Senator Coleman oo
walaac ka muujiyey xad gudubyo la sheegay in loo
geystay xuquuqda Bulshada Oromo ee ku nool
Soomaaliya
Mar aan fogeyn ayaa nin Oromada Soomaaliya
madaxdooda ka mid ah oo ku nool Muqdisho afka furtay
oo qaylo dhaan iyo baaqba gaarsiiyey Shacabka
Soomaaliyeed meel kasta oo ay ku nool yihiinba.
Sidoo kale waxaa ninkaas warkiisu gaaray bulshada
Oromoda ee ku nool Minnesota oo aad u badan.
Ninkaasi oo warbaahinta ka soo gudbiyey baaqiisa
ayaa sababay in dad badan oo Oromo iyo Soomaali
isugu jira ay olole bilaabeen ayagoo ka bilaabay
xafiiska Senator Coleman ee Minnesota. Ninkaas baaq
gudbiyey waxaa uu sheegay in Oromada Soomaaliya ku
nool ay dawlad Soomaaliyeed dejisay oo ay waqti
dheer deganaayeen. Ninkaasi waxaa uu raaciyey inuu
asaga naftiisa wax ka dhisay Hotel Jubba. Waxaa uu
ku guulaysaty in dhawaaqiisa uu ku kasbado soomaali
badan oo dunida dacaladeeda ku nool iyo Oromo badan.
Ka dib markii uu dhagaystay cabashooyin ka yimid
shacabka Oromo iyo Soomaalida ku nool Minnesota
Senator Coleman waxaa uu la kulmay diplomaasiyadda u
qaabilsan marayanka arrimaha Africa Jendayi Farazer
waxaana uu gudoonsiiyey warqad kulul oo kaga
codsanayo inay wax kaga qabato cabashada xafiifkiisa
la soo gaarsiiyey.
Senator Coleman
waxaa uu Jendayi u sheegay inay walaac ku hayso
wararka sheegaya in qaar ka mid ah Oromoada Somaliya
ku nool guryaha lagala baxay ama ay xireen ciidamada
Ethiopianka ah. Senatorku waxaa kale oo uu raaciyey
intaas in markii horeba Oromada dhib lagu hayey
taasoo ku kaliftay in Oromo badan u qaxaan
Soomaaliya iyo Minnesota. Senator ka waxaa uu xusay
deris wanaagga iyo nabadda ay muddo dheer ku wada
noolaayeen soomaalida iyo oromoda dhulka Soomaaliya.
Isha: Xafiiska
Senator Coleman ee Minnesota
Faafin:
SomaliTalk.com | Feb 16, 2007
Abuukar Cumar
Caddaani iyo Wiilkiisa oo Xabsiga Kenya laga
siidaayey
Sida ay faafiyeen
wakaalada wararka, waxaa Khamiistii
Xabsiga laga siidaayey Abuukar Cumar Caddaani iyo
wiilkiisa, kaddib markii la sheegay in dacwadii lagu
soo oogey la baabi'iyey, arrintaas oo cadayn laga
bixin. Sidaasna ay xorriyadoodii ku heleen Abuukar
Cumar oo 72-jir ah iyo wiilkiisa oo 20 jir ah.

Abukar Omar Adan, oo la keenay maxkamada Madaraka
Court, ee Nairobi, Kenya, Khamiis Jan. 25, 2007.
Abukar Omar Aden, oo da'diisu tahay 72, waxaa
maxkamada lala keenay wiil uu dhalay oo magaciisa la
yiraahdo Omar Abukar Omar (Sawirka hoose), waxayna
waxba kama jiraan ku tilmaameen dembiga lagu soo
oogey. Sawirka: AP.

Omar Abukar Omar, 20-jir, oo ay dhinacyada ka tagan
yihiin askarta Kenya markii la keenay maxkamada
Madaraka Court, ee Nairobi, Kenya, Khamiis, Jan. 25,
2007. Sawirka: AP
Xabiibo: waa Gabar yar oo
Isha uga soo baxday Buro oo u baahan Gargaar deg deg ah..
Xabiibo Xasan Max’ed Xaydar oo ah gabar shan jir ah kuna
dhalatay Deegaanka Buur-Hakaba ee Gobalka Baay, aabbaheedna
caafimaad ahaan u keenay Magaalada Muqdisho ayaa
Dhakhaatiirtu waxay sheegeen in gabadhan aan waxba looga
qaban Karin Soomaaliya oo ay u baahan tahay qaliin dibadeed.
Akhri....