Qofkii afraad
oo la dilo isagoo ka soo baxaya Masaajid..
Waxaa habeenadaan Magaalada Muqdisho ku soo kordhay
dilalka, hase yeeshee dilalkaasi waxay sii kordheen
maalmihii ugu dambeeyey, iyadoo afar qof oo lagu
dilay Magaalada Muqdisho la dilay iyagoo ka soo
baxay Masjid.
Wiil 17 jir ah ayaa isagoo ka soo baxay Masjidka
Nasru-Diin ee agagaarka Baar-Caasho ee Deegaanka
Baar Ubax ayey koox dabley ah rasaas ku furtay,
halkii ayuu ku geeryooday sidoo kale wiil
dhallinyaro ah oo isna ka soo baxay masjid ku yaala
degmada Yaaqshiid ayaa halkaasi isna lagu dilay.
Dadka ka ag dhow Masaajidda lagu dilay dadkaasi ayaa
durbadiiba bilaabay inay isku dubaridaan ciidamo
Madani ah oo ilaaliya xaafadaha.
Nin odey ah ayaa isagu waxa uu yiri “Waxaan la
doonayaa in la ciribtiro Culimada iyo dadka Aqoonta
Diimeed leh, si ay dalka isugu soo haraan dad
jaahiliin ah, marka waxaan dadka u soo jeedinayaa in
ay arrintaasi ka hor tagaan inta aysan faraha ka
bixin”.
Sidii ay u dhaceen dagaaladii Sokeeye, waxaana
dhacay dhacdooyin la yaab leh, kaddib markii dad ku
dhex tukanayey Masjid inta loo yimid lagu dhex dilay,
qaarkoodna iyagoo hor taagan Masaajidka ayaa
halkaasi lagu dilay.
Pentgon-kii Soomaaliya oo ay
degeen Ciidamo Itoobiyaan ah..
Nin odey ah ayaa markii loo sheegay in Wasaaraddii
hore ee Gaashaandhiga ee Soomaaliya ay shalay degeen
ciidamo Itoobiyaan ah ayaa waxa uu yiri ”Aad baan
uga xumay in maanta wasaaraddeenii Gaashaandhiga ay
ciidamo Itoobiyaan ah degaan ama ay qabsadaan”.
Ismaaciil Cali ayaa isna waxa uu yiri ”Wasaradda
Gaashaandhiga waxay astaan u ahayd ciidankii Xoogga
Dalka Soomaaliyeed, maanta waxaa dul degay amaba
qabsaday ciidamo Itoobiyaan ah, marka waa ayaandaro
la soo gudboonaatay dhamaan ummadda Soomaaliyeed”.
”Inkastoo ay burbursan tahay wasaaraddii
Gaashaan-dhiga haddana waxay noo ahayd meel ay
Ummadda Soomaaliyeed u taqaan halkii laga xukumi
jiray ciidanka xoogga Dalka Soomaaliyeed” ayuu yiri
wiil dhallinyaro ahoo intaa raaciyey ”maanta nama
soo haweysateen Itoobiya, balse waxaa soo horkacay
Soomaali kale, taariikhda ayaana xusi doonta”.
Ciidamo Itoobiyaan ah oo aad u xoogan ayaa shalay
soo degay Xarunta Gaashaandhiga, iyagoo halkaasi
Baaritaan ka sameeyey.
Ciidamada
Itoobiya ee ku sugnaa Digfeer oo xalay lagu qaaday
weerar..
Xalay (Jimce ay soo geleyso Sabto) fiidnimadii ayaa
labo qarax oo waaweyn waxaa lagu garaacay Isbitaalka
Digfeer ee ay degan yihiin Ciidamada Itoobiya, hase
yeeshee Ciidamada Itoobiya ayaa ku soo jawaabay
hubka waaweyn, waxayna hubkaasi qaar ka mid ah ku
dhaceen xero qaxooti oo ay degan yihiin dad soo
barakacay oo ku taala agagaarka Tarabuunka. Ilaa iyo
hadda lama oga khasaaraha dhabta ah oo ay gaysteen
madaafiicda la is weydaarsaday, iyadoo marka ay
dhacaan qaraxyada noocaan oo kale ah, dadka ay
waxyeeladu ka soo gaarto aan loo hayn goobo la geeyo,
waxaana mararka qaarkood dhacda in dadku u dhintaan
dhiig bax.
Dadweynaha Magaalada Muqdisho, gaar ahaan kuwa ku
nool agagaarlka Shiirkole ayaa walwal ka muujiyey
ciidamo Itoobiyaan ah oo soo degay Xaruntii hore ee
Wasaaradda Gaashaandhiga, waxana la arkayey dad fara
badan oo guryahoodii ka cararaya, iyadoo halkaasi ay
degan yihiin dad lagu qiyaasay labo boqol oo qof.
Shirkadaha
Diyaaradaha oo ka walwalsan imaanshaha Garoonka
Diyaarada Muqdisho..
Iyadoo dhowr jeer hoobiyayaal lagu garaacay Garoonka
Diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho, ayaa haddana
Shirkadaha Diyaaradaha waxay si aad ah uga walwalsan
ammaanka iyo kalsoonida ay Diyaaradaasi ku soo degi
karaan.
Shirkadaha Diyaaradaha oo ay leeyihiin dad ganacsato
ah ayaa waxaa yaraaday dadkii soo raaci jiray kaddib
markii dhowr jeer weerar lagu qaaday garoonka
Diyaarada ee Magaalada Muqdisho. Dowladda Federaalka
ayaa Shirkadahaasi u sheegtay in Shirkaddii baaqata
aysan dib dambe ugu soo degi Karin garoonkaasi amaba
aysan ka shaaqeyn doonin dalka Soomaaliya, hase
yeeshee mas’uuliyiinta Shirkadahaasi ayaa Dowladda
ka dalbaneysa ina y ku degaan goobo ka baxsan
Magaalada Muqdisho si loo badbaadiyo dadka Rakaabka
ah iyo Diyaaradaha, sidoo kale waxaa yaraaday
Shirkadihii Diyaaradaha Hay’adda Samafalka, kaddib
markii ay ka cabsadeen ku soo degitaanka Garoonka.
Ciidamada Uganda oo sugaya
Diyaarado laga leeyahay dalka Mareykanka..
Todobaadkaan gudihiisa ayaa la filayaa in ciidamo ka
socda dalka Uganda ay soo gaaraan dalka Soomaaliya
gaar ahaan Magaalada Muqdisho.
Ciidankaasi oo haatan sugaya Diyaarado uu Maryekanku
u soo dirayo si ay u soo daad gureeyaan ciidamadaasi,
ayaa wararka qaar waxay sheegayaan in uu dib u dhac
ku imaan karo ciidamadaasi, kaddib markii garoomadii
ay ka soo degi lahaayeen weeraro lala beegsaday gaar
ahaan Garoonka Magaalada Muqdisho, warar ayaa waxay
sheegayaan in ciidamadaasi laga soo dejin doonto
Garoonka Belidoogle oo ay horey u isticmaali jireen
ciidankii Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
Sarkaal u hadlay Dowladda Uganda ayaa waxa uu
sheegay in ciidamada Uganda ay Soomaaliya u tagi
doonaan oo keliya arimo dhinaca nabad ilaalinta ah,
basle aysan Soomaaliya ugu socon in ay dagaal galaan,
haddiise la soo weeraro ciidamadooda ay is difaaci
doonaan.
Uganda ayaa noqoneysa wadankii ugu horeeyey ee
ciidamo u soo dira Soomaaliya, iyagoo hoos tagay
Ururka Midowga Afrika, iyadoo dalka uu haatan ku
sugan yihiin ciidamo ka socda Itoobiya oo gacan
siiyey Dowladda Federaalka ah.
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail
amiinkhasaaro@hotmail.com
Faafin: Feb 17, 2007
Dilka Dadka
Rayidka Ah Loo Gaysanayo Oo Kusoo Badanaya Magaalada Muqdisho
Gacmo Dheere :Ciidamada Dowladda Iyo Kuwa Ethiopia Way Ku Saxan Yihiin
Madaafiicda Ay Ku Jawaabayaan
Akhri
Feb 16
Senator Coleman
oo walaac ka muujiyey xad gudubyo loo geystay Bulshada Oromo ee ku
nool Soomaaliya
Waxana uu warqad gaarsiiyey diplomaasiyadda USA u qaabilsan arrimaha
Africa Jendayi Farazer...
Akhri... Feb
16
Xabiibo: waa Gabar yar oo
Isha uga soo baxday Buro oo u baahan Gargaar deg deg ah..
Xabiibo Xasan Max’ed Xaydar oo ah gabar shan jir ah kuna
dhalatay Deegaanka Buur-Hakaba ee Gobalka Baay, aabbaheedna
caafimaad ahaan u keenay Magaalada Muqdisho ayaa
Dhakhaatiirtu waxay sheegeen in gabadhan aan waxba looga
qaban Karin Soomaaliya oo ay u baahan tahay qaliin dibadeed.
Akhri....