Baaq
Ay Soo Saareen Waxgaradka ,Aqoon-yahanka Iyo Ardayada Kasoo
Jeedda Gobollada Sool, Sanaag-bari, Haylaan Iyo Cayn..
Baaqan oo ku aadan xiritaanka ay xabsiga ay ku hayaan
maamulka som-land aqoon yahanada iyo culimo-udiinka kasoo
jeeda gobolada sanaag bari iyo sool ayaa Khamiistii waxaa baaq
kasoo saaray magaalada muqdisho waxgarad iyo aqoon yahano
kasoo kala jeedda gobolada kor ku xusan ,taasoo ay ku qeexeen sida ay
uga xun yihiin xiritaanka iyo xabiska loo gaystay yaasiin
kilwe iyo jaamac kuutiye oo kamida aqoon yahano kasoo kala
jeeda gobolada sanaag-bari iyo sool.
Kulankan oo ahaa mid ay isugu yimaadeen aqoon-yahano ,waxgarad
,arday iyo culimo-udiin ayay waxay lagu gorfeeyey xariga
yaasiin kilwe cismaan iyo weliba jaamac kuutiye oo labaduba
ku xiran xabsiga hargaysa ayay ku tilmaameen mid ka fog
xaqiiqda islamarkaana lagu doonayo arimo qabiil waa siday
hadalka u dhigeene ,iyagoo ugu baaqay maamulka som-land inuu
si shuruud la,aan ah kusii daayo ragaas iyo weliba
culimo-udiinka aan waxba galabsan .
Axmed jaamac oo kamid ahaa dadkii kulankan soo qaban
qaabiyey islamarkaana kamid ah xubnaha sarsare ee bulshada
rayidka ah ee gobolada jubooyinka ayaa ku booriyey maamulka
som-land inay kala gartaan xaqa iyo xaqdarada islamarkaana
sheegay inay maamulka som-land ay meel kaga dhacayaan
xuquuqda aadanaha iyo tan qofkaba isagoo intaas sii raaciyey
,reer waqooyi iyagaa lahaa waa nala dulmiyey 21sano ee
kacaanka hadana iyagaa maanta dadka dulmaya ,miysan ahayn ,(Hashu
Geela Iyadaa Cunta Iyadaana Cabaadaysa ) waa siduu hadalka u
dhigaye.
''waxaan la yaabanahay qof aan waxba galabsan oo dembi loo
samaynayo som-land miyaysan ogayn in la kala arko xaqa iyo
xaqdarada isamarkaana aysan socon doonin wax lagu raadiyey
dulmi ii xir, ii hay iyo wax lamida ,waxaan ugu baaqaya
waxgaradka ,aqoon-yahanada kasoo jeeda walaalahayaga som-land
inay ka fiirsadaan dhibaatada ay u gaysanayaan dadka
shacabka ah oo ay ilaaliyaan deris wanaaga islamarkaana soo
daayaan maxaabiista ku xiran magaalada hargaysa'' ayuu yiri
axmed jaamac oo ay ka muuqatay carro xoogan .
Si kastaba ha ahaatee maaha markii ugu horaysay ee sidan oo
kale loogu soo eedeeyo maamulka som-land inay iska xireen
dad rayida oo aan waxba galabsan ,zam-zam axmed ducaale oo
ahayd gabadh da, yar islamarkaana ardayad ahayd ayaa sanadkii
2003-da iyadoo safar ku tagtay magaalada hargaysa lagu soo
eedeeyey inay arga-gixiso tahay iyadoo dacwadeedii qaadatay
ilaa 2004ta oo hal sano ay socotay .
yaasiin maxamed cali (faytin)
yaasiinfaytin@hotmail.com
Dawladdu waa in aay latimaado qorsha
fiican ee dibuheshiissin.
Ama Dib uheshhissintii laga sugayay, waxay Noqonaysaa
Maroodigii Rimanaa Ee dooliyada Dhalay?
Nairobi (Khamiis)- Guddoomiyaha ururka Xalka iyo Midnimada
Soomaaliyeed Ama looyaqaan Center For Somali Solutions- ee
fadhigeedu yahay Dalka Maraykanka., Mudane Mahdi Ali Xeyle
ayaa ka hadlay ballanqaadkii Madaxweyne yuusuf iyo PM Gedi
ee ku saabsanaa in aay keeni doonaan qorsho fiican oo dib
uheshiisiin uuna soo dhisi doono dawlad tayo leh, ayaa u
muuqato mid lagu hingoobay. Akhri...
Hayadda Dallaalo oo qabatey
Siminaar ku saabsan Xadgudubyada loo geysto Haweenka
Waxaa maalintii shalay
ahayd Hotel Naaso Hablood ee Magaaladda Muqdisho, lagu
qabtey siminaar hal maalin ah oo ay soo qaban qaabisay
hay;adda Dallaalo waxaana ka qayb galay xubno ka socday
urrruradda bulshadda , iyo guddoomiyeyaasha Degmooyinka
gobolka banaadir waxaan furitaankii siminaarkaas ka hadlay
Guddooomiyaha Hayadda dallaalo dahabo Cumar Maxamed oo
sheegtey in siminaarkan ay u qabteen sidii loo heli lahaa
xad gudubyada loo geysto haweenka iyo xal u helidooda
waxaana casharo ka jeedinaayey seminaarkaas Ustaad Jamaal
Maxamed Barrow oo isagu halkaas ku soo bandhigay dhowr
waxyaabood oo ku yimaada xad gudubyada loo geysto haweenka
soomaaliyeed kuwaasoo kala ah xad gudub ku yinmaaada dhinaca
dhaqanka , xad gudub ku yimaada dhinaca siyaasadda , xad
gudub ku yimaada dhinaca waxbarashada , xad gudub ku yimaada
dhinaca dhaqaalaha, xad gudub ku yimaadaa gudniinka
fircooniga iyo xad gudub ku yimaada guurka iyo guryaha,

Ka
qayb galayaashii ayaa halkaas ka soo jeediyey fikrado kala
duwan oo xal loogu heli karo xad gudubyada loo geysto
haweenka soomaaliyeed kuwana waxaa ay sheegeen in lagu
xallin karo dhinaca diinta islaamka halka kuwa kala ay
sheegeen in lagu xallin karo dowlad cadaalad ku dhisan,
Xubnihii halkaas ka hadlay
waxaa ka mid ahaa Xaawo Ciise oo iyadu sheegety in loo
baahan yahay in haweenka soomaaliyeed la siiyo wacyi galin
fara badan si ay u ogaadaan wax ay ay xaq u leeyihiin iyo
waxa xaqqa loogu leeyahay waxaa kaloo goobtaa ka hadashay
Sahro Ceelbuur oo iyana sheegtey in haweenka looga baahan
yahay in ay xoogga saaraan dhinaca waxbarashada taasoo ay
sheegtey in ay ku gaari karaan waxa ay ay tiigsanayaan,
seminaarkan waxaa maalgaliyey hayadda UNIFEM waxaana
hirgalisay Hayadda Humanitarian Development Organization Ee
Dallaalo
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com
Siminaar
hal maalin ah oo looga doodayey xuquuqda Haweenka iyo meelka
dhacyada lagula kaco oo maanta lagu qabtay Hotelka Naasa
Hablood ee magaalada muqdisho
“gabadha
hal sab ugu rid wiilkane laba sab ugu rid aniga iyo adinae
inta soo hartey weelka nuugu rog sidaa waxaa fikirkiisa ku
cabiray suldaan cadaan maxamed macalin oo ka qeyb qaadanayey
aqoon isweydaari halmalin ah oo looga hadlayey xadgudubyada
iyo tacadiyada loo geysto haweenka kaas oo manta lagu qabtay
Hotel Naasa Hablood ee Magaalada Muqdisho,
aqoon isdweydaarsi looga doodayay si heer sare ah xuquuqda
Haweenka iyo xadgudubyada ay la kulmaan,waxaana isku soo
dubarida aqoonisweydaarsigaan hay.adda dallaalo ayna ka soo
qeyb galeen mas’uuliyiin ka kala socotey qebybaha kala duwan
ee bulshada somaliyeed iyo qaar ka tirsan Hay’adaha u dooda
Xuquuqda Haweenka ee ku sugan magaaladan Muqdisho.
Hay.adda Dallaalo ayaa soo qaban qaabisay doodan waxaana
furitaankeedii ka hadashay Guddoomiyaha ururka Dallaalo
Marwo Dahabo Cumar Maxamed oo sheegtay iney sii kordhayaan
xad gudubka loo geysanayo haweenka Soomaliyeed
“Waxaan
isku dayaynaa in aan ka hortagno dhibaatooyinka loo
gaysanayo Haweenka Soomaaliyeed waxaa la siiyay gabdhaha %10
waxaana xaq u leenahay in ka badan intaasi ragga waan ka
dadaal badanahay maxaa yeelay waxaan soo xaraynaa dhaqaalaha
dalka %70 ” ayay tiri Dahabo oo ku dheeraatay Xuquuqda
Dumarka.
Ugu danbeyntii dooda iy fikirka ayaa si habsai leh loo
qeybsanayey waxaana macalimiin ka ahaa siminaarkaan jamaal
maxamed barrow iyo maxamed axmed macalin oo ka socday
labaduba hay.adda ( CTC ) xubnihii halkaa ka hadlay ayaa
waxaa ka mid ahaa ahaa Raaxo Maxamuud (Janaqoow) Gudoomiyaha
Hay’ada SAACID, Jamiilo hayle oo ah xoghayaha ururka Inxa
iyo xubno kale.
Muuse Maxamuud Jiisow
somali39@hotmail.com
Muqdisho Somaliya
025215576666
002521653623
Faafin: SomaliTalk.com | Feb
9,
2007
WARBIXIN
KU SAABSAN XAALADDA YAASIIN KILWE OO KU XIRAN BERBERA
Dhahar:- Yaasiin Kilwe
Cismaan waxa uu ku dhashay kuna soo barbaaray degmad Dhahar
ee gobolka sanaag sanadku markuu ahaa 1981kii, waxa uu ku
soo qaatay waxbarasha asaasiga ah dugsiga H/Dhexe ee degmada
Dhahar, waxa uu markii ugu danbaysayna arday ka ahaa
Jaamacadda bariga Afrika ee Boosaaso, sanadii 2003 bishii
11aad isaga oo ku jira fasax ayuu safar u aaday magaalada
Hargaysa, nasiib darro waxaa lagu xiray halkaas, isaga oo
lagu eedeeyay inuu lacag ka soo dhacay meel u dhaxaysa Tog
Wajaale iyo Jigjiga oo ka mid ah kililka shanaad ee
Ethiopia, arrintaasi oo ah mid aan jirin maxkamadduna ay
waxba ku wayday sida ay caddaysay 05/06/2006 dii.
AKhri warkan oo dhan....
Zakariya
Xaaji:-Waa In Loo Diyaargaroobaa Sidii Tegreega Dalka Looga Xorayn Lahaa
Xildhibaan Zakariya X.Maxmuud oo isagu ka mid ah guddiga
arrimaha dibada ee Golaha wakiilada, isla markaana xubin
joogta ah ka ah baarlamaanka Carabta ayaa xaflad lagu qabtay
magaalada Dimishiq taas oo lagu soo dhaweynayey xildhibaanka
ka sheegay in ay Soomaalidu u diyaar garowdo sidii ay
dalkooda uga xorayn lahaayeen xoogaga Tegreeyga ee ku soo
duulay.
Xafladan oo ay ka soo qayb galeen dadaweyne aad u tiro badan
iyo xubno ka socday Safaaradda Soomaalida ee dimishiq gaar
ahaan xoghayaha Safaaradda C/raxmaan Barqiya, guddoomiyaha
Jaaliyadda Soomaaliya Fu’aad iyo Shiikh C/casiis Calas ayaa
waxa uu Zakariye ku dheeraaday Taariikhdii soo jireenka
ahayd e u dhaxaysay Shacabka soomaaliyeed iyo Dawladda
Itoobiya ee ay gadhwadeenka ka yihiin qawmiyada Tegreey...Akhri...
Shirkadda
Range oo Sheegtay in Saddexdii bilood ee lasoo dhaafay ay
Garoonka Diyaaradaha ee Garoowe siisay US$313,000
lacagtas oo aad uga badan tii ay DGPL sheegtay in shirkadu
bixisay..
Akhri...
Lacag dhan $3 million
ilaa $7 million oo ay kala Qaybsanayaan Range iyo DGPL
Lacagtaas oo qarsoodi ahayd waxaa
shaaca ka qaaday wargeyska Herald ee ka soo baxa Australia...
Akhri....
Kenya
ma Badda Soomaaliyeed ayey Shidaal Ka Qodaneysaa?
Dawladda Kenya ayaa dardar gelisey
baaritanka batroolka ay ka wado xeebta, waxaana soo baxay warar tibaaxaya...
Akhri...
DGPL oo Caddayn weydey Meesha ay ku Baxeen
Lacagihii ay hore u Bixiyeen Shirkadaha Macdanta
Madaxweyne Cadde Muuse oo ku sugan Dubai oo
kulan la yeeshay shirkadaha ayaa la sheegay
in...
Akhri...


|