Wararkii: Feb 6, 2007
Midowga
Yurb oo si aad ah uga soo horjeeda qaabka ay dowladda u
wajahayso
Dhawaan ayaa madaxwayne C/laahi Yuusuf Axmed uu sheegay in
Dowladda fedaraalka ah ay diyaar u tahay in ka qaybgasho
kulan dib u heshiisiin ah oo loo qabnayo dhamaan Ummadda
soomaaliyeed waxa uuna Madaxwaynaha uu sheegay in kulan lagu
qaban doono Dalka gudihiisa ayna qaban-qaabin doonto
Wasaaradda dib u hashiisiinta Qaranka Soomaaliyeed hase
yeeshee Midowga Yurub ayaan ku qanacsanayn qaabka ay
Dowladda fedaraalka ah u wajaheyso dib u hashiisiinta Ummada
soomalaiyeed waxa uuna Midowga Yurub uu sheegay in dib
hashiisiinta ay tahay mid ay ka qaybgalaan dhamaan Kooxaha
is-haya oo ay ku jiraan Midowga maxaakiimta islaamiga ah
taasoo ay sheegeen in lagu dhameynayo khilaafkasta ka jira
Dalka loogana hortagi karo Dagaal dambe oo ka dhaca Dalka.
MidowgaYurub waxa uu sheegay
in wixii tas-hiilaad ah ay bixin doonaan Midowga Yurub
hanaqoto mid lagu qabto Dalka gudihiisa iyo dibadiisaba.
Madaxwaynaha DFKMG waxa uu
Shirwaynihii Midowga Afrika ka hor sheegay in Dowladiisa ay
ka qaybgali doonto Shirkasta oo lagu dhisayo Qaranka
Soomaaliyeed, waxaana hadda dadka qaarkii tilmaamayaan in
Madaxwayne C/laahi Yuusuf Axmed uusan heyn wadadii uu balan
qaaday oo ahayd in Dowladiisa ay diyaar u tahay in ka
qaybgasho kulan dib u hashiisiin ah ay ka qaybgalaan dhamaan
Kooxaha isku haya Dalka Sooomaaliya.
Ra’iisul Wasaare Cali max’ed
Geedi ayaa waxa uu maalintii shalay ahayd shir looga
hadalyey Dib u hashiisiinta Qaaranka uu ka sheegay in
Dowladda fedaraalka ay soo dhawayneeso Shirkasta oo lagu
xalinayo xaaladda soomaaliya laguna qabanayo Dalka gudihiisa
hase yeeshee marnaba soomaqaadin Cali max’ed Geedi in
kulankaasi ay ka qaybgalayaan Maxkamadaha islaamiga ah waxa
uuna sheegay in waqtigaan aysan jirin maxkamad Islaamiga ah.
Iska horimaad ka dhacay
Deegaanka Guriceel…
Wararka naga soo gaaraya Gobolada dhex waxay sheegayeen in
halkaasi uu ka dhacay Dagaal u dhexeeyey Ciidamo Puntlanda
ah oo ku sii jiiday dagaankaasi iyo Kooxo Dablay ah oo ku
jirey Deegaanka Guriceel
Dagaakan oo la’isku adeegsaday Hubka Culus iyo midka Fudud
ayaa waxaa ku geerayooday ugu yaraan 3-Ruux oo labo ka mid
ah ahaayeen Ciidamadii Puntland waxaana ku dhaawcmay 7-Ruux
oo la sheegay inay ku jireen Dad Rayid ah.
Ilaa iyo hadda lama garanayo sababahii dhaliyey iska hor
imaadkaas, hase yeeshee warar ayaa waxay sheegayaan in Kooxo
Dablayda ah ay diidanayd in Ciidamo Puntlanda ah ay maraan
Deegaankaasi waxana lagu waramay in Ciidamadaasi ay u
leexdeen Deegaanka Balan-Bale halkaasi ay ka sii wateen
Safarkoodii.
Dadka ku dhaawacmay ayaa la dhigay Isbitaalka Istarliin ee
Degmada Guriceel waxaan arintaani markii dambe soo kala
dhexgalay Odayaasha Deegaanka waana markii ugu horeysay tan
iyo markii ka baxeen halkaasi Ciidamada itoobiyaanka ah
iyadoo dhawaan Deegaankaasi ay mareen Ciidamo Puntland ah oo
ku soo jeeday Magaalad Muqdisho.
6-kun oo loo tababarayo
Amaanka Magaalada Muqdisho….
Xero ku taala Garoonka Diyaaradaha ee Bali-Doogle ayaa waxaa
lagu aruurinayaa Ciidamo kor u dhaafaya 6-Kun oo Askari ay
Dowladda fedaraalka ay ugu talagashay in lagu sugo Amaanka
Gobolka Banaadir iyadoo maalmahaan ay faraha ka baxday Nabad
galyada Gobolka Banaadir oo ay ku soo kordheen Qaraxyo,
Dilal, iyo dhac.
Ciidamadaan ayaa halkaasi ku qaadanaya Tababar muddo
2-Bilood ah hase yeeshee Su’aasha iswaydiinta mudan waxay
tahay Dadwaynaha Reer Muqdisho maxay ku sugayaan labadaasi
bilood iyadoo la ogyahay in maalin walba Dawladu ay ku heyso
waxaan Gacan Bir ah ku qabaneynaa Kooxaha Qaska ka wada
Magaalada Muqdisho.
Ciidankan ayaa Qaar ka mid ah Dadwaynaha Magaalada Muqdisho
u arkaan inay yihiin Ciidamo hal dhinac ah oo aan waxba ka
qaban karin xaalada Magaalada Muqdisho.
Ciidamadii lagu xareeyey Deegaanka Bali-Doogle ayaa labo Kun
oo ka mid ah waxaa laga keenay Maamul Goboleedka Puntland
halka kuwa kalane laga keenay Gobolada Gado, Hiiraan, iyo
Bay.
Midowga Yurub oo la
filayo inuu Yaman kula kulmo Shiikh Shariif..
Wafdi ka socda Midowga Yurub ayaa la filayaa in dhawaan ay
gaaraan Dalka Yeman halkaasi lagu wado inay kula kulmaan
Gudoomiyaha Gudiga Fulinta ee Maxaakiimta islaamiga ah
Shiikh Shariif Shiikh Axmed.
Wafdigaan ayaa soo ogaan doona Mowqifka Gudoomiyaha ee la
xiriira sidii loo wajahayo dib u hashiisiita Qaranka
Soomaaliyeed.
Midowga Yurub ayaa isagu taageersan in Shirwaynaha Qaran ee
loo qabanayo Soomaaliya ay qayb ka noqdaan Maxkamadah
islaamiga ah oo iyagu door muhiim ku leh xasilinta xaalada
Soomaaliya.
Dhawaan ayaa Gdoomiyaha midowga maxaakiimta islaamiga Shiikh
Shariif Shiikh Axmed waxa uu daboolka ka qaaday in Maxaakiim
ta ay diyaar u yihiin inay ka qaybgalaan wada hadal dhex
mara Maxaakiita iyo Dowlada fedaraalka
Geedi oo sheegay in
Dowlada ay soo dhaweyneyso in dalka lagu ....
Ra’iisul wasaare Cali max’ed Geedi ayaa shalay ka qaybgalay
Siminaar looga hadlayo sida oo wajahayo dib u hashiisiinta
Soomaaliyeed, isfaham dhex mara Bulshada sida ugu haboon ee
Hub ka dhigis loogu sameen karo Dalka waxaa kaloo ka
qaybgalay qaybaha kala duwan ee Bulshada.
Siminaarkan ayaa waxaa soo qabanqabiyey Gudiga dib u
hashiisiita Qaranka Soomaaliyeed waxaana tas-hiilaadka ku
baxaya Siminaarkaasi oo socondoona mudo 7-aad ah bixinaya
Ha’adda UNDP uga horeyntii waxaa halkaasi hadal ka soo
jeediyey Gudoomiyaha Gudiiga dib u hashiisiinta Qaranka
Soomaaliyeed Ismaaciil Macalin Muuse waxa uuna sheegay in
Simunaarkaan uu yahay Siminaaro is daba joog ah oo lagu
aruurinayo Fikradaha Xal lagu hali karo dib u hashiisiinta
Ummada Soomaaliyeed.
Geedi uu ka hadlay Siminaarkaasi waxa uu sheegay in Dowlada
fedaraalka ah ay taageersan tahay Siminaarada noocaan oo
kala ah oo ay soo qabanqabisay Gudiga dib u hashiisiinta
Qaranka Soomaaliyeed waxa uu sheegay Geedi in Dowladda
fedaraalka ay diyaar u tahay in Dalka gudihiisa lagu qabto
Shirwayne dib u hashiisiinta ah oo lagu dhameeyo wixii
khilaafaad ah ee Bulshada ka dhex-dhacay.
Ra’iisul Wasaaraha waxa uu sheegay in Dowladda fedaraalka ah
ay horseed u noqondoono sidii la’isku keeni Bulshada
Soomaaliyeed waxa uuna meesha ka saaray in waqtigaan aysan
jiray wax Mucaarad ku ‘ah Dowladda fedaraalka, sidoo kale
waxaa ka hadalay Gudoomiya Baarlamaanka Prof-Max’ed Cumar
Dalxa oo ugu baaqay Bulshada inay is cafiyaan .
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | Feb 6,
2007
WARBIXIN
KU SAABSAN XAALADDA YAASIIN KILWE OO KU XIRAN BERBERA
Dhahar:- Yaasiin Kilwe Cismaan
waxa uu ku dhashay kuna soo barbaaray degmad Dhahar ee
gobolka sanaag sanadku markuu ahaa 1981kii, waxa uu ku soo
qaatay waxbarasha asaasiga ah dugsiga H/Dhexe ee degmada
Dhahar, waxa uu markii ugu danbaysayna arday ka ahaa
Jaamacadda bariga Afrika ee Boosaaso, sanadii 2003 bishii
11aad isaga oo ku jira fasax ayuu safar u aaday magaalada
Hargaysa, nasiib darro waxaa lagu xiray halkaas, isaga oo
lagu eedeeyay inuu lacag ka soo dhacay meel u dhaxaysa Tog
Wajaale iyo Jigjiga oo ka mid ah kililka shanaad ee
Ethiopia, arrintaasi oo ah mid aan jirin maxkamadduna ay
waxba ku wayday sida ay caddaysay 05/06/2006 dii.
AKhri warkan oo dhan....
Garoowe: Qalab ay
haayadda UNESCO ugu deeqday Wasaarada Waxbarashada
Puntland oo Lagu Arkay Suuqa Madow.
Haayada UNESCO ayaa 30 January 2007 waxay buugaag
iyo qalab ugu deeqday wasaarada waxbarashada ee DGPL
kuwaasi oo ay haayadu ugu tala gashay in ay ka faa
iidaystaan ardayda Dugsiyada sare ee deegaanada
Puntland.
Buugaagtaan iyo qalabkan kale oo ay Hayaddu
Gudoonsiisay wasiirka waxbarashada ayaa maalmihii
ugu danbaysey lagu arkayay suuqyada magalada Garowe
iyaga oo iib ah ayna ka muuqato shaabado kale
duwan oo muujinaya in aysan buugaagtaani ahayn iib
sida (Not for Sale).
Warka oo
dhan...
Horn Relief oo Markii
ugu Horreysey ka Hirgelinaysa Ceel Riig ah Magaalada
Badhan.
Badhan :- Magaalada Badhan oo sida la ogyahay la
ildarrayd biyo la'aan khatar gelisey noolayaasha
kala duwan ee ku nool gudaha iyo dibadda magaalada,
ayaa hay'adda Horn Relief waxay ka bilowday iney ka
hirgeliso ceel riig ah oo laga rajeynayo inuu
baahida biyaha wax weyn ka tari doono.
Akhri warka oo dhan....
USA: Duqa Magaalada Macon ee
Gobolka Georgia oo Islaamka soo galay...
Duqa magaalada MACON, ee
gobolka Georgia ee dalka Maraykanka ayaa soo Islaamay,
waxana uu dadaal ugu jiraa sidii uu magaciisa si sharci ah
ugu bedeli lahaa Hakim Mansour Ellis.
Hakim Mansour oo da'diisu
tahay 61-jir, oo ku dhashay magaalada Macon waxa lagu soo
koriyey diinta Kirishtaanka, waxana uu sheegay in uu yahay
Sunni Muslim, waxana intaas ku daray in uu diinta Islaamka soo galay
bishii December 2006 mar uu booqday dalka Senegal ee qaarada
Afrika, halkaasna xaflad loogu dhigay.
Warkan oo dhan ka akhri halkan...
Shirkadda
Range oo Sheegtay in Saddexdii bilood ee lasoo dhaafay ay
Garoonka Diyaaradaha ee Garoowe siisay US$313,000
lacagtas oo aad uga badan tii ay DGPL sheegtay in shirkadu
bixisay..
Akhri...
Lacag dhan $3 million
ilaa $7 million oo ay kala Qaybsanayaan Range iyo DGPL
Lacagtaas oo qarsoodi ahayd waxaa
shaaca ka qaaday wargeyska Herald ee ka soo baxa Australia...
Akhri....
Kenya
ma Badda Soomaaliyeed ayey Shidaal Ka Qodaneysaa?
Dawladda Kenya ayaa dardar gelisey
baaritanka batroolka ay ka wado xeebta, waxaana soo baxay warar tibaaxaya...
Akhri...
DGPL oo Caddayn weydey Meesha ay ku Baxeen
Lacagihii ay hore u Bixiyeen Shirkadaha Macdanta
Madaxweyne Cadde Muuse oo ku sugan Dubai oo
kulan la yeeshay shirkadaha ayaa la sheegay
in...
Akhri...


|