SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
Wararkii: Feb 24, 2007
  • Khasaaraha Dagaalkii Dhex Maray kooxaha Hubaysan Iyo Ciidamada Ethiopia Oo Isa Soo Taraya ..
  • Dagaal ka fool ka fool ah oo aan waxba la isku la harin oo lagu qaadey Ciidamada Itoobiya..
  • Gacma Dheere oo ka codsaday Saxaafadda in aysan Buunbuunin dadka ka qaxaya..
  • Wasiirka Gaashaandhiga Uganda oo shalay soo gaarey Magaalada Muqdisho..
  • FIFA oo Muxiyadiin Darbaweyne ka dalbaday in uu faahfaahin ka bixiyo.
  • Dowladda ku meel gaarka ah oo soo dhaweysay Go'aankii Qaramada midoobey.
  • C/llaahi Yuusuf oo ku sii jeeda dalka Belgium..
  • Jabahada Xoraynta Soomaali Galbeed Oo Dagaalo Ba'an Kula Gashay Ciidamada Tigreega Gobolka Dhagax-buur Ee kilinka Shanaad Ee Ethiopia.

Khasaaraha Dagaalkii Dhex Maray kooxaha Hubaysan Iyo Ciidamada Ethiopia Oo Isa Soo Taraya ..

12 qofood oo 5 caruur ay tahay 3-na haween hooyooyin ah ay yihiin ayaa ku geeriyooday inta la ogyahay tiro ka badan 23 kalena dhaawac ayaa ka soo gaaray ka dib markii dagaal ka fool –ka fool ahi ku dhex maray xalay maqribnimadii kooxaha sida weyn uga soo hor jeeda ciidamada xukuumada Ethiopia iyo ciidankaas Ethiopianka xaruntii hore ee wasaarada gaashaandhiga ,iyadoo laysu adeegsaday madaafiicda waaweyn ee qoryaha BM-ka iyo tan qoriga hoobiyeha ka dhacda .

Kooxahan oo la garanayn halka ay ka amar qaataan ayaa weerar ku qaaday xalay maqribnimadii fariisinka ciidamada dowladda Ethiopia ay ku leeyihiin wasaaradii hore ee G/dhigga, dagaalkaasi oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan iyadoo ciidamada Ethiopiana ay ugu jawaabeen kooxahaasi madaafiicda BM-ka islamarkaana ay dad rayid ah ku waxyeeleeyeen daafaha iy gudaha magaalada Muqdisho .

3-da caruurta ah ee geeriyootay ayaa waxaa ku habsaday guriga ay ku jireen madafac kuwaasoo kusoo dhacayey xaafadaha Shirkole, agagaarka Hotel Salama ee u dhaxeeya Black Sea iyo Baar Ubax, iyo qaybo kamida xaafaddaha kamida suuqa bakaaraha iyadoo dadka deegaankaasina ay ku eedeeyeen madaafiicdaasi in ay soo tuureen ciidamada Ethiopia ee degan wasaaradda Ex-gaashaandhiga .

Sidoo kale madaafiic ayaa kusoo dhacday agagaarka suuqa Bakaaraha dhinaca shirakadaha xawaaladaha ee jidka labaad waloow aan la ogayn khasaaraha ay gaysteen

Dad rayid ah oo aad u fara badan oo gacmaha ku sita caruurtooda ayaa lagu arkayay xalay xiligii dagaalku istaagay iyagoo socod ku maraya wadooyinka magaalada Muqdisho , kuwaas oo ka qaxaya xaafadaha shir kole iyo Black Sea, iyadoo dadkaasi qaarkood miciin bideen guryaha shubka ka sameysan ee dabaq-yada .

Madaafiic hoobiyeyaal ah ayaa sidoo kale ku dhacay agagaarka Sanca ee W/magaalada Muqdisho, ayaa waxay ku habsadeen guri ku yaalay deegaankaasi islamarkaana ay ku naf waayeen hooyo iyo labo caruur ah oo ay dhashay.

Qaraxa madaafiicda ayaa si weyn u gil gil-gilay guud ahaan magaalada muqdisho iyadoo ay dadka rayidka ahi oo aan waxba galabsan ay ku waxyoolaabayaan weeraradaan ,cabsida wel-welka laga qabo deganaanshaha caasimada muqdisho ayaa yaraaday iyadoo dadka badankiisu kasii barakacayaan.

Maaha markii ugu horaysay ee sedan oo kale madaafiic loola beegsado dadka rayidka ah ee u badan caruurta iyo haweenka (biri ma geydada ) labo maalmood ka hor ayaa sidan oo kale waxaa ku dhintay 15 qofood iyo in ka badan halka dhaawacuna noqday 60-qofood, shacabkuna waxay aaminsan yihiin in aysan jirin wax kamida masuuliyiinta dowlada kmg ah ka tirsan oo u diir naxaya dadka rayidka ah ee ku baaba'aya magaalada muqdisho.

Yaasiin maxaamed cali (faytin)
yaasiinfaytin@hotmail.com


Dagaal ka fool ka fool ah oo aan waxba la isku la harin oo lagu qaadey Ciidamada Itoobiya..

Intii aysan soo gelin Salaadda Maqrib ee caawa (habeen Jimce oo ay soo geleyso Sabti) ayaa dagaal kii ugu kharaaraa oo ka fool ka fool ah oo aan waxba la iskula harin waxa uu ka dhacay xarunta Wasaaradda Gaashaandhiga oo ay degan yihiin ciidamo Itoobiyaan ah.

Dagaalkaan oo mudo socday ayaa waxay Ciidamada Itoobiya waxay adeegsanayeen Madaafiicda Waaweyn, kuwaas oo ay ku ridayeen goobo ka fog fog halka ay ku jireen Ciidamada Muqaawamada oo aan sidaasi uga fogeyn, waxa ayna madaafiicdaasi ku dhacayeen qaybo ka mid ah Magaalada Muqdisho, waxaana ka mid ah goobihii ay ku dhaceen Kaaraan, Sanca, Qaybo ka mid ah Bakaaraha, Shiirkole, iyo Cali Kamiin, waxayna madaafiicdaasi geysteen khasaare isugu jira dhimasho iyo Dhaawac, waa sida wararka ugu horeeyey ee ka soo baxay meelahaas lagu sheegay.

Dagaalkaan ayaa ka duwanaa kuwii maalmahan ka dhacayey Magaalada Muqdisho, waayo waxaa si toos ah loo weeraray markii ugu horeysay Fariismaha Ciidamada Itoobiya, gaar ahaan Wasaaradda Gaashaandhiga.

Weerarkaani waxa uu ku soo beegmay xili uu shalay Muqdisho yimid Wasiirka Gaashaandhiga ee Dalka Uganda (oo aad warbixintiisa hoos ku arki doonti), kaas oo indha-indheynayey goobaha ay Ciidamada Uganda ka degi doonaan Magaalada Muqdisho.

Ciidamada Itoobiya ayaa madaafiic aan loo meel dayin ku garaacayey qaybo ka mid ah Magaalad Muqdisho, kuwaas oo ay waxyeelo ka soo gaartay dad rayid ah oo aan waxba galabsan. Dadkii ku dhaawacmay oo la damacsanaa in la gaarsiiyo Isbitaalada Magaalada Muqdisho ayaa la waayey goobo la marsiiyo, waxaana daawooyin ku meel gaar ah loogu sameynayey Farmashiyaasha ku dhow meesha uu dagaalku ka socday, waxaana dadka qaarkii la tilmaamay in ay soo wajihi karto dhiigbax, aad u daran.

Madaafiicda waxay xoogooda ka dhacayeen Wasaaradda Gaashaandhiga iyo Xaruntii hore ee Ciidanka Asluubta ee duleedka Magaalada Muqdisho.

Gacma Dheere oo ka codsaday Saxaafadda in aysan Buunbuunin dadka ka qaxaya..

Wasiirka Arimaha dibadda Max’ed Sheekh Maxamuud Guuleed (Gacma Dheere) ayaa shalay Hotel Ambassador ee Magaalada Muqdisho waxa uu kulan kula yeeshay qaybaha kala duwan ee Warbaahinta, waxa uuna ka dalbaday inay u shaqeeyaan dalkooda iyo dadkooda oo ay ka daayaan oo ay ka daayaan wararka ay buun-buuniyaan, gaar ahaan dadka ka qaxaya Magaalada Muqdisho.

Waxa uu sheegay Gacma-Dheere in Saxaafadda ay tahay mid bulshada ku hagi karta Wanaaga, waxa uuna sheegay in Saxaafadda Muqdisho looga baahan yahay inay ka shaqeeyaan nabadda iyo dib u heshiisiinta, waxaa kaloo ka hadlay Wasiirka Deegaanka iyo Duur-Joogta Maxamed Maxamuud Xayd oo isna sheegay in dib u heshiisiinta ay wado ka bilaabatay dhinaca War-Baahinta isagoo sheegay in Saxaafaddu ay tahay midda keliya ee Bulshada tusi karta dariiqa toosan, sidoo kale waxaa ka hadlay Wasiir ku Xigeenka Warfaafinta Yuusuf Geele Ugaas oo isna sheegay in kulankaan uu ka mid yahay kulamo ay Dowladda Federaalka ku dooneyso nay xasilooni ku soo dabaasho Magaalada Muqdisho.

Dhanka kale waxaa ka hadlay Wakiilka Midowga Yurub u fadhiya Soomaaliya Yuusuf Barbari oo isna kula dardaarmay Warbaahinta in ay ka shaqeeyaan waxyaabo isku soo dhaweyn kara Bulshada.

Wasiirka Gaashaandhiga Uganda oo shalay soo gaarey Magaalada Muqdisho..

Wasiirka Gaashaandhiga ee Uganda oo maalmahan booqasho ku joogay dalka Soomaaliya, ayaa shalay soo gaaray Magaalada Muqdisho, waxa uuna kulamo kula yeeshay mas’uuliyiinta iyo Saraakiil ka tirsan Ciidamada Itoobiya iyo kuwo Federaalka, waxaana la iskula soo qaaday sidii loo soo dejin lahaa ciidmada Uganda si ay ula wareegaan ammaanka qaybo ka mid ah Magaalada Muqdisho. Wasiirku waxa uu booqday xerooyin ay degan yihiin ciidamada Itoobiya oo ay ka mid yihiin Dekedda, Garoonka Diyaaradaha, Asluubta, Madaxtoonyada iyo Gaashaan-dhiga, waxa ayna booqashadiisu ku soo beegan tahay xili shalay weerar ka fool ka fool ah dhex maray Ciidamada Itoobiya ee ku sugan Wasaaradda Gaashaandhiga iyo kooxo aan la garaneyn.

FIFA oo Muxiyadiin Darbaweyne ka dalbaday in uu faahfaahin ka bixiyo.

Maalintii khamiistii ahayd ayaa Guddiga Fulinta Xiriirka Soomaaliyeed ee K/cagta waxa uu qabtay shir jaraa’id waxa uuna ku faahfaahiyey xaaladda Xiriirka Soomaaliyeed ee K/cagta waxa uuna guddigu sheegay in Guddoomiyaha Xiriirka Soomaali-yeed ee K/cagta Muxiyadiin Xasan Cali (Darba-Weyne) uu ku xadgudbay dastuurka, isla markaana uu lunsaday dhaqaalihii loogu talagalay Xiriirkaasi ee lagu hormarin lahaa K/cagta.

Xiriirka K/cagta Adduunka ee FIFA ayaa warqad qoraal ah soo gaarsiiyey Guddoomiyaha Xiriirka K/cagta Soomaaliyeed Muxiyadiin Darbaweyne oo lagaga dalbanayo in uu faahfaahin ka bixiyo lacagaha lagu eedeeyay in uu lunsaday, waxaana guddoomiyaha haatan laga sugayaa in uu meel saaro dhaqaalahaasi, sidoo kale FIFA waxay sheegtay in Guddoomi-yaha xilka qaadi karin Xoghayaha Xiriirka Cabdi Qani Siciid Carab, iyagoo sheegayin xil ka qaadistaasi ay sameyn karaan oo keliya guddiga Fulinta Xiriirka Soomaaliyeed ee K/cagta, oo iyagu xil ka qaadistaasi go’aan ka gaari kara

Dowladda ku meel gaarka ah oo soo dhaweysay Go'aankii Qaramada midoobey.

Dowladda ku meel gaarka ah ayaa si weyn u soo dhaweysay go’aankii Qaramada Midoobey ee ahaa in Soomaaliya loo diro ciidamo nabad ilaalin ah, afhayeen u hadlay Dowladda ayaa waxa uu sheegay in go’aankaasi uu yahay mid wax ka tari doona nabadgelyada iyo xasiloonida gudaha dalka Soomaaliya.

Afhayeenku waxa uu sheegay in loo baahan yahay in sida ugu dhaqsiyaha badan loo soo dejiyo ciidamada nabad ilaalinta ee Soomaaliya, sidoo kale waxa uu ka codsaday Qaramad Midoobey inay gacan ka gaysato dhaqaalaha ku baxaya ciidankaasi, maadaama Lix bilood kadib ciidamada ku sugan Soomaaliya ee nabad ilaalinta ay ku shaqeyn doonaan magaca Dalladda Qaramada Midoobey.

Ilaa iyo haatan Dowladihii ballanqaaday inay Soomaaliya u soo diraan ciidan nabad ilaalin ah ayaan laga heyn, inkastoo Dowladda Uganda ay sheegtay inay maalmaha soo socda ay Soomaaliya u soo diri doonto cutubkii ugu horeeyey.

C/llaahi Yuusuf oo ku sii jeeda dalka Belgium..

Wararka naga soo gaaraya Magaalada London waxa sheegayaan in Madaxweyne C/llaahi Yuusuf uu ka baxay isbitaalkii uu kaga jiray Magaalada London, waxaana la filayaa in Madaxweynuhu uu gaaro dalka Belgium oo xarun u ah Midowga Yurub.

Madaxweynaha ayaa la filayaa in inta uu joogo dalkaasi uu kulamo la yeesho mas’uuliyin ka tirsan Midowga Yurub, si ay uu uga dhaadhiciyo in ay gacan siiyaan Dowladda Federaalka ah, isla markaana ay xayiraada ka qaadaan dhaqaalaha uu Midowga Yurub ugu talagalay Dowladda.

Midowga Yurub ayaa horey u dhaqaalihii uu ugu talagalay Dowladda Federaalka ah ku xiray shuruudo ay ka mid yihiin in ay Dowladdu kulan dib u heshiisiin ah la sameyso kooxaha ka soo horjeeda Dowladda Federaalka oo ay ku jiraan Midowga Maxaakiimta Islaamiga ah, hase yeeshee Madaxweyne C/llaahi Yuusuf ayaa sheegay in aysan waqtigaan wax ay Dowladdu la heshiiso, balse ay kulamo dib u heshiisiin ah u qabanqabin Doonto Beelaha Soomaaliyeed ee ay dirirtu dhex martay, si colaaddii dhex tiil meesha looga baxsho.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com 


Jabahada Xoraynta Soomaali Galbeed Oo Dagaalo Ba'an Kula Gashay Ciidamada Tigreega Gobolka Dhagax-buur Ee kilinka Shanaad Ee Ethiopia.

Feb 23, 2007: Shir saxaafadeed ku aadan dagaalada ka soconaya deegaanada ismaamulka kililka shanaad ee Ethiopia oo ay soo saareen jabahada xoraynta soomaali galbeed , deegaanka Gosolalay, oo ka tirsan gobalka Dhagaxbuur,ee ismaamulka kilinka shanaad ee Ethiopia ayaa sheegaya in uu dagaal culusi ku dhexmaray mujaahindiinta Soomaali galbeed iyo ciidamada Tigreega ee xooga ku haysta dhulka Soomaali Galbeed.

Dagaalkan ayay sheegteen Mujaahidiinta Soomaali Galbeed in ay ciidamada Tigreega kaga dileen 29 askari iyagoo sheegay in ay kaga dhaawaceen tiro intaa ka badan.

Dhanka mujaahidiinta ayaa waxaa dagaalkaa kaga shihiiday sida warku nagu soo gaarayo 3 Mujaahid oo kala ah Macalin Bashiir Xabiib, Mujaahid Ciise iyo Cabdulaahi Yare, majaahidiinta Soomaali Galbeed ayaa bilihii ugu dambeeyay ka waday dhulka Soomaali Galbeed diyaar garow culus oo ay rabaan in ay kula dagaalamaan ciidamada Wayaanaha ee dhulkooda gumaysiga ku haysta.

MJXSG, wuxuu ugu baaqayaa dhamaanba shacabka Soomaaliyeed kuwii horay loo gumaysan jiray iyo kuwa manta la qabsadayba in ay udiyaar garoobaan sidii ay isaga xorayn lahaayeen Tigreega,

Sidoo kale waxuu Midowga Jabhadda xoraynta Soomaali Galbeed ay ugu baaqaysaa Beelaha walaaha ah ee ku dagaalamaya deegaanka Daroor ee gobolka dhagaxbuur in si shuruud la,aan ah ku joojiyaan dagaalka kuna dhameeyaan wax kasta oo dhexdooda ah wada hadal iyo is afgarad ogaadaana cida kaliya ee ka faa,idaysa dagaalka in ay tahay gumaysiga haysta dhulkooda oo mar walbana ka shaqaynaya in ay iyagu isku mashquulan waa inay ogaadaan dagaal wiilbaa ku dhinta ee wii kuma dhasho.

Yaasiin maxamed cali (faytin)
yaasiinfaytin@hotmail.com


Kulan Ballaaran Oo Dhex Maray Qaybaha Saxaafada Madaxa Banaan Iyo Dowlada kmg ah .

Feb 23, 2007: Kulan ballaaran oo ay soo qaban qaabisay wasaaradda arimaha gudaha dowladda KMG ah, ayaa maanta ka dhacay hotel ambassador ee magaaladan muqdisho kulankan oo ay kasoo qayb galeen qayabaha warbaahinta ,xildhibaano iyo wasiiro ka tirsan dowlada kmg ah ee soomaaliya .

Kulankan ayaa waxaa ugu horreynba ka hadalo kasoo jeediyey wasiirka arimaha gudaha dowladda KMG ah, Max'ed Max'uud Guuleed (Gacmo Dheere), isagoo sheegay in warbaahintu iyo dowladda ay waajib ka wada saaran yihiin bad-baadinta shacabka soomaaliyeed , islamarkaana warbaahinta ku dhaliilay sida ay u soo qaataan dhacdooyinka ka dhaca badanaaba magaalada Muqdisho oo uu ku tilmaamay mid ay saxaafadda si weyn u buun -buuniso sida qaraxyada ka dhaca Muqdisho iyo dadka rayidka ah ee ka qaxaya taasina uu ku tilmaamay mid qaldan waa siduu hadalka u dhigaye .

Sidoo kale wasiirka ayaa intaas ku daray inuu aad uga xun yahay madaafiicda iyo xaaladda amaan xumo ee ka jirta magaalada Muqdisho iyo dhibaatooyinka soo gaaraya shacabka umada soomaaliyeed oo u badan dadka rayidka ah ee reer muqdisho , isagoo xusay in dhowaan la soo saari doono sharci iyo xeer ku saabsan saxaafadda oo lagu dhaqmi doono .

Kulankan ayaa sidoo kale waxaa ka hadlay Max'ed Max'uud Xeyd oo ka tirsan golaha wasiirada dowlada kmg ah , isagoo sheegay in lagama maarmaan ay tahay in saxaafaddu ka qayb qadadato dib u heshiisiinta iyo isu soo dhaweynta shacabka, isagoo ku tilmaamay dowladda KMG ah in ay tahay mid taag daran oo aan awood badan laheyn, laakiin warbaahinta looga baahan yahay inay kaabto oo ay buuxiso kaalinkeeda kaga aadan dib u dhiska dalka soomaaliya .

Waxaa kaloo ka hadalay kulankan Xildhibaan Dhagdheer, wakiilka dowladda KMG ah ee Midowga Yurub yuusuf Bari Bari iyo xildhibaano kale oo saxaafadda kula dardaarmay in ay ka shaqeeyaan badbaadinta umadda kana shaqeeyaan dib usoo noolaynta nabadii iyo kala dambayntii

Kulankan ayaa waxaa wasaarada warfaafinta dowlada kmg ah uga soo qayb galay wasiir K/xigeenka wasaarada warfaafinta Yuusuf geelle oo ka war bixiyay ujeedada kulanka iyo muhiimada ay u leedahay warbaahintu umadda soomaaliyeed .

Si kastaba ha ahaatee kulankan ay wada yeesheen qaybaha saxaafada iyo dowlada kmg ah ayaa ka qayb ah kulamo isdaba joog noqon doona asbuucyadan foodda inagu soo haya oo ay dowladu la qaadan doonto qaybaha kala duwan ee bulshada gobolka banaadir ,sida uu ka dhawaajiyey wasiirka arimaha guduhu .

Yaasiin maxamed cali (faytin)
yaasiinfaytin@hotmail.com


Xarfo oo ka Tirsan Gobolka Mudug oo Degmo loo Magacaabey.

Feb 23, 2007: Waxaa Shirkii khamiis laha ahaa ee ay yeesheen Khamiistii Golaha Wasiirada ee Dowlad Goboleedka Puntland lagu ansixiyay oo la magacaabey sedex degmo oo ay ka mid tahay degmada xarfo oo ka tirsan gobolka mudug.

Xarfo waa Magaalo qadiimi ah oo soo jireen ah waxayna dhinaca bari xigtaa magaalo madaxda gobolka mudug ee gaalkacyo waxa ayna u dhaxeysaa degmada burtinle ee gobolka nuugaal iyo bacaadweyn oo ka tirsan gobolka mudug.

Degmada Xarfo ayaa waxa ay noqonaysaa degmadii 35 oo uu magacaabo Maamulka Dowlad Goboleedka Puntland waxaana dhawaan la filayaa in loo dhiso oo laga hirgaliyo golaha shacabka deegaanka ee degmada xarfo.

Degmooyinka kale ee uu Maamulka Punltand magacaabey ayaa waxaa ka mid ah godob jiiraan oo ka tirsan gobolka nugaal iyo kalabayr oo ka tirsan ayana gobolka sool iyo degmada Xarfo oo ah degmada ugu weyn sedexdaas degmo oo uu khamiistii maamulka puntland magacaabey.

Isku soo wada duuboo degmooyinkan lamagacaabey ayaa la filayaa in dhawaan oo dhisi doono golaha shacabka deegaanka, waxaana uu maamulka Puntland uu horey meel uu degmooyin u magacaabey ka hirgaliyay golaha shacabka deegaanka degmooyinkaasi.

Yusuf Gaduudow
E-mail yusufgaduudow@hotmail.com
Bosaso,Puntland,Somalia



Warbixin: Ardeyda Jaamacadda Kismaayo oo soo Gabagabeysay Semestrerka (1) ee wax barashada.. Akhri..

Gen. Cadde Muuse oo Ammanay Hay'adaha Samafalka...

Madaxweynaha DGPL, Cadde Muuse, ayaa Isniin Feb 19, 2007 magaalada Garoowe kulan kula yeeshay hay'adaha samafalka ee fadhigoodu yahay magaaladaas, waxana uu sheegay in hay'adaha samafalka ee jooga Garoowe inay hawl wanaagsan qabteen. Isagoo arrintaas ka hadlaya Gen. Cadde Muuse waxa uu yiri: "Qolooyinkii United Nation-ka IYAGOO DHAN waa noo yimaadeen kulligood wax fiican bay noo qabteen iyagana si aad iyo aad ah ayaan ugu mahad naqayaa iyo waxyaalahay qabteen." Dhegeyso Hadalkii Gen. Cadde.

Mar sii horeysey ayey ahayd markii Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda ee DGPL, Maxamed C. Y. Gaagaab uu dhaliil u jeediyey hay'adaha Samafalka ee jooga Soomaaliya. Xilligaas oo uu Wasiirku la hadlayey dad Soomaaliyeed oo jooga magaalada Minneapolis ee dalka maraykanka waxa hadaladdiisii ka mid ahaa "Ha'adaha dalka Soomaaliya jooga waxay isu haystaan in ay yihiin madaxweynihii dalka." Dhegeyso Hadalkii Gaagaab...


Xabiibo: waa Gabar yar oo Isha uga soo baxday Buro oo u baahan Gargaar deg deg ah..
Xabiibo Xasan Max’ed Xaydar oo ah gabar shan jir ah kuna dhalatay Deegaanka Buur-Hakaba ee Gobalka Baay, aabbaheedna caafimaad ahaan u keenay Magaalada Muqdisho ayaa Dhakhaatiirtu waxay sheegeen in gabadhan aan waxba looga qaban Karin Soomaaliya oo ay u baahan tahay qaliin dibadeed. Akhri....

Guddiga fulinta Xiriirka Soomaaliyeed Kubadda Cagta oo ku eedeeyey Darbaweyne in uu Lunsadey Lacag
.Kun Guri oo ku gubatay Degmada Baardheere
.Prof. Dhalxa oo ka qaybgalay xuska maalinta Afka hooyo
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Feb 23

Cabdishukri Cali Xirsi oo Cambeereeyey madaafiicda ay ciidamada dowladda iyo kuwa Itoobiya ku Garaacayaan Shacabka reer Muqdisho... Akhri... Feb 23

Madaafiicda Ka Dhaca Qoryaha Hoobiyaha Oo Lagu Weeraray Garoonka Weyn Ee Muqdisho.
.Itoobiyaanka oo qafaashay Khaadimkii Masaajidka isbaahaysiga
.Ciidamada Ethiopia Oo Baaritaan Ku Haya Niqaabka..
."C/Laahi iyo Cadde Muuse ma matalaan Reer Puntland"
.Cabdirashiid Cali oo Deeq Lacageed soo gaarsiiyey Xabiibo
.UK: Banaanbax looga soo horjeeday madaxweyne C/llaahi
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Feb 22

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH
 
MAQAALADDII 2000-2001: Shakiib | Barkhadle | C++ | Java | Saahid | SomQurbaha | SRG | BCCP | SPR | Dr.Osman | Aamusanaha | Ingiriis | Duggaal | SASA | SouthAfrica | DeepThought | Leyla | Caddaawe | PMA | Africa | GreetingCards | Soyan | Moallim | SomCanada | MSSU | Shiike | Haile | SHASNA | M.Abdirashid | Xariri | Xal | Xawar | Halable | amiir | PL | SSB | Fahad | Maanso | Deeq | kancaan | PuntWatch | Gaashaan | Filasoofi | Sacmaal | Caddaani | Cambaro | Xaamud | Abhali | Xaashi | ICUPS | SSL | ISRAACA | UmuurahaIslaamka | ShibilDimoqrasi | Saahid | MoreInside
Shan ciidamada Itoobiya oo kufsaday Gabar Soomaaliyeed Akhri...