- Siminaar ku saabsan
AIDS-ka oo soo gebagabeysay OSPAD
- Gabar Soomaaliyeed
oo cudurka AIDS-ka ugu geeryootay Muqdisho
Siminaar ku saabsan AIDS-ka
oo soo gebagabeysay OSPAD
Waxaa Hotel Saxafi Two lagu soo gebagabeeyey Siminaar Socday
mudo saddex maalmood ah oo looga hadlayey halista Cudurka
Dilaaga ah ee HIV/AIDS waxaana soo qaban-qaabiyey hay’adda
OSPAD oo gacan ka heleysay hay’adda Global Fund iyo Hay’adda
UNICEF waxaana kormeerayey hay’adda SCAC.
 Siminaarkaan
waxaa ka qaybgalay 50-xubnood oo ka kala socday xeryaha
dadka Soo barakacay, waxaana intii uu socday cashiro ka
bixinayey Batuulo Max’ed Mursal oo iyadu aad ugu dheeraatay
marxaladihii iyo heerarkii uu soo maray cudurkaasi, waxayna
sheegtay in dadka Soomaaliyeed aysan ku baraarugsaneyn
halista cudurkaasi, taas oo ay sheegtay in ay ugu wacan
tahay aqoon dari.
Dadkii ka qaybgalay
siminaarkaasi ayaa si aad ah uga faa’iideystay, waxayna
qaarkood soo bandhigeen dhacdooyin ku saabsan cudurkaasi oo
ka dhacay dalka Soomaaliya, waxayna sheegeen in wixii
halkaan ay ka ogaadeen ay u gudbi doonaan bulshada inteeda
kale.Siminaarkaan oo ka mid ah siminaaro is daba joog ah oo
ay qabaneysay Hay’adda OSPAD, waxa uuna sheegay guddoomiyaha
hay’addasi Cabdi Nuur Cusmaan Weheliye in ay siminaaradani
ugu tagaleen sidii ay bulshada ugu baraajun lahaayeen
waxyeelada cudurkaasi, waxa uuna sheegay in hay’addu ay
qaban doonto siminaaro fara badan si bulshada loogu
wacyigeliyo dhibaatad cudurkaasi, maadaama dadka
Soomaaliyeed ay deris la yihiin saddex dal oo uu dadkoodu
dilooday cudurka AID-ka.
Gebagabadii
siminaarkaasi ayaa waxaa ka hadlay mas’uul ka socday
hay’adda Unicef oo lagu magacaabo Maxamed Xuseen Cumar oo
sheegay in tababaraha noocaan ah ay uga dal leeyihiin sidii
dadka Soomaaliyeed loogu wacyigelin lahaa cudurkaasi oo
marba marka ka dambeysa ku sii badanaya dalka Soomaaliya,
sidoo kale waxaa ka hadlay mas’uul ka socday ha’yadda SCAC
oo lagu magacaabo Axmed Maxamed Jimcaale oo isna sheegay in
1.5% ay dadka Soomaaliyeed qabaan cudurkaasi, waxa uuna
sheegay in haddii aan la xakameyn uu faraha ka bixi karo,
waxa uuna u soo jeediyey ka qaybgalayaashii siminaarkasi, in
ay bulshada ku wacyigeliyaan sidii looga hortagi lahaa
cudurkaasi. Waxaa kaloo ka Hadley Mukhtaar Xasan Cilmi oo
sheegey in cudurkaan uu yahay mid halis ah oo loo baahan
yahay in laga hortago
Gabar Soomaaliyeed oo
cudurka AIDS-ka ugu geeryootay Muqdisho
Waxaa dhawaan
Isbitaalka Xayaat ee Magaalada Muqdisho ku geeryootay gabar
Soomaaliyeed oo qabta cudurka AIDS-ka kaddib markii ay
eheladeeda iyo qarabadeeda ay ku deyriyeen cudurkaasi, isla
markaana gabadhaasi la sheegay in laga keenay magaalada
Baladweyne, waxaana lagu dhex taayey wadooyinka Magaalada
Muqdisho.
Gabadhaan oo ay ka muuqatay diif aad u daran ayaa waxa ay
darxumo ugu nooleyd dariiqyada Muqdisho, waxaana markii
dambe gabadhasi iyada oo tacbaan ah soo qaaday Haween ka
tirsanaa Hay’adda COCWO oo daryeel u keenay isbitaalka
Xayaat.
Gabadha oo ku jirtay xaalad aad u daran ayeysan suuragelin
in la helo magaceeda iyo sida ay u ku qaaday cudurkaasi,
hase yeeshee baaritaan uu ku sameeyey gabadhaasi Isbitaalka
Xayaat ayaa aaqiritaankii wuxuu daboolka kaga qaaday in
gabadhaasi ay qabto cudurka AIDS-ka waxaana markiiba loo
bilaabay daawooyin kaalmaati ah si uu miirkeedu dib ugu soo
laabto, basle nasiib daro, gabadhaasi wax badan siima
noolaan oo ay waa ay geeryootay.
Dr. Xanafi Xaaji oo ka mid ah Dhakhaatiirta ka hawlgasha
isbitaalka Xayaat ayaa cadddeeyey in gabadhaasi uu
geeryootay cudurka AIDS-ka, waxa uuna aad uga xumaaday
daryeel la’aanta ay kala kulantay ehelkeeda iyo qaraabadeeda,
waayo ma ahan in qofka cudurka AIDS-ka qaba la takooro oo
laga faquuqo bulshada inteeda kale, maadaama aan cudurkaasi
lagu kala qaadin taabasho iyo wada noolaashaha caadiga ah
sida wax wada cunida iyo wixi la mid ah.
Sanadkii 2004-tii ayaa mar aan booqday Magaalada Jowhar
ayaan halkaasi waxaan wareysi kula yeeshay gabar
Soomaaliyeed oo iyana cudurkaani ku dhacay oo u geeryootay
maalmo kaddib, waxayna iyana la kulan tahay daryeel xumo,
balse waxaa markii dambe waxaa gabadhaasi gargaar u fidiyey
isbitaalka Jowhar ee INTERSOS
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com
Shirkadda
Range oo Sheegtay in Saddexdii bilood ee lasoo dhaafay ay
Garoonka Diyaaradaha ee Garoowe siisay US$313,000
lacagtas oo aad uga badan tii ay DGPL sheegtay in shirkadu
bixisay..
Akhri...
Lacag dhan $3 million
ilaa $7 million oo ay kala Qaybsanayaan Range iyo DGPL
Lacagtaas oo qarsoodi ahayd waxaa
shaaca ka qaaday wargeyska Herald ee ka soo baxa Australia...
Akhri....
Kenya
ma Badda Soomaaliyeed ayey Shidaal Ka Qodaneysaa?
Dawladda Kenya ayaa dardar gelisey
baaritanka batroolka ay ka wado xeebta, waxaana soo baxay warar tibaaxaya...
Akhri...
DGPL oo Caddayn weydey Meesha ay ku Baxeen
Lacagihii ay hore u Bixiyeen Shirkadaha Macdanta
Madaxweyne Cadde Muuse oo ku sugan Dubai oo
kulan la yeeshay shirkadaha ayaa la sheegay
in...
Akhri...


|