Warmurtiyeed:
waxgaradka jaaliyadaha jubbooyinka iyo Bakool oo ka
dhacay dalka Denmark
Kopenhagen, Denmark –
13-02-2007
Shir ballaaran oo
ay isugu yimaadeen waxgaradka jaaliyadaha
jubbooyinka iyo Bakool oo ka dhacay dalka Denmark
taariikhda dusaha ku xusan, qaab taleefanna ay kaga
qayb galeen jaaliyadaha dalalka kale ee Skandinavia
ayaa waxaa lagaga hadlay oo lagu falanqeeyay guud
ahaan xalaadda geeska Afrika , gaar ahaan xaaladda
ay ku suguntahay Somaliya .
Waxaa shirka ka soo
qayb galay xubna fara badan oo matalya qaybaha kala
duwan ee bulshada sida culamaaudiinka, salaadiinta,
haweenka iyo aqoonyahano fara badan . Sidoo kale
waxaa shirka ka soo qaybgalay xubno fara badan oo
matalaya dhammaan bulsha waynta Soomaliyeed ee
nabadda jecel, kuna taamaya sidii loo soo celin
lahaa qarankii somaliyeed ee bur buray.
Waxaa shirka si
cilmiyaysan oo hufan la isula falanqeeyay burburkii
iyo musiibadii umadda Somaliyeed ku habsatay muddada
dheer iyo hagardaamada ay mar walba dad qarn diid oo
dana gaar ah wata u adeegsanyaan qaabab kala duwan
oo ku salaysan caadifad qabali ah.
Shirku wuxuu hoosta
ka xariiqay in laga gudbay xilliggii umadda
Somaliyeed loo adeegsanayay caadifadda qabiilka ee u
horseeday burbur iyo qaran la áanta muddadii 16ka
sano ahayd .
Gabagabdii shirku
wuxuu isku raacay qodobada hoos ku qoran.
- In si buuxda
loo taageero geedi socodka nabadeed ee ay
hormoodka ka tahay dawladda ku meel gaarka
Somaliyeed, si loo xaqiijiyo sugidda nabadda iyo
soo cellinta qarankii burburay ee somaliyeed.
- Dhammaan
xubnihii shirka ka soo qayb galay waxay si
buuxda u taageereen goaankii ka soo baxay
xafiiska madaxwaynaha dawladda ku meelgarka ee
lagu dhisay maamuladda gobollada Jubbooyinka iyo
bakool , waxayna si wayn u diidanyihiin,
digniina siinayaan cid allaale ciddii carqalad
galinaysa qaabka loo dhisay maamulada gobollada
dusha ku xusan.
- Shirku wuxuu
soo dhowaynayaa qaaabka federaalka ee ay
hiigsanayso dawladda ku meelgaarka, kuna xusan
dastuurka qararanka – taas oo ah tubta kaliya ee
lagu gaari karo qaab dawli ah oo caddaalad ku
dhisan.
- Waxaanu si
buuxda u soo dhowaynaynaa shirka nabadeenta ay
ku dhawaaqday dawladda ku meel gaarka, si loo
dhamaystiro nabadaynta iyo isasaamaxaadda
bulshada Soomaliyeed.
- Ugu dambayn
waxay dhammaan xubnihii shirka ka soo qaybgalay
ugu baaqayaan dhammaan bulshada Soomaaliyeed ee
nabadda jecel in ay taageeraan geedi socodka
nabadeed, oo ay saxaan khaldaadka jira iyada oo
aan mar walba dib loogu noqon halkii socodka
laga soo bilaabay .
- Dhammaan
xubnihii shirka ka soo qaygalay waxay isku
raacay in la qabto shir ballaaran oo lagaga
hadli doono qaabkii loo taageeri lahaa
maamuladda loo dhisay goboladda Jubbooyinka iyo
Bakool. Shirkaas oo dhici doono bisha Marso.
Waxaa goaamada
dusha ku xusan saxiixay dhammaan xubnaha hoos ku
qoran – wixii dheerad ah waxaa kala soo xiriiri
kartaa:
1. Suldaan Maxamuud
Siciid Qiilmawaaye tlf.. 45- 26117415
2. Xildhibaan Axmed Xuseen Dhaqane tlf..
45-20616245
ama
Email:
kisima99@hotmail.com
Qoraalkaan oo ay ku
saxiixnaayeen 36 qof magacyadooda kala xiriir:
kisima99@hotmail.com
Faafin:
SomaliTalk.com | Feb 15, 2007
Xabiibo: waa Gabar yar oo
Isha uga soo baxday Buro oo u baahan Gargaar deg deg ah..
Xabiibo Xasan Max’ed Xaydar oo ah gabar shan jir ah kuna
dhalatay Deegaanka Buur-Hakaba ee Gobalka Baay, aabbaheedna
caafimaad ahaan u keenay Magaalada Muqdisho ayaa
Dhakhaatiirtu waxay sheegeen in gabadhan aan waxba looga
qaban Karin Soomaaliya oo ay u baahan tahay qaliin dibadeed.
Akhri....