Kulan
looga hadlayno waxbarashada
“Sida
wanaagsan ee lagu gaaro wadada loo maro
heerka tacliinta sare”
Sabtida,
March 24, 2007
9:00 a.m. – 4:00 p.m.
Jaamacada George Mason
Fairfax Campus, Virginia
Ururka
dhalinyarada Soomaaliyeed ee Waqooyiga
America (YSPNA) ayaa iyagoo kaashanaya
ururka ardayda Soomaaliyeed ee Jaamacada
George Mason, Fairfax campus waxay qaban
doonaan kulan looga hadli doono waxbarashada
oo loogu magac daray “sida wanaagsan ee lagu
gaaro wadada loo maro heerka tacliinta sare”.
Kulankaas waxaa la qaban doonaa maalin Sabti
ah oo ay taariikhdu tahay March 24, 2007
saacaduna tahay 9-ka subaxnimo ilaa 4-ta
galabnimo. Kulankan waxaa loogu talagalay
ardayda Soomaaliyeed ee dhigata dugsiyada
sare deganna agagaarka Magaalada Washington
DC.
Kukankan
wax lacag la ah lagama qaadi doono ardayda
isa sii diiwangelisa, waxaana halkaas laga
bixin doonaa cunto lasiin doono dadka kasoo
qayb gala kulankaas. Hadaba himilooyinka
laga leeyahay kulankan ayaa waxay ku
salalysan yihiin saddex qodob oo kala ah (1)
In la xusiisiyo dhalinyarada kulankan kasoo
qaybgalysa faa’iidada aya leedahay in qofku
helo waxbarasho heer jaamacadeed ah; (2) In
la tuso ardayda da’da yar ee meesha joogtaa
arday kale oo Soomaaliyeed oo iyaga la mid
ah oo jaamacadaha ku jira iyo weliba kuwo
dhameeyey oo xirfado kala duwan leh; (3)si
loogu fududeeyo ardayda dhigata dugsiyada
sare ee kulankan kasoo qaybgashay in ay la
kulmaan ama bartaan ardayda iyaga lamidka ah
ee Soomaaliyeed ee dugsiyada sare ku jirta.
Shirka
waxaa lagu furayaa khudbad uu jeedin doono
qof khibrad iyo waaya aragnimo dheer u leh
arimaha laga hadlayno. Waxaa ku xigi doona
hadalkaas, hadallo ay bixin doonaan dad ilaa
4-5 qof ah oo leh xirfado iyo waayo aragnimo
kala duwan. Khudbadahaas ka dib, waxaa la
bilaabi doonaa laba qaybood oo lagaga hadli
doono “Ardayda Jaamacadaha u socota: Sida
loo codsado jaamacada oo faahfaahsan” iyo
“sida loo dhiso mustaqbal iyo nolol
wanaagsan” labadan barnaamij ayaa isla
maalintaa gelinka dambena dib loogu soo
celin doonaa, waxaana xiriirin doona laba
qof oo khibrad dheer u leh arimaha ku
saabsan sida jaamacada lagu galo ama lagu
helo kaalmo waxbarasho. Maadaama meesha
kulankani ka dhacayo ay tahay jaamacad
dhexdeed ayaa waxaa saacada qadada ka dib la
samayn doonaa in ardayda lagu soo wareejiyo
qaybaha kala duwan ee jaamacada. Ugu
danbeyntii, marka kulan lasoo gabagabeeyo
ayaa waxaa la bixin doonaa abaal marino ama
bilado lasiin doono qaar ka mid ah dadka
kulanka kasoo qaybgalay.
Waxyaalaha
aad ku caawin karto barnaamijkan waxaa ka
mid ah:
- In aad
lacag ugu deeqdo
- In aad
taageero kale u fidiso si uu u hirgalo
-
Arintan oo aad gaarsiiso dhamaan ardayda
dugsiyada sare ee degan agagaarka
Washington DC.
- In aad
waqtigaaga ugu deeqdo oo aad ka
qaybqaadato qabanqaabada kulankan
- In aad
noqotid mid ka mid ah dadka meesha ka
hadli doona ama ka mid noqoto hadal
qaybiyayaasha kulankan.
Fadlan
nalasoo xiriir hadii ay jiraan su’aalo aad
rabto in aad na waydiiso ama aad wax talo,
tusaale iyo taageero ah aad u fidinayso si
barnaamijkan dhalinyarada loogu talagalay uu
u hirgalo oo guul ugu dhamado.
Mahadsanidin,
Ururka dhalinyarada Soomaaliyeed ee
Waqooyiga America (YSPNA)
washingtondc@somaliprofessionals.org
Faafin: Feb
18, 2007