SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
Wararkii: Feb 19, 2007
  • Gacan ka hadal dhex maray Askari Soomaali ah iyo mid Itoobiyaan ah.
  • Magaalada London oo laga qaban-qaabinayo banaanbax looga soo horjeedo C/llaahi..
  •  Labo goobood oo lagu weeraray ciidamada Booliiska Federaalka.
  • Warbixin ku saabsan qaraxiii lala beegsaday Gaari marayey agagaarka..
  • Dowladda Yemen oo wada sidii ay Itoobiya uga dhaadhicin lahayd shirweyne Qaran oo..
  • Qaxootiga Soomaaliyeed ee ku nool dalka Ugandha oo amar lagu siiyey in ay ku laabtaan xereeyinkooda qaxootiga
  • Siminaar lagu baranayo habka gudbinta iyo ka hortaga HIV/AIDS oo ka furmay xarunta Maamulka Gobolka Hiiraan
  • Hay’adda SOYDEN oo  Siminnaar u furtay dhallinyaro gaaraysa 45-xubnoood kana kala socday gobollada dalka qaarkood

Mudaharaad laga dhigayo daafaha adduunka. xagee.. Guji.

Gacan ka hadal dhex maray Askari Soomaali ah iyo mid Itoobiyaan ah.

Shalay subaxnimadii ayaa Askari Itoobiyaan ah oo ka mid ah Ciidamadamada Itoobiya ee ku sugan Wasaaradda Gaashaan-dhiga ayaa gacan hadal waxa uu dhex maray Askari ka tirsan Ciidanka Dowladda Federaalka.

Gacan ka hadalkaan ayaa waxa uu ka dambeeyey markii uu Askariga Itoobiyaanka ahi uu ku amray Askariga Soomaaliga ah in uu damiyo Taleefanka Gacanta, isla markaana uusan ku hadli Karin, hase yeeshee Askarigii Soomaaliga ahaa amarkaasi waa uu ka dhega adeegay, markii uu soo dhameystay hadalkiisii ayaa lagu amray in uu taleefanka keeno, balse waa uu diiday, waxana halkaasi ka bilowday gacan ka hadal dhex maray labadoodii, waxayna dad goob jooga ahaa sheegeen in gacan uu ka jabay Askarigii Soomaaliga ah, waxyeelo kalana loo gaystay iyadoo si xun loo jirdilay, basle waxaa mar dambe lagu kala fujiyey xabad uu kor u riday Askari kale oo Itoobiyaan ah, Askartii kale ee Soomaalida oo ayaa iyagu aad uga xumaaday falkaasi, waxaan markii dambe dhamaantood laga qaaday hubkii ay siteen oo laga xareeyey.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com
 

MAQAALADDII 2000-2001: Shakiib | Barkhadle | C++ | Java | Saahid | SomQurbaha | SRG | BCCP | SPR | Dr.Osman | Aamusanaha | Ingiriis | Duggaal | SASA | SouthAfrica | DeepThought | Leyla | Caddaawe | PMA | Africa | GreetingCards | Soyan | Moallim | SomCanada | MSSU | Shiike | Haile | SHASNA | M.Abdirashid | Xariri | Xal | Xawar | Halable | amiir | PL | SSB | Fahad | Maanso | Deeq | kancaan | PuntWatch | Gaashaan | Filasoofi | Sacmaal | Caddaani | Cambaro | Xaamud | Abhali | Xaashi | ICUPS | SSL | ISRAACA | UmuurahaIslaamka | ShibilDimoqrasi | Saahid | MoreInside

Magaalada London oo laga qaban-qaabinayo banaanbax looga soo horjeedo C/llaahi..

Wararka naga soo gaaraya Magaalada London ee dalka Ingiriiska waxay sheegayaan in Soomaalida ku nool dalkaasi, iyo kuwo kale oo ka imaanaya wadamada kale ee Yurub ay qaban-qaabo uga jiraan banaanbax ay kaga hor tagayaan C/llaahi Yuusuf Axmed oo saacadaha soo socda gaari doona Magaalada London oo u tagaya arimo caafimaad. Banaanbaxaan ayaa waxaa la sheegay in uu noqon doono banaanbixii ugu balaarnaa ee lagu sameeyey Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed, waayo, banaanbaxyadii hore waxay ahaayeen kuwo koobnaa, balse waa u ka duwan kani kuwii hore, sida ay wararku sheegayaan, waxa uuna ku soo beegmayaa xili C/llalahi Yuusuf lagu eedeeynayo in uu mas’uul ka yahay Ciidamada Itoobiya ee xoogga ku qabsaday dalka Soomaaliya.

Banaanbaxayaasha ayaa waxa ay dooneynayaan in ay Dowladda Ingiriiska ka dhaadhiciyaan in C/llaahi Yuusuf maxkamad la soo taago, iyagoo ku eedeeyey in uu mas’uul ka ahaa dilka Soomaali fara badan, waxaana banaanbaxaan sidoo kale ka qayb-qaadanaya xubno ka socda Ururka Xaquuqda Aadanaha ee Suldaan Horre Human Right, iyadoo Qoyska Suldaan Hurre ay sheegeen in dilka Aabahood uu ka dambeeyey C/llaahi Yuusuf Axmed.

Madaxweyne C/llaahi Yuusuf ayaa waxaa la filayaa in inta uu ku sugan yahay dalka Ingiriiska uu kulamo la yeesho mas’uul ka tirsan dalka Ingiriiska marka uu soo dhameysto arimaha Caafimaadkiisa la xiriira. C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa waxaa lagu cadaadinayaa in uu ka qayb-qaato dib u heshiisiin dhex marta Dowladda Federaalka ah iyo Maxaakiimta Islaamiga ah oo iyagu mudo lix bilood ah nabad ku soo dabaalay gudaha dalka Soomaaliya, gaar ahaan koonfurta iyagoo kasbaday kalsoonida shacabka.

Labo goobood oo lagu weeraray ciidamada Booliiska Federaalka.

Maalintii shalay ahayd ayaa labo goobood oo ku yaala Magaalada Muqdisho waxaa lagu weeraray ciidamada Booliiska Dowladda Federaalka.

Weerarkii ugu horeeyay ayaa waxa uu ka dhacay agagaarka jidka Warshadaha, gaar ahaan dhinaca Caymiska, waxaana halkaasi lagu dilay Askari ka tirsan ciidamada Booliiska, waxaana lagu dhaacay labo kale, dhacdadii labaad waxay ka dhacday Isgooyska Black-Sea waxaana, halkaas oo Ciidamo ka tirsan Dowladda ay ka soo duunteen in ay ka iibsadaan qaad, waxaana markiiba meesha soo gaaray Gaari Caasi ah oo ay ka soo degeen kooxo dabley ah waxayna rasaas la beegsadeen cidankaa Booliiska, waxaana halkaasi lagu dilay askari Booliis ah, waxaana lagu dhaawacay labo kale, hase yeeshee rasaastii la is weydaarsaday ayaa waxaa kuk dhintay labo qofood oo rayid ah oo ay mid ay ahayd Gabar shidaal halkaasi ku gada.

Waxaa maalmahan weeraro lagu hayey Ciidamada Booliiska ee Dowladda Federaalka waxaana lagu waramay markii Dowladdu timid Magaalada Muqdisho in la dilay Booliis gaaraya ilaa iyo 15, isla markaana lagu dhaaacay dhowr iyo labaatan kale, iyadoo ay u soo dheertay weerarada lagu hayo xarumaha Booliiska ee Gobalka Banaadir.

Warbixin ku saabsan qaraxiii lala beegsaday Gaari marayey agagaarka..

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax shalay lala beegsaday Gaari MarkII ah oo marayey wadada Gen. Daa’uud meel ku dhow Garoonka K/cagta ee Stadium Mogadishu.

Qaraxaasi ayaa waxaa ku geeryooday afar qofood oo saarnaa gaarigaasi, ilaa iyo haddana lama garanayo sababihii ka dambeeyey qaraxaasi, balse dad goob joog ahaa ayaa sheegay in Gaari Caasi ah laga soo tuuray bam laguna dhiftay gaarigaasi oo markiiba uu dab ka kacay.

Warar kale ayaa waxays heegayeen in Gaarigu uu siday waxyaabaha qarxa sidaasna uu ku qarxay, warar kale ayaa waxay sheegayaan in gaariga uu ku dhacay qori Hoobiye ah oo aan la garaneyn meel uu ka yimid, isku soo duuboo, waxaa Magaalada Muqdisho ku sii siqeysa xaalada u ek tan ka socota dalka Ciraaq, waxaana Magaalada Muqdisho ka dhacay qaraxyo iyo madaafiic lala beegsanayo goobaha ay ku sugan Ciidamada Itoobiya iyo kuwo Dowladda Federaalka, iyadoo weerarkii ugu dambeeyey lala beegsaday Isbitaalka Digfeer oo ay degan yihiin ciidamo Itoobiyaan ah.

Dowladda Yemen oo wada sidii ay Itoobiya uga dhaadhicin lahayd shirweyne Qaran oo..

Madaxweynaha dalka Yemen Cali Cabdala Saalax ayaa waxa uu wadaa qorshe uu Dowladda Itoobiya kaga dhaadhicinayo in la qabto shirweyne qaran oo lagu dhiso Dowlad Soomaaliyeed oo loo dhan yahay.

Madaxweynaha Yemen ayaa arintaani kala hadlay madaxweynaha dalka Itoobiya oo dhawaan booqday dalka Yemen, waxaana lagu waramay sida ugu wanaagsan oo loo qaban karo shir-weyne dib u heshiisiin Soomaaliyeed in ay tahay iyadoo la dhameeyo khilaafka ka dhex aloosan kooxaha isku haya dalka Soomaaliya.

Madaxweyne C/llaahi Yuusuf ayaa waxa uu horey u sheegay in Dowladdiisu ay qaban-qaabineyso shirweyne dib heshiisiin ah oo lagu dhameeyo khilaafyada u dhexeeya Beelaha Soomaaliyeed, basle waxaa arrintaani si aad ah uga soo horjeeda Midowda Yurub, iyo Dowladda Mareykanka oo iyagu doonaya in dib u heshiisiintu noqoto mid ay ka qayb-qaataan dhamaan kooxaha Siyaasadda Soomaaliya oo ay ku jiraan Golaha Maxaakiimta Islaamiga Soomaaliyeed.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Qaxootiga Soomaaliyeed ee ku nool dalka Ugandha oo amar lagu siiyey in ay ku laabtaan xereeyinkooda qaxootiga

Wasiirka gaanshaandhiga dalka ugandha ayaa shalay amar ku bixiyey in dhamaan qaxootiga soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Ugandha ay dib ugu laabtaan xerirooyinkooda qaxootida si loo sugo amaankooda.

Wasiirka oo hadalkisa sii raaciyey in ay masuul ka aheen wax allaala waxii soo gaaro cid allaala cidii sharci daro ku joogta magaalda gudoheeda.

Taasi oo ay keenayso, ciidamada nabad ilaalinta dalka Ugandha oo loo balanqaaday in loo diro dalka soomaaliya ay aadidoonaan isbuuca soosocda.

abdukadir adam (abdilucky)
abdilucky3@hotmail.com

Wararkii Gelinkii dambe ee shalay:::

Koox Hubeysan Oo Maanta ku Dilay Mid ka Mid ah Ciidammada Dowladda kmg Magaalada Muqdisho

Feb 18, 2007: Kooxo hubeysan ayaa ku toogtay Waddada Warshadaha Muqdisho mid ka mid ah ciidammada dowladda kmg ah iyagoo dhaawacay mid kale oo isagana ka mid ah ciidammada dowladda kmg ah oo saar naa gaari yar.

Dadka deegaankaas ayaa sheegay inay dilkan gaysteen kooxo watay gaari daboolan oo muraayado madow leh waxayna rasaas ku fureen gaariga ay wateen askartaan ka tirsan Dowladda, iyadoo la sheegay in mid ka mid ah askarta uu dhintay, halka mid kalena uu dhaawacmay.

sidoo kale dadka deegaanka ayaa waxay sheegeen in kooxahaasi ahaayeen kuwo ugaarsanayay ciidamada dowladda kmg ah .

Dadweyne fara badan ayaa soo buux dhaafiyey goobta uu dilkyu ka dhacay , lamana garanayo sababta dhabta ah ee keentay in la toogto ciidammada dowldda

si kastaba ha ahaatee maaha markii ugu horaysay ee sidan oo kale loogu toogto qaar kamida ciidamada dowlada waxaa lagu diley magaalada muqdisho ilaa labo askari oo boolis ah

yaasiin maxamed cali (faytin)
yaasiinfaytin@hatmail.com

Qarax Ka Dhashay Baabuur Crolla Ah Oo Ay Dad Si Xun Ugu Dhinteen Oo Ka Dhacay Muqdisho.

Baabuur noocyada yar-yar ee loo yaqaano crolla -da ayaa ku qarxay wadada gen, daa'uud ee xaafada towfiiq ee magaalada muqsdisho qararaxan oo ahaa mid si xun looga arga-gaxay ayaa waxaa lagu qiyaasay dadka ku dhintay 4 qof ,halka hal-qofina uu soo gaaray dhaawac halis ah .

Warar is khilafsan ayaa kasoo baxaya Qaraxaan oo aan ilaa hada la ogayn waxa uu ka dhashay ayaa goobjoogayaal ka ag dhowaa halka baabuurkaasi ku qarxayey waxay sheegayaan in gaari caasi ah oo soo dhinac maray gaarigan qarxay uu ku riday labo gantaal oo mid uu la helay midkii kalena uu la waayay, iyadoo warar kalena ay sheegayaan inay gaarigan ka buuxeen waxyaalaha qarxa .

Ma jiraan warar madax banaan oo xaqiijinaya ilaa iminka qaraxan baabuurkan carollada ah sababta dhabta ah ee keentay ,iyadoo ay jiraan maydka dadka oo aad u baaba,ay darteed lagu arkay hal qori oo noocyada yar yar ah isna gubtay islamrkaana dadka dhintay ayaa lagu qiyaasay markii xubnaha jirkooda qaarba meel laga soo uruuriyey afar qofood waloow ay jiri karaan inay soo kordhaan tiro intaas ka badan oo dhimasho ah .

Si kastaba ha ahaatee qaraxan baabuur ayaa kusoo beegmaya xaalad amaan xumo oo ka taagan magaalada muqdisho tan iyo xiligii ay soo gashay caasimada dowlada kmg ah iyo ciidamada xukuumada Ethioppia .

yaasiin maxamed cali (faytin)
yaasiinfaytin@hotmail.com


Siminaar lagu baranayo habka gudbinta iyo ka hortaga HIV/AIDS oo ka furmay xarunta Maamulka Gobolka Hiiraan

Feb 18, 2007: Siminnaar ay si wadajir ah u soo qabanqaabiyeen Hay'addaha UNICEF iyo Hay'adda COGWO oo lagu baranayay habka gubinta iyo ka hortagga cudurka HIV/AIDS-ka ayaa uga furmay Xarunta Maamulka Gobolka Hiiraan ee Baladweyne in ku dhow 50-gabdhood oo ku nool Gobolka Hiiraan.



Siminaarkaan ayaa waxaa fulinaya Hay’ad lagu magacaabo COCO oo ay leeyihiin Bulsho weynta Gobolka Hiiraan ku dhaqan, waxaana siminaarkani wajigiisa hore uu socon doonaa mudo dhan 4-bilood.

Haweenka ka qaybqaadanaya siminnaarkaan oo gaaraya 50-kan Haweenka ah ayaa la barayaa habka gudbinta iyo ka hortaga cudurka dilaaga ah ee HIV/AIDS isla markaana la filayo inay wax badan ka fahmaan qaabka ay uga hortagi lahaayeen cudurka dilaaga ah ee AIDS-ka.

Furitaankii Siminaarkan ayaa waxaa kasoo qayb galay Masuuliyiinta Hay'addaha, ururada bulshada rayidka, ururada haweenka, odayaasha dhaqanka Gobolka iyo xubno kale; waxaana xafladii furitaanka ka hadlay mas'uuliyiin badan oo ka mid yahay Gudoomiyaha Gudiga Odayaasha dhaqanka Gobolka Hiiraan Mudane; Dacar Xirsi Xooshow isagoo in badan ka hadlay tallaabadan muhiimka ah oo wax lagu barayo gabdhan gaaraya 50-ka gabdhood, wuxuuna ammaan balaaran u soo jeediyay Ururka COCO oo isku howlay qabashada barnaamijkaan faa’idada badan.

Maxamuud Axmed Xasan ( Xuurshe)
xuurshe114@hotmail.com
Muqdisho-Somalia
Tel:002521-5573321

Hay’adda SOYDEN oo maanta Siminnaar u furtay dhallinyaro gaaraysa 45-xubnoood kana kala socday gobollada dalka qaarkood

Feb 18, 2007: Ururka Isku xirka dhalliyarada Soomaailyeed ee (SOYDEN) ayaa maanta si rasmi ah ugu furtay dhallinyaro Soomaailyeed oo gaaraya 45-ruux isguna jira wiilal iyo gabdho tababar lagu baranayo WEBSITE PROJECT.



Barnaamijkaan oo socon doona muddo 10-casho ah ayaa ka furmay Xarunta Machadka SIMAD ee Magaalada Muqdisho, waxaana tababarkaan bixinaya dhaqaalaha ku baxaya Hay’adda u qaabisan Qarammada Midoobay Caruurta ee UNICEF.

Ugu horreyn ayaa furitaanka kulanka waxaa ka hadlay guddoomiyaha Information Technology ee Machadka SIMAD Mudane C/salaan Yuusuf Cabdi isagoo warbixin dheer ka jeediyay halkaas si weyn ugu ammaanay Hay’adda SOYDEN oo barnaamijkaan soo qabanqaabisay tababarka dhalliyarada u leh faa’iidada weyn ee ay soo qabanqaabiyeen Madaxda SOYDEN.

“Ururka Dhalliyarada ee SOYDEN wuxuu ka mid yahay ururrada inta badan dadaalka u galay inay horumarka dhalliyarada Somaailyeed wax ka qabtaan, waxaana ururka aanu leennahay xiriir wanaagsan, innagoo ku ammaanayna tababarkaan qiimaha badan ee ay soo qabanqaabisay” ayuu yiri C/salaan Yuusuf Cabdi Madaxa IT-ga Machadka SIMAD.

Guddoomiyaha Ururka SOYDEN Mudane; Cusmaan Muxyadiin Macallin (Shaatax) oo isagana ka hadlay kulanka ayaa wuxuu si weyn ugu nuuxnuuxsaday qaabka uu tababarkaan u soconayo iyo ardada wax ku baranaysa goobaha ay ka kala yimaadeen, isagoo yiri: “Tababarka wuxuu soconayaa muddo 10-casho ah, waxaana lagu qaadanayaan casharro kala duwan oo ay ka mid yihiin: NETWORKING, HARDWARE, DATABASE DEVELOPMENT IYO WEB DESIGNING, waxaana barnaamijyadaan oo dhan ay noqon doonaan kuwo faa’iido balaaran u yeesha dhallinyarada Soomaaliyeed ee ku sugan gudaha dalka iyo dibaddiisa, iyagoo sidoo kalena aaraadooda isku dhaafsan doona Internet-ka iyagoo kaashanaya barnaamijyada ay hadda baranayaan”.

Sidoo kale mar uu ka hadlay ardayda ka qaybqaadanaysa ee 45-ka qofood ah isuguna jira wiilasha iyo gabdhaha ayaa wuxuu yiri: “Ardayda ka qaybgalaysa barnaamijkaan qiimaha badan waxay ka kala yimaadeen gobollada dalka Qaarkood, gobollada la isku yiraahdo Southern and Central Somalia, iyadoo gobollada ay ka yimaadeen ay ka mid yihiin: Hiiraan, Bay, Bakool, Shabeelooyinka, Banaadir, Jubbooyinka iyo Gobolka Gedo”.

Mudane Shaatax ayaa sheegay in tababarkaan marka loo eego baaxadda uu leeyahay ay runtii aad u yar-tahay dhalliyarada ka qaybqaadanaysa, balse SOYDEN ay ka kordhin doono tirada intaan, waxaana uu sheegay in barnaamijkaan uu noqon doono mid ay SOYDEN marar kale oo fara badan qaban doonto.

“Waxaan rajenaynaan in dhallinyarada tababarkaan ka qaybgalaysa ay tababarka kaddib si weyn uga faa’iidaysan doonaan macluumaadka ay qaataan, iyadoo sidoo kalena aan kula dardaarmayo inay deegaannadii ay ka yimaadeen uga faa’iideeyaan markii ay dib ugu laabtaan” ayuu yiri Guddoomiyaha Ururka SOYDEN Mudane Shaataxa oo furitaanka xafladda ka jeediyay hadallo aad u qiimo badan.

Dhanka kale; Mudane Cusmaan Shaatax ayaa wuxuu mahad ballaaran u jeediyay Hay’adda UNICEF oo barnaamijkaan dhanka qarashaadka bixisay iyo weliba machadka SIMAD oo uu sheegay inuu ka kaalmeeyay dhanka qabashada barnaamijkaan YOUTH WEBSITE PROJECT.

Gabagabadii furitaanka barnaamijkaan ayaa waxaa ka hadlay guddoomiye ku xigeenka Hay’adda Tubta Nabadda isla markaana ah Afhayeenka Dhaqaaqa Bulshada Rayidka Soomaaliyeed Mudane C/llaahi Maxamed Shirwac oo isagu sheegay inuu aad ula dhacsan yahay qabashada barnaamijkaan oo uu ku sheegay inuu yahay mid aad u qiimo badan, isla markaana loo baahan yahay inay ka faa’iideystaan dhallinyarada Soomaaliyeed ee fursadda uga helay inay barnaamijkaan ka qaybqaataan.

Xafladda furitaanka oo ahayd mid aad u qiimo badan ayaa waxaa ka soo qaybgalay marti sharaf aad u fara badan oo dhammaantood aad ugu bogay barnaamijka ka furmay maanta SIMAD ee ay waddo hay’adda SOYDEN dhanka dhaqaalahana ay ka kaalmeynayso Hay’adda UNICEF.

Maxamuud Axmed Xasan ( Xuurshe)
xuurshe114@hotmail.com
Muqdisho-Somalia
Tel:002521-5573321

Bayaan: ka soo baxay Beesha Sade ee Denmark
Shirweyne ay qabanqaabisay jaaliyadda beesha Sade ee ku dhaqan dalkan Denmark, ayna  kasooqaybgaleen siyaasiyiin, aqoonyahanno, saraakiil ka tirsanaan jiray ciidamaddii Xoogga  Dalka Soomaaliya iyo qaybo kale ee bulshada beesha Sade, ayaa waxaa lagu qabtay Magaalada Århus ee dalkan Denmark . Akhri...

DANMARK: Suldaan Qiilmawaaye oo soo dhoweeyay Maamullada Jubbooyinka loo sameeyay
Laga soo billaabo markii uu Madaxweynaha DFMG Mudane Cabdullaahi Yuusuf uu u magacaabay maamulo gobollada Jubbooyinka, ayaa waxaa soo baxayay baaqyo ka imaanayay Jaaliyadaha ka soo jeeda Jubbooyinka,iyagoo ka bixinayay aragtidooda ku aaddan isbaddalladan cusub. Akhri...


Xabiibo: waa Gabar yar oo Isha uga soo baxday Buro oo u baahan Gargaar deg deg ah..
Xabiibo Xasan Max’ed Xaydar oo ah gabar shan jir ah kuna dhalatay Deegaanka Buur-Hakaba ee Gobalka Baay, aabbaheedna caafimaad ahaan u keenay Magaalada Muqdisho ayaa Dhakhaatiirtu waxay sheegeen in gabadhan aan waxba looga qaban Karin Soomaaliya oo ay u baahan tahay qaliin dibadeed. Akhri....

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH