Wararkii::
Feb 2, 2007
- IMAAM
ABU LABAN OO GEERIYOODAY
-
Banaanbax Rabshado Watay Oo Lagu Diidan
Yahay Xariga Xaaji Abuukar Cumar Cadaan Iyo
Wiilkiisa Oo Ka Dhacay Magaalada Muqdisho.....
-
Mucaaradad xooggan oo ka hor timid
Magacaabista Maamulka Cusub ee Degmada
Balcad
-
Baarlamaanka uganda oo kasoo hojeestay
ciidamo udirista soomaaliya
IMAAM
ABU LABAN OO GEERIYOODAY

Fiidkii
caawa oo khamiis ah tr. 01.02.2007 waxaa
geeriyooday aabihii dacwada islaamka ee dalka
Denmark.
Waa Sheekh Ahmed Abu Laban oo u
dhintay cudurka dilaaga ah ee kansarka.
Tawaaduc qurxoon, dadaal
joogto ah oo uu dacwada ugu jiray, aragti xeel
dheer leh, xikmad xammaasi wadata oo xaqa
asiibta, shaqo aan kala go' lahayn, u-adeegidda
danaha guud ahaan muslimiinta iyo isagoo aad ugu
dadaali jiray inay muslimiinta si toos ugu
xirmaan khaaliqoodii abuuray ayuu ahaa
mashruucii uu sheekha Denmark ka waday laga soo
billaabo billwogii 80-meeyadii markuu dalka
Denmark yimid.
Waxyaabaha aanan
marnaba la hilmaami Karin ayaa ah dowrkii
dahabiga ahaa ee uu ka cayaaray U-NASRINTA
RASUULKA (SCW), kadib markii 12 sawiro gacmeedyo
foolxun lagu soo daabacay Wargayska Jyllands
Posten, sawiradan oo si weyn aflagaaddo ugu ahaa
maqaamka Rasuulka (scw), ayna si weyn
muslimiinta uga caroodeen.
Sh. Abu Laban
wuxuu ka mid ahaa asaasayaashii ama
hal-abuurihii guddigii soo jeediyay in loo
howlgalo difaacidda Rasuulka (scw), dhinaca
kalena wuxuu ka mid ahaa kooxdii dibadaha
safarada ugu aaday, si ay muslimiinta uga
dhaahiciyaan arrintan iyada ah.
Sheekhu wuxuu ku
dhashay Falastiin sannadka markuu ahaa 1948-kii,
hase ahaa wuxuu ku barbaaray waxna ku bartay
dalka Masar. Waxbarashadiisu waxay ahayd
engineering, hase ahaatee wuxuu kaloo qaatay
waxbarashooyinka la xidhiidha culuumta islaamka.
Kahor intuusan
sheekha iman Denmark wuxuu ka soo shaqeeyay
dalka Nigeria. Billowgii siddeetameeyadii ayay
ahayd markuu yimid Denmark, wuxuuna durbadiiba
aasaasay masjid lagu magacaabo Masjidka Towba,
kadibna wuxuu sheikh iyo khadiib joogto ka ahaa
Waqafka/Masjidka weyn ee Muslimiinta ee ku
yaalla Copenhagen, xarunta dalka Denmark.
Waxaa sheekha la
aasi doonaa jumco (Feb 2, 2007), salaadda
casarka kadib, waxaan Allaah uga baryaynaa inuu
u naxariisto sheekha, ehalladii iyo qaraabadii
uu ka tagayna samir iyo iimaan ka siiyo, aamiin
Qore: Ibraahim
Saalax
ibra88@hotmail.com
Afhayeenka RRP: DFKMG ma
Shaqayn doonto Haddii aan Lala Heshiin Maxakiimta Islaamiga
ah
- DFKMG wadahadal
hala gasho Xasan Daahir Aways
- Qaraxyada
Muqdisho halagu bedelo mudaharaad Joogto ah
- Maamulka
Puntland waxa uu ku tilmaamay Keligii talis
- Shirkadaha
Macdan baarita Puntland waxa uu ku tilmaamay Maafiyo
-
Akhri halkan....... GUJI...
Banaanbax
Rabshado Watay Oo Lagu Diidan Yahay Xariga Xaaji
Abuukar Cumar Cadaan Iyo Wiilkiisa Oo Ka Dhacay
Magaalada Muqdisho.....
Feb 1, 2007: Banaanbax lagaga soo horjeedo
xariga ay Dowlada Kenya uu u xiran yahay Xaaji
Abuukar Cumar Cadaan iyo wiilkiisa Cumar Abuukar
Cumar oo ahaa ganacsade si weyn looga yaqaano
magaalada muqdisho ayaa maanta ka dhacay
agagaarka Hotel Ramadaan ee Magaalada Muqdisho.
Banaanbaxaan oo ay boqolaal dadweyne ah kasoo
qayb galeen ayaa markii dambe isu bedelay mid
rabshado wata islamarkaana waxaa wadooyinka
agagaarka hotel ramadaan lagu gubay taayiro
iyadoo ay banaanbaxayaashu wateen sawirka xaaji
abuukar cumar cadaan ayaa waxay ku dhawaaqayeen
hala soo daayo Xaaji Abuukar Cumar Cadaan iyo
wiilkiisa Cumar Xaaji Abuukar Cumar , iyadoo
wadada isku xirta Ex-kantarool ilaa fagaxna ay
gooyeen dibad baxayaashu islamarkaana aysan
jirin wax gaadiid ah oo maanta isaga kala
gooshay xiligii ay socdeen banaanbaxani .
Dadka banaan baxayey oo wejiyadooda ay ka
muuqatay carro xoogani ayaa ku dhawaaqayey Erayo
ka dhan ah Dowlada Kenya islamarkaana ay qaylo
dhaan iyo cod dheerba ku sheegayeen in lasoo
daayo xaaji abuukar cumar cadaan iyo wiilkiisa .
Maaha Markii ugu horaysay ee sidan oo kale
magaalada Muqdisho diabad baxyo noocan oo kale
ah ka dhacaan oo lagu codsanayo in la soo daayo
xaaji abuukar cumar cadaan iyo wiilkiisa
todobaadkii nasoo dhaafay ayay ka dhaceen
dibadbaxyo sidan oo kale ah oo lagu codsanayo in
dowladda Kenya ay dib ugu soo celiso xoriyadooda
ganacsade Xaaji Abuukar Cumar caddaan iyo
wiilkiisa .
Ganacsade Xaaji Abuukar Cumar Caddaan oo 70 sano
jir ah ayaa waxaa lagu Qabtay magaalada libooya
ee dalka Kenya, ka dib markii ay golaha
maxaakiimta i islaamka lagaga awood badnaaday
weeraro cirka iyo dhulka ah oo ay u adeegsadeen
ciidamada huwanta ah ee Ethiopia iyo maraykanku
islamarkaana xaajiga lagu tuhmayo in xagga
dhaqaalaha uu ka taageeri jirey maxaakiimta
islaamka soomaaliyeed.
yaasiin maxamed cali (faytin)
yaasiinfaytin@hotmail.com
Mucaaradad
xooggan oo ka hor timid Magacaabista Maamulka
Cusub ee Degmada Balcad
Qaar ka mid ah Odayaasha Dhaqanka iyo Waxgaradka
Beesha Mataan Cabdulle oo maanta shir isugu
yimid ayaa waxay ka soo saareen qoraal ay kaga
soo horjeesteen maamulkii shalay ay dowladda
Federaalka Soomaaliya u magacowday Degmada
Balcad ee Gobolka shabeellada dhexe.
Qoraalkaan oo uu ka hor aqriyay saxaafadda
Malaaqa beesha Mataan Cabdylle Malaaq Xuseen
Maxamed Nuur ayaa wuxuu u qornaa sidan:
Anigoo ah Malaaq Xuseen Maxamed Nuur, waxaan
caddeynayaa in magacaabista Mas’uuliyiinta
Degmada Balcad ee dhawaan wasiir ku xigeenka
Arrimaha Gudaha Marwo Fahmo ay ku saxiixday si
hoos-gelis ah; iyadoo kala tashan dadkii
deegaanka iyo duqowda dhaqanka ee Beesha Mataan
Cabdulle.
Waxaan kaloo xusiisinayaan in siyaasadda,
arrimaha dhaqanka iyo magcaabista xilalka kala
duwan ee ku saabsan arrimaha beesha Mataan
Cabdulle oo aan aniga ka ahay mas’uulka 1-aad ee
lagala tashanayo iyadoo saxiixayga oo qoraal
ahna aan ku soo gudbinayo ciddii mudan in xil ay
u qabto beesha.
Waxaan uga digayaan Dowladda iyo odayaasha inay
ka digtoonaadaan inaysan ku xadgudbin nidaamka
federaalka ee goboleysiga iyo mas’uuliyadda
dimoqraadiyadda ku dhisan iyo rabitaanka
shacabka.
Wixii intaas ka dambeeya waxaan beesha Mataan
Cabdulle ogeysiinayaa inaysan u garbin go’aan
aan loo dhameyn oo aan anigu ansixin inuusan
fuli doonin, taasoo looga hortagayo in beesha
dhexdeeda ay ka dhalato khilaaf dhalin kara inuu
dhibaato horseedo.
Ciddii isku dayda in si gooni ah ay wax u
gudbiso waxay qaadi doontaa dhibka ka dhasha
mas’uuliyaddeeda, waxaan kaloo ku boorrinayaan
dhammaan beel weynta Mataan Cabdulle ee dalka
iyo dibadda ku nool inay u hoggaansamaan
qoraalkaan.
Wabillaabi Towfiiq
Malaaq Xuseen Maxamed Nuur
Xubnihii ka qaybgalay kulanka waxaa ka mid ahaa:
1. Malaaq Xuseen Maxamed Nuur
2. Nabaddoon Goomeey Calasoow Cosoble
3. Nabaddoon Max’ud Sheekh Axmed Mataan
4. Nabaddoon Faarax Axmed Max’ed (Faarax Bintow)
5. Nabaddoon Muuddeey Maxamed Maleele
6. Nabaddoon Xasan Cali Maxamed (Ceegaag)
7. Cali Maxamed Xasan (Cali Koonfur)
8. Bashiir Maxamed Muuse
9. Max’ed Nuur Xuseen
Maxamuud Axmed Xasan ( Xuurshe)
xuurshe114@hotmail.com
Muqdisho-Somalia
Tel:002521-5573321
Baarlamaanka
uganda oo kasoo hojeestay ciidamo udirista
soomaaliya
Qaarkamid ah
baarlamanka uganda ayaa shalay shir ku qabtay
xaruuntooda shirkaasi oo ay kaga wadahad layeen
ciidamo udirista dalka soomaaliya taasi oo ay
mar horay soo go,aamisay doolada uganda.
tirada iskugu timid shirkaasi ayaa waxay
kakoobanaayeen 45 qofood oo diidan tiro aad
ubadanna way ka maqnaayey waxaa kaloo kasoo
qeebgalay wasiirka defaaca uganda Mr Ruth
Nankabirwa.
intii iskugu timid shirkaasi 95% way kasoo
horjaysteen ciidamo udirsta dalka soomaaliya
taasi oo keeni karta in uu qilaaf kadhasha ama
uu ku yimaado dib u dhac weyn ciidamo udirista
dalka soomaaliya.
Gudoomiyaha baarlamanka Mr Edward Ssekander ayaa
waxuu sheegay in kala maqnaanshaha xubnaha
baarlamanka micnaheeda aysan aheen baarlamanka
shaqadooda maqabsankaraan
You faithfully
Abdukadir adam (abdilucky)
Shirkadda Range oo Sheegtay in Saddexdii bilood ee lasoo
dhaafay ay Garoonka Diyaaradaha ee Garoowe siisay US$313,000
lacagtas oo aad uga badan tii ay DGPL sheegtay in shirkadu bixisay..
Akhri...
Dowladda
Fedaraalka ah oo isku khilaafsan ka qaybgalka shir dib u heshiisiin ah…
.Shariif Xasan oo sheegay inuu yahay weli Gudoomiyaha
.Shiikh Aadan Madoobe oo ku guuleystey Xilkii Gudoomiyhii
.Muxuu Ku Soo Gaba-Gaboobay Shir Madaxeedkii Afrika
.Qoraal looga soo horjeedaan dowladda FKMG...
Wararka oo dhan
ka akhri halkan.... Feb 1
Maxkamadaha
Islaamiga oo Wadahadalka Nabadda ku Xiray Bixitaanka Itoobiya
Waraysi uu wargeys Spanish ah la yeeshay Mustafa Axmed oo
ah lataliyaha Shariif Axmed ayaa sheegay in..
Akhri waraysiga
Lacag dhan $3 million
ilaa $7 million oo ay kala Qaybsanayaan Range iyo DGPL
Lacagtaas oo qarsoodi ahayd waxaa
shaaca ka qaaday wargeyska Herald ee ka soo baxa Australia...
Akhri....
Kenya
ma Badda Soomaaliyeed ayey Shidaal Ka Qodaneysaa?
Dawladda Kenya ayaa dardar gelisey
baaritanka batroolka ay ka wado xeebta, waxaana soo baxay warar tibaaxaya...
Akhri...
DGPL oo Caddayn weydey Meesha ay ku Baxeen Lacagihii ay hore u Bixiyeen
Shirkadaha Macdanta
Madaxweyne Cadde Muuse oo ku sugan Dubai oo
kulan la yeeshay shirkadaha ayaa la sheegay in...
Akhri...