Barnaamijkii Radio Xoriyo
06 February 2007.
Gudhis: Ciidammada gumaysiga
oo xadgudubyo u gaystay dadwaynaha.
Jabhadda EPPF oo
askar badan ka laysay Wayaanaha.
Bannaanbax
Itoobiya ka dhan ah oo ka dhacay Swedan.
Amnesty
International oo Itoobiya canbaareeyay.
Barnaamijkii Xog-warran(Cidhibta dambe & Cawaqib xumada
ay Leedahay Ummad Masiirkooda Loo diido)
Maxaabiis kasoo baxsatay Xabsiga Jigjiga oo aan
waraysinay.
======================
Gudhis:
Ciidammada gumaysiga oo xadgudubyo u gaystay dadwaynaha
Wariyaha RX uga
soo warrama dalka Ogaadeenya ayaa noo soo sheegay
xadgudubyo kala duwan oo ciidammada dac-darraysan ee
gumaysatada Itoobiya ay u gaysteen dadwaynaha ku dhaqan
nawaaxiga Gudhis, waxay sidoo kale dadwaynahaas ka
boobeen hanti aad u fara badan.
Ciidammada gumaysiga ayaa
xadgudubyadan dadwaynaha u gaystay, ka dib markii maalmo
ka hor si wayn loogu jabiyay dagaal halkaas ka dhacay.
Markii ay taariikhdu ahayd
27/01/07 waxay ciidammada gumaysigu magaalada Gudhis iyo
nawaaxigeeda ka qafaasheen 45 nin, kuwaasoo ay ku
rarteen sahaydii iyo adeeggii kale ee ay wateen. Dadkan
ay ciidammada gumaysigu qafaasheen waxaa ka mid ah;
1-Mukhtaar Muxumed Tulux
2-Xasan Maxamed
Aw Cali
3-C/nuur Muxumed Geelle
4-C/llaahi Kaad Sh Maxamed
5-Cabdi Sh Maxamed
6-C/llaahi Dheeg Maxamed
7-C/llaahi Wali Yuusuf
8-Shariif Suldaan
9-Maxamed Nuur Faarax
10-Manqas Muqaddin
11-Xuseen-Waddo
12-Bashiir Maxamed Nuur
13-Cabdi Xasan
14-Muxumed Cabdi Xayi
15-Gorad Maxamed Yare
16-Saalax Cabdi Xaashi
17-C/nuur Gadhwayne
18-Xabiib Sh C/raxmaan
19-Ibraahim Dhuubane Budul
20-Muxumed Sh Cumar
21-Axmed Wali Sh Mukhtaar
22-Cabdi Sanyare iyo
23-Busuri C/qaadir
Waxay sidoo kale
ciidammada gumaysigu ka dheceen dadwaynaha ku dhaqan
Gudhis iyo nawaaxigeed lacag gaadhaysa 30,000 oo Bir.
Waxaa kaloo intaas dheer iyagoo dadwaynaha ka qashay
ilaa iyo 60 Neef oo Adhi. Qaar ka mid ah dadwaynaha ay
Adhyaha ka qasheen ayaan magacyadooda helnay, waxayna
kala yihiin;
1- Sh Maxamed Cabdi
Xasan oo ay ka qasheen 7 Neef oo Adhi ah
2- C/raxmaan C/llaahi
Hudle oo 13 Neef oo Adhi ah laga qashay iyo
3- Muxumed Suufi oo
isagana 9 Neef oo Adhi ah laga qashay
Wuxuu kaloo
wariyhu noo soo sheegay in markii ay taariikhdu ahayd
01/02/07 ay ciidammada gumaysigu sidoo kale hanti fara
badan ka boobeen dadwaynaha ku dhaqan Caynuun, isla
markaana ay qaar dadwaynaha ka mid ah qafaasheen, si ay
agab kala duwan ugu rartaan.
Intii u dhaxaysay 26 �
27/01/07 waxay ciidammada gumaysigu gubeen dhul-daaqeen
ballaadhan oo ku yaalla deegaannada Duud Taleefan iyo
Digawayne.
Dhinaca kale dagaal
ciidammada xoreynta Ogaadeenya iyo kuwa cadowga ku dhex
maray meesha lagu magacaabo Gar-balaayo, oo ka tirsan
Dagaxle,
waxaa ciidammada gumaysiga
lagaga dilay 20 askari.
Jabhadda EPPF oo
askar badan ka laysay Wayaanaha.
Jabhadda marka
magaceeda la soo gaabiyo loo yaqaano EPPF, oo ah Jabhad
ka soo jeedda qowmiyada Amxaarada oo la daggaallanta
maamulka kaligii taliye Meles Zenawi, ayaa warbixin ay
soo saartay 03/02/07 waxay ku sheegtay inay askar ka
laysay taliska Addis Ababa, ka dib markii ay weerarro ku
qaaday xarumo ay ciidammada gumaysigu ku leeyihiin
woqooyiga galbeed ee Itoobiya.
Jabhadda EPPF ayaa
sheegtay inay weerarradaas ciidammada Zenawi kaga disahy
5 askari, 2 kalana ay kaga dhaawacday.
Jabhadda ayaa sheegtay
inay weerarradan ciidammada Zenawi kaga gubtay shan
baabuur oo kala duwan. Weerarradan ayaa dhacay intii u
dhaxaysay 10 � 24 Janwari 2007.
Weerarradani waxay ka kala
dhacen meelaha lagu magacaabo Maser, Ankarom, Abdulrafe
iyo jidka isku xidha Himora iyo Gonder.
Bannaanbax
Itoobiya ka dhan ah oo ka dhacay Swedan.
Maaintii axadda
ahayd ee taariikhdu ku beegnayd 04/02/07 waxaa caasimada
dalka Swedan ee Stockholm ka dhacay bannaanbax wayn oo
looga soo horjeedo duullaanka ay ciidammada Itoobiya ku
qabsadeen dalka soomaaliya iyo duqaynta ay diyaaradaha
Maraykanku u gaysanayaan degmooyin ku yaalla koonfurta
Soomaaliya.
Dadka ka soo qayb galay
bannaanbaxaas waxay gaadhayeen 2000 oo qof oo ka kala
ymid magaalooyin kala duwan oo ku yaalla dalka Swedan,
waxayna dadkaas socod ku mareen badhtamaha magaalada
Stockholm, iyadoo warbaahin badani ay bannaanbaxaas ku
soo xoomeen.
Bannaanbaxayaasha ayaa
watay boodhadh waawayn oo ay ku qoran yihiin
hal-ku-dhagyo ka dhan ah xukuumadda Itoobiya iyo dawlada
Maraykanka eek u taageertay duullaanka ay ku qabsatay
dalka Soomaaliya.
Bannaanbaxayaashu waxay
sidoo kale socod ku tageen safaarada uu dalka Maraykanku
ku leeyahay magaalada Stockholm, iyadoo halkaas laga soo
jeediyay hadallo iyo khudbado ku aaddan sida ay
dadwaynaha soomaalidu uga xun yihiin in Maraykanku gacan
ku siiyo xukuumadda Itoobiya inay qabsato dalka
Soomaaliya.
Waxaa bannaanbaxan iyaguna
ka soo qayb galay wakiillo ka socday xisbiyada dalka
Swedan, ururrada xuquuqul insaanka iyo dad kale oo
ajnabi ah.
Amnesty
International oo Itoobiya canbaareeyay
Ururka xuquuqda aadanaha
daneeya ee Amnesty International ayaa si wayn xukuumadda
Itoobiya ugu canbaareeyay cadaadiska iyo cabudhinta ay
ku hayso xisbiyada mucaaradka ah. Bayaan uu ururka
Amnesty soo saaray maalnitii jimcaha ahayd wuxuu ku
sheegay in tiro 40 qof ka badan oo ah taageerayaasha
mucaaradka uu booliska Zenawi xidhxidhay, isla markaana
jidhdil u gaystay.
Bayaankan wuxuu ururku ku
sheegay in dadkani ay xidhxidhnaayen tan iyo badhtamihii
bishii December, iyadoo loo diiday in wax xidhiidh ah
lala sameeyo ama lagu booqdo meelaha ay ku xidhan yihiin.
Afhayeen u hadlay
xukuumadda Zenawi ayaa sheegay in dadkan loo xidhxidhay
tuhuno la xidhiidha isku day inqilaab ay xukumadda ku
afgenbiyayeen.
Dadkan xidhxidhan ayaa la
sheegayaa inay yihiin taageerayaasha xisbiga mucaaradka
ah ee CUD, oo madaxdiisii ugu sarraysay ay xabsiga ku
jiraan tan iyo sannadkii 2005.
06 February
2007
Axmed Gaal-Eri
Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 31 MB
ee dhererkeedu yahay 9445 KHZ,iyo internetka
Radioxoriyo.com,Ogaden.com
Maalinta Talaadada ah 7:00PM � 8:00 waqtiga Afrikada
Bari
Lacag dhan $3 million
ilaa $7 million oo ay kala Qaybsanayaan Range iyo DGPL
Lacagtaas oo qarsoodi ahayd waxaa
shaaca ka qaaday wargeyska Herald ee ka soo baxa Australia...
Akhri....
Kenya
ma Badda Soomaaliyeed ayey Shidaal Ka Qodaneysaa?
Dawladda Kenya ayaa dardar gelisey
baaritanka batroolka ay ka wado xeebta, waxaana soo baxay warar tibaaxaya...
Akhri...
DGPL oo Caddayn weydey Meesha ay ku Baxeen
Lacagihii ay hore u Bixiyeen Shirkadaha Macdanta
Madaxweyne Cadde Muuse oo ku sugan Dubai oo
kulan la yeeshay shirkadaha ayaa la sheegay
in...
Akhri...


|