- Weeraro Isdaba
Jooga oo Xalay Gilgiley Caasimada Soomaaliya Ee Muqdisho...
- Iska Hor Imaad
Dhimasho Sababay Oo Ka Dhacay Degmada Afgooye
- Qanyare Oo Jawaab
Kulul Ka Bixiyey Hadal Kasoo Yeeray W/xigeenka
Gashandhiga Dowlada Kmg Salaad Cali Jeelle
Sheikh Sharif in Sanaa under a deal that includes
liberalization of 15 soldiers American | Al-nedaa (Carabi)
Weeraro Isdaba Jooga oo
Xalay Gilgiley Caasimada Soomaaliya Ee Muqdisho...
Weeraro saameeyey guud ahaan magaalada caasimada ee muqdisho
ayaa xalay markale si weyn u gilgilay afarta gees ee
caasimada weeraradan oo gaystay khasaare naf iyo maalba leh
.
Ugu yaraan 2-ruux oo kala
ah Gabar iyo Wiil yar oo isku Qoys ahaa, ayaa geeriyooday
3-kalana waa ay ku dhaawacmeen ka dib markii Madfac aad u
xooggan oo aan la garaneyn halka uu ka yimid uu ku habsaday
Hoygooda oo ku yiilay Xaafadda Al-Baraka ee Degmada Hodan.
Dadka deegaanka ayaa isla dhexmaraya in Madfacan laga soo
riday dhanka Xerada Asluubta ee duleedka Muqdisho.
Sidoo kale Madaafiic Hoobiye ah ayaa xalay lagu garaacay
agagaarka Dekadda weyn ee Muqdisho, iyadoon ay ku habsadeen
ilaa dhowr madfac xeradii Hangash oo ay degan yihiin dadka
soo barakacay ee qaxootiyada ah.
Ilaa 5-ruux oo rayid ah ayaa la xaqiijinayaa in ilaa iyo
iminka uu khasaaraha halkaasi ka dhacay gaar-siisan yahay,
kuwaasi oo habeenkii xalay ahaa la awoodi kari waayey in
Isbital loo geeyo ka dib markii deegaankaasi gebi ahaanba ay
gooyeen Ciidamada dowlada kmg ah iyo kuwa Ethiopia.
Dhinaca kale nawaaxiga Hoteelada Kaah & Lafweyn ee Waqooyiga
Muqdisho, ayaa kooxo hubaysan ay weerar balaaran oo ay
adeegsanayaan Qoryaha Baasuukaha ku qaadeen islamarkaana ay
israsaasayn xoogani ku dhex martay ilaalada hoteelada iyo
kooxaha weerarka soo qaaday, ma jiraan wax qasaaro ah oo
ilaa iyo iminka la og yahay.
Qaraxyadan iyo weerarada isdaba jooga ah ayaa inta badan bar
tilmaameed laga dhigtaa xarumaha ay degan yihiin
Mas'uuliyiinta , Ciidamada Dowladda KMG iyo kuwa xukuumada
Ethiopia ,waloow ay jiraan meelo ay dad shacab ah ku dilaan
madaafiicda haboowga ah ee isdaba jooga ah .
Ilaa (6)Lix ruux ayaa Dhaawac soo gaaray kadib markii
Madfac ku habsaday Gaari Rakaab ah oo marayey Agagaarka
Tarabuunka ee Magaalada Muqdisho.
Gaarigan oo noociisu ahaa kuwa soomaalidu u taqaano Xaaji
khamsiin , ayaa la sheegay in ay 6-ruux oo ahaa rakaabka
gaariga saarnaa ay aad ugu ugu dhaawacmeen.
Qoriga madfaca ee ku habsaday gaarigan Xaajiyadda ah ayaa
ahaa mid habow ah sida ay xaqiijiyeen goob jogayaal ku
sugnaa meesha shilku ka dhacay ,lama garanayo halka uu
madafacani kasoo dhacay iyo cidda ka damabaysa ,sidoo kale
Dadkii dhaawacmay ayaa durbadiiba loola cararay Isbitaalada
Magaalada.
Magaalada caasimada ee Muqdisho ayaa habeen-ba habeenka uu
kasii daran yahay iyadoo khasaaraha dhimashada iyo dhaawacu
uu saacadba saacada kasii dambaysa uu sii siyaadayo
islamarkaana aysan jirin wax Talaabo ah oo Dowladda KMG ah
oo hada gacanta ku haysa guud ahaan caasimada ay ka qaadeen
dhinaca amniga.
Iska Hor Imaad Dhimasho
Sababay Oo Ka Dhacay Degmada Afgooye
Iska hor imaad xoogan ayaa maanta ka dhacay degmada afgooye
ee gobolka sh/hoose, oo ay ku dhinteen labo qofood kadib
markii uu dagaal qaraari ku dhexmaray degmadaasi ciidamada
amaanka degmada Afgooye iyo maleeshiyooyin kasoo jeeda
deegaankaas.
Wararka ayaa intaas ku daraya in iska horimaadkan uu ka
bilaamay weerar ay xarunta degmada Afgooye ay ku soo qaadeen
kooxo maleeshiyo ah islamarkaana ay israsaasayn socotay
muddo lagu qiyaasay saacad barkeed ay halkaas ku dhex martay
labadaas kooxood iyadoo ciidamada amaanka ee degmada
afgooyena ay iska caabin sameeyeen.
Shaqaaqada iyo gacan ka hadalkan sababay dhimshada ayaan la
ogayn waxa uu salka ku hayo ,waloow ay jiraan warar dheeraad
ah oo sheegaya inay milasyhiyadan weerarka gaysatey ay ka
gadoodsan yihiin ciidamada amaanka ee jooga deegaanka
afgooye oo ahayn sida la sheegay kuwo aan kasoo jeedin
deegaankaas ,ma jiraan warar xaqiijinaya sababta dhabta ah
ee ka dambaysa iska hor imaadakan.
Labada qof ee ku geeriyooday iska horimaadkan ayaa mid ka
mid ah yahay dadka rayidka ah ee deegaanka halka midka
kalena yahay milayshiyadii weerarka soo qaaday sida ay noo
xaqiijiyeen goob joogayaal ku sugnaa halka iska hor
imaadkaasi ka dhacay .
Qanyare Oo Jawaab Kulul Ka
Bixiyey Hadal Kasoo Yeeray W/xigeenka Gashandhiga Dowlada
Kmg Salaad Cali Jeelle
Xildhibaan Maxamed Qanyare Afrax oo xubin ka ahaa
Hoggaamiyeyaashii Isbaheysigii la dagaalanka waxa loogu
yeero argagixisada oo ay golilhii maxaakiimta islaamku ka
saareen magaalada muqdisho islamarkaana kusoo noqday xiligii
ay dowlada kmg ah iyo ciidamada xukuumada Ethiopia oo
isgarabsanaya ay la wareegeen gacan ku haynta caasimada ayaa
jawaab kulul ka bixiyay hadal kasoo yeeray wasiir ku
xigeenka gaashaandhiga ee dowlada kmg ah Salaad Cali Jeelle.
Salaad cali jeelle oo hadaladiisa ay kamid ahaayeen inay hub
fara badan iyo waxyaalaha qarxa kasoo qabteen deegaanka
dayniile islamarkaana uu deegaankaasi yahay meelaha laga soo
abaabulo qaraxyada iyo dhibaatada magaalada ka jira,waa
siduu hadalka u dhigaye
Xildhibaan Qanyare oo degan deegaanka dayniile ayaa waxa uu
ku tilmamay inay nasiib xumo tahay in Salaad cali jeelle uu
sheego war ku aadan in uu qolo wax qarxinaysa uu hub ka
qabsaday beentaasina uu shacabka kumarin habaabiyo.
Waxa uu sidoo kale sheegay xildhibaan qanyare in hubka uu
saxaafadda tusay uu yahay kuwa hadda kahor ay meesha ay uga
tageen xilligii isbaheysiga oo ay la dagaalamayeen
maxaakiimta iyagoo goobta loo yaqaano dugsi shanaad ee uu
sheegay salaad cali Jeelle ay u aheyd Maxkamadaha goob ay
hoobiyeyaasha ka tuuraan.
“Waxa uu qaatay oo dhan hub sax ah maaha ee waa kuwa
Dheemish ah oo dhacay isla markaana aan wax tareyn ee miyuu
jiraa in madaafiicda xabadahooda meel banaan la iska soo
dhigayo, kolleey salaad hadduu u yaqaano waxaasi hub oo
aqoontiisa hubka ay halkaasi gaarsiisan tahay run ahaantii
waa wax si aad ah loolayaabo”. Ayuu yiri Qanyare .
Sidoo kale maxamed qanyare ayaa sheegay in dano gaar ah laga
leeyahay isla markaasna la rabo in bulshada dareenkooda laga
jeediyo wax qabad la'aanta saraakiisha Dowlada ee ku aadan
amaanka iyo xasilooniada caasimada.
Waxa kale oo Qanyare laga
soo xigtey in uu yiri: Deyniile Agaggaxiso ma joogto.
Si kastaba ha ahaatee hadalkan xildhibaan qanyare ayaa kusoo
beegmay xili uu salaad cali jeelle uu maalintii shalay ahayd
ku soo bandhigay dugsiga sare ee booliska 37 xabbo oo
rasaasta hobiyayaasha ,120 xabbo oo rasaasta madaafiicda
goobta iyo tiro kale oo miinooyinka lidka taangiga , miinada
kale iyo waxyaalo kale oo qarxa oo uu sheegay inuu kasoo
qabtay dugsi shanaad oo kamida deegaanka dayniile ...
yaasiin maxamed cali (faytin)
yaasiinfaytin@hotmail.com
Wararkii: Feb 8, 2007
- Faahfaahin dheeraad
ah oo ku saabsan kulankii Dhex marey Meles Zanawi iyo
Beesha Cayr.
- Magacyada Wasiirada
Cusub ee Raiisul Wasaare Geedi
- Geedi” Wasiirkii
gudan waaya Xilkiisa waa la eryayaa…
- Baarlamaanka Uganda
oo isku khilaafay in soomaaliya loo diro…
- Dowladda fedaraalka
ah oo shalay soo bandhigtey hub laga keeney..
Faahfaahin dheeraad ah oo
ku saabsan kulankii Dhex marey Meles Zanawi iyo Beesha Cayr.
Waxaa Muqdisho dib ugu soo laabtay 10-Xubnood oo ka tirsan
Beesha Cayr oo isugu jiray Siyaasiyiin, Waxgarad, Odayaal
iyo Aqoonyahano ka dib markii ay Magaalada Aids-Ababa kulan
kula soo yeesheen Ra’iisul Wasaaraha wadanka itoobiya,
waxayna isla soo qaadeen sidii Beesha Cayr uga qaybqaadan
lahayd xasilinta wadanka isla markaana ay u taageeri lahayd
Dowladda fedaraalka, kulankan ayaa waxaa ka mid ahaa
Xubnihii ka qaybgalay Max’uud Max’ed Culusow waxa uuna
sheegay in martiqaad ka heleen Dowladda itoobiya isagoo
sheegay in kulankaasi uu ahaa mid Dowladda itoobiya looga
tuhun bixinayey arimo fara badan oo laga faafiyey Beesha
Cayr waxa uuna sheegay Culusow in kulankaasi la ‘isugu
afgartay in la sii xoojiyo xiriirka u dhexeeya labada dhinac
isla markaana la bixiyo Tuhunadaasi.
Max’uud Culusow waxa kale
oo uu sheegay in labada dhinac la ‘isku afgartay in la qabto
Shirwayne dib u hashiisiin ah oo lagu dhiso Dowlad karti
badan.
Mar wax laga waydiiyey in
labada dhinac la’iskula soo qaaday arimo la xiriira Shiikh
Xasan Daahir Aways waxa uuna sheegay in arimahaasi aan la
‘iskula soo qaadin hase yeeshee wuxuu sheegay inaan wax
handadaad ah lagu sameyn Karin Dadkii taageersanaa
Maxkamadahii islaamiga ahaa hadii uusan dambi faraha kula
jira.
Max’uud Culusow waxa uu
sheegay in kulankaasi uu daba socday kulan Muqdisho horay
ugu dhexmaray Wasiirka arimaha dibada iyo Xubnahaan kaasoo
la’iskula afgartay kulan lagu qabto magaalada Adis-Ababa,
Beesha Cayr ayaa waxay Dowladda itoobiya u gudbisay inaysan
marnaba la shaqayn doonin Dowladda uu Madaxda ka yahay C/laahi
Yuusuf Axmed waxa uuna ku tilmaamay mid ku dhisay Aarsi
waxaa kaloo Dowladda itoobiya u soo jeediyeen in la sii
daayo Xubno ka tirsan Beesha Cayr oo ay xir-xirtay Dowladd
fedaraalka oo ay sheegeen in ay gacan siiyeen Dowladda
itoobiya waxayna ka codsadeen Dowladda itoobiya ay
dhex-dhexaad ka noqoto isheysiga Beelaha Soomaaliyeed.
Magacyada Wasiirada Cusub
ee Raiisul Wasaare Geedi
Ra’iisul Wasaare Cali Max’ed Geedi ayaa isku shaandheyn ku
sameeyey Golihiisa Wasiirada waxaana isku shaandheyn
xilalkoodii ku waayey Qaar ka mid ah Golihii Wasiiradda
kuwana Xilalkoodii ayaa laga bedalay,
waxayna kala yihiin
Wasiiradda.
- ku Xigeenka Ra’iisul
Wasaaraha ahana Wasiirka Howlaha Guud iyo Guriyeynta
Xuseen Max’ed Faarax Caydiid, [oo waayey jagadii
wasiirka arrimaha gudaha]
- Wasiirka arimiha
Gudaha, Max’ed Shiikh Max’uud Gacma-dheere,
- ku Xigeenka Ra’iisul
Wasaaraha ahana Wasiirka Tacliinta Sare Saalim Caliyow
Ibarow,
- Wasiirka Warfaafinta
Madoobe Nuunow,
- Wasiirka Caafimaadka
Qamar Aadan Cali,
- Wasiirka Xanaanda
Xoolaha Cali Jaamac Jangali,
- Wasiirka Dib u Dhiska
iyo Dib u Dajinta C/raxmaan Shiikh,
- Wasiirka Caddaaladda
Xasan Dhimbil Warsame,
- Wasiirka dib u
hashiisiita Max’ed Cabdi Xayir Maareeye
- wasiirka Macdanta
Maxamed Nuuraani Bakar,
Wasiir ku xigeenada
- Xasan Cabdi Suuri
wasiir ku xigeenka dib u heshiisiinta iyo jaaliyadaha.,
- Axmed Maxamed Cabdi
wasiir ku xigeenka warshadaha.,
- Ibraahim Abiikar
wasiir ku xigeenka shaqada iyo shaqaalaha.,
- abdi Xaaji Yariis
wasiir ku xigeenka ganacsiga.,
- saaq Maxamed Maxamud
wasiir ku xigeenka wasaarada awqaafta iyo arrimaha
diinta.,
- c/rxman Xaaji
Ismaaciil wasiir ku xigeenka macdanta iyo biyaha.,
- abdi Axmed Xaaji
Faarax wasiir ku xigeenka maaliyada.,
- yuusuf Geelle Ugaas
wasiir ku xigeenka warfaafinta.
- Xasan Abiikar Maxamed
(Japan) wasiir ku xigeenka hidaha iyo tacliinta sare.,
- Maxamed Cabdi Xuseen (Beekoos)
wasiir ku xigeenka batroolka iyo tamarta
- Isaaq Maxamed Nuur
Daqarre wasiir ku xigeenka beeraha
Wasiir dowlayaasha
- Cabdalla Boos Axmed
wasiiru dawlaha wasaarada hawlaha guud iyo guryeynta.,
- axamed Axmed Kulan
wasiiro dawlaha wasaarada beeraha.,
- Khaalid Cumar Cali
wasiiru dawlaha golaha wasiirada.,
- axmed Cumar Gaagaale
wasiiru dawlaha boostada iyo isgaarsiinta
- c/raxmaan Xuseen Aadan
Wasiiro Dowladaha arimiha dibada iyo iskaashiga
Caalimiga ah.
Geedi” Wasiirkii gudan
waaya Xilkiisa waa la eryayaa…
Cali Max’ed Geedi oo ah Ra’iisul Wasaaraha Wadanka
Soomaaliya ayaa kulankiisii ugu horay la yeeshay Wasiirada
Cusub oo iyagu shalay la magacaabay waxa uu sheegay in
sababaha ay Dowladau isku shaandheyn ugusameesan ay tahay ka
dib markii Qaar ka mid Wasiirada ay xilalkoodii gudan
waayeen isla markaana sameeyey Musuq-maasuq iyo wax is daba
marin.
Ra’iisul wasaaraha waxa uu sheegay in Wasiirada Cusub looga
baahan ayahay in ay la yimaadaan Dar-dar la xiriirta
howshooda isagoo sheegay in wixii haatan ka dambeeya
Wasiirkasta lala xisaabtami doono.
Maanta ayaa la filayaa in Wasiirada Cusub lagu hor dhaariyo
Madaxwayne C/laahi Yuusuf Axmed
Baarlamaanka Uganda oo isku
khilaafay in soomaaliya loo diro…
Baarlamanka waddanka Uganda ayaa shalay lagu waday inuu
kulan ka yeesho Ciidamada Uganda oo loo dirayo Wadanka
Soomaaliya waxaana kulankaasi lagu waramay in dib loo dhigo
Mudo todobaad ah ka dib markii Maucaaradka waddanka Uganda
ee sheegeen inay aad uga wal-walsan yihiin in Soomaaliya loo
diro Ciidamo Nabad ilaalin ah
“ Ciidamo fara badan ayaa loo diray Wadanka Soomaaliya wayna
ku guuldareysteen inay Soomaaliya Nabad ka dhiliyaan hase
yeeshee Ciidamo aan sidaasi u Awood badneyn u maleynmeeno
inay Nabad ka keeni doonaan “ ayey yiraahdeen Xubnaha
Mucaaradka ee Wadanka Uganda waxaa kaloo sheegeen in loo
baahan yahay in la cadeeyo Cidda bixinaysa Kharshaka
Ciidamada oo ay sheegeen in ay ogyihiin in Kharashkaasi ilaa
haatan aan meelo la saarin waxayna soo jeediyeen in Dowladda
ay ka tanaasusho darista Ciidamadaasi.
Dowladihiin horay u balan qaaday in ay Soomaaliya Ciidamo u
diriyaan ayaa dib ula laabtay dirista Ciidamadaasi.
Dowladda fedaraalka ah
oo shalay soo bandhigtey hub laga keeney..
Maalintii shalay ahayd ayaa Ciidanka Booliska Nabadgalyada
ee Gobolka Banaadir Howgal ay sameeyeen ayey ku soo qabteen
Hub ay Dowladdu sheegtay in ay ahaayeen Hubkii lagu weerari
jiray Xarumaha Dowladda fedaraalka ah iyo Ciidamada Itoobiya.
Salaad Cali Jeele oo ah Wasiir ku Xigeenka arimaha
Gaashaandhiga ayaa mar uu ka hadlayey Hubkaas waxa uu
sheegay in ay Booliksa ay ku guulaysteen inay gacanta ku
dhigaan Hubkaasi oo uu sheegay in laga soo qabtay Degamada
Dayniile gaar ahaan Dugsi shanaad isagoo sheegey laguna raad
joogo Kooxihii Hubkaasi faraha ku hayey .
Salaad Cali Jeele waxa uu sheegay in ay Ciidamada
Nabadgalyada soo afjari doonaan Kooxaha caadaystay in
carqaladeeyaan Nabadgalayada Gobolka Banaadir waxa uuna u
soo jeediyey Shacbka Gobolka in ay la shaqeeyaan Ciidamda
Amaanka soona sheegaan halka ay ku dhuumaaleystaan
Waa markii ugu horeysay oo ay howgal ay sameeyaan Ciidamada
Nabadgalyada kuna soo qabtaan Hub ay Dowladdu ku sheegtay in
uu ahaa Hubkii lagu waarariyey Xarumaha Dowladda isagoo
sheegay in dhawaan Maxkamad la soo taagi doono Qaar ka mid
ah Kooxahaasi
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail
amiinkhasaaro@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | Feb
8,
2007
Zakariya
Xaaji:-Waa In Loo Diyaargaroobaa Sidii Tegreega Dalka Looga Xorayn Lahaa
Xildhibaan Zakariya X.Maxmuud oo isagu ka mid ah guddiga
arrimaha dibada ee Golaha wakiilada, isla markaana xubin
joogta ah ka ah baarlamaanka Carabta ayaa xaflad lagu qabtay
magaalada Dimishiq taas oo lagu soo dhaweynayey xildhibaanka
ka sheegay in ay Soomaalidu u diyaar garowdo sidii ay
dalkooda uga xorayn lahaayeen xoogaga Tegreeyga ee ku soo
duulay.
Xafladan oo ay ka soo qayb galeen dadaweyne aad u tiro badan
iyo xubno ka socday Safaaradda Soomaalida ee dimishiq gaar
ahaan xoghayaha Safaaradda C/raxmaan Barqiya, guddoomiyaha
Jaaliyadda Soomaaliya Fu’aad iyo Shiikh C/casiis Calas ayaa
waxa uu Zakariye ku dheeraaday Taariikhdii soo jireenka
ahayd e u dhaxaysay Shacabka soomaaliyeed iyo Dawladda
Itoobiya ee ay gadhwadeenka ka yihiin qawmiyada Tegreey...Akhri...
Shirkadda
Range oo Sheegtay in Saddexdii bilood ee lasoo dhaafay ay
Garoonka Diyaaradaha ee Garoowe siisay US$313,000
lacagtas oo aad uga badan tii ay DGPL sheegtay in shirkadu
bixisay..
Akhri...
Lacag dhan $3 million
ilaa $7 million oo ay kala Qaybsanayaan Range iyo DGPL
Lacagtaas oo qarsoodi ahayd waxaa
shaaca ka qaaday wargeyska Herald ee ka soo baxa Australia...
Akhri....
Kenya
ma Badda Soomaaliyeed ayey Shidaal Ka Qodaneysaa?
Dawladda Kenya ayaa dardar gelisey
baaritanka batroolka ay ka wado xeebta, waxaana soo baxay warar tibaaxaya...
Akhri...
DGPL oo Caddayn weydey Meesha ay ku Baxeen
Lacagihii ay hore u Bixiyeen Shirkadaha Macdanta
Madaxweyne Cadde Muuse oo ku sugan Dubai oo
kulan la yeeshay shirkadaha ayaa la sheegay
in...
Akhri...


|