Weeraro
Aan Kala Go' Lahayn Oo Maanta Ka Dhacay Magaalada Muqdisho
Daafaheeda ..
Sabti, Feb 10, 2007
Weerar loo adeegsaday
Madaafiic oo ay dadku dhinteen ayaa maanta meelo kala duwan
oo magaalada muqdisho ka dhacay , iyadoo goobaha la weeraray
ay kamid ahaayeen garoonka weyn ee diyaaradaha ee magaalada
Muqdisho iyo goobo kale oo ka tirsan caasimada muqdisho ,
Weeraradan ayaa waxaa ku naf waayey inta la og yahay ilaa 6
qofood oo rayid ah oo ku sugnaa xaafadaha ay degan yihiin
iyo weliba xeryo qaxooti oo ay degan yihiin dadka soo
barakacay .
Sidoo kale Xaruntii hore ee rugta Saraakiisha ee Jaalle
Siyaad ayaa waxaa ku dhacay dhowr madfac, ka dib markii sida
la sheegay halkaasi ay tageen kooxo hubeysan oo watay
gawaarida noocyada dheereeya ee loo yaqaano surfka , iyadoo
madaafiicdaasi ay sababtay dhimashada hal canug oo yar , iyo
3 -dhaawac ah oo ay ku jirto cunuga yar hooyadii.
Dhanka kale ilaa iyo dhowr madfac oo hoobiye-yaal ah ayaa la
sheegay in lala beegsaday garoonka diyaaradaha ee magaalada
Muqdisho, iyadoo madaafiicdaasi aan la ogayn khasaaraha
dhabta ah ee ay gaysteen .
Maareeyaha garoonka diyaaradaha ee muqdisho Max'ed Axmed
Siyaad ayaa saxaafada u sheegay in howlihii garoonka ay
caadigoodii yihiin, isagoo intaas ku daray inaysan jirin wax
shaqo ah oo hakad galay ,islamarkaana carabka ku adkeeyey
inaysan waxba u dhimi karin waxa uu ku tilmaamay tuur-tuurka
Macno darada ah, mar lawaydiiyey khasaaraha soo gaaray
garoonka ayuu ka gaabsaday su-aashaas inuu ka jawaabo .
Xaalada Caasimada soomaaliya ee muqdisho oo faraha ka baxday
ayaa sidoo kale weeraro Hoobiyeyaal ah isla maanta lagu
qaaday Suuq xoolaha lagu iibiyo oo ku yaala deegaanka
Deyniile, iyadoo wararku sheegayaan in halkaasi ay ku
dhinteen 3 -qof oo rayid ah, islamarkaana ay ku dhaawacmeen
tiro dad ah oo aan la sheegin.
Weeraradan isdaba jooga ah ayaa sidoo kale lagu qaaday Hotel
Kaah oo lala dhacay Baasuukayaal ayaa waxa ay gaysteen
dhimashada hal ruux, iyadoo mid kalena ay toogasho ku dileen
ciidamada booliska dowlada kmg ah kadib markii ay gaari
nooca gaadiidka dadweynaha ah ay istaajiyeen ciidankani uu
ka dhegay islamrkaana ay rasaas ay ku fureen ay haleeshay
qofkan rayidka ah ee dhintay .
Si kastaba ha ahaatee xaalada muqdisho oo gashay meel
amaankeeda aan laysku halayn karin ayaa ku soo beegmaysa
xilli habeenkii xalay ahaa Hotel Global oo ku yaala w/magaalada
Muqdisho lagu asqeeyey weerar qoryaha baasuukayaasha ahaa
islamrkaana aan lasheegin wax khasaare ah oo halkaas ka
dhacay.
yaasiin maxamed cali (faytin)
yaasiinfaytin@hotmail.com
Qaraxyo Xalay Lala
Beegsaday Hotel Global
.Madaxwaynaha DGPL oo kusoo laabtay Boosaaso....
.Ciidamada Itoobiya oo ka soo baxay Kismaanyo iyo Jilib..
.Muqdisho: Urur sheegtey in uu ka dambeeyey Qaraxyada
.Geele oo sheegay in dalkiisa ku soo dhaweynayo Saraakiishii
.Beelaha Sacad iyo Suleymaan oo heshiis uga furmay..
Wararka oo dhan ka akhri
halkan.... Feb 10
Faafin: SomaliTalk.com | Feb
10,
2007
WARBIXIN
KU SAABSAN XAALADDA YAASIIN KILWE OO KU XIRAN BERBERA
Dhahar:- Yaasiin Kilwe
Cismaan waxa uu ku dhashay kuna soo barbaaray degmad Dhahar
ee gobolka sanaag sanadku markuu ahaa 1981kii, waxa uu ku
soo qaatay waxbarasha asaasiga ah dugsiga H/Dhexe ee degmada
Dhahar, waxa uu markii ugu danbaysayna arday ka ahaa
Jaamacadda bariga Afrika ee Boosaaso, sanadii 2003 bishii
11aad isaga oo ku jira fasax ayuu safar u aaday magaalada
Hargaysa, nasiib darro waxaa lagu xiray halkaas, isaga oo
lagu eedeeyay inuu lacag ka soo dhacay meel u dhaxaysa Tog
Wajaale iyo Jigjiga oo ka mid ah kililka shanaad ee
Ethiopia, arrintaasi oo ah mid aan jirin maxkamadduna ay
waxba ku wayday sida ay caddaysay 05/06/2006 dii.
AKhri warkan oo dhan....
Zakariya
Xaaji:-Waa In Loo Diyaargaroobaa Sidii Tegreega Dalka Looga Xorayn Lahaa
Xildhibaan Zakariya X.Maxmuud oo isagu ka mid ah guddiga
arrimaha dibada ee Golaha wakiilada, isla markaana xubin
joogta ah ka ah baarlamaanka Carabta ayaa xaflad lagu qabtay
magaalada Dimishiq taas oo lagu soo dhaweynayey xildhibaanka
ka sheegay in ay Soomaalidu u diyaar garowdo sidii ay
dalkooda uga xorayn lahaayeen xoogaga Tegreeyga ee ku soo
duulay.
Xafladan oo ay ka soo qayb galeen dadaweyne aad u tiro badan
iyo xubno ka socday Safaaradda Soomaalida ee dimishiq gaar
ahaan xoghayaha Safaaradda C/raxmaan Barqiya, guddoomiyaha
Jaaliyadda Soomaaliya Fu’aad iyo Shiikh C/casiis Calas ayaa
waxa uu Zakariye ku dheeraaday Taariikhdii soo jireenka
ahayd e u dhaxaysay Shacabka soomaaliyeed iyo Dawladda
Itoobiya ee ay gadhwadeenka ka yihiin qawmiyada Tegreey...Akhri...
Shirkadda
Range oo Sheegtay in Saddexdii bilood ee lasoo dhaafay ay
Garoonka Diyaaradaha ee Garoowe siisay US$313,000
lacagtas oo aad uga badan tii ay DGPL sheegtay in shirkadu
bixisay..
Akhri...
Lacag dhan $3 million
ilaa $7 million oo ay kala Qaybsanayaan Range iyo DGPL
Lacagtaas oo qarsoodi ahayd waxaa
shaaca ka qaaday wargeyska Herald ee ka soo baxa Australia...
Akhri....
Kenya
ma Badda Soomaaliyeed ayey Shidaal Ka Qodaneysaa?
Dawladda Kenya ayaa dardar gelisey
baaritanka batroolka ay ka wado xeebta, waxaana soo baxay warar tibaaxaya...
Akhri...
DGPL oo Caddayn weydey Meesha ay ku Baxeen
Lacagihii ay hore u Bixiyeen Shirkadaha Macdanta
Madaxweyne Cadde Muuse oo ku sugan Dubai oo
kulan la yeeshay shirkadaha ayaa la sheegay
in...
Akhri...


|