Wararkii: Feb 16, 2007
- Dilka Dadka
Rayidka Ah Loo Gaysanayo Oo Kusoo Badanaya
Magaalada Muqdisho .
- Gacmo
Dheere :Ciidamada Dowladda Iyo Kuwa Ethiopia Way
Ku Saxan Yihiin Madaafiicda Ay Ku Jawaabayaan..
- Xaaji
Abuukar Cumar Caddaan Oo Xoriyadiisii Usoo
Noqtay Kadib Markii Kenya Sii Daysay..
Dilka
Dadka Rayidka Ah Loo Gaysanayo Oo Kusoo Badanaya
Magaalada Muqdisho .
yaasiin maxamed
cali (faytin)
yaasiinfaytin@hotmail.com
xaaladda amaan daro ee caasimadda muqdisho oo ka sii
daraya marba -marka kasii dambaysa, oo ay kusoo
badanayaan dilalka dadka rayid ah ee aan waxba
galabsan .
Ugu yaraan Seddex qof oo rayid ah ayaa ku
dhaawacantay rasaas aan loo meeldayin oo xalay
fiidkii Kooxo hubaysan ay ku fureen agagaarka
Masaajidka Nasru-Diin ee ku yaala Xaafadda Baar-Ubax.
Dhacdadan, ayaa timid ka dib markii Nin wadaad ah oo
xilligaas Salaadda Cishaha ku tukaday Masjidka, ay
wadada ay rasaas bareer ah la beegsadeen kooxo
hubaysan, durbadiina uu dib ugu soo cararay Masjidka
isagoo dhaawac ah.
Goobjoogayaasha ayaa ku waramaya in rasaastaasi ay
sidoo kale ku dhaawacmeen Laba ruux oo halkaasi ka
ag dhawaa.
Dhacda kale, kooxo hubaysan oo aan lagaraneyn ayaa
ruux rayid ah xalay ku toogtay xaafadda
Maana-Booliyo ee waqooyiga Muqdisho, iyagoona dad
goobjoogayaal ah ay sheegayaan in ay ka dhacayeen
Mopile- uu sitay.
Dilalka aan macnaha laheyn ayaa caadi ka noqday
caasimadda xilli Dowladda meel ku gaarka ah joogto
islamarkaana aysan wali wax-qabad muuqda u qaban
Shacabka Soomaaliyeed ee dhibaatada nabad la'aantu
ay asiibtay.
Lixdii Biloowd ee Maxaakiimta Islaamku ay ka
ariminayeen Caasimadda ayaa waxaa xusid mudan in dil
iska daaye xitaa aanan la maqlin wax dhawaq
rasaaseed ah, taasina ay 100% shacabka reer Muqdisho
ku diirsadeen.
Gacmo Dheere :Ciidamada
Dowladda Iyo Kuwa Ethiopia Way Ku Saxan Yihiin
Madaafiicda Ay Ku Jawaabayaan..
Dowladda FKMG ee Somaliya, ayaa markii ugu horaysay
difaacday Madaafiicda xooggan ee ay ugu jawaabayaan
ciidamadeedu iyo kuwa Ethiopian-ku kooxaha hubaysan
ee weerarada la beegsada fariisimada ciidanka
dowlada kmg ah iyo kuwa Ethiopia .
Wasiirka Arimaha Gudaha ee Dowladda KMG Maxamed
Maxamuud Guuleed (Gacma Dheere), ayaa shaaca ka
qaaday In Dowladda KMG ay ku saxan yihiin inay
Madaafiic ugu jawaabaan kooxaha weerarada kusoo
qaadaya xarumaha dowlada oo uu ku tilmaamay
qas-wadayaal .
"Ciidamada Dowladda iyo Kuwa Ethiopia way ku saxan
yihiin, oo xaq bayna u leeyihiin in ay Madaafiic
Xooggan ku jawaabaan, waayo kooxaha soo weerar tagay
ayaa daan-daansiga bilaabay" sidaana waxaa yiri
Gacma Dheere.
Mar la waydiiyey ma xaq-baa in Dowladda KMG ay
shacbiga Madaafiicda BM-ka, ku garaacdo ? ayuu ku
jawaabay :-
"Kooxaha fidna-wadayaasha ayaa dadka ku dhax
gabanaya, marka dadka iyaga ayaa laga rabaa in ay
iska soo saaraan, ka hor inta aysan Madaafiicda
kasoo dhex tuurin".
Waxa uu kaloo sheegay wasiirku inay ku raad jood
joogaan kooxaha Hoobiyayaasha iyo Baasuukaha kusoo
weeraraya xarumaha Dowladda KMG,islamarkaana ay soo
qab-qaban doonaan waa siduu hadalka u dhigaye
Gacmo dheere oo dhowaan loo magacaabay wasiirka
arimaha gudaha dowlada kmg ah ayaa si weyn uga soo
hor jeestay in marnaba shacabka laga joojiyo
madaafiicda BM-ka isagoo ku macneeyey inay shacabka
ku dhex gabanayaan kuwo uu ku sheegay fidno-wadayaal
taasina ay keeni karto in shacabkii hadaysan iska
soo dhex bixin in loogu jawaabo meesha ay kaga soo
dhacdo xabadi madafac .
Hadalka Gacma Dheere, ayaa kusoo beegmaya xilli
Ciidamada Dowladda kmg iyo kuwa Ethiopia ay
bilaabeen inay Madaafiicda kala duwan ee uu kamid
yahay qoriga BM-ka ay ugu jawaabaan meelaha ay ku
tuhmayaan in weerar kaga imaanayo maalinkii shalay
ahayd ayaa Xaafadaha magaalada muqdisho qaar ka
tirsan waxaa saameeyey Madaafiic kuwii ugu xooganaa,
oo ay kusoo jawaabeen Ciidamada Ethiopia, ka dib
markii Hoobiyayaal dhowr ah lagu weeraray xarumo ay
ku jirto Dekadda weyn ee Muqdisho, iyadoo dad badan
oo rayid ahina ay wax ku noqdeen.
Xaaji Abuukar Cumar
Caddaan Oo Xoriyadiisii Usoo Noqtay Kadib Markii
Kenya Sii Daysay..
Ganacsade xaaji abuukar cumar cadaan ayaa dowlada
kenya sii daysay kadib markii wax dembi ah lagu
waayey iyadoo xukunka sii daysmadana ay ku
dhawaaqday Maxkamadda Sare ee dalka Kenya .
Dadaalo dheeraad ah oo ay galeen wax-garad iyo
ganacsato isugu jira soomaali iyo somali kenyaan
ayay timid, ka dib markii kiiskiisa loo gudbiyay
Maxkamadda Sare ee dalka Kenya,inuusan xaaji abuukar
uusan lahayn wax dembi islamarkaana uu dalka kenya
isu soo dhiibay xiligii dagaalada u dhexeeya
ciidamada Ethiopia iyo golaha maxaakiimta islaamka .
Siyaasiga Faarax Macalin oo gudoomiye ka ah urur
mucaarid ah oo Kenya ka jira ayaa saxaafada u
sheegay in xaaji Abuukar iyo wiil uu dhalay oo la
xirnaa la sii daayay, isla markaana ay si xor ah ku
joogaan magaalada caasimada u ah dalka kenya ee
Nairobi.
Md,faarax macalin ayaa intaas raaciyey in xaajiga
lagu eedeeyay waxyaabo aan jirin oo ah inuu sharci
darro ku soo galay dalka Kenya, islamarkaana ay
taasi beenowday oo la ogaaday inuu ahaa nin ka soo
cararay dagaalo oo doonayay in uu magangalyo ka helo
dalka Kenya taasina aysan ahayn wax laysku eedeeyo .
Mar la waydiiyey maxaa ka jira arintan sheegaysa in
lacag fara badan lagu bixiyey sii deynta Xaaji
Abuukar? ayuu ku jawaabay way jirtaa lacago badan
ayaa laga qaatay , isagoo weliba xaaji abuukar dalka
kenya abaal ku leh oo ah nin nabadda jecel oo hada
ka horna soo badbaadiyay shaqaale Kenyaan ah oo
afduub loogu heeystay xeebaha dalka Somaliya.
Si kastaba ha ahaatee ganacsade Abuukar cumar cadaan
iyo wiil uu dhalay ayaa ciidamada boolis kenyaan ah
waxay ku qabteen xadka kala qeybiya Kenya iyo
Somaliya, Horraantii bishii Janaayo ee sanadkan .
yaasiin maxamed cali (faytin)
yaasiinfaytin@hotmail.com
Abuukar Cumar
Caddaani iyo Wiilkiisa oo Xabsiga Kenya laga
siidaayey
Sida ay faafiyeen
wakaalada wararka, waxaa Khamiistii
Xabsiga laga siidaayey Abuukar Cumar Caddaani iyo
wiilkiisa, kaddib markii la sheegay in dacwadii lagu
soo oogey la baabi'iyey, arrintaas oo cadayn laga
bixin. Sidaasna ay xorriyadoodii ku heleen Abuukar
Cumar oo 72-jir ah iyo wiilkiisa oo 20 jir ah.

Abukar Omar Adan, oo la keenay maxkamada Madaraka
Court, ee Nairobi, Kenya, Khamiis Jan. 25, 2007.
Abukar Omar Aden, oo da'diisu tahay 72, waxaa
maxkamada lala keenay wiil uu dhalay oo magaciisa la
yiraahdo Omar Abukar Omar (Sawirka hoose), waxayna
waxba kama jiraan ku tilmaameen dembiga lagu soo
oogey. Sawirka: AP.

Omar Abukar Omar, 20-jir, oo ay dhinacyada ka tagan
yihiin askarta Kenya markii la keenay maxkamada
Madaraka Court, ee Nairobi, Kenya, Khamiis, Jan. 25,
2007. Sawirka: AP
Xabiibo: waa Gabar yar oo
Isha uga soo baxday Buro oo u baahan Gargaar deg deg ah..
Xabiibo Xasan Max’ed Xaydar oo ah gabar shan jir ah kuna
dhalatay Deegaanka Buur-Hakaba ee Gobalka Baay, aabbaheedna
caafimaad ahaan u keenay Magaalada Muqdisho ayaa
Dhakhaatiirtu waxay sheegeen in gabadhan aan waxba looga
qaban Karin Soomaaliya oo ay u baahan tahay qaliin dibadeed.
Akhri....