Wararkii: Feb 10, 2007
- Qaraxyo xalay lala
beegsaday Hotel Global
- Ciidamada Itoobiya oo
ka soo baxay Magaalooyinka Kismaanyo iyo Jilib..
- Urur sheegtey in uu ka
dambeeyey Qaraxyadii Ka dhacay Muqdisho meel Fagaara ah ka
dhigay Banaanbax…
- Ismaaciil Cumar Geele
oo sheegay in dalkiisa ku soo dhaweynayo Saraakiishii
Maxaakiimta
- Beelaha Sacad iyo Suleymaan oo heshiis uga furmay Degmada ..
- Boosaaso: Madaxwaynaha Puntland oo ku soo laabtay dalka
kadib safar bil qaatay....
Qaraxyo xalay lala
beegsaday Hotel Global
Iyadoo wali ay socdaan qaraxyada lala beegsanayo goobaha ay
deggan yihiin ciidamada Dowladda Itoobiya iyo kuwa
Federaalka iyo waliba hoteelada magaalada Muqdisho oo lagu
tuhunsan yahay inay deggan yihiin saraakiil ka tirsan
Dowladda, ayaa xalay waxaa qaraxyo lala beegsaday Hotel
Global oo ay inta badan isitcmaasho Dowladda Federaalka,
waxaa lagu dhiftay dhowr Hoobiye.
Lama garanayo khasaaraha dhabta ah oo ay keeneen
qaraxyadaasi, iyadoo lagu waramay in ay dhowr qof ay ku
dhaawacmeen oo loola cararay isbitaalada Magaalada Muqdisho.
Dhanka kale, maalintii shalay ahayd ayaa urur isku
magacaabay (Dhaqdhaqaaqa Muqaawamada Xoreynta Shacabka
Soomaaliyeed) waxa uu sheegtay in uu ka dambeeyey qaraxyadii
iyo weeraradii ka dhacay Magaalada Muqdisho ee lala
beegsaday ciidamada Itoobiya iyo kuwo Dowladda Federaalka.
Ciidamada Itoobiya oo
ka soo baxay Magaalooyinka Kismaanyo iyo Jilib..
Wararka naga soo gaaraya qaar ka mid ah Gobolada Jubooyinka
waxa ay sheegayaan in Ciidamada itoobiya ee ku sugnaa
Goboladaasi ay (xoogoodii) ka baxeen halkaasi.
Ciidamada itoobiya ee ku sugnaa Gobolada Jubooyinka ayaa
halkaasi isaga soo baxay waxayna si gaar ah u deganaayeen
Magaalooyinka Jilib iyo Kismaayo oo ay soo faaruqiyeen.
Saraakiisha hugaaminaysa Ciidamada itoobiya ayaa iyagoo la
hadlin maamuladii halkaasi ay ka dhiseen ayey isaga baxeen
waxaana lagu waramay in Ciidamadaasi ay u soo dhaqaaqeen
dhinaca iyo Magaalada Baydhabo,lamana garanayo sababaha ay
Ciidamadaasi u soo baneeyeen Ciidamadaasi waxaana lagu
waramay in halkaasi ay ugu soo tageen Ciidamo ka tirsan
Dowladda fedaraalka kuwaasi oo la shaqeyn doona maamulka
halkaasi ka dhisan.
Urur sheegtey in uu ka
dambeeyey Qaraxyadii Ka dhacay Muqdisho meel Fagaara ah ka
dhigay Banaanbax…

Mudaharaadayaal ka soo horjeeda ciidamo Afrikaan ah
oo loo soo diro Soomaaliya. Sawirka: AFP

Gaari Militari oo Itoobiyaan ah oo dhex marayey
Muqdisho, Feb 7, 2007: Sawirka: AFP

Gabar xijaaban oo fiirneysa Askar Itoobiyaan ah oo
maraya Afgooye, January 24, 2007. Sawirka: Reuters

Gaari sida Askar IToobiyaan ah oo dhex marayey
Afgooye, January 24, 2007. Sawirka: AFP |
Maalintii shalay ahayd ayaa
Banaanbax looga soo horjeedo Ciidamada itoobiya iyo kuwa
shisheeyey ee la damacsan yahay in la keeno uu ka dhacay
Magaalada Muqdisho Gaar ahaan Suuqa Xoolaha iyo waliba
agagaarka Al-Baraka ee Degmada Hodan.
Banaanbixii ka dhacay Suuqa Xoolaha ayaa waxaa ka hadlay
Xubno ka tirsan Urur sheegtay in uu ka dambeeyey Qaraxyadii
iyo weeraradii ka dhacay Muqdisho ee lala beegsaday
Ciidamada itoobiya kuwa fedaraalka. Ururukan oo lagu
Magacaabo Dhaqdhaqaaq Nuqaawamada Xoreynta soomaaliya ayaa
Nin Magaciisu ku soo gaabiyey C/risaaq uu ka hadlay
Banaanbaxaasi a waxa uu sheegay in ay wadi doonaan Qaraxyada
ay kaga soo hojeedaan Ciidamada itoobiya kuwa la damacsan
yahay in la keeno Soomaaliya. Waxaana halkaasi lagu gubay
Calamada itoobiya, Kenya, Uganada, Maraykanka,
Ismaaciil Cumar Geele
oo sheegay in dalkiisa ku soo dhaweynayo Saraakiishii
Maxaakiimta
Madaxwynaha Wadanka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele oo u
waramayey Telefishinka Al-Jazeera ayaa daboolka ka qaaday in
Dalkiisu uu ku soo dhawaynayo dhamaan Sara-akiishii
Maxaakiimta islaamiga ah Haddii ay iweydiistaan Magangalyo
siyaasiyaasadeed.
Ismaaciil Cumar Geele waxa uu sheegay Cid kasta oo Soomaali
ah ay ku noolaan karaan Dalka Jabuuti isagoo sheegay in
Dalka haatan ay ku sugan yiihiin Gudoomiyhii hore Golaha
Baarlamaanka Soomaaliya Shariif Xasan Shiikh Aadan iyo 10-
Xubnood oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya.
Madaxwaynha waxa uu sheegay in Dalka Jabuuti ay dhibayso
dhibaatada Soom-aaliya waxa uuna sheegay in Dalkiisu uu
diyaar u yahay in uu marti geliyo Shir ay isugu yimaadaan
dhamaan Kooxaha Soomaaliyeed si loo soo afjaro Khilaafaadka
ka taagan Arimaha Soomaaliya .
Ismaaciil waxa uu beeniyey in Dalkooda ay ka duuleen
Diyaaradahii Maraykanka ee duqeeyey Koonfurta Soomaaliya
isagoo sheegay in Diyaaradahaasi ay ka duuleen markab
Maraykanku uu leeyahay oo fadhiyey Xeebaha Soomaaliya isagoo
sheegay Dowladiisu ay aad uga Xumaatay dhibaatada ay
geysteen Diyaaradahaasi
Xubno ka tirsan Beesha
Cayr oo Martiqaad ka helay Safiirka Mareykanka ee u fadhiya..
Warar aanu halnay ayaa waxay sheegayaan in xubno isugu jiray
Siyaasiyiin, Waxgarad, Aqoonyahano,iyo Odayaal ka tirsan
Beesha Cayr oo u ambabaxeen Magaalada NaIrobi ee Dalka Kenya
ka dib markii martiqaad ee ka heleen Safiirka Maraykanka u
fadhiya Dalka Kenya. Xubnahaani ayaa waxa ay Safiirka kala
hadli doonaan Arimo la xiriira xaalada Soomaaliya iyadoo
Beesha Cayr lagu wado in ay Safiirku u gudbiso Qoraal ay ku
beeninayaan warar horay looga faafiyey.Safiirka ayaa horay u
sheegay mar uu wareysi bixiyey in Beesha Cayr ay lagama
maar-maan u tahay in laga qaybgeliyo dib u heshiisiinta
Dalka.
Beesha ayaa dhawaan waxa ay kulamo la soo yeesheen Ra’iisul
Wasaaraha Waddanka itoobiya Meles-Zanawi waxayna isla soo
qaadaan sidii Beeshu ay uga qayb qaadan lahayd Xal u helida
arimaha Soomaaliya.
Beelaha Sacad iyo Suleymaan oo heshiis uga furmay Degmada ..
Wararka naga soo gaaraya Degmada Cadaado waxay sheegayaan in
maalintii shalay ahayd Degmadaasi uu ka furmay Shir lagu
heshiisiinayo Beelaha Sacad iyo Suleymaan waxaana ka
qaybgalay 60-Ergo oo matalayey labada Beelood waxaana
Tas-hiilaadka ku baxaya Shirkaasi Bixinayey Hay’adda CRD
waxaana u hadlay Hay’adda Max’ed Xasan Kulmiya (Ing- Kulmiye)
Beesha Sacad waxaa u hadlay Yuusuf Xaashi Cilmi, (Qabax),
Yaasiin Max’ed Gaani, Beesha Reer Xaaji Saleymaan waxaa u
hadlay Cali Xaashi Afrax Geedi, Max’uud Yare Xasan Guuleed,
waxayna dhamaantood sheegeen in la’iska iloobo wixii horay u
dhacay dibna loo soo celiyo Walaaltinimadii.
Waxaa Shirkaasi Goob joog ka ahaa Saraalkiil ka tirsan
Dowladda fedaraalka waxaana lagu martiqaaday Eragooyin ka
kala soctay Guri-Ceel iyo Caabud-Waaq waxaa kaloo ka hadlya
Culumaa’udiin ay ka mid ahaayeen Shiikh Max’uud Max’ed Yare
iyo Shiikh C/qaadir Dhagayare waxaana la filayaa in labada
Beelood ee maalmaha soo socda ay gaaraan Hashiis Dhab ah,
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail
amiinkhasaaro@hotmail.com
Boosaaso: Madaxwaynaha Puntland oo ku soo laabtay dalka
kadib safar bil qaatay....
Madaxwaynaha
DGPL Gen. Cadde Muuse ayaa Jimcadii (Feb 9, 2007) dib ugu
soo laabtay magaalada Boosaaso ee xarunta gobalka Bari
halkaasi oo uu ka duulay xiligii uu u anbabaxayay dalka
dibadiisa safar dheer oo uu ku tagay wadamo dhawr ah oo ay
ugu horayso Emaratka carabta, halkaasi oo uu kula kulmay
qaar ka mid ah shirkadaha macdanta ka baaraya deegaanada
Puntland kadibna uu uga sii gudbay dalka Germany halkaasi oo
la sheegay in uu u tagay safarkiisa gaarka ah ee la xirira
baaritaan caafimaad.
Akhri
Faafin: SomaliTalk.com | Feb
10,
2007
Koox La Baxday Muqaawimada
Wax Iska Caabinta Oo Maanta Meel Fagaare Kala Hadlay Dad
Banaan Baxayey ..
Jimce, Feb 9, 2007
Banaan
bax aad u weyn oo lagu diidan yahay ciidamada Ethiopia ee ku
sugan dalka soomaaliya gudihiisa ayaa maanta ka dhacay
magaalada muqdisho .
Banaanbaxan oo salaadii jimcaha kadib ka bilowday wadada
Ex-control Balcad ayaa waxa looga soo horjeeday joogitaanka
ciidamada Dowlada Ethiopianka ah ee taageeraya kuwa dowlada
kmg iyo waliba kuwa Afrikanka ee lagu wado in Dalka lakeeno
Banaan Baxayaasha oo gaararyey boqolaal ayaa ku dhawaaqayey
erayo ka dhan ah ciidamada xukuumada tigreega iyo weliba
dowladda Mareykanka islamarkaana goobtaas ku gubay calanka
Ethiopia iyo kan maraykanka .
Sidoo kale dibad baxan ayaa waxaa meel fagaare ah dadka kala
hadlay mid kamida xubno wejiyadooda soo qariyey oo ku sugnaa
goobta islamarkaana sheegay inay yihiin ururka muqaawimada
wax iska caabinta ,ayna si toos ah uga soo hor jeedaan
ciidamada xukuumada Ethiopia ,Uganda iyo dowlada Maraykanka
waxa uuna sheegay inaysan joojin doonin qaraxyada ay la
beegsanayaan ciidamada Ethiopia ilaa iyo inta ay ka baxayaan
dalka soomaaliya , isagoo weliba uga digey inay ganacsatada
hoteelada ku leh magaalada muqdisho aysan dejin kuwa uu ku
sheegay taageerayaasha xukuumada tigreega hadii kale ay
qarxin doonaan .
Dibadbaxan oo lagaga soo hor jeeday ciidamada Ethiopia iyo
weliba ciidamada afrikaanka ah ee ladoonayo inay dalka
soomaaliya la keeno ayaa kusoo gabgaboobay si nabad ah .
Waa markii ugu horaysay oo ay si bareer ah isu usoo shaac
baxiyaan kooxaha la magac baxay muqaawimada wax iska
caabinta ee shacabka .
Yaasiin Mxamed cali (faytin)
yaasiinfaytin@hotmail.com
WARBIXIN
KU SAABSAN XAALADDA YAASIIN KILWE OO KU XIRAN BERBERA
Dhahar:- Yaasiin Kilwe
Cismaan waxa uu ku dhashay kuna soo barbaaray degmad Dhahar
ee gobolka sanaag sanadku markuu ahaa 1981kii, waxa uu ku
soo qaatay waxbarasha asaasiga ah dugsiga H/Dhexe ee degmada
Dhahar, waxa uu markii ugu danbaysayna arday ka ahaa
Jaamacadda bariga Afrika ee Boosaaso, sanadii 2003 bishii
11aad isaga oo ku jira fasax ayuu safar u aaday magaalada
Hargaysa, nasiib darro waxaa lagu xiray halkaas, isaga oo
lagu eedeeyay inuu lacag ka soo dhacay meel u dhaxaysa Tog
Wajaale iyo Jigjiga oo ka mid ah kililka shanaad ee
Ethiopia, arrintaasi oo ah mid aan jirin maxkamadduna ay
waxba ku wayday sida ay caddaysay 05/06/2006 dii.
AKhri warkan oo dhan....
Zakariya
Xaaji:-Waa In Loo Diyaargaroobaa Sidii Tegreega Dalka Looga Xorayn Lahaa
Xildhibaan Zakariya X.Maxmuud oo isagu ka mid ah guddiga
arrimaha dibada ee Golaha wakiilada, isla markaana xubin
joogta ah ka ah baarlamaanka Carabta ayaa xaflad lagu qabtay
magaalada Dimishiq taas oo lagu soo dhaweynayey xildhibaanka
ka sheegay in ay Soomaalidu u diyaar garowdo sidii ay
dalkooda uga xorayn lahaayeen xoogaga Tegreeyga ee ku soo
duulay.
Xafladan oo ay ka soo qayb galeen dadaweyne aad u tiro badan
iyo xubno ka socday Safaaradda Soomaalida ee dimishiq gaar
ahaan xoghayaha Safaaradda C/raxmaan Barqiya, guddoomiyaha
Jaaliyadda Soomaaliya Fu’aad iyo Shiikh C/casiis Calas ayaa
waxa uu Zakariye ku dheeraaday Taariikhdii soo jireenka
ahayd e u dhaxaysay Shacabka soomaaliyeed iyo Dawladda
Itoobiya ee ay gadhwadeenka ka yihiin qawmiyada Tegreey...Akhri...
Shirkadda
Range oo Sheegtay in Saddexdii bilood ee lasoo dhaafay ay
Garoonka Diyaaradaha ee Garoowe siisay US$313,000
lacagtas oo aad uga badan tii ay DGPL sheegtay in shirkadu
bixisay..
Akhri...
Lacag dhan $3 million
ilaa $7 million oo ay kala Qaybsanayaan Range iyo DGPL
Lacagtaas oo qarsoodi ahayd waxaa
shaaca ka qaaday wargeyska Herald ee ka soo baxa Australia...
Akhri....
Kenya
ma Badda Soomaaliyeed ayey Shidaal Ka Qodaneysaa?
Dawladda Kenya ayaa dardar gelisey
baaritanka batroolka ay ka wado xeebta, waxaana soo baxay warar tibaaxaya...
Akhri...
DGPL oo Caddayn weydey Meesha ay ku Baxeen
Lacagihii ay hore u Bixiyeen Shirkadaha Macdanta
Madaxweyne Cadde Muuse oo ku sugan Dubai oo
kulan la yeeshay shirkadaha ayaa la sheegay
in...
Akhri...


|