Wararkii: Feb 13, 2007
- Salaad Cali Jeele:
Raggii na dhahayey Itoobiya ayey Dalka soo geliyeen
Iyaga ayaa la kulmey Meles..
- Dalxa oo soo
gebagabeeyey Siminaarkii Dib u heshiisiinta ..
- Ciidamada Itoobiya
oo lagu Eedeeyey in ay Madaafiic ku garaaceen ..
- Midowga Yurub oo
mar kale ku celiyey in la qaado Amarka Deg Dega ah..
- Hay’adda Hido oo
Degmadda Baled Weyne ka hirgelisey 16 Ceel...
- VOA oo Bilaabay
Laan Af-Soomaali ah: Ka Dhegeyso:
Real ama
WM
ama
MP3
-
Somalia Insurgents Hit Hard for Third Day
Salaad
Cali Jeele: Raggii na dhahayey Itoobiya ayey Dalka soo
geliyeen Iyaga ayaa la kulmey Meles..
Wasiir ku xigeenka Gaashaandhiga Salaad Cali Jeele oo shalay
ka hadlayey gebagabadii siminaarkii ku saabsanaa dib u
heshiisiinta ayaa waxa uu sheegay in Ciidamada Dowladda
Federaalka aysan wax shuqul ah ku laheyn madaafiicda la
sheegay inay ku dhacayaan goobo ka mid ah magaalada Muqdisho.
“Dowladda suurgal kama ahan in ay Shacabka madaafiic ku rido,
waxaa madaafiicda ku ridaya waa kooxihii aragagixisada ahaa”
ayuu yiri Salaad Cali Jeele oo sheegay in Dowladda Federalka
ah dadaal ugu jirto sidii ay nabad ugu soo dabaali laheyd
magaalada Muqdisho, isagoo u soo jeediyey shacabka in ay
gacan siiyaan ciidamada Dowladda Federaalka ah.
Salaad ayaa intaa raaciyey
“rag baa nagu eedeeyey in aan dalka keenay ciidamada
Itoobiya, maalmahana waad maqleyseen, in raggii horey noogu
eedeeyey arrintaasi ay kulan la yeesheen Meles Zenawi”.
Salaad Cali Jeele waxa uu
sheegay in kooxaha Argagixisada ah ay isku qaybiyeen labo
qaybood kuwo habeenkii weerar gasha iyo koox markay dhibaato
gaarto ku qayliya waa na soo weeraray, marka waxaan u soo
jeedinayaa shacabka in ay ka shaqeeyaan nabadda, si gobalka
Banaadir uu u noqdo gobal nabdoon. Salaad Cali Jeele oo
mararka qaarkood soo qaadanayey Aayado Qur’aan ah ayaa waxa
uu sheegay in Dowladda Federaalka ah ay wado qorshayaal ay
kula dagaalameyso wax uu ugu yeeray kooxaha argagixisada ah.
Salaad waxaa kaloo uu sheegayin maamulka Gobalka Banaadir
loo magacaabay Saddex beelood ay ka degi la’ dahay xaaladda
Soomaaliya, waxa uuna tilmaamay in ay haboon tahay in
shacabkku la shaqeeyo in raggaasi mas’uuliyiinta ah la
shaqeeyaan. Salaad waxa uu gebagabdii u mahadceliyey
Odoyaashii iyo Waxgaradkii ka qaybgalay kulankaasi ee soo
saaray fikradaha ku aadan dib u heshiisiinta ummadda
Soomaaliyeed, isagoo sheegay in shirkaani uu ahaa shir madax
banaan oo loogu googol xaarayey dib u heshiisiinta qaranka
Soomaaliyeed.
Dalxa oo soo
gebagabeeyey Siminaarkii Dib u heshiisiinta ..
Guddoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Max’ed Cumar Dhalxa ayaa
shalay Hotel Kaah ku soo gabegabeeyey shirkii dib u
heshiisiinta ahaa ee mudada tobaadka ahayd ka socday
Hoteelkaasi, kaas oo ay ka qaybgaleen ilaa iyo 250-xubnood
oo ka kala socday qaybaha kala duwan ee Bulshada.
Prof. Dhalxa waxa uu sheegay in shirkaani ujeedadiisu ahayd
sidii bulshada dhexdeeda looga heli lahaa fikrado ku aadan
xal u helida arimaha Soomaaliya, gaar ahaan dhinaca dib u
heshiisiinta iyo hub ka dhigista.
Guddoomiye ku xigeenku waxa uu sheegay in shirkaani uu
hordhac u yahay shirar is daba joog ah oo ay qaban doonaan
guddiga dib heshiisiinta qaranka Soomaaliyeed, waxa uuna u
soo jeediyey ka qaybgalayaashii shirkaasi in ay ka
shaqeeyaan sidii nabad loogu soo dablaai lahaa Soomaaliya.
Prof. Dhalxa waxaa kaloo sheegay Dowladda Federaalka ah ay
ku talo jirto sidii nabad loogu soo dabaali lahaa Magaalada
Muqdisho, isagoo sheegay in haddi Muqdisho nabad noqoto, uu
dalkiisa intiisa kale nabad noqon karo, taas oo lagu gaari
karo midnimo iyo wadajir.
Ciidamada Itoobiya oo
lagu Eedeeyey in ay Madaafiic ku garaaceen ..
Ciidamada Itoobiya ee ku sugan Magaalada Muqdisho ayaa lagu
eedeyey inay ka dambeeyeen madaafiicdii habeen hore lala
beegsaday qaybo ka mid ah Magaalada Muqdisho kuwaas oo ay
waxyeelo ka soo gaartay bulshada Soomaaliyeed.
Hubkii ay soo rideen ciidamada Itoobiya ayaa waxaa la
tusiyey rag ka tirsan ciidamadii hroe ee xoogga Dalka
Soomaaliyeed, waxayna sheegeen in hubkaani uu yahay Qoreyga
BM-ka, waayo ayey yiraahdeen qoreygaasi Kumiciisa kalama
haro, balse waa uu is raacaa, waxa uuna gaystaa waxyeelo
baahsan, hase yeeshee Wasiir ku xigeenka Gaashaan-dhiga
Salaada Cali Jeele ayaa waxa uu beeniyey in Ciidamada
Itoobiya ay madaafiic ku rideen goobo ah degan yihiin dad
rayid ah, isagoo sheegay in Dowladda Federaalka aysan
suuragal ka aheyn in ay hub la dhacdo dadkeeda.
Hase yeeshee nin Odey ah ayaa waxa uu yiri “Waxaa la yaab
leh Dowlad dadkeeda ka aarsaneysa, waxaa dowlad lagu
yaqaanaa inay bulshada ay madaxda u tahay u naxariisato, ee
ma aheyn in madaafiic iyagoo hurda lala dhaco”.
Midowga Yurub oo mar
kale ku celiyey in la qaado Amarka Deg Dega ah..
Kulan ay shalay isug yimaadeen Midowga Yurub ayaa waxaa
looga hadlay Xaaladda Soomaaliya, waxayna mar kale ku
celiyeen in deeqda ay siinayaan Dowladda Federaalka ay hor
yaalaan shuruudo ay ugu horeyso in ay marka hore Dowladda
Federaalka ah qaado amarkii xaaladda deg dega.
Midowga Yurub, waxa uu sheegay in hadalka ka soo yeeray C/llaahi
Yuusuf ee ahaa in ay dowladdiisu taageeri doonto dib u
heshiisiin loo qabto bulshada Soomaaliyeed, hase yeeshee
Midowga Yurub waxay sheegeen in hadalka C/llaahi Yuusuf uu
yahay mid aan sidii la rabay aan looga dhabeyn, C/llaahina
uu doonayo in uu dib u heshiisiin ku qabto gudaha dalka
Soomaaliyeed oo ay maamusho Dowladiisa.
Midowga Yurub ayaa xayiray lacag gaareysa 70-Milyan oo
Doolar taaso la doonayey in ay Dowladdu ku fuliso dib u
dhiska dalka.
Hay’adda Hido oo
Degmadda Baled Weyne ka hirgelisey 16 Ceel...
Hay’adda Hiiraan Development Organization (HIDO) kana
hawlgasha gobalka Hiiraan ayaa ninka u qaabilsan dhinaca
mashaariicda Bashiir Hilowle Cabdulle ayaa waxa uu ka
warbixiyey hawlaha ay qabato Hay’addaasi, waxa uuna sheegay
in Hay’adaani ay hawlo ceel qodid, Waro ay sameysay, iyo
suuqyo iyo mashaariic kale ka fulisay Magaalada Baladweyne,
isagoo sheegay in sanadkii 2006 iyo horaantii sanadkaan ay
degmadaasi ka fulisay 16 ceel.
Bashiir waxa uu tibaaxay in ceelashaasi ay Hay’addu ugu
talagashay inay ka cabaan dadka si lacag la’aan ah, isagoo
sheegay in mashaariicdaasi ay gacan ku siiso Hay’ada SAVE
CHILD, UK oo uu tilmaamay in la’aantood aysan fulin lahayn
mashaariicdaasi. Guddoomiyaha Hay’addaasi C/salaan Guhaad
Dhimbil oo isna nalagala soo xiriiray Baladweyne ayaa waxa
uu sheegay in hayadaan la aasaasay sanadkii 1991, isagoo
sheegay in intii ay jirtay ay gobalka ka fulisay mashaariic
dhinaca samafalka ah.
Hay’addaan waxay xafiis ku leedahay Magaalada Buulaburde oo
ay ka fulisay mashaariic dhinaca gargaarka ah
Sagaal Hayadood ayaa la shaqeeya Hayada SAVE CHILD, UK
iyagoo Maalgelin ka hela Hayadda ECHO kuwaas oo fuliye
Mashaariic Fara badan iyadoo afar hayadood ay ka shaqeeyaan
Dhinaca Nadaafadda iyo Musqulaha sida Ururka wadaniga ee
Haweeenka ee ISRAAC dhamaan Howlahaa Samafal waxaa amaan ku
leh SAVE CHILD, UK oo welina Howshaas wada
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail
amiinkhasaaro@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com |
Feb 13, 2007
Ciidamada
Ethiopia Ee Ku Sugan Magaalada Muqdisho Oo Roondoyin Ka
Sameeyey Xerada Agoonta Ee Magaalada Muqdisho.
Feb 12, 2007: Ciidamada xukuumada Ethiopia ee ku sugan
caasimada muqdisho ayaa xalay iyagoo aad u hubaysan
roondooyin ka samayeey xarumo dhowr ah ,iyagoo sida wararku
sheegayaan ka cabsi qaba inay weeraro kaga yimadaan ,deegaanadaas
,Kulliyadda Jaalle Siyaad ,xeradii damaanyo, warshadda
Kabista , xerada Agoonta ,iyo halka loo yaqaanno soona Keey
.
Laba maalmood ka hor ayaa ciidamada xukuumada Ethiopia ee
fariisinka ku leh halkaasi ay weeraro loo adeegsanayo qoriga
hoobiyeha lagu qaadey , ka dibna xalay lagu arkay goobaahaas
iyadoo warar is qilaafsan oo kasoo baxaya ay sheegayaan inay
doonayaan ciidamadani inay fariisimo cusub ka samaystaan
deegaanadaas.
Sidoo kale ciidamadan xiligii ay roonddooyinka sammeynayeen
oo ahayd xalay saqdii dhexe ayay shaki ka muujinayeen qof
kasta oo ka soo hor baxa islamarkaana ay jireen dhowr qof oo
ay ku qab-qabteen goobahaas ay gaaf wareegayeen ,ma -cada
halka ay la aadeen dadka ay qabteen waloow ay jiraan warar
sheegaya in dadkii la qab-qabtay xalay lasii daayey ,kadib
markii su,aalo laga waydiiyey arimaha ay ku socdeen xiligan
iwm .
Si kastaba ha ahaatee deegaanadaas ayaa xalay ahaa kuwo ay
buuxdhaafiyeen ciidamada Ethiopian-ka waloow aysan jirin wax
rabshado ah oo ka dhacay halkaas.
yaasiin maxamed cali (faytin)
yaasiinfaytin@hotmail.com
Madaafiicda
Qoryaha BM-ka Oo Gil-giley Caasimada Soomaaliya Ee
Muqdisho - Feb 12
Gen. Cadde Muuse: 3
bilood Gudahood ayaa lagu Bilaabayaa Macdan Baarista Puntland
Puntland "kama bixin hawlihii macdan baarista"
sidaas waxaa yiri Madaxweynaha DGPL oo....
Akhri...
Warar is
khilaafsan oo ka soo baxaya qaraxii ka dhacay Kismaayo..
.Furux: Hay’adda CRD oo marin habaabisay heshiiskii Beelaha
.Deegaanka Cagaaran oo dagaal ka dhacay...
.Ma Dhabaa In Ciidamada DFKMG Galeen Dugsi-qur'aan
Wararka oo dhan
ka akhri halkan.... Feb 12

Tacaddigii
Saami Xaaji iyo Xabsiga Guantanamo
Munaasabad loogu Boroordiiqayey oo ka dhacdey Muqdisho
Saalim Muxiidiin Axmed waxaa uu ku dhashay Magaaladda
Kharduum 25 Feb 1969-kii waxaa uu aabihii ula wareegay
magaaladda Sinaar oo ku taala badhtamaha sudaan haalkaas oo
uu aabihii ku ganacsan jiray. Wax barashadiisii hoose illaa
sare waxaa uu ku qaatey Magaaladda Sinaar,dabadeedna waxaa
uu u safray dalka Hindia halkaas oo uu shahaadada Majisteer
uu ku qaatey, Suugaanta luuqadda Ingiriiska. Waxaa kale oo
uuu saami uu ka soo qaatey isla dalka hindia Shahaado ah
Aqoonta Computer-ka. Wax yar kadib markii uu soo qalin
jabiyey waxaa geeriyootey hooyadiis waxaana uu dib ugu soo
safray dalka Imaaaradka Carabta.halkaas oo uu ka helay shaqo
Shirkadda Romat International ee wax soo dajinta. Dib usoo
laabashadiisii waxaa uu bartey habka sawir qaadida.
Warkan oo dhan Akhri....
Dowlada
FKMG Ah Ee Soomaaliya oo Indhaha Ka Laabatay Ceelasha
Shidaalka Ee Ay Kenya Ka Baarayso Xadka Soomaaliya...
Waxaa dhowaanahanba isa
soo tarayey ceelal shidaal ah oo laga baarayo deeganada
xadka Soomaaliya oo ay dowlada kenya ku guda jirto,
islamarkaana ay wararku tibaaxeen in meelaha ay ka baarayso
ay yihiin deegaano ku yaala gudaha wadanka soomaaliya, ayaan
waxaan dadaalo dheeraad ah u galay bal si aan wax uga ogaado
arrintan sida ay u aragto dowlada kmg ah ee Soomaaliya.
Akhri
warka oo dhan....
WARBIXIN
KU SAABSAN XAALADDA YAASIIN KILWE OO KU XIRAN BERBERA
Dhahar:- Yaasiin Kilwe
Cismaan waxa uu ku dhashay kuna soo barbaaray degmad Dhahar
ee gobolka sanaag sanadku markuu ahaa 1981kii, waxa uu ku
soo qaatay waxbarasha asaasiga ah dugsiga H/Dhexe ee degmada
Dhahar, waxa uu markii ugu danbaysayna arday ka ahaa
Jaamacadda bariga Afrika ee Boosaaso, sanadii 2003 bishii
11aad isaga oo ku jira fasax ayuu safar u aaday magaalada
Hargaysa, nasiib darro waxaa lagu xiray halkaas, isaga oo
lagu eedeeyay inuu lacag ka soo dhacay meel u dhaxaysa Tog
Wajaale iyo Jigjiga oo ka mid ah kililka shanaad ee
Ethiopia, arrintaasi oo ah mid aan jirin maxkamadduna ay
waxba ku wayday sida ay caddaysay 05/06/2006 dii.
AKhri warkan oo dhan....
Zakariya
Xaaji:-Waa In Loo Diyaargaroobaa Sidii Tegreega Dalka Looga Xorayn Lahaa
Xildhibaan Zakariya X.Maxmuud oo isagu ka mid ah guddiga
arrimaha dibada ee Golaha wakiilada, isla markaana xubin
joogta ah ka ah baarlamaanka Carabta ayaa xaflad lagu qabtay
magaalada Dimishiq taas oo lagu soo dhaweynayey xildhibaanka
ka sheegay in ay Soomaalidu u diyaar garowdo sidii ay
dalkooda uga xorayn lahaayeen xoogaga Tegreeyga ee ku soo
duulay.
Xafladan oo ay ka soo qayb galeen dadaweyne aad u tiro badan
iyo xubno ka socday Safaaradda Soomaalida ee dimishiq gaar
ahaan xoghayaha Safaaradda C/raxmaan Barqiya, guddoomiyaha
Jaaliyadda Soomaaliya Fu’aad iyo Shiikh C/casiis Calas ayaa
waxa uu Zakariye ku dheeraaday Taariikhdii soo jireenka
ahayd e u dhaxaysay Shacabka soomaaliyeed iyo Dawladda
Itoobiya ee ay gadhwadeenka ka yihiin qawmiyada Tegreey...Akhri...
Shirkadda
Range oo Sheegtay in Saddexdii bilood ee lasoo dhaafay ay
Garoonka Diyaaradaha ee Garoowe siisay US$313,000
lacagtas oo aad uga badan tii ay DGPL sheegtay in shirkadu
bixisay..
Akhri...
Lacag dhan $3 million
ilaa $7 million oo ay kala Qaybsanayaan Range iyo DGPL
Lacagtaas oo qarsoodi ahayd waxaa
shaaca ka qaaday wargeyska Herald ee ka soo baxa Australia...
Akhri....
Kenya
ma Badda Soomaaliyeed ayey Shidaal Ka Qodaneysaa?
Dawladda Kenya ayaa dardar gelisey
baaritanka batroolka ay ka wado xeebta, waxaana soo baxay warar tibaaxaya...
Akhri...
DGPL oo Caddayn weydey Meesha ay ku Baxeen
Lacagihii ay hore u Bixiyeen Shirkadaha Macdanta
Madaxweyne Cadde Muuse oo ku sugan Dubai oo
kulan la yeeshay shirkadaha ayaa la sheegay
in...
Akhri...


|