Asmara Iyo Ragga Ku Shirayo Waa Laba Qaawan Isma Qaado,
Kitaabka Ilaahey La'aantiis.
Abdallah
Moallim Mahamud(Cabudllahi Siyaasi)
Moallem10@hotmail.com
Shirarka waa nagu fara bateen, Shir walbana waa
kaskiis iyo kooxa is bar yaqaan ,ama dan gaara isugu habar
wacday ,mid walbana dowlad danteeda ka dhax aragtay ayaa dabada
ka riixayso .iyadana weli lama haayo cid ku maqan hadafka
dadkeena iyo dalkeena ,afka-sheega iyo qurxinta hadalka wacan
,qola(Xisbi) walba iyo tabarteed. 'kulli xisbin farixuuna bimaa
ladayhim"…annagana waa dadweynaha Soomaaliyeede, dagaaladi
sukeeya waxaa noo raacay gumaysi madow iyo kani waa Murtad iyo
kani waa Argagagixiso ,dhamaan waa luqad cusub oo ay la soo
baxeen kooxaha maanta isku haaya gacan ku qabashada hagaanka ugu
sareeyo ee dalkeena, walow aynan meesha ka maqnayn dagaal ku
haynta diinta Islaamka ,dhinaca kalana shaqsiyaadka qaarkood,
kama marno ku qaraabashada kitaabka Illahey.
Shirarka mid wuxuu ka socdaa magaalada muqdisho waxaana
loogu magac daray "shirka dib-u-heshiisiinta beelaha
Soomaaliyeed" waxaana laga hagaa washignton, Addis-Ababa iyo
Nayrobi. qabashada mid kaa ka soo horjeedana waxay
qaban-qaabadiisa ka socotaa Asmara ,waxaaa la filayaa in uu
shirkaas qabsooma maalmaha hore ee bisha September ee sanadkaan
2007,waxaana asxaabta ku howlan qabashada shirkaas laga soo
weriyay in ay doonayaan mideynta waxay ugu yeereen afar xoog oo
ka kala socda Maxkamadaha Islaamiga ah, Barlamaanka Xorta ah,
Bulshadda Rayadka ah iyo Soomaalida Qurbaha, si ay keddibna ugu
tilaabsadaan fulinta howlihi dalkeena looga saari lahaa
Ciidanka Xabashida ee dalkeena ku sugan,waa sida ay mar walba u
dhigaan wararkooda. shir kalana waxaa lagu qaban doona
magaalada Londonn 27-28 August 2007, kaana waxaa lagu sheegay in
uu yahay dhamaystirkii shirki lagu qabtay magaalada Leister ee
dalka Ingriiska , 6-8 April 2007 ,waxaana shirkaas laga rabaa
in lagu dhiso dhaqdhaqaaq la doonayo in loogu waqlalo
Dhaqdhaqaaqa Soomalida Qurbaha,Shirkaan danbe qorshiihiisa aanan
la shaacin sida ka muuqato magaciisa iyo waqtiga lagu soo
aadiyay qabashadiisa, howshiisa ma dhaafsiisna far ku fiiqida,
yaa shirka Asmara kaga qeyb-galaya magaca Soomalida ku nool
dalka debadiisa .
in dalkeena laga xoreeyo cadawga nagu soo
duulay layskuma khilaafsano ,in dalkeena loo dhiso dowlad aan
heshiis ku-nahay lays-kuma khilaafsano ,in la heshiisiiyo
qab'aailka Soomaaliyeed ee wax kala tabanaayo lays-kuma
khilaafsano ,in la asaaso dhaqdhaqaaq mathalo dadka Soomaliyeed
ee ku nool debadaha lays-kuma khilaafsano ,laakin Su'aasha waxay
ka taagan tahay haddii dhinac walbo iyo dowladaha dabada kaga
jiro, iyaga dhigtaan googol u gaar ah ,gogoshaasna ugu yeeraan
gogol Soomaaliyeed, maxaa ka soo baxayo oo aanan ahayn murugo ku
dabadheeraato umaddeena iyo jabhadayn aanan dhamaan iyo ku
hadaaqa hebel waa xag-jir, hebel waa gaal ,hebel waddani
maahan,hebel waa dabadhilif ,hebel waa murtad
,hebel waa reer hebel iyo hebel waa reerkeena ,iwm.
Weli waxaan ku taagan nahay wadda mugdi ah,
DFKM ku sheega waa fashilmeen, garabkooda lixaati Xabashaa
,waayo sideedaba xisaabkooda kuma jirin in ay qabsadaan Quluubta
dadka Soomaaliyeed,waxayna taa ka heleen in ay Soomaaliya ku
raraan Xabashi ,iyagana ay xabashi rarato . kuwa Asmaro joogana
waxay ku tilaabsadeen waddadi Mbagathi oo aadan sina uga dhumeyn
,wixi ka soo baxana ka shaqayn maayaan waddanka Soomaaliyeed
,waana wax iyaga u gaar ah shirkooda iyo waxay ugu magac
dareenba.
Soomali uma baahno talo ka soo maaxdo dalal
iyaga ku howlan in ay wax walba ka hormariyaan dantooda
gaar-ahaaneed,Somaali uma baahno shaqsiyaad ku howlan inkiraada
shaqsiyaad kale oo aanan iyaga ku fikir ahayn,Soomali uma baahno
cid aanan diyaar u ahayn in dalkeena isku xukumo shareecada
Islaamka ,Soomaali uma baahno qoqob hor leh iyo dilal
siyaasadeed oo aanan dhamaad lahayn.
Shirka Asmara oo isaga yoolkayga ahaa iyo
in aan farta ku fiiqo qaabka ay u socoto qabanqaabadiisa. waa
su'aal ku aadan ragga iyaga horboodayo shirkaas ,waxaa Soomaali
oo dhan idin weydiinaysaa ,shirka ma ku martiqaadeen culumo
Soomaaliyeed oo aanan ku fikir ahayn culumadi hor-kacaysay
hogaanki maxaakimta,shirka ma ku marti-qqadeen barlamaaniyiinta
Baydhabo ee ka fikir duwanaa kuwa idinlna joogo Asmara , iyagana
Mbgathi kala yimid ,Soomalina oo dhanna ay ka wada
dharagsantahay qaabka kulligoodba looga soo xulay,shirka ma ku
martiqaadeen, bulshada Rayidka ah kuwooda aanan xiriirka
idinla-lahayn,shirka ma ku martiqaadeen rag qurba jooga oo ku
kala fikir duwan, qaabka ugu wacan ee loo maareyn karo
dhibaatada ummadda Soomaaliyeed ku habsatay.
Sua'aaladahan oo dhan waxaa ka jawaabayo si
ficil ah qabashada Shirkiina iyo wararka sheegayaba in uu
shirkiina yahay mid gaar ah oo lagu mideynayo afar xoog oo iyaga
kala ah Maxkamadaha Islaamiga ah, Barlamaanka Xorta ah,
Bulshadda Rayadka ah iyo Soomaalida Qurbaha.
Shirkiina ma'ahan mid loo dhan yahay ,waxabana
kama duwana kuwi hore Soomali loogu bahdilay, geddigoodna ku
dhamaaday waxaa shirka lagu doortay qoladi ay raaliga ka
ahaayeen dalka dhigay gogosha shirka ka socdo.
Nama anfacaan shirar hadafkooda gaaban
yahay waqtigaan xaadirkaa ,namana anfacaan howla aanan natiijo
wacan ka danbayn ,sidaa darteed ninki doonayo in ay Soomaali ka
xorowda isticmaarka madow ,ha u istaago dhinaciisa sidi
waddankeena looga saari lahaa Amxaaro , isaga oo aanan isku
howlin soo dhisid urur ay ku midaysanyihiin dad wacan iyo dad
lagu tuhmayo in ayagaba sabab u ahaayeen in uu dalkeena faraha
la galo murugada uu ku jiro.
Hadafka qoraalkan wuxuu yahay in aan farta
ku fiiqno in aanan guul laga gaarayn howl ay wada wadaan nin xun
oo la yaqaan iyo nin weli lagu tiranaayo fiicnaan ,inta
shaqsiyadiisa laga yaqaanana aynan sidaa u mug-weyneyn,guul ku
dhamaan mayso howl ay wada wadaan dowlad danteeda doonayso iyo
nin ay ka dhab tahay fulinti wixi dan u ah dadkiisa, waayo ma
wada shaqayn karaan labada danoodba
Su'aal kale oo na hortaal ,mathalan, waxaa
guul keenay qolada Asmara ku shirayso,dalkana ka saaray Xabashi
iyo dabadhilifyadooda ,iyago oo aanan go'aan ku gaarin in ay
isku xukumaan kitaabka Ilaahey ,ma kula tahay Soomaliyow in ay
xukunkooda ka socod siin karaan dhulkeena, iyada oo uunan dhib
kaga imaan Xabashi oo nala leh xuduud aad u dheer ,taageerana ka
helayso dowladda aduunka u weyn ,taana ay u dheertahay
fashiklaada ay ku sameeyeen danahooda.jawaabta waa maya ,waayo
Ameerikaan iyo xabashida waxaa ka guulaysan karo oo kaliya dad
ku midoobay u istaagida in dalkeena lagu xukumo kitaabka Ilaahey
oo kaliya. dhinaca kalasa ma kula tahay in ragga lagu mideynayo
Shirka Asmaro ay qorshahooda ku jirto in ay isku raacaan in
dalkeena lagu xukumo shareecada Islaamka,jawaabta iyadana waa
maya ,hadaba ha isku mashquulin guul ka soo baxdo shirkaas
,iyagana yeynan isku mashquulin howl aanan dhaafsiisnayn, "laba
qaawan isma qaado"
Raxmada Ilaahey lagama quusto,waxaana
guulaysanayo ciddi Ilaahey tala saarato ,ee Ilaahey towfiiqda ha
waafajiyo ummaddeena,aamiin.
Soomaliyeey marki aad si degnaana u saadaaliso
xaalada ay maanta ku sugan tahay magaalada Muqdisho,waxaa kuu
soo baxayo in Magaalada Muqdisho uu goor dhow ka dhici doono
kacdoon ka madax banaan, kooxo gaar ah iyo reer hebelba
.kacdoonkaasna uu isaga noqon doono kii ku guulaysto hogaaminta
ummadda Soomaaliyeed oo mid ah ,raalina kuwada ah natiijada ka
soo baxdo kacdoonkaas dalkeena ka saaro xabashi iyo cid walbo oo
dowr ku lahayd murugaynta ummadda Soomaaliyeed.
20/08/2007
Shirka Asmara Waa Shirki Mbagathi ,Waana
Maandeeq Oo Bacaad Lagu Lisay
Abdallah Moallim Mahamud(Cabudllahi Siyaasi)
Moallem10@hotmail.com
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku
saxiixan
Somaaliyeey, Xaqa Oo Lagu Dheganaado Waa Guusheena...
Akhri..