Wararkii: Feb 3, 2007
- Sheikh Shariif oo
ku Baaqay Dib u heshiisiin Guud oo loo
dhan yahay
- Sheekh Shariif oo
ku celiyey in ummadda ay ka hortagaan cadowga ummadda
soomaaliyeed …
- Dowladda Federaalka
oo u muuqata in ay ku socoto wadadii Dowladdii Cabdi
Qaasim..
- Dowladda Yemen oo
sheegtay in ay dalkeeda ku martigelineyso Shir dhexmara..
- Maraakiibtii
imaaneysay Dekedda Muqdisho oo wal wal ka muujisey..
- War bixin ku
saabsan Dagaalada ka dhacay Muqdisho ...
Sheikh Shariif oo ku Baaqay Dib u heshiisiin
Guud oo loo
dhan yahay
Wuxuu ku dhawaaqay gudoomiyaha gudiga fulinta ee MMI Shiikh
Shariif Shiikh Axmed dibu heshiisiin guud oo ay ka qayb
qaataan dhamaan dhinacyada oo dhan. Wuxuu carabaabay inay
Maxkamaduhu u diyaar garoobayaan ka qayb qaadashada
wadahalkaas si dhibaatada ka taagan wadanka xal loogu helo.
Sidaa waxaa ku bilowday waraysi Jimcadii Aljzeeara la
yeelatay gudoomiyaha Midowga Maxaakimta Sh. Shariif Sh.
Axmed isagoo jooga Caasimada Kenya.
Shiikh shariif wuxuu ku yiri waraysigii Al-jazeera oo
noociisa lagu qiyaaso inuuusan horay u dhicin intii
Shariifku ka baxay Soomaaliya, kadib markay Xukuumada ku
meelgaarka ah iyo Dowlada Itoobiya oo taageeraysa ka saartay
ciidamadii MMI magaalooyinkii waawaynaa ee Soomaaliya.
Isagoo
hadalkiisii sii wata wuxuu yiri “Rabitaanka wadahadlka
dhamaan dhinacyada Soomaaliya waa sida kaliya oo wadanka
lagu nabadayn karo.
Wuxuu intaa ku daray isagoo telafoon kula hadlayey Aljzeera
isagoo jooga Nayroobi, “Maxkamaduhu diyaar bay u yihiin inay
wada hadal lagalaan dowlada kumeel gaarka ah, si loo
xaqiijoyo siyaasad dhamaystiran oo dhamaan soomaalidu raali
ka tahay,ciidamo shisheeye oo la keenana dhibaatada xal uma
noqonayaan”.
Wuxuu adkeeyey Shariifku “inay maxkamaduhu sidoo kale diyaar
u yihiin inay lahadlayaan Itoobiyanka haday rabaan inay
Soomaaliya nabad ka dhaliyaan, arimihii hore ee Soomaliya ku
wajahnaana ay wax kabadalayaan”.
Warisigaan wuxuu shariifku adkeeyey in inbadan oo
hogaamiyayaashii iyo ciidamadii maxkamahadaha Islaamiga ay
ku suganyihiin gudaha dalka Soomaaliya, ayna ku jiraan
diyaar garow sii wadida iska caabinta dhanka ka ah ciidamada
shisheeye ee soo duulay, hadii ay suura gali waydo in
dhinacyada is haya ay miiska wada hadalka wax ku dhameeyaan.
Heshiiska iyaga iyo maraykanka
Dhinaca kale wuxuu shariifku sheegay inay jirto isfaham
iyaga iyo Maraykanka arimaha Soomaaliya, khaasatan dhinaca
wada hadalada.
Sidoo kale wuxuu sheegay inay wada kulmeen Safiirka
Maraykanka u fadhiya Kenya, wuxuuna tilmaamay inuu Safiirka
maraykanka uu lasoo xariiray Maxaakimta, una soo jeediyey
inay Maxaakimta madaxdoodu kasoo baxaan Soomaaliya soona
gaaraan dhinaca Kiiniya.
Wuxuu waxba kama jiraan ka dhigay Shariifku warar oranayey
in Maxkamadahu hayaan maxaabiis Maraykan ah wuxuuna yiri
“waxaan ka ogahay majirto”.
Sidoo kale wuxuu diiday inuu ka tagayo Caasimada Kenya, una
kacayo dhinaca Yemen. Wuxuu yiri, “ waxaan sii joogayaa
Kenya, Waxaase jira wadahadalo carbeed oo xal loogu
raadinayo isbadalada xaalada Soomaaliya”.
Isha: Aljzeera | Tarjumadii:
Somalitalk.com
Sheekh Shariif oo ku celiyey
in ummadda ay ka hortagaan cadowga ummadda soomaaliyeed …
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com
Sheekh Shariif Shiikh Axmed oo ah Gudoomiyahii Golaha
Fulinta ee Maxaakiimta islaamiga ah ayaa markii ugu horeysay
Warbaahinta Dalka iyo Dibaddala hadley waxa uuna sheegay
inuu caafimaad qabo isla markaana uu haatan yahay Qof Xor ah
wuxuu sheegay in Golaha Maxaakiimta ay u diyaar garoobaayaan
kulan dib u hashiisiin ah ee dhex mara dhamaan Ummadda
Soomaaliyeed waxa uuna sheegay inay wada hadaladaasi loo
baahan yahay in ay ka qaybgalaan Bulshada Rayidka, Odayaasha,
Culamaa’udiinka, waxgaradka, siyaasiyiinta, waxa uuna
sheegay in dib u hashiisiintaasi lagu bad-baadin doono Dalka
iyo Dadka Soomaaliyeed.
Waxaa kaloo Shiikh Shariif
sheegay inay dhibeyso in waxyeelo loo geysto Bulshada
Soomaaliyeed waxa uuna u soo jeediyey inay Goob kasta kula
dagaalamaan Cadowga Ummadda Soomaaliyeed ee itoobiya wuxuu
sheegay in ciidamada Itoobiya qabsadeen Dalka Soomaaliyeed
ee ku xadgudbeen Xorriyadiisa
Sharaftiisa Shiikh Shariif
waxa uu sheegay in madaxda Sare ee Maxaakiimta islaamiga ah
ay bad qabaan ayna ka bad-baadeen Duqayntii Maraykanka
isagoo sheegay in xalka uu ku jiro sidii wada hadal loogu
furi lahaa dhamaan Ummadda Soomaaliyeed meel kasta ay
joogaan Shiikh Shariif waxaa kaloo sheegay in uu
Booqashooyin ku soo kala bixin doono Waddamo fara badan waxa
uu si gaar ah farta ugu fiiqay Waddanka Yeman oo uu sheegay
inay ku sugan yihiin Masuuliyiin Sar-sare ee Maxaakiimta
islaamiga ah hase yeeshee Shiikh Shariif ma carabaabin
Wadamada kale uu tagayo Shiikh Shariif mar uu ka hadlayey
xaalada Xaaji Abuukar Caddaani waxa uu sheegay inuu dadaal u
gali doono sidii lagu sii deyn lahaa Xaaji Abuukar Cumar
Caddaani oo uu sheegay Wax dambi ah uusan galin Shiikh
Shariif oo mar kale ku celiyey in Shacabka looga baahan
yahay in ay ka hortagaan Ciidamada itoobiya ee qabsaday
Dalka Soomaaliya.
Dowladda Federaalka oo u
muuqata in ay ku socoto wadadii Dowladdii Cabdi Qaasim..
Dowladdii C/qaasim Salaad Xasan ayaa markii ay u harsaneyd
labo sano waxaa beesha caalamku u soo jeediyeen in ay ka
qaybgasho shir dib u heshiisiin ah, maadaama dowladdaasi ay
ka maqnaayeen qabqablayaashii dagaalka, waana tii lagu
qabtay shir dalka Kenya.
Dowladda uu haatan hogaamiyo c/llaahi Yuusuf Axmed ayaa u
muuqata mid mareysa wadadaasi kaddib markii ay beesha
Caalamku u soo jeediyeen in la qabto shirweyne Dib u
heshiisiineed oo lagu dhiso dolwad soomaaliyeed oo sal
balaaran, waxaana arrintaani soo dhaweeyey madaxweyne C/llaahi
Yuusuf Axmed, inkastoo Ra’isul Wasaare Cali Max’ed Geedi uu
sheegay in aysan jirin wax waqtigaan lala heshiiyo.
Dowladda Federaalka ayaa haatan waxaa soo fuulay cadaadis
aad u balaaran, waxaana gebi ahaanba laga jaray deeqihii
lacageed ee ay siin jireen Midowga Yurub iyo Mareykanka,
iyadoo sidoo kale dowlado horey u sheegay in ay ciidamo u
soo dirayaan Soomaaliya ay haatan dib uga laabteen soo
dirista ciidamadaasi, kaddib markii ay xaaladda Soomaaliya
ay cirka isku shareertay ayna bilowdeen dagaalo u dhexeeya
Ciidamada Itoobiya iyo kooxo ka soo horjeeda joogitaankooda.
Dowladda Yemen oo
sheegtay in ay dalkeeda ku martigelineyso Shir dhexmara..
Warar aanu helnay ayaa waxay sheegayan in Dowladda Yemen ay
dooneyso in ay qaban-qaabiso kulan dibi u heshiisiin ah oo
dhex mara Dowladda Federaalka iyo Midowga Maxaakiimta
Islaamiga ah.
Dalka yemen oo ay horey ugu sugnaayeen xubno ka tirsan
Midowga Maxaakiimta Islaamiga ah ayaa haata la filayaa in uu
saacadaha soo socda uu ku biiro Guddoomiyihii golihii
Fulinta ee Maxaakiimta Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo shalay
caddeeyey in uu tagayo dalka Yemen. Sheekh Shariif waxa uu
shalay ku dhawaaqeen in uu wada hadal la galayo dowladda
Federaalka si loo dhameeyo dhibaatada ka jirta dalka
Soomaaliya, hase yeeshee waxa uu si aad ah uga soo
horjeestay ciidamada ku soo duulay dalka Soomaaliya ee
Itoobiya kuna tilmaamay in ay yihiin cadowga umadda
Soomaaliyeed.
Beesha caalamka ayaa aad u dooneysa in la qabto shirweyne
dib u heshiisiineed oo ay yeeshaan dhamaan kooxaha
Soomaaliyeed.
Maraakiibtii imaaneysay
Dekedda Muqdisho oo wal wal ka muujisey..
Iyadoo habeen hore duqeyn loo gaystay Dekedda weyn ee
Magaalada Muqdisho ayaa waxaa arrintaani walwal ka muujiyey
maraakiibta ku soo xiraneysa dekedda weyn ee magaalada
Muqdisho.
Waxaa lagu waramay in maraakiib ku soo jeediyey Muqdisho ay
haatan bilaabeen in ay safaradooda hakiyaan tan iyo inta ay
xaaladdu iska bedeleyso.
Sidoo kale Maraakiibta ku xiran ayaa bilaabay inay
dedejiyaan rarka saaran, waxaana haatan dekedda weyn ka
socda halwo daadgureyn iyo rarid ah.
Habeen hore ayaa dekedda waxaa ka goostay dhowr markab
kaddib markii ay kaddib markii ay maqleen dhawaqa
madaafiicda lagu soo riday, waxaana weli soo gaaraya Dekedda
digniino ganacsatada loogu sheegayo in ay hantidooda kala
baxaan Dekedda oo ay gaystaan goob kale oo amaan ah.
War bixin ku saabsan
Dagaalada ka dhacay Muqdisho ...
Waxaa Habeenimadii Jimcaha soo galeysay ka dhacay muqdisho
dagaal u dhexeeya Ciidamada itoobiya iyo kuwa Muqaawamada ka
dib markii Kooxahaan Madaafiic ku garaaceen dhowr Saldhig oo
ay ku sugnaayeen Ciidamada itoobiya kuwa fedaraalka.
Goobihii la wareeray waxaa ka mid ahaa Hotel Lafwayn,
dekadda wayn ee Muqdisho iyo Xaruntii hargaha iyo Saamaha
waxayn weeraradaasi ay keeneen in Ciidamada itoobiya iyo
kuwa fedaraalka Madaafic ku jawaabaan oo u qeybiyaan Dhamaan
Magaalada Muqdisho waxaana ku dhintay ilaa iyo 7-Qofood oo
dhamaantood ahaa Dad rayid ah oo aan waxba galabsan sidoo
kale waxaa shaley Madfac habow ah oo aan la garanayn cid soo
riday uu ku dhacay Xarun lagu Barto Diinta islaamka oo lagu
magacaabo Umma Caa’isha waxaana halkaasi ku dhaawacmay ilaa
iyo 7-Qofood.
Dadka ku dhaqan Magaalada Muqdisho ayaa wal-wal ka muujiyey
Madaafiicda la iswaydaarsanayo waxayna u soo jeediyeen
labada dhinac inay xushmeeyaan sidoo kale waxaa shalay
isgoyska Maanaboolyo lagu dilay Askari ka tirsan Ciidamda
Fedraalka ah isagoo labisan Dareyskii lagu yaqiinay Ciidanka
Booliska Soomaaliyeed.
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com
WARARKII: FEB 2, 2007
Mid Kamida Ciidamada
Booliska Dowlada Kmg Ah Oo Lagu Diley W/Magaalada Muqdisho
yaasiin maxamed cali (faytin)
yaasiinfaytin@hotmail.com
Waxaa isa soo taraya ugaarsiga iyo dilka loo gaysanayo
ciidamada booliska dowlada kmg soomaaliya ee ku sugan
magaalada muqdisho iyadoo habeenkii xalay ahaa lagu toogtay
Askari ka tirsan ciidamada booliska dowladda kmg isgoyska
Manabolyo ee W/magaalada Muqdisho, islamrkaasna laga qaatay
qorigii iyo qalabkii kale ee uu watay.
Dilkan oo ay gaysteen Kooxo hubaysan oo aan la garaneyn ayaa
toogasho ku dilay askarigan oo ka tirsanaa Saldhigga Bari ee
magaalada Muqdisho islamarkaana ka qayb qaadanayey howlaha
amaanka ee isgoyska Manabolyo ee waqooyiga magaalada
muqdisho ,iyadoo la sheegay in kooxahani dableyda ahi ay
askarigan ka soo toogteen meel derbi ah oo aan ka dheerayn
halka uu ku sugnaa askarigaasi .
Dilka askarta booliska ee dowlada kmg ayaan ahayn markii ugu
horaysay oo sidan oo kale dil loogu gaysto, iyadoo
todobaadkii hore askari ka tirsan saldhiga booliska ee
huriwaa ay dileen kooxo hubaysan , islamarkaana ku jiid
jiideen wadada isku xirta ex-kantool iyo suuqa xoolaha ee
magaalada Muqdisho.
Si kastaba ha ahaatee dilalka ciidamada booliska dowlada kmg
ah ayaa lala xiriirinayaa xaalada amaan daro ee ka jirta
magaalada muqdisho oo kasii daraysa islamarkaana ay si daba
jooga usoo kordhayaan nacaybka loo qabo ciidamada dowlada
kmg ah iyo weliba kuwa Ethiopia.
Weeraro Isdaba Jooga Oo
Gilgiley Habeenkii Xalay Ahaa Guud Ahaan Caasimada Muqdisho
....
Qaraxyo Waaweyn Iyo Weeraro Kuwii Ugu Darnaa Ayaa Xalay Si
Isdaba Joog Ah U Gilgilay Magaalada Caasimadda ah Ee
Muqdisho, iyadoona khasaaraha dhimashada iyo dhaawac uu
yahay mid isa soo taraya.
Ilaa 8-Hoobiye ayaa lagu garaacay xarunta Dekadda weyn ee
Muqdisho, kuwaasi oo ay soo tuurayeen kooxo hubaysan oo aan
la garanayn, iyagoo bartil maameedku ahaa sida la sheegayo
ciidamada Dowladda KMG iyo kuwa Ethiopian-ka ee ku sugan
Dekadda weyn ee magaalada muqdisho
Ugu yaraan Laba ruux oo
rayid ah, ayaa geeriyootay ka dib markii 5- Hoobiye ku
dhaceen deegaanada ku xeeran Dekadda, iyadoona Hooyo iyo
canug 10-jir ah oo ay dhashay ay halkaasi ku dhaawacmeen,
halka 3-da kalana ay ku habsadeen bartamaha Dekadda.
Sidoo kale ilaa dhowr Madfac oo aan la garaneyn halka ay ka
yimaadeen, ayaa xalay si toos ah ugu habsaday xero ay degan
yihiin dad soo barakacay oo ku taalla agagaarka warshadii
hore ee Caanaha, halkaasi oo la sheegay in ugu yaraan 4-ruux
oo ay ku jiraan Haweenay iyo caruur yar yar ay ku nafwaayeen,
halka dhaawacuna uu kor usii dhaafay ilaa Tobaneeyo ruux.
Dadka deegaanka, ayaa kuu sheegaya in Madaafiicdaasi la
qiyaasayo in ay kusoo jawaabeen Ethiopian-ka, ka dib markii
lagu garaacay Hoobiyayaal xooggan.
Nawaaxiga garoonka ciidamada cirka ee Muqdisho, ayaa sidoo
kale xalay lagu garaacay Madaafiic cul culus, inkastoo aan
ilaa iyo haatan lasoo sheegin cid wax ku noqotay halkaasi.
Hotel Lafweyn ee waqooyiga Muqdisho, ayaa sidoo kale lagu
weeraray Qoriga Baasuukaha loo yaqaano, iyadoona israsaasayn
xoogganina ay halkaasi ku dhexmartay ilaalada Hotelka iyo
kooxihii weerarkaasi soo qaaday.
Lama oga Khasaaraha ka dhashay weerarkaasi lala beegsaday
Hotelka Lafweyne.
Magaalada caasimada ee Muqdisho, ayaa habeenkii xalay ahaa
waxa ay u aheyd habeenkii ugu weerarada badnaa, tan iyo
Intii ay Dowladda KMG ah iyo Ciidamada Ethiopia ay qabsadeen,
iyadoo Dowladduna ay horey weeraradan dhacaya ugu eedeysay
Maxaakimta Islaamiga.
Madfac Habow Ah Oo Ku
Habsaday Xarun Dugsi Qur'aan Ah Oo ku Taala Magaalada
Muqdisho.
Qarax Gilgiley badanaaba magaalada Muqdisho ayaa saaka
barqanimadii ka dhacay degmada Hodon ee magaalada Muqdisho
qaraxan ayaa ka dhashay kadib markii madfac habow ah uu
kusoo dhacay xarun dugsi qur,aanka lagu barto oo ku taala
degamada hodan halkaas oo ay ku geeriyoodeen inta la og
yahay 7ruux ,iyadoo ay ku dhaawacmeen tiro kale oo dad ah .
Madfacan Habowga ahaa oo aan la garaneyn cidda soo tuurtay ,
ayaa waxuu ku dul dhacay xarun dugsi qur'aan oo ay wax ku
bartaan dadka waaweyn oo u badan haween ,islamarkaana Qaarka
mid ah dadkii ku dhaawacmay qaraxaasi ayaa xaaladooda
caafimaad ay aad u liidataa sida uu saxaafada u sheegay
agaasimaha Isbitalka Madiina Dr. Sheekh Doon Salaad Cilmi,
iyadoo dadka dhaawacmayna ay ku jiraan haweeneey uur leh
, macalinkii dugsiga wax ka dhigi jiray iyo haweeneey kale
oo iyaduna macalin ka aheyd isla dugsi qur,aankaas.
Arintan ayaa ku soo beegmaysa xilli habeenkii xalay ahaana
ay magaalada muqdisho hareeyeen qaraxyo iyo weeraro isadaba
jooga oo lala beegsanayo saldhigyada ay degan yihiin
ciidamada dowalada kmg iyo kuwa ethiopia oo ka dhacayay
caasimada muqdisho islamarkaana ay ku geeriyoodeen isla
xalay 7 ruux oo rayid ah .
Xaalada nabad gelyo xumo ee kasoo kordhaysa magaalada
muqdisho ayaa kasii daraysa maalinba maalinta ka damabaysa ,iyadoo
ay sii wiiqmayso rajada laga qabo xasiloonaanta caasimada
muqdisho .
yaasiin maxamed cali (faytin)
yaasiinfaytin@hotmail.com
Shirkadda
Range oo Sheegtay in Saddexdii bilood ee lasoo dhaafay ay
Garoonka Diyaaradaha ee Garoowe siisay US$313,000
lacagtas oo aad uga badan tii ay DGPL sheegtay in shirkadu
bixisay..
Akhri...
Lacag dhan $3 million
ilaa $7 million oo ay kala Qaybsanayaan Range iyo DGPL
Lacagtaas oo qarsoodi ahayd waxaa
shaaca ka qaaday wargeyska Herald ee ka soo baxa Australia...
Akhri....
Kenya
ma Badda Soomaaliyeed ayey Shidaal Ka Qodaneysaa?
Dawladda Kenya ayaa dardar gelisey
baaritanka batroolka ay ka wado xeebta, waxaana soo baxay warar tibaaxaya...
Akhri...
DGPL oo Caddayn weydey Meesha ay ku Baxeen
Lacagihii ay hore u Bixiyeen Shirkadaha Macdanta
Madaxweyne Cadde Muuse oo ku sugan Dubai oo
kulan la yeeshay shirkadaha ayaa la sheegay
in...
Akhri...


|