Magaca Puntland iyo Madaxdiisaba hala isla Tuuro
C/Waaxid
C/hi Khaliif
London, UK
cabdulwaxid@hotmail.com
Ilaah baa mahad leh. Nabadgelyo iyo naxariis nabi Muxamed korkiisa ha
ahaato.
Yaa sheegi kara micnaha magaca Punt? Oo ma “Puntlanders” beynu
nahay?! Sug sug maxaan u iri Puntlander? Sidaasey meelaha ku soo
qorqoraan. Sidaasoo kale ayaa reer Waqooyigu u dhahaan “Somalilander”.
Laakiin mid baan ogahay. Waddan kastoo “land” ku dhamaada, qofka u
dhashay looguma yeero “…lander”. Tusaale ahaan qofka u dhashay England
ma maqal iyadoo loogu yeerayo “Englander”. Sidoo kale qofka Scotland ama
Ireland u dhashay qaabkaas oo kale ayey raacaan. Ma aragteen qof Poland
u dhashay oo leh “Polander” ama “Switzerlander”. Khasab ma aha in “land”
ku jira waddamadaas isku macno yihiin. Waxaan iskaga qaatay oo kale
xarfo suuqeed Xamar iyo Koonfurta Soomaaliya ka jiray oo weeraha la
raacinjiray “oos” sida caadiyoos, dhoorroos, iwm. Haddii dadkii
Ingiriiska ku hadlayey ay magacyada intooda hore qiimeeyaan maxaa
“Somalilander” iyo “Puntlander” u danleeyihiin? Waxaan ugu yeeri lahaa
madaxda Puntland “punters” oo Ingiriis ahaan labo macno leh.
- Macaamiisha. Marka waa macaamiisha Zenawi.
- Khamarji khaasatan kuwa fardaha tartamaya lacagta u dhigta.
Marka waxay kala xushaan shirkadaha qashinka waddanka ku duugaya oo
isku magacaaba shirkado shidaal soo saaraya.
Aqoon la’aanta micnaha weedha “Punt” waxaa ka sii daran lama yaqaan
luuqad ay tahay iyo waliba xarafka “P” oo ku jirin dhawaaqa luuqadda
Soomaaliga. Xitaa Carabiga kuma jiro. Maaddaama aan aqoon luuqadda
Amxaariga ma hubo inuu xarafkaasi ku jiro. Haddaan iska qoro weedh aan
jirin oo ka kooban xarfaha Afsoomaaliga dabadeedna u geeyo qof Soomaali
ah, ma dhihi karo ma ahan Afsoomaali. Hadduu ugu bato wuxuu dhahayaa ma
aqaan ama gobolkee looga hadlaa? Marna qofkaasi ma oranayo ma aha
Soomaali ileyn ma jiro qof sheegan kara inuu Afsoomaaliga oo dhan
yaqaane. Laakiin haddaan magaca Soomaaliya inta xarafka (S) ka qaado ku
bedelo xarafka (P) dabadeedna ku dhaho qof Soomaali ah iisheeg micnaha
weedhan wuxuu horay kaa leeyahay ma aha Afsoomaali! Sabab? Maxaa yeelay
xarafka (P) kuma jiro xuruufta Soomaaliga. Kuwii magaca keenay maxay u
dhihi waayeen “Bunt” ama “Buntu”?
Waxaa dhici karta in dadka qaar is dhahaan war bal eega waxa ninkaasi
la soo shir tagay! Ma maantuu xarfo ka hadlayaa! Ma jiraa qof ilmihiisa
u bixiya magac uusan aqoon micnihiisa? Ama magac xun? Sidee ku hindisnay
inaan dhulkeenna oo ka muhiimsan ilmo iyo qoys aan u bixinno waxaynaan
aqoon? Islaam ahaan iyo dhaqan ahaan kuma habboonna inaan la baxno
waxaynaan aqoon. Sidoo kale ma aqaan micnaha magaca Soomaaliya laakiin
dadkeennaan nooli ma bixin.
Islaamku wuxuu kaloo qabaa inaadan duceysan adoo hurdeysan ama hubin
waxaad leedahay. Waxaa lagu barayaa dantaada. Ilaah ha hortagin
(Salaadda) adoon aqoon waxaad akhrineyso. Sidoo kale haddaad dan qaran
ama dantaada khaaska ka hadleysidna adoon soo jeedin oo dhammeyn ha
gelin. Ma aragteen sida reer Galbeedku u fahmay arrintaas ah in la lafo
guro arrimaha? Markey dhaqankooda naga iibinayaan waxaad arkeysaa iyagoo
filimaan ku dhigaya (ka soo qaad) qof tuug ah oo qof afduubtay. Waxaad
arkeysaa madaxda booliiska iyo kuwa gobolkaas xukuma oo har iyo hoyaad
ka tagaya sidii qofkaas loo badbaadin lahaa. Waxaa la galayaa shirar aan
loo kala kicin. Waxay muujinayaan in qofkaas la heyso uu qiimo weyn ku
fadhiyo. Mararka qaarkoodna bisad/mukulaal geed ka soo degiweyday baa
madaxda magaalaas iyo booliiskuba waqti badan ku lumiyaan sidii loo
badbaadin lahaa. Halka “xildhibaannadeennu” markii Itoobiya waddanka soo
galeysay la yiri, “gacan haloo taago” inta rabta in Itoobiya iyo ciidamo
shisheeye waddanka soo galaan?” Dabadeedna intoodii badneyd u codeeyeen!
Waxa noocaas ah ma ku sheegi kartaa binu Aadam? Xitaa carruurtii,
waayeelkii iyo haweenkii ka qaxay Xamar waxaa loo diiday iney hay’adaha
sheegta samafalku caawiyaan.
Waxaa ka sii daran markii magacaas lala baxay ma ay fiirin luuqadaha
adduunka inuu jiro magac sidaas loogu dhawaaqo ama loo qoro. Waxaa la
yaab ah, magacaas oo sidiisa ah “punt” waa kalmad Ingiriis ah.
Macnayaasha magaca kalmaddaasi leedahay aan labo ka soo qaadanno:
- doonta yar ee inta qofku istaago usha dheer uu biyaha salkooda
ku taagsado. Soow Khuuri lama dhaho taas?
- lacagtii laga isticmaali jiray jamhuuriyadda Ireland inteysan
lacagta Yuurada ah qaadan.
Haddii laga wado doomaha loo isticmaalo dadka qaxootiga ah ee Yemen
loo qaado oo intaas oo dhib ah ka dhacday waa suurtogal. Micnuhu wuxuu
noqonayaa dhulkii dadka qaxootiga ah doomaha laga daadin jiray. Sidoo
kale haddii laga wado lacagaha laga qaato shirkadaha qashinka sunta ah
ku shuba badaha ama shirkadaha ka jiraafta ama dhaha macdan iyo shidaal
baan ka baareynaa waa magac ku habboon maamulkaas. Wuxuu noqonayaa
dhulkii ay calooshood-u-shaqeystayaalku xukumeen. Laakiin in dhulkaas
Soomaaliyeed magac aan la aqoon la siiyo waa xilkasnimo-darro.
Marka arrimuhu sidaas isu bedelaan waxaa Soomaalidu tiraahdaa awrkii
oo tuurta laga ceynshay. Dhibta ka dambeysana waa soo degdegtaa. Dadka
Waqooyi Bari ku dhaqan waxay ahaayeen magacaas ka hor dad ay ku
dheertahay Soomaalinimada iyo waddan-jacaylku. Hadda waxaad arkeysaa
niman la yaqaan ciddey yihiin oo dad muslimiin ah oo Soomaali iyo Oromo
u badan ka ganacsanaya baddana ku daadinaya! Meeday soo-dhoweyntii aad
ku faani jirteen? Waxaad arkeysaa in hogaamiyayaashoodu ay la dagaalaan
diinta Islaamka iyo dadkeeda, shacabkuna aysan dan ka lahayn. Waxaad
arkeysaa madaxdaas oo madiidin u ah Zenawi, dadkuna aysan ka damqaneyn.
Ma u maleyneysaa caruurta iyo hooyooyinka harraadka iyo gaajada ugu
dhimanaya doomahaas ama laga tuurayo in Ilaahay moogyhay? Waxaan
aaminsanahay haddaan madaxdaas iyo jirridaas wax laga qaban in Boosaaso
ku dambeyndoonto sidii Xamar ahayd dagaalkii sokeeye.
Toban sano ka hor dadka dhulkaasi degen waxay dhihi jireen marna kama
qeybqaadaneyno burburka iyo kala-goo-goynta Soomaaliya. Wuxuu ahaa
degaan lagu soo dhoweeyo dadkii Xamar ka soo qaxay iyo sidoo kale dadkii
ka soo qaxay markii dagaalka sokeeye ka socday Waqooyiga Soomaaliya.
Hadda waxaa Waqooyi Bari ka qaxay dadkii ay isku qabiilka ahaayeen ee ka
soo jeeday Sool, Cayn iyo Hawd. Wiilashoodii waxay ka dhinacdagaalayaan
Tigree. Suureyso nin wiilkiisii ama walaalkiis ka dhinac dagaalayo
Tigree! Oo Xabbadda lagu wada tuurayo qof muslim ah oo Soomaaliyeed!
Afxumadaas iyo diin-la-dagaalkaas (madaxda Puntland) waxay keentay in
sidoo kale dadkii ku sii xigay reer Sool ay ku fiirsadeen Cadowga
Tigreega. Waa dadkaas ka dagaalaya Soomaali Galbeed ee Ogaadeenya
sheegta. Waxay la heshiin la’yihiin oo degaanka lagu wada noolaan
la’yahay qabiilka Sade. Marka ma filayo in madax saas ah ay Hawiye ama
Isaaq naxariis u galayaan. Xasuuso maahmaahdii ahayd nin hooyadiis
cirrid u jiiday, aayadiis hoos ma hariyo.
Yaa xasuusta Hitler? Xagee ku dambeeyey? Hitler wuxuu lahaa qab ka
sarreeya kan dagaaloogayaasha iyo madaxda-ku-sheega Soomaaliyeed. Waxay
la ahayd inuu ka hadlayo dan qaran laakiin meel daran buu Jarmalkii kala
dhacay. Hitler wuxuu biloowgii soo hooyey guulo aan la suurankarin
isagoo Yurub inteedii badneyd cagta mariyey. Saasooy tahay wax tari
wayday oo dadkiisii waa halaagay. Tigreega iyo kuwa raaca oo madaxda
Puntland iyo Somaliland ku jiraan waxay khaati ka taaganyihiin
Soomaaliya iska daa waddamo kalee. Idanka Ilaahayna waa jabayaan. Marka
hadduu Ilaah idmo toban sano ama wax la mid ah waxaa dhici karta in sida
Hitler loo nacalado iyagana loo nacaladidoono. ALLAAH baan ku dhaartee
Hitler waa ka liitaan. Hitler marna si ogaal ah Jarmalka cadow uguma soo
hogaamin laakiin si dadban oo uusan ogeyn buu markuu waashay oo
adduunkii oo dhan la dagaalay ugu soo jiiday. Kuwaan Soomaalida sheegta
iyagoo u jeeda bey waddankii Tigree soo gasheen. Marka waa kuma qofka
shaki kaga jiraa iney Hitler ka liitaan?
Shaqadii maamulka Puntalnd laga rabay waxaa qabtay wariye Faransiis u
dhashay oo rabay inuu dabogalo dadka ka gacansada dhoofinta qaxootiga u
socda Yemen. Maxaa loo afduubtay? Haddeysan maamulkaasi ka dambeyn maa
la soo qabto dadkii wariyahaas afduubtay? Puntalnd dhexdeeda ma jiro qof
saas u fiirinkara sirdoonka Itoobiya oo la wada yaqaan halka wariyaas
Faransiiska u dhashay intaas oo maalmood la heysto. Teeda kale waxay sii
leeyihiin haddii wariyahaas la soo daayo waxaa la saarayaa maxkamad
maxaa yeelay wuxuu ku soo dhexdhuuntay hay’adaha samafalka! Tigreegii
waddanka gumeystay baa Garoowe, Gaalkacyo iyo Boosaaso mar kasta iska
dhextaagan markaasaan weriye shaqo fiican haya loo diidayaa. Qof kastoo
Soomaali ahi raalli buu ka yahay in arrinta dadka badaha ku dhoofaya la
baaro.
Dadka ehel iyo isku waddan ahi waa is maqlaan. Wixii wanaag ah waa la
isku raacaa. Soow in lagu deydo maaha nabiyaasha Ilaahay? Waxaan ka
afeefanayaa mar kasta oo aan soo qoro warqad ka digeysa dabinka
sheydaanka; dadka qaarkiis baa dhaha waxaad dadkii ka dhigtay gaalo!
Markaan tusaale nabi soo qaato waxaa la dhahaa waxaad iska dhigeysaa nin
dadka ka kheyr badan! Been idiin ma sheegayo haddii la i dhaho tiri
intaan dambi galay waxaan filayaa iney qaadaneyso inta sano aan jiro oo
kale. Nabi Ismaaciil (CS) aabbihiis (CS) wuu maqlay markuu yiri
xakabadda guriga (naagtiisa) beddel. Si dadka Soomaaliyeed isugu soo
dhowaado waa khasab dadka reer Puntland iney beri ka noqdaan oo iska
furaan madaxda dowladda kumeelgaarka ah iyo kuwa Puntland. Oraahda
dagaaloogaashu waxba kama dharbana (dowlad xun, dowlad la’aan bey
dhaantaa). Oraahdaasi waxay shaqeysaa markii mabda’ la isku xukumo.
Waxay ku fiicneyd markii dowladdii Maxamed Siyaad jirtay. Waxa Puntland
ka jira dowlad-xun maaha. Horta markii dowlad jirto baa laga hadlaa
xumaanteeda iyo wanaageeda. Dowlad iska daaye xitaa maamul-goboleed
maaha. Waagii dowladdii Maxamed Siyaad jirtay, qabiilkeygu igama celin
karin Maxamed Siyaad anoo Gaalkacyo jooga laakiin hadda haddii jufadeydu
ila jirto waxba Cadde Muuse iigama qaadikarto Gaalkacyo. Keliya waxaan
rabaa inaan idin tuso sawir ah inaan dowlad jirin. Cadde Muuse waxba
kagama qaadi karo Xasan Abshir Garoowe. Waana u doqonnimo Cadde Muuse in
Xasan Abshir Garoowe joogo. Hadda gobol kasta dadkiisu wax waa ka qaban
karaan. Haddii hal habeyn odayo-dhaqameedku isu yimaadaan waxbey ka
qaban karaan. Kama hadlayo arrin khiyaali ah oon horay u dhicin.
Xasuuso markii C/hi Yuusuf laga ceyrshay Boosaaso. Ma u maleyneysaa in
Cadde Muuse loo daahayo haddii dadku damco?
Anigu waaqica kama tagayo. Cid kasta oo dhaanta kuwa maamulka haya
waan soo dhoweynayaa xitaa haddii aan ku khilaafsanahay waxyaalo kale.
Marka xitaa xisbiyadan Puntland ee aan la sharciyeyn waxay u dhowdahay
iney dhaamayaan kuwa hadda jooga. Marka waa khasab in wax waxaan dhaama
la keeno. Haddii ay dadku is habaaraan oo dhahaan ma helikarno wax
kuwaas dhaama waxaan leeyahay “waqeydaan helin” laakiin ma filayo in
cidi sidaas oran karto.
Qofkii udug raba hala baxo beeyo, foox ama meydi. Shaki maleh in
magaca Somaliland ka macquulsanyahay kan Puntland. Waxaa ka sii
macquulsan magaca Soomaalida Kenya oo ah Waqooyi Bari Kenya. Kan
Soomaali Galbeed isna waa caadi. Xitaa kan Ogaadeen baa ka macquulsan
inkastoo magac qabiil yahay. Markaan 10 sano ka hor magacaas arkay baan
ka qeyliyey garteyna in dadka iyagoo intaas tiro le’eg inta meel
fariisteen la baxay magac aan la aqoon wuxuu yahay aysan kheyr soo
wadin. Maddaama hal-abuurradii idaacadaha laga maqli jiray ay ka
gaabiyeen kaalintoodii bal aan markaan Afsoomaaliga ka raadgato oon
kusoo xiro labo tuduc oo gabyaa Carbeed yiri:
ﺰﻤﺎﻦ ﻗﺪ ﺗﻔﺭﻍ
ﻠﻠﻔﻀﻭﻝ ﻴﺴﻭﺪ ﻛﻝ ﺬﻯ ﺤﻣﻕ ﺠﻫﻮﻝ
ﻓﺈﻦ ﺃﺣﺒﺒﺗﻢ
ﻓﻳﻪﺍﺭﺘﻓﺎﻋﺎ ﻓﻜﻮﻨﻮ ﺠﺎﻫﻠﻳﻥ ﺒﻼ ﻋﻗﻮﻝ
Gabyaagu wuxuu leeyahay:
Samankaan oo ka takhalusay dadkii fadhliga u saaxiibka ahaa oo uu
hogaanka hayo mid kastoo doqonnimo iyo jaahilnimo isku darsaday.
Qofkii raba inuu kor ahaado (jago) ha noqdo qof jaahil ah oon caqli
lahayn.
Marka dadka xisbiyada iyo jagada Puntland ama Soomaaliya dan ka
lahoow waa inaad iska dhigtaan dad jaahiliin ah oo jecel Zenawi oo la
dagaalaya “aragixisada” ugu yaraan si aad dantiinna u gaartaan. Kaddibna
qofkii Ilaahay kheyr la maagay ummaddaas meel fiican ha u horseedo.
Marka ballantu waa qori iyo qiiqiisa waa la isla tuuraa. Si aan iskaga
meyrno waxay noo soo jiideen “abaayadeen” Ayaan Xirsi oo diintii
Islaamkaba ku sheegtay haraadi iyo “adeer” C/hi oo wuxuu socdaba
cadowgii Soomaaliyeed soo gashay Muqdisho iyo Soomaaliya. Marka
qabiilkeennu sheekadaas ugubka ah buu Soomaali u soo jiiday. Micnuhu
maaha qabiilada kale ma leh qof gaal ah ama qof Tigree Soomaaliya soo
geshay ee innagu waxaynu dheernahay waxaynu la soo shir tagnay
dayaacadda Islaamka iyo cadow-soo-gelin.
Marka intaan quusta iska deyno, Ilaahay caqli buu na siiyee aan sida
u dhaanno dadkeenna iyo dalkeenna.
C/Waaxid
Zenawi:
Haddaad Wanan Qalan Jirteen Ciidaha; Annagu
Wiilashiinaan Qudha Ka Jareynaa