Xafladaha reer somaliland iyo calanka shahaadadu ku qoran tahay
C/risaq
maxamed xussen-
Eskilstuna, Sweden
habdirisak@hotmail.com
Sida ay dad badani ogsoon yihiin calanka maamulka isku magacaabay
Somaliland waxaa ku qoran ashahaadada islaamka.” La ilaaha ilalaahu
muxamedu rasuululaahi” Ilaahay xaq lagu caabudaa ma jiro aan ka
ahayn eebaha weyn ee abuuray adaanaha iyo waxwalba ee dunida ku
dhaqan, Maxamedna waa rasuulkii ilaahay soo diray. Kelmadahaasi waa
kelmadaha aasaaska iyo saldhiga u ah diinta islaamka. Waa caqiidada
rasmiga ah ee xambaarsan waxa aynu rumeysanahay haddii aynu nahay
dadka muslimiinta ah. Qofku kolka uu islaamka soo gelaayona waxaa uu
ugu horeyn qiraa oo ku dhawaaqaa kelmadaha aan kor kusoo sheegnay.
Haddii aanu qofku qirina ma ansaxeyso islaanimadiisu maxaa yeelay
iimaanka qofkaasi ma dhama. Ku dheeraan maayo maxaa yeelay qof kasta
oo muslinka ku abtirsadaa waa ogsoon yahay qiimaha ay leeyihiin
dhowrkaas kelmadood ee calanka somaliland uu xambaarsan yahay.
Haddaba waxaa la yaab leh in dad badan oo reer somaliland ahi
aaneyba fahmin macnaha kelmadaha ku qoran calanka ay sameysteen.
Waxaa kaloo aaney fahmin dhowrista ay mudan yihiin kelmadahaasi.
Calanka soomaliland waxaa uu suran yahay meel walba oo dad reer
somaliland ahi ay xaflad ku qabsanayaan, sida golayaasha heesaha ee
fanaaniinta lagu casumo, aroosyada iyo meelaha kale ee kulamadu ka
dhacaan. Waxaan marar badan arkay meelo xaflado ah oo fanaaniin caan
ahi ka heesayaan, oo kolkii ay heesuhu isku dhacaan ay dadku qoobka
ciyaar bilaabaan. Balse waxaa ah wax aad looga xumaado kolka aad
aragtid kelmada” laa ilaaha ilalaahu muxamed rasuululaahi” oo ka
muuqata meel ka dameysa dadkaa qoob ka ciyaaraya.
Maxaa yeelay calanka ay kelmadahaasi ku qoran yihiin ayaa ku
dhegan meesha qoobka ciyaarku ka dhacaayo. Waxaa taas kasii daran
kolkii aad aragto calankii shahaadadu ku qoreyd oo lagu duubay
qofkii heesaayey. Shame on you! Shame on you!
Aaway sharaftii iyo qadarintii towxiidka? Waxaad leedihiin maxaa
naloo aqoonsan waayey, sow ma dhici karto iney idin haysato cuqubada
kelmadahaa towxiidka ee lagu duubay gabdhaha heesaaya, calanka ku
dhegan meel walba oo xafladi ka dhaceyso.
Haddaba culima udiinka reer soomaliland waxaa la gudboon iney ka
hadlaan arinkan. Dadkana ay fahamsiiyaan inuu calankani xambaarsan
yahay kelimada towxiidka loona baahan yahay in la dhowro ee aan lagu
wadhin meel walba. Haddii aan wax laga qaban arinkan iyo ku
ciyaarida kelmadaha towxiidka ah ee calanka ku qoran waxaa laga
yaabaa in carada ilaahay kusoo deg degto reer soamliland. Cadhadu
kolka ay timaadona dadka waa kuwada dhacdaa sheekh iyo shariif iyo
mid heesa. Sidaas darteed waxaa la gudboon dadka reer somaliland
iney dhowraan sharafta kelmadaha towxiidka ah ee ay calanka ku
qoreen ama waa iney ka tirtiraan. Akhristow bal masraxyada ay ka
heesaan fanaaniinta reer somaliland, dhamaantood waxaa lagu qurxiyaa
calanka ay ku qoran tahay kelmada towxiidka. Suàashu waxaa weeyaan,
heeso iyo qoob ka ciyaar,rag iyo dumar isku dhexmilmay iyo kelmada
towxiidka ee qadarinta mudani meel ma wada galaan?
Mahadsanidin
C/risaq M xuseen, sweden
habdirisak@hotmail.com
Mustafa
Maxamed- Orodyahan soomaaliyeed oo kudayasho muddan.
Akhri...