Barnaamijkii Radio Xoriyo
13 February 2007.
Dagaalo lagu naafeeyey
CGI iyo xoolo ay CGI ka boobeen dad shacab ah.
Daacuun ka dilaacay
qaybo kamid ah bariga Ogadenya.
Bannaanbax lagu diiddan yahay
ciidammada shisheeye oo Muqdisho ka dhacay.
Kenya oo mamnuucday
xoolaha Soomaaliya iyo Itoobiya.
Midowga Yurub oo xarumo
shaqo ka samaynaya Afrika.
Ganacsato Soomaaliyeed oo
K/Afrika Lagu dhacay.
Barnaamijkii Aragtida
Halgamaaga(Ciil
Kama Korayaal).
======================
Dagaalo lagu naafeeyey
CGI iyo xoolo ay CGI ka boobeen dad shacab ah.
Wariyaha RX uga soo warama
jiida hore ayaa noosoo tabiyey inay CWXO weeraro gaadmo
ah la beegsadeen CGI waxayna weeraradaasi u kala dhaceen
sidatan:
06-02-07 – Dagaal ka
dhacay baliga la yidhaahdo Sammu oo katirsan degmada
Dannood ayay cwxo kaga dileen ciidanka gumaysiga
itoobiya 4 askari,6 kalana kaga dhaawaceen.
07-02-07- Caleen oo
katirsan degmada Shilaabo ayay ciidan geesiyiinta ah ee
jwxo weerar gaadmo ah ku qaadeen kuwa nacabka gumaysiga
itoobiya waxayna halkaas kaga dileen 3 askari,hal askari
oo kalana kaga dhaawaceen.
Isla 07-02-07- ayay cwxo
weerar gaadmo ah ku qaadeen CGI ee fadhigoodu yahay
Karin-Cagaag oo ka tirsan Dhagaxbuur,waxayna halkaas
qudha kaga jareen 4askari,5 kalana gaadhsiiyeen
dhaawacyo culculus.
Inta udhaxaysa Q/daharre
iyo Dalaad oo qiyaastii isu jira 25 km ayay 07-02-07
ciidamada soomalaabtayaasha ah ee xoraynta ogadenya ku
gubeen baabuur Uuraal ah oo halkaas marayay baabuurkaas
ayaa la sheegay inay ka buuxaan ciidanka
wayaanaha,wuxuuna wariyaheenu nooso sheegay in
baabuurkaas iyo wixii saaraa halkaas ku basbeeleen.
Dhinaca kale 05-02-07
waxay ciidamada naflacaariga ah ee gumaysiga itoobiya ka
boobeen shacabka degmada Dannood halkaasna ku qasheen 6
neef oo Adhi ah.
06-02-07- Cilmi-Xidha oo
ka tirsan degmada Dannood waxay CGI ku qasheen 8 neef oo
adhi oo ay lahaayeen dad shacab ah.
Isla taariikhdaas 06-02-07
biliga Sammu oo katirsan degmada Dannood waxay ciidamada
saama-laluudka ahi kaga boobeen 3 kiish oo sonkor ah
gabadha layidhaahdo Saakin Cabdullaahi.
Adhyahaas ay ciidamada
gumaysigu boobeen ee ay qasheen ayaa waxaa kala lahaa :
A- Bashiir Qablan
B- Sahra Yaasiin
C- Iyo laba nin oo kale
oo ayna magacyadoodu nasoo gaadhin.
Daacuun ka dilaacay
qaybo kamid ah bariga Ogadenya.
Deegaano kamid ah bariga
Ogadenya siiba gobolada Qoraxay iyo Doollo ayuu ka
dilaacay cudurka dacuunku.
Wariyaha RX uga soo warama
magaalada Qabridaharre ayaa soo sheegay in cudurkaasi
fara ba,an ku hayo magaalada iyo nawaaxigeeda 24kii
saacna ay u dhintaan cudurkaas ugu yaraan 20 ruux
.Musiibadan oo aysan dadku awood ulahayn siday ula
tacaali lahaayeen ayuusan hadana jirin wax kaalmo
dowladeed ama caalami oo lala soo gaadhay.
Siduu wariyuhu noogu soo
waramay xukuumada gumaysiga itoobiya waxay aad iskugu
dhabar jabinaysaa inaysan ha,adaha caalamku waxba ka
ogaanin dhibaatan baaxada leh.
JWXO ayaa bayaan kasoo
saartay musiibadan ay kaga dalbanayso hay,adaha iyo
caalamkaba in gargaar dagdag ah lala soo gaadho dadkaas
si dagdag ahna loo xakameeyo cudurkaas intuusan meelo
kale ku fidin.
Waxaana
bayaankaas noosoo akhriyey Halgan Guuleed.
JWXO oo bayaan ka soo saartay
Daacuunka Ogaadeenya ka dillaacay.
Jabhadda Waddaniga
Xoreynta Ogaadeenya JWXO ayaa bayaan ka soo saartay
cudurka Daacuunka ee ka dillaacay meelo ka mid ah dalka
Ogaadeenya, waxayna beesha caalamka ugu baaqday in
gargaar lala gaadho meelaha uu cudurkaasi ka dillaacay,
ka hor intaanuu dalkoo dhan ku faafin.
Bayaankan waxaa lagu
sheegay in cudurkani uu in 40 ruux ka badan ku dilay
magaalada Qabridaharre, haddii aan gargaar caafimaad oo
degdeg ah dadkaas lala gaadhina uu cudurkani sababi
doono dhimasho aad u badan.
Bayaankan waxay Jabhaddu
ku sheegtay in xukuumadda gumaysatada Itoobiya ay
hay’adaha caafimaadka u diiddo inay ka hawlgalaan dalka
Ogaadeenya, iyadoo arrintaas ciqaab uga dhigaysa
dadwaynaha rayadka ah ee Ogaadeenya.
JWXO ayaa bayaankan ku
sheegtay inay hay’adaha gargaarka oo dhan ku so
dhawaynayso dalka Ogaadeenya, isla markaana ku
guubaabinayso inay gargaar degdeg ah la soo gaadhaan
dadwaynaha ku waxyeelloobay cudurka Daacuunka.
JWXO waxay sidoo kale ugu
baaqday Ururka Caafimaadka Adduunka (WHO), International
Medical Corps (IMC) iyo ururrada kale ee cafimaadka ee
caalamiga ah inay taakulo caafimaad oo degdeg ah la soo
gaadhaan dadwaynaha ku tabaaloobay cudurkan iyo
siyaasada bani’aadamnimo darrada ee xukuumadda EPRDF.
Bannaanbax lagu diiddan yahay
ciidammada shisheeye oo Muqdisho ka dhacay.
Dadwayne boqollaal qof gaadhaya ayaa jimcihii
bannaanbax ku sameeyay dhinaca woqooyi ee magaalada
Muqdisho, kuwaasoo bannaanbaxooda ku muujinayay sida ay
uga so horjeedaan ciidammo shisheeye oo nabad ilaalin
loo keeno dalka Soomaaliya iyo ciidammada Itoobiya ee
hadda ku sugan dalka.
Bannaanbaxayaashan ayaa
ballanqaaday in weerarro lala beegsan doono ciidamo
kasta oo shisheeye ah oo la keeno Soomaaliya, waxayna
dab qabadsiiyeen calamada wadammada Itoobiya, Uganda iyo
Maraykanka.
Afhayeen
bannaanbaxayaashan u hadlay ayaa dhaar ku maray in
ciidamo kasta oo shisheeye ah oo dalka Soomaaliya la
keeno y la dagaallaami doonaan. Midowga Afrika ayaa
ansixiyay in 4000 oo askari nabad ilaalin loo geeyo
dalka Soomaaliya, hase yeeshee wuxuu ilaa iyo hadda ku
guulaysan la’yahay inuu ciidammadaas isu keeno.
Waxaa ilaa iyo hadda ku
yaboohay inay ciidamo nabad ilaalin ah u dirayaan
Soomaaliya wadamada Uganda, Nigeria, Ghana iyo Brundi.
Nabadgelyada magaalada
Muqdisho ayaa u muuqata mid faraha ka baxday, iyadoo
weerarro is-dabajoog ah lagu qaado xarumaha ay
ciidammada Itoobiya ku leeyihiin magaalada. Dhawrkii
maalmood ee u denbeeyay waxay iska horimaadyo dhexmareen
ciidammada Itoobiya ee ku sugan Muqdisho iyo kooxo
hubaysan oon la aqoonin cidda ay yihiin, waxaan iska
horimaadyadaas ku dhaawacmay dadwayne badan oo rayad ah.
Kenya oo mamnuucday
xoolaha Soomaaliya iyo Itoobiya.
Xukuumadda Kenya ayaa
waaxda caafimaadka ee degmada Mandheera ku amartay in
xabsiga la dhigo qof kasta oo lagu helo isagoo hilib ka
keenaya magaalooyinka xadka la leh Kenya ee Somaaliya
iyo Itoobiya.
Amarkan ayaa ka
denbeeyay, ka dib markii ay xukuumadda Kenya soo saartay
go’aan ay ku mamnuucayso iibka waxyaabaha xoolaha ka soo
jeeda iyo in xoolo laga soo gudbiyo ama loo gudbiyo
dhinaca Soomaaliya iyo Itoobiya, waxayna xukuumadda
Kenya go’aankan soo saartay, ka dib markii Xummada Rift
Valley lagu arkay degmooyinka Garissa iyo Wajir.
Waaxda caafimaadka ee
degmada Mandera ayaa dadwaynaha ku dhiirri gelisay inay
ka qayb qaataan sidii looga hortegi lahaa in Xummada
Rift Valley ay sii faafto.
Midowga Yurub oo
xarumo shaqo ka samaynaya Afrika.
Midowga Yurub ayaa ku
talajira inuu dalal Afrika ku yaalla ka sameeyo xarumo
shaqo oo dadka shaqa la’aanta ah loogu sahlo sidii ay
shaqo u heli lahaayeen, si loo hakiyo dadka Afrikaanka
ah ee u soo tahriibaya wadamada Yurubta Galbeed.
Masuulka Midowga Yurub u
qaabilsan arrimaha horuarinta Louis Michel ayaa dhawaan
socdaal ku tagay dalka Mali, si uu masuuliyiinta dalkaas
ugala xaajoodo dhismaha xaruntii shaqo ee ugu horraysay
ee Midowga Yurub ka sameeyo dal Afrika ku yaalla.
Midowga Yurub wuxuu sidoo kale ku talajiraa inuu xarumo
shaqo ka furo dalalka Senegal iyo Muritania.
Xarumahan shaqo ayaa
xoogga saari doona xirfadaha Beeraha, Dhismaha iyo
Nadaafadda, iyadoo dadka Afrikaanka ah loo furi doono
tababarro iyo fursado shaqo oo xirfadahaas la xidhiidha.
Dad u dhashay dalal
Afrika ku yaalla ayaa isku daya inay u tahriibaan
dalalka Yurubta Galbeed, iyagoo adeegsanaya doomo yaryar
oo inta badan dhexda kaga xumaada, taasoo keenta inay
Badda ku baaba’aan.
Sannadkii la soo dhaafay
waxaa isku dayay inay Yurub u tahriibaan 31,000 oo qof
oo ka kala yimid dalal kala duwan oo Afrikaan ah. Waxaa
sidoo kale Badda ku dhintay 6000 oo Afrikaan ah oo
tahriibayay.
Dalalka dhinaca
koonfureed ugu xiga wadamada Midowga Yurub ee Talyaaniga
Malta iyo Spain ayaa muddaba Midowga Yurub ka dalbayay
in laga caawiyo sidii looga hortegi lahaa Afrikaanka
naf-la-caariga ah ee Badda isku soo miidaaminaya
13 February
2007
C/nuur Sheekh
Maxamed
Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 31 MB
ee dhererkeedu yahay 9445 KHZ,iyo internetka
Radioxoriyo.com,Ogaden.com
Maalinta Talaadada ah 7:00PM – 8:00 waqtiga Afrikada
Bari

Tacaddigii
Saami Xaaji iyo Xabsiga Guantanamo
Munaasabad loogu Boroordiiqayey oo ka dhacdey Muqdisho
Saalim Muxiidiin Axmed waxaa uu ku dhashay Magaaladda
Kharduum 25 Feb 1969-kii waxaa uu aabihii ula wareegay
magaaladda Sinaar oo ku taala badhtamaha sudaan haalkaas oo
uu aabihii ku ganacsan jiray. Wax barashadiisii hoose illaa
sare waxaa uu ku qaatey Magaaladda Sinaar,dabadeedna waxaa
uu u safray dalka Hindia halkaas oo uu shahaadada Majisteer
uu ku qaatey, Suugaanta luuqadda Ingiriiska. Waxaa kale oo
uuu saami uu ka soo qaatey isla dalka hindia Shahaado ah
Aqoonta Computer-ka. Wax yar kadib markii uu soo qalin
jabiyey waxaa geeriyootey hooyadiis waxaana uu dib ugu soo
safray dalka Imaaaradka Carabta.halkaas oo uu ka helay shaqo
Shirkadda Romat International ee wax soo dajinta. Dib usoo
laabashadiisii waxaa uu bartey habka sawir qaadida.
Warkan oo dhan Akhri....
Dowlada
FKMG Ah Ee Soomaaliya oo Indhaha Ka Laabatay Ceelasha
Shidaalka Ee Ay Kenya Ka Baarayso Xadka Soomaaliya...
Waxaa dhowaanahanba isa
soo tarayey ceelal shidaal ah oo laga baarayo deeganada
xadka Soomaaliya oo ay dowlada kenya ku guda jirto,
islamarkaana ay wararku tibaaxeen in meelaha ay ka baarayso
ay yihiin deegaano ku yaala gudaha wadanka soomaaliya, ayaan
waxaan dadaalo dheeraad ah u galay bal si aan wax uga ogaado
arrintan sida ay u aragto dowlada kmg ah ee Soomaaliya.
Akhri
warka oo dhan....
WARBIXIN
KU SAABSAN XAALADDA YAASIIN KILWE OO KU XIRAN BERBERA
Dhahar:- Yaasiin Kilwe
Cismaan waxa uu ku dhashay kuna soo barbaaray degmad Dhahar
ee gobolka sanaag sanadku markuu ahaa 1981kii, waxa uu ku
soo qaatay waxbarasha asaasiga ah dugsiga H/Dhexe ee degmada
Dhahar, waxa uu markii ugu danbaysayna arday ka ahaa
Jaamacadda bariga Afrika ee Boosaaso, sanadii 2003 bishii
11aad isaga oo ku jira fasax ayuu safar u aaday magaalada
Hargaysa, nasiib darro waxaa lagu xiray halkaas, isaga oo
lagu eedeeyay inuu lacag ka soo dhacay meel u dhaxaysa Tog
Wajaale iyo Jigjiga oo ka mid ah kililka shanaad ee
Ethiopia, arrintaasi oo ah mid aan jirin maxkamadduna ay
waxba ku wayday sida ay caddaysay 05/06/2006 dii.
AKhri warkan oo dhan....
Zakariya
Xaaji:-Waa In Loo Diyaargaroobaa Sidii Tegreega Dalka Looga Xorayn Lahaa
Xildhibaan Zakariya X.Maxmuud oo isagu ka mid ah guddiga
arrimaha dibada ee Golaha wakiilada, isla markaana xubin
joogta ah ka ah baarlamaanka Carabta ayaa xaflad lagu qabtay
magaalada Dimishiq taas oo lagu soo dhaweynayey xildhibaanka
ka sheegay in ay Soomaalidu u diyaar garowdo sidii ay
dalkooda uga xorayn lahaayeen xoogaga Tegreeyga ee ku soo
duulay.
Xafladan oo ay ka soo qayb galeen dadaweyne aad u tiro badan
iyo xubno ka socday Safaaradda Soomaalida ee dimishiq gaar
ahaan xoghayaha Safaaradda C/raxmaan Barqiya, guddoomiyaha
Jaaliyadda Soomaaliya Fu’aad iyo Shiikh C/casiis Calas ayaa
waxa uu Zakariye ku dheeraaday Taariikhdii soo jireenka
ahayd e u dhaxaysay Shacabka soomaaliyeed iyo Dawladda
Itoobiya ee ay gadhwadeenka ka yihiin qawmiyada Tegreey...Akhri...
Shirkadda
Range oo Sheegtay in Saddexdii bilood ee lasoo dhaafay ay
Garoonka Diyaaradaha ee Garoowe siisay US$313,000
lacagtas oo aad uga badan tii ay DGPL sheegtay in shirkadu
bixisay..
Akhri...
Lacag dhan $3 million
ilaa $7 million oo ay kala Qaybsanayaan Range iyo DGPL
Lacagtaas oo qarsoodi ahayd waxaa
shaaca ka qaaday wargeyska Herald ee ka soo baxa Australia...
Akhri....
Kenya
ma Badda Soomaaliyeed ayey Shidaal Ka Qodaneysaa?
Dawladda Kenya ayaa dardar gelisey
baaritanka batroolka ay ka wado xeebta, waxaana soo baxay warar tibaaxaya...
Akhri...
DGPL oo Caddayn weydey Meesha ay ku Baxeen
Lacagihii ay hore u Bixiyeen Shirkadaha Macdanta
Madaxweyne Cadde Muuse oo ku sugan Dubai oo
kulan la yeeshay shirkadaha ayaa la sheegay
in...
Akhri...


|