Wararkii: Feb 18, 2007
- Gacma-Dheere
oo xalay soo gaaray Magaalada Muqdisho..
- C/llaahi
Yuusuf “Dib u heshiisiinta aan wadno waa mid aan
isugu keeneyno Beelaha diriray”
- Salaad Cali
Jeele oo beeniyey in dad ka xaqayaan Magaalada
Muqdisho.
- Mowliid
Macaane oo magacaabay guddoomiyaha Ururka
Dhallinyarada Soomaaliyeed.
Hay’adda SWACRO oo carruur
agoon ah u furtay Dugsi...
Waxaa maalintii Khasmiista ahayd Hay’adda SWACRO
qabatay xaflad ay Dugsi ugu furreysay carruur agoon
ah oo iyo kuwa aysan waalidiintoodo waxba haysan,
waxana Dugsigaan furitaankiisa iska kaashaday Haween
Soomaaliyeed oo ku nool Cariga Mareykanka.

Dugsigaan oo lagu
baran doono Xifdinta Qur’aanka Kariima ah iyo
barashada Tarbiyadda Diinta Islaamka ayaa
furitaankii waxaa ka hadlay Wakiilka Hay’adda SWARCO
ee Soomaaliya Yaasmiin Mayow Max’ed, waxayna
sheegtay inay dugsigaan ugu talagaleen in wax lagu
baro carruur gaareysa 50 oo ah Carruur agoon ah,
kuwaas oo aan awoodin in ay iska bixyaan qarash.
Yaasmiin waxay sheegtay in dugsigaan Carruurta
Agoonta ah iyo kuwa aan waxba haysanba wax ku baran
doonaan si lacag la’aan ah, isla markaana
Macallimiinta wax ka dhigaya Dugsiga ay Hay’addu
siin doonto wixii tasiilaad ah ee u baahan yihiin.
Halka uu ku yaalao dugsiga waxaa ku sadaqeystay
Yacquub Cali Faarax, waxa uuna sheegay mar uu ka
hadlayey furitaanka Dugsigaasi in ay ka go’an tahay
in ay gacan siiyaan carruurta agoonta ah si u helaan
waxbarasho. Ardayda wax lagu barayo dugsigaasi ayaa
dhinaca caafimaadka waxaa gacan ka siin doona Dr.
Mahad oo ka shaqeeya Isbitaalka Banaadir, iyadoo
Dhakhtarkaani uu si tabarucaad ah Ardaydaasi hawlo
caafimaad ugu sameyn doono.

Macallinka Dugsiga oo lagu magacaabo Suleymaan Xaaji
Aadan ayaa waxa uu u mahadceliyey Hay’adda SWACRO oo
uu sheegay inay qabteen hawl muhiim u ah Bulshada
Soomaaliyeed, gaar ahaan carruurta Agoonta ah oo
iyagu inta badan aan awoodin qarashka wax lagu baro.

Hay’addaan oo xafiisyo ku leh Magaalooyinka Muqdisho,
Hargeysa, Boosaaso, Buula-Burde, blase xarunteeda
weyn waxay ku taalaa dalka Mareykanka.
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com
|
MAQAALADDII
2000-2001:
Shakiib |
Barkhadle |
C++ |
Java |
Saahid |
SomQurbaha |
SRG |
BCCP |
SPR |
Dr.Osman |
Aamusanaha |
Ingiriis |
Duggaal |
SASA |
SouthAfrica |
DeepThought |
Leyla |
Caddaawe |
PMA |
Africa |
GreetingCards |
Soyan |
Moallim |
SomCanada |
MSSU |
Shiike |
Haile |
SHASNA |
M.Abdirashid |
Xariri |
Xal |
Xawar |
Halable |
amiir |
PL |
SSB |
Fahad |
Maanso |
Deeq |
kancaan |
PuntWatch |
Gaashaan |
Filasoofi |
Sacmaal |
Caddaani |
Cambaro |
Xaamud |
Abhali |
Xaashi |
ICUPS |
SSL |
ISRAACA |
UmuurahaIslaamka |
ShibilDimoqrasi |
Saahid |
MoreInside |
Gacma-Dheere
oo xalay soo gaaray Magaalada Muqdisho..
Wasirka Arrimaha gudaha Maxamed Maxamuud Guuleed (Gacma
Dheere) iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa xalay
fiidnimadii soo gaaray Magaalada Muqdisho, kaddib
markii safar dhinaca dhulka ah uga yimaadeen
magaalada Baydhabo oo xarun ku meel gaar ah u ah
Dowladda Federaalka.
Gacma Dheere ayaa Muqdisho u yimid sidii uu wax uga
qaban lahaa xaaladda nabadgelyo xumo ee ka jirta
Magaalada Muqdisho, isagoo kulamo la yeelan doona
Odoyaasha iyo Waxgaradka Beelaha ku nool Magaalada
Muqdisho, sidoo kale waxa uu la kulmo doonaa
maamulka Gobalka Banaadir, isagoo kala hadli doona
arimaha nabadgelyada ee Magaalada.
Gacma Dheere mar dhawaan la wax laga weydiiyey
madaafiicda ay is weydaarsadaan ciidamada Dowladda
iyo kooxaha kacdoonka wada, ayaa waxa uu yiri
“Macquul ma ahan in aan Ciidamada Itoobiya niraahno
gacmaha laabta iyadoo lagu soo ridayo hub, marka
waxaan bulshada u soo jeedinayaa in ay iska qabtaan
kooxaha deegaanadooda hubka ka tuuraya”
C/llaahi Yuusuf
“Dib u heshiisiinta aan wadno waa mid aan isugu
keeneyno Beelaha diriray”
Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed oo shalay la
hadlayey Xildhibaanada Baarla-maanka ayaa waxa uu
sheegay in dib u heshiisiina ay wado Dowladdu ay
tahay mid ay isugu keeneyso beelaha Soomaaliyeed ee
colaadu kala gaartay mudadii 16-ka sano ahayd.
“Dowladdu hor fariisan-meyso Siyaasiyiinta
Soomaaliyeed iyo Maxaakiimta Islaamiga ah” ayuu yiri
C/llaahi Yuusuf oo sheegay in Xildhibaanada
Baarlamaanka looga baahan yahay in ay gacan ka
gaystaan sidii meel la isugu keeni lahaa dhamaan
beelaha Soomaaliyeed ee xurgufto u dhexeyso loona
heshiisiin lahaa.
C/llaahi ayaa maalintii shalay ahayd u ambabaxay
cariga Ingiriiska, isagoo sheegay in uu casuumaad ka
helay boqortooyada wadankaasi.
Salaad Cali
Jeele oo beeniyey in dad ka xaqayaan Magaalada
Muqdisho.
Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Gaashaandhiga Salaad
Cali Jeele ayaa si kulul u beeniyey in dad fara
badan ay ka qaxeen Magaalada Muqdisho ayna ka qaxeen
iska hor imaadyada u dhexeeya Ciidamada Itoobiya iyo
kooxo maleeshiyooyin ah.
”Reer Muqdisho waxay soo mareen dagaalo fara badan,
sida kii Afar Biloodka, Kii Hogaamiye kooxeedyada,
kii Maxaakiimta iyo Hogaamiye kooxeedyada,
weligoodna meel ugama qaxin, ma garanayo in maanta
la yiraahdo dadka reer Muqdisho way qaxayaan” ayuu
yiri Salaad Cali Jeele oo sheegay in Dowladdu ay wax
ka qaban doonto ammaanka Magaalada Muqdisho, isla
markaana ay soo qabqaban doonto kooxaha caadeystay
inay Magaalada Arbushaan, dhanka kale dad fara badan
ayaa ka qaxay Magaalada Muqdisho kuwaas oo gaaray
deegaanada ku dhow dhow Magaalada Muqdisho, waxayna
dadkaasi u badan yihiin carruur iyo Haweeney u
adkeysan waayey madaafiicda la is weydaarsanayo.
Mowliid Macaane
oo magacaabay guddoomiyaha Ururka Dhallinyarada
Soomaaliyeed.
Wareegto ka soo baxday Wasiirka Isboortiga iyo
Dhallinyarada Soomaaliyeed Mowliid Macaane Maxamuud
ayaa waxaa lagu magacaabay Guddoomiyaha Ururka
Dhallinyarada Soomaaliyeed.
”Markii aan tixgeliyey qorshaha hawlgal ee
Xukuumadda Federaalka, taasoo mudnaanta koowaad la
siiyey, jiheynta Dhallinyarada Soomaaliyeed, oo
fursadoodii la seejiyey Mudo 16 sano ah, iyadoo laga
ambaaqdayo, hadafka laga leeyahay ururinta,
isukeenista iyo tayeynta Dhallinyarada Soomaaliyeed
taasoo la doonayo in dhaqan xumada ay hadda faraha
kula jiraan loogu bedelo in ay noqdaan rag Isboorti
(Sportsmanship)” ayaa lagu yiri wareegta uu soo
saaray Wasiirka Isboortiga Mowliid Macaane Maxamuud
waxa uuna intaa ku sii darayaa ”Si waajibaadka kor
ku xusan loo guto, waxaa lagama maarmaan noqotay in
masuuliyiintii ka shaqeyn lahayd Hay’adda ururka
Dhallinyarada Soomaaliyeed la magacaabo”.
Haddaba waxaa Guddoomiyaha ururka Dhallinyarada
Soomaaliyeed loo magacaabay Salaad Xasan Cali,
Guddoomiye ku xigeena waxaa loo magacaabay Siidow
Xasan Xuseen, Guddoomiye ku xigeenka labaadna waxaa
loo magacaabay C/raxmaan Cusmaan Yuusuf, halka
Xoghayaha guudna loo magacaabay Liibaan Maaxi
Macallin, waxaana wareegtaan uu soo saaray Mowliid
Macaane og Ra’isul Wasaare Cali Max’ed Geeddi.
Dib u dhac ku
yimid imaanshihii ciidamada wadanka Uganda...
Warar aanu helnay ayaa waxay sheegayaan in
ciidamadii Uganda ee la filayey in ay yimaadaan
Todobaadkaan uu dib u dhac ku yimid kaddib markii la
waayey wixii tasiilaad ahaa ee lagu ambabixin lahaa
ciidamadaasi, gaar ahaan dhinaca Gaadiidka.
Ciidamada Uganda oo ku sugan garoon yar oo ay
leeyahay ciidamadaasi ku yaala duleedka Magaalada
Kampala ayaa halkaasi waxay ku sugayaan diyaaridihii
daad gureyn lahaa oo laga sugayo dalka Mareykanka.
Warar kale ayaa waxay sheegayaan in ciidamada Uganda
la damacsan yahay in ay soo maraan dhinaca dhulka,
kadibna ay imaan doonaan magaalada Xeebta ah ee
Mombassa ee dalka Kenya si halkaasi looga soo
daad-gureeyo Maraakib.
Dalka Uganda waxa uu horey u sheegay in uu
Soomaaliya u diri doono ilaa iyo 2000 oo ciidamo ah
kuwaas oo hawlo dhinaca nabad ilaalinta ah ka sameyn
doona dalka Soomaaliya, hase yeeshee dadka
Soomaaliyeed intooda badan ayaa iyagu ku qanacsaneyn
imaanshaha ciidamadaasi oo ay sheegeen in ay uga sii
dareyso xaaladda nabadgelyo ee dalka.
Siyaasiyiinta
Beesha Cayr oo cambaareeyey bamkii lagu tuuray..
waxaa habeen hore bam lagu tuuray guriga
Guddoomiyaha siyaasadda Beesha Cayr Maxamuud Max’ed
Culusow ee ku yaala Magaalada Muqdisho.
Weerarkaas banbaano oo aysan cidna wax ku noqon
balse waxyeelo u gaystay guriga ayaa waxaa
cambaareyey Siyaasiyiinta Beesha Cayr oo sheegay in
kooxaha tuuray ay doonayaan in ay carqaladeeyaan
hawlaha nabadeynta ee uu wado Mudane Culusow. Waxay
kaloo sheegeen in kooxahaasi lagu raad joogo, waqti
ay ahaatana la soo qaban doono, iyagoo sheegay in
hawlaha uu wado Culusow uusan marnaba ka niyadjabi
doonaani uu halkaasi ka sii wadi doonao hawlihii dib
u heshiisiinta ee uu ka waday Bulshada dhexdeeda.
Dhawaan ayay ahayd markii Wasiirkii Ganacsiga ee
Dowladda Federaalka gurigiisa lagu weeraray Banbaano
balse cidna waxba kuma noqon.
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail
amiinkhasaaro@hotmail.com
Siminaar ku saabsan AIDS-ka oo la soo gebagabeeyay
Siminaar Socday mudo saddex maalmood ah oo looga
hadlayey halista Cudurka Dilaaga ah ee HIV/AIDS oo
ay soo qaban-qaabisey hay’adda OSPAD oo gacan ka
heleysay hay’adaha Global Fund iyo Hay’adda UNICEF
ayna kormeeraysey hay’adda SCAC. ayaa Waxaa lagu soo
gabagabeeyey Hotel Saxafi Two .

Siminaarkaan waxaa ka qaybgalay 50-xubnood oo ka
kala socday Kalkaaliyaal Caafimaad iyo Dhalinyao
waxaana intii uu socday cashiro ka bixinaysey
Batuulo Max’ed Mursal oo iyadu aad ugu dheeraatay
marxaladihii iyo heerarkii uu soo maray cudurkaasi,
waxayna sheegtay in dadka Soomaaliyeed aysan ku
baraarugsaneyn halista cudurkaasi, taas oo ay
sheegtay in ay ugu wacan tahay aqoondari.
Siminaarkaan oo ka mid ah siminaaro is daba joog ah
oo ay qabanqaabisay Hay’adda OSPAD, ayaa kan ahaa
kii Saddexaad oo ay qabato Hayaddaas Wuxuuna sheegey
Guddoomiyaha hay’addasi Cabdi Nuur Cusmaan Weheliye
in ay siminaaradani ugu tagaleen sidii ay bulshada
ugu baraajun lahaayeen waxyeelada cudurkaasi, waxa
uuna sheegay in hay’addu ay qaban doonto siminaaro
fara badan si bulshada loogu wacyigeliyo dhibaatadA
cudurkaasi,

Gebagabadii siminaarkaasi ayaa waxaa ka hadlay
xiiriiriyaha Hayadda SCAC Dr Maxamed Maxamuud
Bideeyey oo sheegay in siminaarka noocaan ah ay uga
dan leeyihiin sidii dadka Soomaaliyeed loogu
wacyigelin lahaa cudurkaasi oo marba marka ka
dambeysa ku sii badanaya dalka Soomaaliya, sidoo
kale waxaa ka hadlay Agaasimaha Isbitaalka Madiina
Dr Shiikhdoon Salaad Cilmi ahna la talyaha
Caafimaadka ee Hayadda OSPAD wuxuuna sheegey in
Isbitaalkooda ay Baareen ilaa 4 kun oo qof ayna
Cudurka AIDS-ka heleen ilaa 40 qofood
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail
amiinkhasaaro@hotmail.com
Faafin: Feb 18, 2007
Isbitaalka Indhaha
ee Al-nuur oo ay ka bilaabay howl indhaha
loogu fiiqayo caruur da’doodu yar tahay
Isbitaalka Indha ee Al-Nuur ayaa billaabay
howlo indhaha loogu fiiqayo ugu yaraan
10-kun oo caruur ah, howshaan ayaa waxaa
iska kaashaday Isbitalka Indhaha ee Al-Nuur
iyo Hay’adda MUSLIM AID UK.
Howshaan oo laga
billaabay Isbitaalka Indhaha ee Al-Nuur ayuu uga
warbixiyay Agaasimaha Isbitaalka Indhaha ee Al-Nuur
Dr. C/risaaq Axmed Dalmar howsha ay qabanayaan iyo
muddada ay soconayso, isagoo si weyn uga warbixiyay
qaabka ay howsha u wadayaan muddada ay socoto.
Akhri warkan oo dhan...
Gudoomiyaha
Siyaasada Beesha Cayr Dr. Culusow Oo Xalay Gurigiisa
Bam-gacmeed Lagu Weeraray..
Feb 17, 2007: Dablay hubaysan oo aan la garanayan
halka ay ka amar qaataan ayaa xalay bam gacmeed ku
weeraray Guriga Dr. Max'uud Max'ed Culusow,oo ah
siyaasi soomaaliyeed oo ku sugan magaalada caasimada
ee muqdisho .
Weerara guriga masuulkaas la weeraray ayaa ku
beegnaa xili fiid horaad ah iyadoo xilligaasna uusan
ku sugnayan guriga .
Bam gacmeedkan oo ku qarxay guriga daaradiisa ayaan
gaysan wax qasaaro ah iyadoo qaraxa iyo diryanka
bam-gacmeedkan laga wada maqay xaafadaha deegaankaas
ku dhow dhow islamrkaana in cabaar ah kadibna lasoo
buux dhaafiyey goobta qaraxu ka dhacay.
Lama oga sababta dhabta ah ee ka dambaysa weerarkan
iyo weliba cidda ka dambaysa weerarka gurigiisa loo
gaystay masuulkan ,arintan ayaa dadka qaarkii ku
macneeyeen in dr,Culusow iyo wafdi kale uu
hogaaminayo ay safar kaga soo laabteen magaalada
Adis-ababa ee dalka Ethiopia oo uu halkaas kaga soo
qayb galay shir beesha uu kasoo jeedo iyo weliba
maamulka tigreega iyadoo kal hore waraaqo hanjabaad
ah oo lagu daadiyay wadooyinka qaar ee Muqdisho lagu
sheegay in la weerarayo cidii aad Ethiopia xiriir
iyo wada shaqayni dhex marto .
Si kastaba ha haatee Dr. Culusow ayaan wax jago ah u
hayn dowlada fkmg islamrkaana aysan cadayn ilaa
iminka sababta dhabta ah ee ka dambaysa weerarkan
iyadoo ay jiraan maalmahan weeraro lala beegsanayo
Mas'uuliyiinta dowlada iyo ciidamada Ethiopoia oo
kusoo badanayey magaalada caasimada ee muqdisho .
Yaasiin maxamed cali (faytin)
yaasiinfaytin@hotmail.com
Feb 17, 2007
"Kenya
waxay dib u celisey Soomaali iyagoo aan
Maxkamad la soo taagin" Aljazeera
-
Bashiir Makhtal oo qoyskiisu sheegeen in
aysan war ka helin ilaa markii la xiray

Bashiir Maktal qoyskiisu waxay
sheegeen inuu yahay ganacsade |
Sawirada: Aljazeera

Aziza Osman, bidix,
oo sheegtay in aysan ninkeeda wax
war ah ka helinilaa markii la xiray |
Dad kabadan
50 qof ayaa Kenya waxay ka xireen meel u
dhow xadka Soomaaliya, dib ayaana dadkaas
loo celiyey iyagoo aan wax maxkamad ah la
soo taagin, sidaas waxaa yiri Maxamed Cadow
oo weriye u ah Aljazeera oo jooga Nairobi.
Bashiir Makhtal, oo ah Somaali haysta
dhalashada dalka Canada, iyo xaaskiisa
adeerkeed ayaa ka mid ah ahaa dadkii la
xiray bishii hore, oo Soomaaliya dib loogu
celiyey.
Qoyskoodu waxay yiraahdeen labadaas nin
waxay ka soo carareen dagaalada Soomaaliya,
laakiin dawladda Kenya waxay dib u celisey
ayagoo aan maxkamadi dhegeysan ama fursad
loo siin in ay rafcaan qaataan.
Aziza Osman oo ah xaaska Bashiir Makhtal
waxay tiri: "Ninkaygu wax dembi ah ma leh,
waa ganacsade, waxana uu ka cararayey
rabshadaha Soomaaliya markii la xiray."
Waxayna intaas ku dartay "Xukuumada Kenya si
khaldan ayey u dhoofisey. kama war hayo in
uu weli nool yahay iyo in uu bed qabo.
Waxaan codsanayaa in isagoo nabad ah la iigu
soo celiyo."
Warbixinta Aljazeera waxay intaas ku dartay
in ilaa hadda kala bar oo bar dadka sida
xoogga ah loogu celiyey Muqdisho ay ku
jiraan dumar iyo carruur. Waxaana warku
intaas raaciyey in gabar Afar-sano-jir ah ay
boolisku xabsiga ku hayeen muddo soddon
maalmood ah ka hor intii aan la siideyn.
Waxaan
ajirey warar hore oo tibaaxayey in dadkii la
geeyey Muqdisho in loo gacan geliyey
ciidamada Itoobiya ee ku sugan Soomaaliya,
isla markaana dadkaas qaar ka mid ah loo
qaaday Addis Ababa
Qareenada ku sugan Kenya ee u doodaya dadka
la celiyey waxay sheegeen in Kenya ay
jebisey xeerka caalamiga ah ee qaxootiga, ee
Geneva. Waxayna xuseen in Kenya ay ku
dhaqaaqday in ay celiso dad laga yaabo in la
ciqaabo iyadoo aan wax sharci ah la marsiin,
arrintaas oo ka hor imaneysa xeerarka
caalamiga ah ee dadka la qabto.
Dilka Dadka
Rayidka Ah Loo Gaysanayo Oo Kusoo Badanaya Magaalada Muqdisho
Gacmo Dheere :Ciidamada Dowladda Iyo Kuwa Ethiopia Way Ku Saxan Yihiin
Madaafiicda Ay Ku Jawaabayaan
Akhri
Feb 16
Senator Coleman
oo walaac ka muujiyey xad gudubyo loo geystay Bulshada Oromo ee ku
nool Soomaaliya
Waxana uu warqad gaarsiiyey diplomaasiyadda USA u qaabilsan arrimaha
Africa Jendayi Farazer...
Akhri... Feb
16
Xabiibo: waa Gabar yar oo
Isha uga soo baxday Buro oo u baahan Gargaar deg deg ah..
Xabiibo Xasan Max’ed Xaydar oo ah gabar shan jir ah kuna
dhalatay Deegaanka Buur-Hakaba ee Gobalka Baay, aabbaheedna
caafimaad ahaan u keenay Magaalada Muqdisho ayaa
Dhakhaatiirtu waxay sheegeen in gabadhan aan waxba looga
qaban Karin Soomaaliya oo ay u baahan tahay qaliin dibadeed.
Akhri....


|