguna tumanayo
sharaftooda,taassoo ay go,aansadeen in ay
waajib tahay in laga dhiidhiyo,oo ay mudan
tahay in laga hortago.
Siyaasada soomaliya ayaa hada u qaybsan
labada aragti ee iska soo horjeeda, kooxda
hore oo taageersan gumeysiga cadawga kaas
oo aan wax naxariis ah u hayn ayna kula
bahoobeen isbaheysiga Macatab ku dirirka ah
ee uu madaxa u yahay Maraykanku,sida uu
cadeeyey Luweys Farakhaan oo ah hogaamiyaha
ururka Ummadda islaamka ee dalka marykanka
oo warbixin uu siiyey Tvga Aljazeera ku
sheegay in marykanku uu ka danbeeyo
weerarka itoobiya ee soomaaliya oo uu marna
raali ka ahayn in ay ku noolaadaan xasilooni
iyo nabad isla markaana uusan raali ka ahayn
ku dhaqanka Shreecada islaamka.
Hada oo ay ka socdaan Soomaaliya dagaalo
xoogan oo dhex maraya xoogaga xaq u dirirka
iyo gumeysiga oo ay wehliyaan dabadhilifyada
la socda ayaa waxaa soo baxaya guul daro soo
wajahday ciidamada cadowga taas oo ay la
wadaagayaan kuwii ku faraxsanaa markii ay
dalka soo galeen.
Meesha ay u tahay guul dadka damiirka leh ee
aan soo sheegay iyaga oo rajeynaya in ay mar
xoroobayaan dalka iyo dadkaba,haddaba waxaa
cad in natiijada ka soo baxda halganka ay ku
jiraan xoogaga xaq u dirirka ee kaashanaya
shacabkooda soomaaliyeed ay kooxda damiir
laawayaasha ah u noqonayso mid ay farta
dhexda uga qaniinaan waana halka laga yiri
"Gari laba Nin kama wada qosliso".
.C/laahi Max'ed Faarax
Email:
alhiiraani@hotmail.com
Afeef:
Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku
saxiixan