WARARKII: Feb 14, 2007
- Deeq
la soo gaariisyey dadkii ku waxyeeloobey Madaafiicda iyo
Cuuryaamiinta Isbitaalka Martiini
- Beesha Reer Xaaji
Suleymaan oo si kulul u jeedisey Salaad Cali Jeele..
- Geeddi oo iska
fogeeyey in uu ku lug leeyahay Xariga Xaaji Abuukar
Cumar Cadaan…
- Baarlamaanka Uganda
oo shalay ansixiyey Ciidamadii loo diri lahaa…
- Qoysas ka qaxaya
agagaarka Isbitaalka Digfeer ka dib markii…
- Hay’adda COGWO oo
deeqo lacageed gudoonsiisay dad dhibaateysan…
- Xabiibo: waa Gabar
yar oo Isha uga soo baxday Buro oo u baahan Gar gaar deg
deg ah..
-
S.Africa says better no U.S. involvement
in Somalia
Deeq
la soo gaariisyey dadkii ku waxyeeloobey Madaafiicda iyo
Cuuryaamiinta Isbitaalka Martiini
Dadkii madaafiicu ku
habsatay dhawaan Magaalada Muqdisho iyo Cuuryaamiinta xoogga
dalka Soomaaliyeed ee degan Isbitaalka Martiini ayaa maanta
la gudoonsiiyey lacag gaareysay ilaa iyo $700 Dollar,
waxayna deeqdaani ka timid Gabdho Soomaaliyeed oo ku nool
wadanka Holland caasimadiisa Amsterdam, gaar ahaan xaafadda
ay Soomaalidu degto ee Mayliiqato, kaddib markii ay ka war
heliyeen xaaladda dadkaasi oo dhibaato ka soo gaartay
qaraxyadii dhaawanahan ka dhacayey Magaalada Muqdisho ee
galaaftay nolosha dad badan.
Gabdhahan oo afhayeen u doortay Muxubo Cilmi Cabdi ayaa
lacagtaan ku soo hagaajisay walaalkeeda Xaaji Axmed Cilmi
Cabdi, waxa uuna isna si toos ah u soo gaarsiiyey dadka
dhibaatadu ka soo gaartay qaraxyada ee ku jira Isbitaalka
Madiina, waxaa sidoo kale deeqdaan wax laga gaarsiiyey
Cuuryaamiinta Xooga dalka Soomaaliyeed ee iyana ku jira
Isbitaalka Martiin ee Magaalada Muqdisho.

Dadka dhaawacyada qaba ee
Madiina yaala ayaa waxaa lacagtaasi ka gaartay 450 Doolar,
iyadoo dadka loo kala tixgelinayey siday u kala dhaawac
daran yihiin, halka Martiinana ciidanka ku sugan la
guddoonsiyey 250 Doolar oo uu u qaaday Guddoomiyaha
Cuuryaamiinta xooga Dalka Cilmi C/llaahi Caraale.

Xaaji Cilmi Axmed Cabdi oo wakiil ka ahaa gabdhahaasi ayaa
sheegay in lacagtaani ay intaa ka badneyd, balse sababo jira
awgadood ay intaani soo gaaray, uuna filayo in sida ugu
dhaqsiyaha badan ay inta hartay u soo gaari doonto, si wax
loogu qabto dadka dhibaateysan ee dhaawacyadu ka soo gaareen
fowda ka socota Muqdisho.
30 Qof oo ku dhintay Doon
ku Qaraqantay Xeebta Yemen
Ugu yaraan 30 Soomaali iyo
Itoobiyaan ah ayaa ku dhintay doon ku degtey xeebta dalka
Yemen, sidaas waxaa yiri hay'adda Qaramada Midoobey u
qaabilsan Qaxootiga ee loo yaqaan UNHCR.
Ciidamada qalabka sida ee
Yemen waxay hay'ada u sheegeen in doontaas laga soo
badbaadiyey 40 qof, doontaas oo dadka laajiyiinta ah ee
saarnaa ay sheegeen in ay sidey 120 qof. Waxaa wararku
intaas ku dareen in dhimashada loo malaynayo in ay gaareyso
ilaa 78 qof.
Beesha
Reer Xaaji Suleymaan oo si kulul u jeedisey Salaad Cali
Jeele..
Kulan ay isugu yimaadeen Beesha Reer Xaaji Suleymaan kana
dhacay Magaalada Muqdisho ayaa xubnihii ka qaybgalay
kulankaasi waxay si kulul uga jawaabeen hadalka soo yeeray
wasiir ku xigeenka Gaashaandhiga oo uu ku sheegayin
guddoomiye ku xigeenkii Guddiga Fulinta Maxaakiimta Sheekh
C/qaadir Cali Cumar iyo rag kale ay ku hawlan yihiin
weerarada iyo dagaalada ka socda Muqdisho, isagoo sheegay in
sida ugu dhaqsiyaha badan gacanta loogu soo dhigi doono.
Kulankaan oo qaatay saacado ayaa waxaa markii dambe ka
hadlay afhayeenka Beesha Nabadoon Axmed Diiriye Cali oo
sheegay in Wasiir ku xigeenka uu gef weyn ka galay beesha
iyo waliba Sheekh C/qaadir Cali Cumar oo uu sheegay in uu
yahay in culimo ah oo aan ku kicin falalka uu wasiir ku
xigeenku ku sheegay.
“Waa in sida ugu dhaqsiyaha
badan raaligelin looga bixiyaa, haddii kale waxa uu
durbaanka u garaacay dagaal” ayuu yiri Nabadoon Axmed
Diiriye oo intaa raaciyey “Salaad waxaa laga rabay in uu
dadka isku soo dhaweeyo ee ma aheyn in uu kala fogeeyo,
waayo isaga ayaa dowlad sheeganaya”.
Nabadoon Axmed Diiriye waxa
uu intaa raaciyey in Salaad Cali Jeele ku jiro guri Muraayad
ah uuna daandaansanayo dad ku jira kuwo dhagax ah, Nabadoon
Axmed Diiriye waxa uu sheegay in Sheekh C/qaadir Cali Cumar
uu yahay in culimo ah oo aan weligii qofna dilin, abaabulina
wax dagaal ah, waxa uuna mar kale ku celiyey in Salaad Cali
Jeele uu raaligelin ka bixiyo arrintaasi.
Ma ahan markii ugu horeysay
ee Salaad Cali Jeele eedeeymo uga yimaadaan qaar ka mid ah
Beelaha Soomaaliyeed, dhawaan ayey ahayd markii Xildhibaan
Max’ed Qanyare Afrax uu ka dalbaday Salaad Cali Jeele in uu
raaligelin ka bixiyo gefkii uu u gaystay dadka dega
deegaanka Dayniile oo uu Salaad tilmaamay in deegaankaasi
laga soo abaabulo weerarada iyo qaraxyada lagu hayo
ciidamada Itoobiya iyo kuwo Dowladda Federaalka ah.
Geeddi oo iska fogeeyey
in uu ku lug leeyahay Xariga Xaaji Abuukar Cumar Cadaan…
Odoyaal iyo Waxgarad ka tirsan Beesha Mudulood ayaa waxa ay
dhawaan ku eedeeyeen Ra’isul Wasaare Geeddi in uu ka
dambeeyo xariga Ganacsade Abuukar Cumar Caddaani oo ku jira
xabsi ku yaala Magaalada Nayroobi ee dalka Kenya, hase
yeeshee eedeeymahaasi ayaa Ra’isul Wasaaruhu waxa uu ku
tilmaamay kuwo aan sal iyo raad toona lahey.
Dhawaan ayaa la filayaa in Odoyaal iyo Waxgarad ka tirsan
Beesha Mudulood gaaraan magaalada Nayroobi si ay gacan uga
gaystaan siideynta Xaaji Cumar Caddaani.
Odoyaashaan ayaa waxay kulano la yeelan doonaan madaxweyne
C/llaahi Yuusuf Axmed iyo Ra’isul Wasaare Cali Max’ed Geedi
iyagoo ka codsan doona in sida ugu dhaqsiyaha badan loo
siidaayo Xaajiga oo ay sheegeen in uu xanuusanayo oo u
baahan yahay Dhakhtar.
Dowladda Kenya ayaa dhawaan waxay dacwadda Xaaji Cumar
Caddaani u gudbisay Maxkamadda Sare ee wadankaasi, waxaana
la filayaa in dhawaan maxkamad la soo taago, waxaana u
ololeynaya siideyntiisa sidoo kale Golaha Muslimiinta dalka
Kenya.
Baarlamaanka Uganda oo
shalay ansixiyey Ciidamadii loo diri lahaa…
Kulan ay shalay isugu yimaadeen Baarlamaanka wadanka Uganda
ayaa si weyn looga dooday qaabka ciidamada nabad ilaalinta
ah loogu dirayo dalka Soomaaliya, waxaana aaqiritaankii
Baarlamaanku uu isku raacay in Dowladda Yugaandha ay ciidamo
nabad ilaalin ah u dirto dalka Soomaaliya.
Qaar ka mid ah mucaaradka dalka Yugaandha ayaa waxay
sheegeen in Golaha baarlamaanku ku deg degay in ciidamo
Yugaandheys ah loo diro Soomaaliya oo ay ka taagan tahay
qalalaaso baahsan, hase yeeshee Madaxweynaha Yugaandha ayaa
waxa uu sheegay in ciidamadaasi Soomaaliya loogu dirayo in
ay ka qayb-qaataan nabadda ilaalin Soomaaliya oo kela,
isagoo tilmaamay in aysan geli doonin wax dagaal ah.
Ciidamadaan ayaa la filayaa inay todobaadka soo socda soo
gaaraan dalka Soomaaliya, gaar ahaan magaalada Muqdisho,
hase yeeshee kooxaha muqaawamada ah ayaa Yugaandha u diray
digniin kulul oo ku aadan in aysan ciidamadooda u soo dirin
Soomaaliya.
Qoysas ka qaxaya
agagaarka Isbitaalka Digfeer ka dib markii…
Iyadoo maalintii doraad aheyd ciidamo Itoobiyaan ah oo aad u
xoogan ay soo degeen Isbitaalka Xoogga ee Magaalada Muqdisho
ayaa haatan waxay qoysaskaai bilaabeen in ay halkaasi isaga
qaxaan.
Waxaa laga cabsi qabaa in ay kooxaha muqaawamada ay
beegsadaan ciidamada Itoobiya ee halkaasi soo degay, iyadoo
ciidamada Itoobiya dhawaan lagu eedeeyey inay madaafiic
qoriga loo yaqaano BM-ka ku gaareen qaybo ka mid ah
Magaalada Muqdisho, kuwaas oo ay ku dhinteen dad fara badan
oo rayid ah. qoysas fara badan ayaa u qaxay deegaanka
Afgooye iyo Lafoole halkaas oo ay ka raadsanayaan gabaad si
ay uga badbaadaan madaafiicda habeen iyo maalinba lagu
garaacayo magaalada Muqdisho, oo ay ku waxyeeloobeen dad
fara badan oo qaarkood guryahooda madaafiicdaasi ugu tagtay.
Hay’adda COGWO oo deeqo
lacageed gudoonsiisay dad dhibaateysan…
Hay’adda COGWO ayaa shalay waxay deeqo lacageed oo kaalmo
guddoonsiiyey dhowr qofood oo dhibaato dhinaca
Bini’aadanimada ah soo gaartay waxaan, waxaana deeqdaani
gacan ka gaystay Sahro Max’ed Xasan (Sahro Dheerey) oo ka
tirsan Hay’adda COGWO.
Xafladdii guddoonsiinta lacagtaani ayaa waxaa ka hadlay
Nuurto Sheekh Max’ed oo ah madaxa Hay’adda COGWO waxay
sheegtay in lacagtaani ay ugu talagaleen todobo qofood oo
dhibaateysan, waxayna sheegtay in ay Hay’addu ay lacagahaasi
ugu talagashay inay wax un ku qabsadaan dadkaasi.

Dadkii halkaasi lacagahaasi lagu guddoonsiiyey waxaa ka mid
ahaa Xabiibo Xasan Max’ed Xaydar oo ah gabar shan jir ah oo
ay Isha buro uga soo baxday, waxaana la guddoonsiiyey Hal
Milyan oo Shillin Soomaali ah, Max’ed C/fitaax Cali oo ah
canug ah oo jir labo bilood oo isna dhibaato ay ka soo
gaartay Kaadi haysta, waxaana la guddoonsiiyey 600 oo kun oo
Shillin Soomaali ah, Faadumo Ibraahim Xasan oo iyana
dhibaateysan oo qoys Soomaaliyeed u kaxeen Itoobiya si ay
ugu shaqeyso kaddibna gubay waxaana iyana la guddoonsiiyey
Lix 600 oo Kun oo shillin Soomaali ah, waxaa sidoo kale deeq
la gudoonsiiyey Xaawo Al-Haadi Max’ed oo ah gabar iyana laga
soo tarxiilay wadanka Sacuudiga asal ahaana ka soo jeeda
Ereteriya oo iyana dhibato ka soo gaartay dalka Sucuudi
Carabiya kaddib markii uu furay nin Sucuudiyaan ah waxaana
la guddoonsiiyey 800 kun oo Shllin Soomaali ah , waxaa sidoo
kale 500 oo kun oo Shllin Soomaali ah la guddoonsiiyey Xasan
Nuur Tifow oo isna ku jiray Isbitaal Madiina kaddib markii
ay isku darsameen saxaradii iyo kaadidii dhaawac ka soo
gaaray rasaas, Carfi shuqad oo ah Haweenay da’ ah oo ay
dhibaato ka soo gaartay rasaas, waxaana la guddoonsiiyey 500
kun, sidoo kale waxaa deeq la gudoonsiyey Iqra Cabdi Aadan
oo ah iyana gabar dhiig qaldan lagu shubay waxaana la
guddoonsiiyey 500 oo kun oo Shillin Soomaali ah.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail
amiinkhasaaro@hotmail.com
Xabiibo: waa Gabar yar oo
Isha uga soo baxday Buro oo u baahan Gar gaar deg deg ah..
Xabiibo Xasan Max’ed Xaydar oo ah gabar shan jir ah kuna
dhalatay Deegaanka Buur-Hakaba ee Gobalka Baay, aabbaheedna
caafimaad ahaan u keenay Magaalada Muqdisho ayaa
Dhakhaatiirtu waxay sheegeen in gabadhan aan waxba looga
qaban Karin Soomaaliya oo ay u baahan tahay qaliin dibadeed.
Gabadhan oo ka soo jeeda qoys Sabool ah ayaa Mar aan
booqanay gabadhaasi ayaa waxaa ka muuqatay xaalad aad u
daran oo ka haysatay Isha, oo ay uga soo baxday Buro aad u
weyn oo qofkii arkaa uu aad uga naxayo.
Gabadhaan ayaa waxaa dhabta ku hayey Aabbaheed oo aad uga
walwalsanaa xaaladeeda, waxa uuna ka codsaday Ummadda
Soomaaliyeed ee ku sugan dalka gudihiisa iyo dibadiisa inay
ka kaalmeeyaan Cudurka gabadhaasi isha ka haya.
Xaawo waa gabar hal il wax ka aragta, Maskaxdeedu joogto,
Firfircon, Raashinka si caadi ah u qaadaneysa, waxayna
Burada isha uga soo baxday culeyskeedu keenay in ay xamili
kari weyso, hase yeeshee gabadhaasi dhiban, caafimaad-keeda
kale aad ayuu u wanaagsan yahay, isha kalana aad ayey u
caafimaad qabtaa sida uu sheegay Aabbaheed. Balse Marka ay
la cayaareyso Caruurta kale waa ka cararaan
Qofkii doonaya in uu u gargaaro Gabdhaa dhiban ha la soo
xiriiraan
Tel 2521-5532494
Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail
amiinkhasaaro@hotmail.com
Feb 14, 2007
Magaalada
Muqdisho Oo Madaafiicda Iyo Weerarada Is-daba Jooga Ahi Ka
Noqdeen Kuwo Joogto Ah iyadoo Xaafadaha Qaarkoodna Qax ka
Bilowday
Feb 13, 2007: Weerarada madaafiicda iyo hoobiyeha ayaa
noqday kuwo aan kala joogsi lahayn islamrkaana si is-daba
jooga uga dhaca habeen kasta caasimada muqdishow iyadoo ay
dheer yihiin dhimshada iyo dhaawaca dadka rayidka ah oo
noqday kuwo yaala barxadaha isbitaalada, mana jiraan wax
ifa-faale nabadayn ah oo kasoo baxaya xaalada amaanka ee
muqdisho iyadoo marba marka kasii dambaysona ay kasii
darayso .
Habeenkii xalay ahaa ayaa waxaa dhacay dhowr weerar oo ay
gaysteen Koox hubaysan oo aan la garanayn cidda ay ka amar
qaataan oo bam gacmeed ku tuurey guriga wasiirka ganacsiga
dowladda KMG ah oo ku yaala agagaarka S/bacaad ,iyadoo aysan
jirin wax qasaare ah oo ka dhacay gurigaas wasiirka .
Sidoo kale weeraro qoryaha madaafiicda ah ayaa xalay fiid
horaadkii lagu weeraray agagaarka dekedda weyn ee magaalada
muqdisho ,iyadoo weerarkan lala beegsaday ciidamo ethiopian
ah oo halkaas fariisin ku lahaa islamrkaana ay ciidamada
Ethiopiana ay kusoo jawaabeen madaafiic kale , saaka ilaa
xalay ayaa dadka degan agagaarka Dekedda magaalada Muqdisho
ayaa waxay bilaabeen qax iyo barakac.
Lama soo sheegin wax qasaaraha ka dhashay madaafiicdan xalay
lagu weeraray dekedda, marka laga reebo guri ku yaalla
xaafadda xamar ja-jab oo uu ku dhacay madfac sida la sheegay
hoobiye ah, iyadoo gurigaasi aysan cidina wax ku noqon .
Ciidamada dowladda KMG ah iyo kuwa Ethiopianka ayaa
madaafiicdaasi markii ay soo dhaceen waxa ay bilaabeen
rasaas xoogan oo ay ku tuurayaan halka ay ku tuhmeen in ay
kaga soo dhaceysay rasaas.
Saaka ayaa dadka ku dhow dhow xaafadaha dekedda waxa ay
bilaabeen in ay ka qaxaan halkaasi si ay uga bad baadaan
weerarada madaafiicda iyo hoobiyeyaasha.
Si kastaba ha ahaatee Magaalada Muqdisho ayaa noqotay meel
amaankeedu faraha ka baxay islmarkaana ay ku sii badanayaan
weerarada isdba jooga ah iyo madaafiicda lala beegsanayo
goobaha dowladda kmg iyo ciidamada xukuumada Ethiopia ,iyadoo
ay waxyeelo ba,nina kasoo gaarayso dadka rayidka ah .
yaasiin maxamed cali (faytin)
yaasiinfaytin@hotmail.com
Faafin: Feb 14, 2007
Dad ku dhintay qaraxyo gilgilay magaalada Beyruut
Salaad Cali Jeele:
Raggii na dhahayey Itoobiya ayey Dalka soo geliyeen Iyaga ayaa la kulmey
Meles..
.Dalxa oo soo gebagabeeyey Siminaarkii Dib u heshiisiinta ..
.Ciidamada Itoobiya oo lagu Eedeeyey in ay Madaafiic ku
.Midowga Yurub oo mar kale ku celiyey in la qaado Amarka
.Hay’ad Degmadda Baled Weyne ka hirgelisey 16 Ceel...
Wararka oo dhan
ka akhri halkan... Feb 13
Ururka (cusub ee)
dhalinyarada soomaaliyeed oo ah xisbi siyaasadeed oo so saaray
qoraal...
Akhri...
Feb 13


|