Bayaan ka soo baxay Ururka
Mideynta Beelaha Waamo ee ku nool Yurub & Waqoyiga Amerika
KU: Dowlada Federaalka Soomaaliya
OG: Saxaafadaha madaxa banaan
OG: Shacabka Soomaaliyeed ee Nabada Jecel
Feb 13-7/SHW1UMW
Bismillahi Raxmaani Raxiim
Sida aan la wada socono Deeggaanka Jubboyinka waxaa ku
habsaday Musiibo aan hanbeyn Naf & Maalba iyo Guud ahaan
Burbur baahsan Lix iyi tobankii sano ee bur burka ayaa waxaa
isku badalaayey Dad aan ehel u aheen deegaankaa kana soo
hayaamay Gobolo kale.
Waxaa maanta ayaan daro ah in laga dul talaab sado
Rabitaanka Beelaha deegaanka Jubooyinka isla markaana loo
yeeriyo wax ayan Raali ka aheyn.
Kadib markaan isla falanqeynay Xaaladaha Qalifsan ee uu ku
jiro Deeggaanka Jubooyinka waxay Beelaha Waamo ee ku nool
Dunida Dacaladeeda ka maarmi waayeen inay ka wada arinsadaan
Maamulkan lagu magacaabay Shaqsiyaadka aan gobolka u dhalan
oo aan la aqoon XAQA ay ku yeelan karaan deegaanka Waamo
iyadoo Dadkii Gobolka u dhashay xiriir toos ah iyo mid
dadban ba la yeeshay Dowlada Federalka Soomaaliya in loo
maro maamul u sameynta Gobolada Jubooyinka sida ku cad
Dastuurka Qaranka.
Hadaba wadatashi dheer oo ay isla qaateen Beelaha Waamo ayaa
waxay soo saareen Bayaan ay ku muujinaayaan mowqifka ku
aadan Maamulka Xaqdarada ah ee loo sameeyey Gobolada
Jubboyinka, Bayaankiina wuxuu ku soo baxay sida hoos ku cad.
A-Dowlada Federalka waxaan u soo jeedinaynaa inay horsed u
noqonin inay huriyaan Colaad ka dhex dhalata Dadka walaalaha
ah ee wada dega Gobolada Jubooyinka Waayo dadka ay ku
magacaaben Gobolada Jubboyinka ma aha dad Garanaayo Dhaqanka
iyo Xeerka Beelaha Waamo iyo Xiriirka soo jireenka ah ee ka
dhaxeeya waxayna abuuri karaan Colaad iyo Kala Shaki Weyn,
Sidaa Awged ayaan waxaan ka Codsanaynaa Dowlada Federalka
inay dib ugu noqdaan sida uu Qabo Dastuurka Qaranka in Gobol
waliba Dadkii u dhashay Taladiisa lagu wareejiyo.
B-Dowlada Federalka waxaan u soo jeedinaynaa in Mudo
Sagaashan Cisho gudaheeda ah ay isugu yeeraan Dhammaan
Beelaha Waamo Shir guud oo dib u Heshiisiin ah isla markaana
ay ku Doortaan Maamul Guud oo matala Dhammaan Deegaanka
Jubooyinka.
C-Aqoon yahanada iyo Wax garadka Beelaha Waamo ee ku kala
nool Dunida Dacaladeeda waxaan ka cod sanaynaa inay ka soo
Qeyb Galaan Shir weynaha Guud ee Dib u Heshiisiinta Beelaha
Waamo Shirkaa oo Sanadkii hore Gogol Dhigiisii lagu Qabtay
Gobolka Minnesota ee Cariga Mareykanka Laguna doortay Gudiga
Mideynta Beelaha Waamo hadana lagu wado in Sanad Guuradiisii
labaad Lagu Qabto Magaalo madaxda Gobolada Jubboyinka ee
Kismaayo.
Hadafka Ururka Mideynta
Waamo
A- In Beesha Waamo la
mideeyo iyadoon loo eegeyn Qabiil, Shaqsi, Lab ama Dhidig,
lana abuuro siday u wada shaqeyn la haayeen una Xalin la
haayeen Mushaakilaadka heysta Deegaankooda.
B- In la helo Dad u dhashay Gobolada Jubboyinka oo matala
Deeggaankoda
C- In la abuuro ilo Dhaqaale lana kobciyo Hadafka
Siyaasadeed ee Beesha kuna wajihan Abuuritaanka Xisbi
Siyaasadeed oo ay ku mideysan yahiin dhamman Beelaha Waamo
Golaha Fulinta (Officers)
oo ka kooban 13 oo uu ugu horeeyo Aden Boqow oo ah Gudoomiye
iyo Golaha agaasinka (Board of Directors) oo ka kooban 13 oo
uu ugu horeeyo Cabdi Salaan Mohamed.
Magacyada oo dhamaystiran
iyo qoraalkan waxaa lagala xiriiri karaa: Email:
WaamoUnity2002@aol.com
Afeef: Aragtida qoraalkan
waxaa leh WaamoUnity
Faafin: SomaliTalk.com |
Feb 14, 2007

Tacaddigii
Saami Xaaji iyo Xabsiga Guantanamo
Munaasabad loogu Boroordiiqayey oo ka dhacdey Muqdisho
Saalim Muxiidiin Axmed waxaa uu ku dhashay Magaaladda
Kharduum 25 Feb 1969-kii waxaa uu aabihii ula wareegay
magaaladda Sinaar oo ku taala badhtamaha sudaan haalkaas oo
uu aabihii ku ganacsan jiray. Wax barashadiisii hoose illaa
sare waxaa uu ku qaatey Magaaladda Sinaar,dabadeedna waxaa
uu u safray dalka Hindia halkaas oo uu shahaadada Majisteer
uu ku qaatey, Suugaanta luuqadda Ingiriiska. Waxaa kale oo
uuu saami uu ka soo qaatey isla dalka hindia Shahaado ah
Aqoonta Computer-ka. Wax yar kadib markii uu soo qalin
jabiyey waxaa geeriyootey hooyadiis waxaana uu dib ugu soo
safray dalka Imaaaradka Carabta.halkaas oo uu ka helay shaqo
Shirkadda Romat International ee wax soo dajinta. Dib usoo
laabashadiisii waxaa uu bartey habka sawir qaadida.
Warkan oo dhan Akhri....
Dowlada
FKMG Ah Ee Soomaaliya oo Indhaha Ka Laabatay Ceelasha
Shidaalka Ee Ay Kenya Ka Baarayso Xadka Soomaaliya...
Waxaa dhowaanahanba isa
soo tarayey ceelal shidaal ah oo laga baarayo deeganada
xadka Soomaaliya oo ay dowlada kenya ku guda jirto,
islamarkaana ay wararku tibaaxeen in meelaha ay ka baarayso
ay yihiin deegaano ku yaala gudaha wadanka soomaaliya, ayaan
waxaan dadaalo dheeraad ah u galay bal si aan wax uga ogaado
arrintan sida ay u aragto dowlada kmg ah ee Soomaaliya.
Akhri
warka oo dhan....
WARBIXIN
KU SAABSAN XAALADDA YAASIIN KILWE OO KU XIRAN BERBERA
Dhahar:- Yaasiin Kilwe
Cismaan waxa uu ku dhashay kuna soo barbaaray degmad Dhahar
ee gobolka sanaag sanadku markuu ahaa 1981kii, waxa uu ku
soo qaatay waxbarasha asaasiga ah dugsiga H/Dhexe ee degmada
Dhahar, waxa uu markii ugu danbaysayna arday ka ahaa
Jaamacadda bariga Afrika ee Boosaaso, sanadii 2003 bishii
11aad isaga oo ku jira fasax ayuu safar u aaday magaalada
Hargaysa, nasiib darro waxaa lagu xiray halkaas, isaga oo
lagu eedeeyay inuu lacag ka soo dhacay meel u dhaxaysa Tog
Wajaale iyo Jigjiga oo ka mid ah kililka shanaad ee
Ethiopia, arrintaasi oo ah mid aan jirin maxkamadduna ay
waxba ku wayday sida ay caddaysay 05/06/2006 dii.
AKhri warkan oo dhan....
Zakariya
Xaaji:-Waa In Loo Diyaargaroobaa Sidii Tegreega Dalka Looga Xorayn Lahaa
Xildhibaan Zakariya X.Maxmuud oo isagu ka mid ah guddiga
arrimaha dibada ee Golaha wakiilada, isla markaana xubin
joogta ah ka ah baarlamaanka Carabta ayaa xaflad lagu qabtay
magaalada Dimishiq taas oo lagu soo dhaweynayey xildhibaanka
ka sheegay in ay Soomaalidu u diyaar garowdo sidii ay
dalkooda uga xorayn lahaayeen xoogaga Tegreeyga ee ku soo
duulay.
Xafladan oo ay ka soo qayb galeen dadaweyne aad u tiro badan
iyo xubno ka socday Safaaradda Soomaalida ee dimishiq gaar
ahaan xoghayaha Safaaradda C/raxmaan Barqiya, guddoomiyaha
Jaaliyadda Soomaaliya Fu’aad iyo Shiikh C/casiis Calas ayaa
waxa uu Zakariye ku dheeraaday Taariikhdii soo jireenka
ahayd e u dhaxaysay Shacabka soomaaliyeed iyo Dawladda
Itoobiya ee ay gadhwadeenka ka yihiin qawmiyada Tegreey...Akhri...
Shirkadda
Range oo Sheegtay in Saddexdii bilood ee lasoo dhaafay ay
Garoonka Diyaaradaha ee Garoowe siisay US$313,000
lacagtas oo aad uga badan tii ay DGPL sheegtay in shirkadu
bixisay..
Akhri...
Lacag dhan $3 million
ilaa $7 million oo ay kala Qaybsanayaan Range iyo DGPL
Lacagtaas oo qarsoodi ahayd waxaa
shaaca ka qaaday wargeyska Herald ee ka soo baxa Australia...
Akhri....
Kenya
ma Badda Soomaaliyeed ayey Shidaal Ka Qodaneysaa?
Dawladda Kenya ayaa dardar gelisey
baaritanka batroolka ay ka wado xeebta, waxaana soo baxay warar tibaaxaya...
Akhri...
DGPL oo Caddayn weydey Meesha ay ku Baxeen
Lacagihii ay hore u Bixiyeen Shirkadaha Macdanta
Madaxweyne Cadde Muuse oo ku sugan Dubai oo
kulan la yeeshay shirkadaha ayaa la sheegay
in...
Akhri...


|