Gudoomiyayaasha Baarlamaanka iyo Xisbiga UCID oo Booqasho Tacsi ah
ugu Tegay Qoyskii uu ka Geeriyooday Marxuum Saaqa

Bristol-UK (Somali Voice) Gudoomiyaha Baarlamaanka Somaliland Mudane
Cabdiraxamaan Cabdilaahi ''Cirro" oo uu weheliyo Gudoomiyaha Xisbiga
UCID Eng.Faysal Cali Waraabe iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan Xisbiga
UCID ayaa Booqasho tacsi ah ugu tegey Qoyskii uu ka geeriyooday
Gudoomiyihii Beelaha Gabooye ee Qaarada Yurub iyo America Marxuum
Maxamed Caabi Ciise oo ku magac dheeraa "Saaqa" oo Alle ha u
naxariistee dhawaan ku geeriyooday magaalada barakaysan ee Maka.
Booqashada masuulyiintani ay ugu tageen Qoyska Marxuumka oo deggen
Galbeedka Magaalada London waxay ahayd munaasibad ay ku muujinayeen sida
ay Shacbiga Jamhuuriyada Somaliland ugu muragoodeen geerida naxdinta leh
ee ku timi Marxuumka oo ahaa halyey weyn oo olole weyn u galay la
dagaalanka kala sarraynta iyo cunsuriyada jahliga ku dhisan ee
boqolaalka sanadood lagu hayay beelaha laga tirada badan yahay ee
Gabooyaha, iyada oo sidoo kale uu Marxuum saaqa ahaa ciyaaryahan caan ah
oo taariikh dahabi ah ku lahaa garoomada kubada cagta isla markaasna uu
ahaa xubin sare oo ka tirsan Xisbiga UCID.
Dhinaca kale Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo Gudoomiyaha UCID waxay
Hamblayo iyo Guul u rajeeyeen Mudane Naasir Maxamed Caabi Saaqa oo
beeshiisu ay u doortay inuu qabto Xilkii Gudoomiyaha Beelaha Gabooye ee
QaaradahaYurub iyo Ameerika oo uu aabihii hayay intii aanuu geeriyoon,
waxaanay u rajeeyeen inuu Allah ku guuleeyo xilkan balaadhan , sidoo
waxay masuuliyiintani ugu baaqeen Bulshada reer Somaliland inay usoo
jeestaan la dagaalanka kala sarraynta una hawl galaan sidii xaqooda iyo
xuquuqdooda ay u heli lahaayeen Beelaha Gabooye ee xaq u dirirka ahi.
Masuuliyiinta kale ee booqashadan ku wehelinayay Gudoomiyayaashan
waxaa ka mid ahaa Mudane Siciid Cumar oo ah Gudoomiye ku Xigeenka
Xisbiga UCID ee qaarada Yurub iyo Xasan Macalin Aadan oo ah ganacsade ka
tirsan Xisbiga UCID iyo Mudane Abdulghani Ahmed Merah oo kamid ah
odayaasha Magaalada London .
Sidii horeba aanu ugu ololeynaynay waxa mar kale Jariidada Somali
Voice ay taageeraysaa Baaqa Gudoomiyha Baarlamaanka Somaliland iyo
Gudoomiyaha Xisbiga UCID iyo Gudoomiyha cusub ee Beelaha Gabooye ay soo
jeediyeen ee ku saabsan in loo hawl galo soo afjarida cunsuriyada
jahliga ku dhisan ee boqolaalka sanadood sida xaq darrada ah loogu hayay
Beelaha Gabooye ee ku nool Geeska Afrika.
Kaysar Cabdilaahi.
Bristol. UK
Tafatirka Somali Voice
kaysar@europe.com