Meles Zenawi oo Markii
ugu Horeysey Qiray in aan Wax Al-Qaeda ah Ku Dhiman
Soomaaliya
Ra'iisul wasaaraha dalka Itoobiya, Meles Zenawi, ayaa
waraysi uu siiyey jariidada Financial Times waxa uu shaaca
kaaga qaaday in dagaalkii uu ku qaaday Soomaaliya aysan ku
dhiman cid looga shakisan yahay Al-Qaeda.
Akhri:
No confirmation of Al-Qaeda deaths in Somalia: Ethiopian PM
Kooxo
Hubaysan Oo Mar Kale Weerar Qoryaha Madaafiicda La Beegsaday
Dekedda Weyn Ee Magaalada Muqdisho ..
yaasiin maxamed cali (faytin)
yaasiinfaytin@hotmail.com
Feb 5, 2007: Dekadda weyn
ee Magaalada Muqdisho, ayaa Xalay markale lagu weeraray
qoryaha daran-dooriga u dhaca ee Hoobiyaha , Weerarkan oo ay
geysteen kooxo hubaysan oo aan la garaneyn, ayaa dhacay
abaarihii 3:15am ee xilliga Addinka Salaadda, iyadoo ay
arintaasi ku baraarugeen dadweynaha ku dhaqan nawaaxiga
Dekadda.
Ma jiraan wax khasaara ah
oo la sheegay inay Hoobiyayaashaasi lagu garaacay Dekadda ay
gaysteen, waxaase la sheegay in bartilmaameed laga dhigtay
goobaha Marsada ah oo ay Maraakiibtu ku xirtaan.
Madaafiicda Hoobiyaha oo
dhowr meelood kusoo kala dhecay sida , xarunta xabsiga
Gaalshiraha oo aan sidaa uga dheerayn dekeda , bacaadka
xeebta oo gudaha dekeda u dhow iyo Marsada geeska ku taala
oo uu shalay Markab ka furtay sida uu saaxaafada u
xaqiijiyey mid kamida gaadiidlayda Dekadda badeecada kala
duwan kasoo daabusha oo xilligaasi ku sugnaa bartamaha
Dekadda.
Dhinaca kale, ciidamada
Dowladda KMG ayaa ku dhaqaaqay hawlgalo ay ku burburinayaan
Sandaqadaha ganacsiga ee agagaarka dekadda ku yaala, ka dib
markii weerarada lala beegsanayo Dekadda ay noqdeen kuwa is-daba
joog ah.
Dekadda Weyn ee Muqdisho,
ayaa waxaa ku sugan Markab sida Shidaal dhowr Tan-ah,
inkastoo ilo-wareed loo qaateen ah ay sheegayaan in
Markabkaasi uu saakay ka furtay Dekadda islamarkaana uu dib
u laabanayo.
Horey ayaa Dekadda waxaa
loogu garaacay ilaa 8-hoobiye inkasoo khasaaraha ay sababeen
aan la ogaan karin.
Prof. Geeddi :Dalka
Gudihiisa Ayaa Lagu Qabanayaa Shirka Dib U Heshiisiinta
Soomaaliya
Ra'iisul wasaaraha dowlada kmg ah Cali Maxamed Geeddi oo
maanta soo gaaray magalaada Muqdisho ayaa caddeeyey in
dowladda kmg ah ee soomaaliya ay qabanayso shir dib u
heshiisiin ah oo ballaaran, islamarkaana meesha ka saaray in
shirka lagu qabanayo dalka dibadiisa .
Geeddi oo maanta ka qayb galay furitaanka kulan looga
hadlayay dib u heshiisiinta dalka soomaaliya ayaa sheegay in
la qabanayo dhowaan shir dib u heshiisiineed oo ka baaxad
weyn shirarkii hore , waxaana lagu qaban doonaa dalka
soomaaliya gudihiisa.
"Ma jiraan shir lagu qaban doono dalka dibadiisa ,shirkan
dib u heshiisiineed waxaa lagu qaban doonaa dalka gudihiisa
waxaana isugu imaanaya dhammaan bulsho weynta Soomaaliyeed,
waxaana dowladda kmg ahi ay ka shaqeynaysay muddo dheer
sidii uu shirkani u qabsoomi lahaa '' ayuu yiri Geeddi
"Waxaa baryahaan maqlayay shir dib u heshiisiin ah ayaa
dibadaha lagu qabanayaa, hadaba waxaan idiin sheegayaa
inaysan dowladdu diyaar u ahayn in wax shir la yiraahdo lagu
qabto dalka dibaddiisa, ciddii taas ku riyoonaysana iyada ay
quseyso" ayuu cod dheer ah ku yiri, Geeddi .
Hadalka ra,iisal wasaare geedi ayaa kusoo beegmaya xili ay
jiraan qaban qaabo shirar dib u heshiisineed oo soomaalida
ah oo ay wadaan dalal ka mid ah Jaamacadda Carabta iyo
Midowga Yurub oo doonaya inay ka qayb geliyaan Maxkamadaha
Islaamka soomaaliyeed.
Qaar Kamida Gaadiidka
Dadweynaha Ee Isaga Kala Goosha Degmoyinka Iyo Xaafadaha
Caasimada Muqdisho Oo Shaqo Joojin Sameeyey Iyo Dowlada Kmg
oo Halkaas Howl-Galo Ka Bilowday...
Gaadiidka BL-ka ah ee isaga
kala dhex Goosha Isgoysyada Siinaay iyo km4 ee wadada
Wadnaha ayaa saaka gabi ahaanba ka hakaday shaqadoodii
caadiga ahayd ka dib markii ay Gaadiidlaydaasi ka cowdeen
baabuur xamuul ah oo wadadaas hareeraheeda tuban iyadoo
qaybo ka mid ah wadadaasi wadnaha gaar ahaan agagaarka
isgoys-ka howl-wadaag ay noqotay goob ay boosteejo ka
dhigteen baabuurta xamuulka ah ee aada gobolada baay iyo
bakool .
Gaadiidlaydan ayaa
baabuurtoodii madaxa isu geliyey bartamaha wadadaas ,islamarkaana
shaqo joojintooda ku sheegay in ay ka dhalatay ka dib markii
ay wadada wadnaha hareeraha iyo bartamahaba ka jareen
Gawaarida Xamuulka ah ee Dekadda kasoo daabula badeecadaha
kala duwan.
"Waxaa nagu adkaatay marida wadada, waayo 4-ta gees ayey ka
dhigteen gawaarida xamuulka ah ee isjiidaya, waan u cabanay
dhowr jeer,balse dheg jalaq nalooma siin, anaga saaka ayaan
waxaan go'aansanay in aan wadada jarno" sidaana waxaa yiri
Mid ka mid ah milkiilayaasha gadiidka BL-ka xilli uu ku
sugnaa goob buuq badan oo wadada bartmaheeda ah .
Maamulka gobolka banaadir
ayaa sidoo kale howl galo ku aadan qaska iyo qalalaasaha ka
taagan wadadan ka bilaabay iyadoo ibraahain shaaweeye oo ah
ku xigeenka duqa maagalada muqdisho ee dhinaca amniga uu ku
guulaystay in baabuutii wadada xiratay ee shaqo joojinta
samaynaysay uu halkaas ka qaado .
waxaa kaloo ibraahin
shaaweeye uu bilaabay in gaadiidka xamuulka ah ee la dhigo
bartmaha wadada ee gaadiidleyda BL-ku ka cabanayeen uu
goobtaas ka wareejiyo iyadoo ay yar yihiin gawaarida
dadweynaha ee maanta shaqadoodii caadiga ahayd wadata lana
arkayo dadweyne isugu jira arday iyo dadka ka shaqaysta
suuqa weyn ee bakaaro oo cagtooda maalaya .
yaasiin maxamed cali (faytin)
yaasiinfaytin@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | Feb 5,
2007
Itoobiya oo ku
hanjabtay in aysan sugi doonin Keenista Ciidamada Afrikaanka.
.Dowladda Kenya oo sheegtay inay ku saxsaneyd Celistii..
.Kulan looga hadlayo dib u heshiisiinta oo ka furmaya xamar
.Dowladaha Mareykanka iyo Yemen oo wada dadaal dib u
.Saraakiil ka socotay Uganda oo booqdey gobo ku yaal...
.Kulan looga arisanayey xaaladda nabadgelyo ee muqdisho
.MURAAYO OO HESHAY IN LAGU DAAWEEYO DALKA USA
Wararka oo dhan ka akhri halkan....
Feb 5
USA: Duqa Magaalada Macon ee
Gobolka Georgia oo Islaamka soo galay...
Duqa magaalada MACON, ee
gobolka Georgia ee dalka Maraykanka ayaa soo Islaamay,
waxana uu dadaal ugu jiraa sidii uu magaciisa si sharci ah
ugu bedeli lahaa Hakim Mansour Ellis.
Hakim Mansour oo da'diisu
tahay 61-jir, oo ku dhashay magaalada Macon waxa lagu soo
koriyey diinta Kirishtaanka, waxana uu sheegay in uu yahay
Sunni Muslim, waxana intaas ku daray in uu diinta Islaamka soo galay
bishii December 2006 mar uu booqday dalka Senegal ee qaarada
Afrika, halkaasna xaflad loogu dhigay.
Warkan oo dhan ka akhri halkan...
Shirkadda
Range oo Sheegtay in Saddexdii bilood ee lasoo dhaafay ay
Garoonka Diyaaradaha ee Garoowe siisay US$313,000
lacagtas oo aad uga badan tii ay DGPL sheegtay in shirkadu
bixisay..
Akhri...
Lacag dhan $3 million
ilaa $7 million oo ay kala Qaybsanayaan Range iyo DGPL
Lacagtaas oo qarsoodi ahayd waxaa
shaaca ka qaaday wargeyska Herald ee ka soo baxa Australia...
Akhri....
Kenya
ma Badda Soomaaliyeed ayey Shidaal Ka Qodaneysaa?
Dawladda Kenya ayaa dardar gelisey
baaritanka batroolka ay ka wado xeebta, waxaana soo baxay warar tibaaxaya...
Akhri...
DGPL oo Caddayn weydey Meesha ay ku Baxeen
Lacagihii ay hore u Bixiyeen Shirkadaha Macdanta
Madaxweyne Cadde Muuse oo ku sugan Dubai oo
kulan la yeeshay shirkadaha ayaa la sheegay
in...
Akhri...


|