Wararkii: Feb 25, 2007
- Xabiibo
Xasan oo Geeryootay...
- Ugaas
Max’ed Weli oo sheegay in ciidamada Maxaakiim
aysan Madaafiic ka dhex ridin shacabka..
- Urur cusub
oo la magac-baxay Xoogaga Difaaca Shacabka oo
looga dhawaaqey..
- Max’ed
Dheere oo sheegay in uusan aqoonsaneyn Maamulkii...
- Ciidamada
Itoobiya ee ku sugan Kismaayo oo ay soo wajahdey
Cabsi...
- Guddiga
Ilaalinta Deegaanka Gobalka Shabeelada hoose oo
uga digey..
- C/llaahi
Yuusuf oo soo gaaray Magaalada Addis Ababa..
Xabiibo
Xasan oo Geeryootay...
Xabiibo
Xasan Axmed Xaydar oo ah gabar Shan jir ah oo ay
isha buru uga tiil ayaa maalintii shaley ahayd ku
geeryootay Magaalada Muqdisho kaddib markii Ishu ay
keentay Dhiigbax.
Aabbaheed Xasan Axmed Xaydar ayaa u mahadceliyey
intii damacsaneyd in ay gabadhaasi caafimaad ahaan
la tacaalaan, waxa uuna Illaah kaga baryey in uu
bedel khayr qaba siiyo.
Sidoo kale adeerkeed C/waaxid Axmed Xaydar ayaa isna
u mahadceliyey intii dooneysay inay gabadhaasi u
gargaaraan, waxa uuna illaah uga baryey in uu ajir
iyo xasanaad ugu bedelo.
Amiin Yuusuf Khasaaro oo gabadhaan xaaladeeda la
socday ayaa u xaqiijinaya dhamaan ummadda
Soomaaliyeed ee ku nool dalka gudihiisa iyo
dibaddiisa in Xabiibo Xasan ay geeryootay, waxa uuna
u soo jeedinayaa sidoo kale Web-Site horey
warbixinteeda loo galshay inay la socdaan in ay
Xabiibo Xasan Geeryootay. [
Qoraaladii laga qoray Xabiibo ]

Ugaas Maxamad Wali |
Ugaas Max’ed Weli
oo sheegay in ciidamada Maxaakiim aysan Madaafiic ka
dhex ridin shacabka..
Ugaas Max’ed Wali oo aan la ogeyn halka uu ku sugan
yahay mar uu la soo xiriiray saxaafadda Muqdisho
waxa uu soo dhaweeyey dagaalada iyo qaraxyada ka
socda Magaalada Muqdisho.
“Ciidamada Maxaakiimta wax lug ah kuma lahan,
hoobiyayaasha laga dhex tuuro, xaafadaha dhexdooda,
balse iyagu waxay beegsadaan ciidamada Itoobiya iyo
kuwo la shaqeeya” ayuu yiri Ugaas Max’ed Wali oo
sheegay in waqti aan sidaasi u fogeyn ay dib u soo
laaban doonaan ciidamadii Maxaakiimta Islaamiga ah.
Ugaas Max’ed Wali waxaa kale oo uu sheegay in ay ku
jiraan abaabul iyo is diyaarin ay ku doonayaan in ay
dalka kaga saaraan ciidamada Itoobiya iyo kuwa
dabadhilifka u ah waxaa kale oo uu sheegay in
mas’uuliyiinta Maxaakiimta Islaamiga ah dhamaantooda
ay bad qabaan. Ugaasku waxa uu sheegay in kooxaha
muqaawamada ah ee dagaalada ka wada Mqdisho ay wixii
haatan ka dambeeya dagaalkoodu noqon doono mid ka
fool ka fool ah.
:::: Laba bilood
oo Maanta u buuxsantey intii Ciidamada Itoobiya ay
ku sugnaayeen Caasimada Soomaaliya ee Muqdisho..
Feb 25, 07:
Kismaayo
(56), Muqdisho
(60), Beledweyne
(63), Baydhabo
(71), Galkacyo
(92)
Urur cusub oo la
magac-baxay Xoogaga Difaaca Shacabka oo looga
dhawaaqey..
Maalintii shalay
ahayd Magaalada Muqdisho looga dhawaaqay urur cusub
oo la magacbaxay Xoogaga difaaca shacabka
soomaaliyeed "Somali Popular Defence Army (SPDA)"
waxaana ururkaasi la sheegay in uu ka hawgali doono
dhamaan gobalada Dalka, isla markaana uu bilaabi
doono weeraro ay kaga soo horjeedaan Ciidamada
Itoobiya oo ay sheegeen in ay ku soo duuleen dalka.
Ururkaan ayaa ilaa iyo haatan la ogeyn
Guddoomiyihiisa, waxayna sheegeen in ay ku mideysan
yihiin dhamaan qaybaha kala duwan ee Bulshada,
kuwaas oo uu ururku sheegay in ay si aad ah uga soo
horjeedaan ciidamada Xabashida iyo kuwa la
shaqeeyaba.
Dhawaan ayey ahayd markii urur la magacbaxay
Dhaq-dhaqaaqa Muqaawamada Shacabka Soomaaliyeed
looga dhawaaqay Magaalada Muqdisho, kaasoo meel
fagaare ah kala hadlay Bulshada Soomaaliyeed,
waxayna sheegeen in ay weeraro waaweyn ka gaysan
doonaan Magaalada Muqdisho.
Waxaa Magaalada Muqdisho ka socda weeraro iyo
qaraxyo waaweyn oo lala beegsanayo xarumaha
ciidamada Itoobiya kaga sugan yihiin Magaalada
Muqdisho, waxa uuna weerarkii ugu ba’naa ka dhacay
xaruntii hore ee Wasaaraddii Gaashaandhiga, waxa
uuna socday mudo daqiiqado waxa uuna gaystay qasaare
naf iyo maalba leh.
Max’ed Dheere
oo sheegay in uusan aqoonsaneyn Maamulkii...
Max’ed Dheere oo ahaa Guddoomiyihii Siyaasadda
Gobalka Sh/dhexe ayaa waxa uu sheegay in uusan
aqoonsaneyn maamulkii uu dhawaan ku dhawaaqay
Ra’isul Wasaare Cali Max’ed Geedi ee gobalka Sh/dhexe.
Max’ed Dheere waxa uu sheegay in ciidamo isaga
daacad u ah ay haatan gacanta ku hayaan Magaalada
Jowhar, kuwaas oo uu sheegay in ay sugayaan ammaanka
gobalkaasi.
Max’ed Dheere ayaa tilmaamay in maamulkii uu
magacaabay Cali Geeddi aysan ula imaan wax dukumenti
ah oo caddeynaya magacaabista Ra’isul Wasaare Cali
Max’ed Geedi, isla markaana ay iyaga gacanta ku sii
haynayaan gobalka Sh/dhexe.
Maamulkii uu magacaabay Cali Max’ed Geedi ee gobalka
Sh/dhexe ayaa markii ay tageen Magaalada Jowhar oo
ay damceen in halkaasi ka sii wadaan hawlahooda ayaa
waxaa dhacday in ciidamo daacad u ah Max’ed Dheere
ay halkaasi ka soo saaraan kuna amreen inay dib ugu
laabtaan Magaalada Muqdisho.Maamuladii ay Dowladdu u
magacowday gobalada ayaa dhamaantood waxaa ka hor
yimid Bulshada iyo Beelah halkaasi dega.
Ciidamada
Itoobiya ee ku sugan Kismaayo oo ay soo wajahdey
Cabsi...
Wararka naga soo gaaraya Magaalada Kismaayo, waxay
sheegayaan in Magaalada Kismaayo lagu daadiyey
waraaqo looga soo horjeedo ciidamada Itoobiya ee
dhawan la wareegay ammaanka magaaladaasi kaddib
markii beelaha halkaasi dega ay ku heshiisiin
waayeen nidaamaka iyo dhinaca ciidamada.
Ciidamada Itoobiya ayaa waraaqahaasi markii la
daayey kadib waxaa soo wajahay cabsi iyo walwal,
waxayna maalin walba kulamo la yeeshaan Odoyaasha
iyo Waxgaradka beelaha dega magaaladaasi, waxayna ka
codsadeen in ay soo sheegaan ciddii ka dambeysya
inay daadiso waraaqahaasi. Ciidamada Itoobiya oo si
aad ah isu ilaaliya ayaa waxa ay maalin walba
kormeer ku sameeyaan dhamaan dariiqyada iyo
wadooyinka soo gala Magaalada Kismaayo, iyagoo
raadinaya hub.
Waraaqaha waxaa ku qornaa “Haddii aysan Ciidamada
Itoobiya si dhaqsi leh uga bixin Kismaayo in ay la
kulmi doonaan cawaaqib xumo
Guddiga
Ilaalinta Deegaanka Gobalka Shabeelada hoose oo uga
digey..
Qoraal uu soo saaray Guddiga ilaalinta Gobalka Sh/hoose
ee ENAHO ayaa waxay ku sheegeen in ay soo kordhayaan
dad ka dhigtay mehrad in ay gubaan ama ay jaraan
iyagoo aan u Aabbe yeeleyn noocyada kala duwan ee
dhirta, taasoo haddii aan laga hortagin sababi karta
nabaadguur xoog leh oo soo wajaha gobalka Sh/hoose,
taas oo ay dadku u isticmaalaan dhuxul ahaan iyo
xaabo ahaan. Guddoomiye ku xigeenka guddigaasi Dr.
Jaylaani Busur Sheekh Mayow, waxa uu uga digayaa
dhamaan dadka ku hawlan xaalufinta dhirta iyo
deegaanka inay joojiyaan loona hogaansamo baaqii
dhawaan ka soo baxay Madaxweyne C/llaahi
C/llaahi Yuusuf
oo soo gaaray Magaalada Addis Ababa..
Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed oo baaritaan
caafimaad u tagay dalka Ingiriiska ayaa intii uusan
ka soo ambabixin waxa uu kulan la yeeshay Jaaliyadda
Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalkaasi, waxa uuna uga
warbixiyey xaaladda dalka Soomaaliya.
Madaxweynaha oo wax laga weydiiyey qaraxyada iyo
dagaalada ka socda Magaalada Muqdisho, waxa uu
sheegayin qaraxyadaasi ay wadaan kooxo doonaya in
aysan dalku degin, kana haray Maxaakiimtii Islaamiga
ahaa isagoo sheegayin waqti ay ahaataba laga adkaan
doono. [Dhegeyso
Hadalkii uu ka jeediyey London]
Madaxweynaha DFKMG waxa uu shalay soo gaaray
magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya. Waxaa
markii hore jirey warar sheegayey in uu booqan doono
Builguim laakiin sida muuqata uu safarkaas ka
baaqday hadda.
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail
amiinkhasaaro@hotmail.com
Gen. Cadde Muuse oo Ammanay
Hay'adaha Samafalka...
Madaxweynaha DGPL, Cadde
Muuse, ayaa Isniin Feb 19, 2007 magaalada Garoowe kulan kula
yeeshay hay'adaha samafalka ee fadhigoodu yahay magaaladaas,
waxana uu sheegay in hay'adaha samafalka ee jooga Garoowe
inay hawl wanaagsan qabteen. Isagoo arrintaas ka hadlaya
Gen. Cadde Muuse waxa uu yiri: "Qolooyinkii United Nation-ka
IYAGOO DHAN waa noo yimaadeen kulligood wax fiican bay noo
qabteen iyagana si aad iyo aad ah ayaan ugu mahad naqayaa
iyo waxyaalahay qabteen."
Dhegeyso
Hadalkii Gen. Cadde.
Mar sii horeysey ayey ahayd
markii Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda ee DGPL, Maxamed C. Y.
Gaagaab uu dhaliil u jeediyey hay'adaha Samafalka ee jooga
Soomaaliya. Xilligaas oo uu Wasiirku la hadlayey dad
Soomaaliyeed oo jooga magaalada Minneapolis ee dalka
maraykanka waxa
hadaladdiisii ka mid ahaa "Ha'adaha dalka Soomaaliya jooga
waxay isu haystaan in ay yihiin madaxweynihii dalka."
Dhegeyso Hadalkii Gaagaab...


|