Wararkii: Feb 26, 2007
- DFKMG oo
Eedayn Kulul u Jeedisey Hay'adaha NGO-ga ee
Jooga Soomaaliya
- Muran Ka Taagan
Maraakiib La Sheegay in ay Ka Yimaadeen Dalka
Jabuuti oo Xoolo Nool Ka Qaadaya Boosaaso....
- Caasha Axmed
Cabdalla "Waxaa la igu Colaadinayaa Fikirkeyga...."
- Kooxaha
Muqaawamada oo sheegay in wixii haatan ka dambeeya
ay....
- Markab laga
afduubtay Hay’adda WFP…..
- Cabdulaahi
Yuusuf oo ka dalbadey Golaha Amaanka ee Afrika oo….
- Shiikh
Kashka: "Xabaduhu kala ma Macaana ee yaan la Qaxin
Dadka..."
- Maxaa ka jira in
Maraykanku ay Reer Laasqoray su'aalo Weydiiyeen....
- Kumanaan Ciidamo
Ethiopian ah Oo Hor Leh Oo Soo Gaaray Magaalada
Afgooye Ee Sh/hoose....
- 50- haween ah oo ay
siminaar uga furtay Hey'adda Fero Muqdisho....
DFKMG oo Eedayn
Kulul u Jeedisey Hay'adaha NGO-ga ee Jooga
Soomaaliya
Wasiirka
DFKMG u qaabilsan Dib u heshiisiinta iyo Jaaliyadaha,
Maxamed Cabdi Xayir "Maareeye" oo shir jaraa'id ku
qabtay magaalaad Baydhabo (Feb 24, 2007) ayaa si
kulul u eedeeyey hay'adaha NGO-ga ee ku sugan dalka
Soomaaliya. Wasiirku waxa uu si kulul hay'adaha NGO
ugu eedeeyey in ay qayb weyn ka yihiin dhibaatada
aan dhamaanayn ee Soomaaliya. Waxana uu ku eedeeyey
in hay'adahaas NGO-ga ay Soomaaliya beesha caalamka
kaga raadsadaan lacago, marka ay lacagtaas soo
helaan aan cidna kula xisaabtamin. Lacagtaas oo,
ayuu yiri, ay boqolkiiba 70% ku bixiyaan
dalxiiskooda, hoteelada iyo guryaha qaaliga ah ee
Kenya iyo meelo kale oo adduunka ah. Boqolkiiba 20%
lacagtaas ahna waxay ku kiraystaan, ayuu yiri,
diyaarado hawada dhulka Soomaaliya kusoo gala si
sharci darro ah, kuwaas oo subaxdiina yimaada
galabtiina noqda, halkii ay dalka ka shaqayn
lahaayeeneen...
Dhegeyso
Hadalkii Maareeye.
Feb 19, 2007
ayey ahayd markii Madaxweynaha DGPL, Cadde
Muuse, uu aammaanay hay'adaha NGO oo uu kula kulmay
magaalada Garoowe, waxana uu sheegay in
hay'adaha NGO ee fadhigoodu yahay Garoowe ay hawl wanaagsan qabteen. Isagoo arrintaas ka hadlaya
Gen. Cadde Muuse waxa uu yiri: "Qolooyinkii United Nation-ka
IYAGOO DHAN waa noo yimaadeen kulligood wax fiican bay noo
qabteen iyagana si aad iyo aad ah ayaan ugu mahad naqayaa
iyo waxyaalahay qabteen."
Dhegeyso
Hadalkii Gen. Cadde.
Waxaa taas ka sii
horeysey in Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda ee DGPL, Maxamed C. Y.
Gaagaab uu dhaliil u jeediyey hay'adaha Samafalka ee jooga
Soomaaliya. Xilligaas oo uu Wasiirku la hadlayey dad
Soomaaliyeed oo jooga magaalada Minneapolis ee dalka
maraykanka waxa
hadaladdiisii ka mid ahaa "Ha'adaha dalka Soomaaliya jooga
waxay isu haystaan in ay yihiin madaxweynihii dalka."
Dhegeyso Hadalkii Gaagaab...
Muran Ka Taagan
Maraakiib La Sheegay in ay Ka Yimaadeen Dalka
Jabuuti oo Xoolo Nool Ka Qaadaya Boosaaso....
Wararka ka imanay
magaalada Boosaaso ayaa sheegay in dekeda Boosaaso
ay kusoo xirteen maraakiib la sheegay in ay ka
yimaadeen dalka Jabuuti, maraakiibtaas oo halkaas ka
qaadaya xoolaha nool. Waxaana arrintaas ka dhashay
muran xooggan kaddib markii lagu soo waramay in
shacabka leh xoolaha markii hore loosheegay in
xoolaha looga bedelanayo laacag adag ee ah doolarka,
laakiin markii dambe loo sheegay in xoolaha dadka
looga bedelanayo lacag shilin Soomaaliya.
Waxaa kale oo
shacabka reer Puntland ay aad uga welwelsan yihiin
in lacagtaas Shilin Soomaaliga ah ay tahay lacag
macmal ah oo lagu sameeyey Puntland. Sidoo kale
waxaa soo baxaya warar sheegaya in arrintaan ay lug
ku leedahay Dawlad Goboleedka Puntland.
Haddaba si aan
arrintaas wax uga ogaano ayaan waraysi kooban la
yeelanay Daahir Ciiro, oo ah Gudoomiyaha Xisbiga
ramaas (RPP). Waraysigas hoos ka akhri....
Caasha Axmed
Cabdalla: "Waxaa la igu Colaadinayaa Fikirkeyga..."
Xildhibaanad Caasha Axmed Cabdala oo ka mid ah
Xildhibaanada Baarlaamanka ahna xildhibaanad si aad
ah uga soo horjeeda joogitaanka Ciidamada Itoobiya
iyo Siyaasadda ay ku dhaqmeyso Dowladda Federaalka
ayaa waxay sheegtay in si malin walba ciidamo ka
tirsan Dowladda Federaalka ay kala kulanto
hanjabaadyo iyo arimo kale.
“Waxaa la igu colaadinayaa waa fikirkeyga aan kaga
soo horjeedo ciidamada Itoobiya” ayay si kulul u
tiri oo sheegtay in Xildhibaano la mid ah sidaas oo
kale iyana loo handado.
Caasha Axmed Cabdala waxay sheegtay in aysan marnaba
ka hari doonin mowqifkeeda ku aadan arimaha
Soomaaliya iyo joogitaanka Ciidamada Itoobiya ee
Soomaaliya.
Caasha ayaa Baarla-maanka hortiisa kaga hadaashay
hanjabaadyada mar kasta loo gaysto, waxayna ka
dalbatay Xildhibaanada Baarlamaanka in ay arrintaasi
fiiro gaar ah u yeeshaan, waxayna sheegtay in aysan
markii ugu horeysay oo fal noocaan oo kale ah lagula
kaco. [Warbixin dheeraad ah ee xildhibaanada hoos ka
akhri...]
Kooxaha
Muqaawamada oo sheegay in wixii haatan ka dambeeya
ay..
Qaraal ay Web-Site soo dhigeen kooxaha Muqaawamada
ee dagaalka kula jira Ciidamada Itoobiya ayaa waxay
ku sheegeenin wixii haatan ka dambeeya uu dagaalku
noqon doono mid ay xarumahooda ugu tagi doonaan
ciidamada Itoobiya iyo kuwa Dowladda Federaalka.
Qoraalka ayaa waxaa loogu digay Ciidamada Uganda iyo
kuwa kale ee u soo socda Soomaaliya in ay la kulmi
doonaan cawaaqib xumo aysan weligood ka soo kabsan,
waxayna Dowladahaasi ka codsadeen ina y dhex dhexaad
ka noqdaan arimaha Soomaaliya.
Dhawaan ayay ahayd markii Kooxaha Muqaawamada ay
dagaal ka fool ka fool ah ku qaadeen xaruntii hore
ee Wasaaradda Gaashaandhiga, waxaana halkaasi ka
dhacay dagaal geystay qasaare naf iyo maalba leh,
wasaaradda Gaashaandhiga ayaa haatan u muuqata mid
ay faarujiyeen dhamaan dadkii deganaa oo markii hore
halkaasi ku ahaa Qaxooti.
Markab laga
afduubtay Hay’adda WFP…
Wararka naga soo gaaraya Magaalada Xaafuun ee
Gobalada Puntland waxay sheegayaan in markab raashin
geeyey Puntland oo u rarnaa Hay’adda WFP ay
afduubteen koox dabley ah kana afduubeen aagga
Raascasayr ee magaalada Caluula, markabkaan ayaan la
garaneyn halka ay Kooxda Dableyda ahi la aaday ayaa
haddana waxaa socda dadaal la doonayo in lagu sii
daayo markabkaasi.
Ilaa iyo hadda lama garanayo sababaha ay kooxda
dabaleyda ahi u afduubatay markabkaas, waana
markabkii labaad oo raashin u siday hay’addaasi oo
lagu afduubto xeebaha Soomaaliya, sanadkii 2005-tii
ayay ahayd markii markab mucaawino u siday hay’adda
WFP xeebaha Xarardheere, kaas oo la haystay mudo aad
u fog ayaa aakhirkii waxaa lagu sii daayey madax
furasho.
Markabka hadda la
afduubay oo magaciisa la yiraahdo MV Rozen, waxa uu
intii aan la afduubin uu Puntland ku dejiyey raashin
lagu qiyaasay 1,800 oo tan. Wararka ugu horeyey ee
ka soo baxaya afduubkaasi ma xaqiijin markii la
afduubayey markabka ay saaaraayeen dhammaan
shaqaalaha markabka oo ka kooban 12 qof, oo lix
kamid ah ay yihiin reer Sri Lanka iyo lix ah reer
Kenya.
Intii ay xukunka haysteen Maxaakiimta Islaamiga ah
ayaa waxaa hal mar la afduubtay markab, kaas oo si
xoog ah lagu soo dhacshay, iyadoo kooxdii
afduubatayna loo diyaarinayey in la soo taago
Maxkamad balse ay meesha ka baxeen Maxaakiimtii
Islaamiga ahaa, oo inta badan sugay ammaanka
koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.
Cabdulaahi
Yuusuf oo ka dalbadey Golaha Amaanka ee Afrika oo…
Madaxwayne C/laahi Yuusuf Axmed oo haatan ku sugan
Dalka itoobiya ayaa waxa kula la yeeshay Saraakiil
ka socotay Golaha Amaanka iyo Nabadgalyada Qaaradda
Afrika waxaana kulankan la ‘iskula soo qaaday sidii
uu Golaha uu u dedejin lahaa in Soomaaliya la keeno
Ciidamo Nabad ilaalin ah .
C/laahi Yuusuf waxa uu u sheegay Golaha in haddii
aan la dedejin Ciidamdaasi in Soomaaliya ay ku sii
siqi doonto qalalaaso iyo Dagaalo Sukaye hase
yeeshee Golaha waxa uu sheegay inaysan heynin ilaa
iyo haatan Khashkii ay ku howgali la haayeen,
waxayna sheegeen in ilaa iyo haatan la hayo 1-Milyan
oo Doolar waxaana lagu waramay in Ciidamdaasi ay ku
howlali karaan 6-Bilood ugu horaysa 70-Milyan oo
Doolar.
Warar ayaa waxa ay shegayaan in Dowladda Maraykanka
ay kacaga jiidayso in ay Bixiso Kharashka ku baxaya
Ciidamadaas sidoo kale waxaa iyana ka cagajiidaya
Dowladdaha ku bahoobey Midowga Yurub waxaa kaloo
iyana kaalintooda aan qaadan Dowladaha ku jira
Jaamacadda Carabta iyo wadamo kale.
Shiikh
Kashka: "Xabaduhu kala ma Macaana ee yaan la Qaxin
Dadka..."
Waxaa maalintii labaaad si rasmi ah ugu socda Hoteel
Naasa-hablood ee Magaalada Muqdisho, siminaar lagu
baranayey Anshax Dhaqameedka Saxaafada oo ay soo
qabanqabaabisay Hay’ada {EAMI-S}, islamarkaana
Maalgelisay Hay’adada CARE /USIAD. Siminaarkaan oo
socondoona ilaa iyo 28-ka bishaan aynu ku jirno ayaa
waxaa ka faa’iidaysanaya 35 Suxufi oo ka kala socda
Gobolada Koofureed iyo kuwa dhexe ee Soomaaliya.
Waxaana Casharo kala duwan ka bixinayey Xubno loo
soo xuley dhinaca sharciga oo ay ka mid yihiin Prof,
C/llaahi Xayle iyo Sh, Maxamed Sh, Axmed Kashka.
Gudoomiyaha Hay’ada
EAMI-S C/qaadir Walaayo oo Suxufiyiinta la hadlaayey
ayaa waxaa sheegey “in siminaarkan uu si is dabajoog
ah u socon doona ilaa iyo mudo lix bilood loona
baahan yahay Suxufiyiinta inay ka faa’iideystaan
casharada ay bixinayaan Macallimiinta loo soo xulay,
si mustaqbalka loo helo Saxafi tayeysan oo ku
shaqeeya Anshaxa Saxaafada. Maxamed Sh,Axmed Kashka
oo maalintii shaley cashar siinayey Suxufiyiintan
waxaa uu kala hadlay isagoo qaab diini ah ugu
wacdineyey Dhaqanka wanaagsan muhiimada uu u
leeyahay qofka wariyaha ah, Carabka
Dhibaatooyinkiisa iyo waxa looga baahan yahay Qofka
hadlaya ee Suxufiga ah, waxayna si wanaagsan ugu
khashuuceen waxyaabihii uu kala Hadley suxufiyiinta,
isagoo dhaliilaya qaabka wariyeyaasha qaarkood wax
ay u soo gudbinayaan ayaa wuxuu yiri “Xabaduhu kama
macaana kuwii hore ay isweydaarsanyeen, Hogaamiye
kooxeedyadii iyo Maxkamadaha Islaamiga, mana aysan
qixin dadku ee dadka ha qixinina oo dejiya”.
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail
amiinkhasaaro@hotmail.com
Maxaa ka jira in
Maraykanku ay Reer Laasqoray su'aalo Weydiiyeen...
Toddobaadkii tegey
ayey ahayd markii idaacadda SBC ee ka hawl
gasha magaaalada Boosaaso ay faafisay in ciidamada
Maaraykanku ay su'aalo weydiiyeen kalluumaysatada
reer Laasqoray. Idaacaduu waxay faafisay sidan: "Ciidamada Marines-ka Maraykanka ayaa
baaritaan ku sameeyey kalluumaysatada deegaanka (degmada
Laas Qoray ee gobolka Sanaag) ee isticmaasha
doonyaha yaryar ee waxana ay weydiiyeen su'aalo la
xiriira aqoonta ay u leeyihiin Al-qaacida,
Maxaakiimtii iyo ururrada la midka ah, waxana ay
sidoo kale dadkaas weydiiyeen oo ay tuseen
masawirrada Osama Bin Laden, Ayman Zawahiri iyo
xubnaha kale ee lagu raad joogo."
Hadalkaas waxaa
beeniyey idaacadda RadioSanaag oo sheegay in
warkaasi uusan sal lahayn. RadioSanaag waxa uu yiri:
"arrintaas Hadaba wararka ay baahisay idaacada SBC
ee ka
hawlgasha magaalada boosaaso ayaan sal iyo raad
toona lahayn, kadib markii aan la xiriirnay
masuulyiin ku sugan magaalada laas qoray taaso ay
xaqiijiyeen inaan arintaa haba yaraatee wax ka jiraa
aysan jirin, Arintan ayaa dadka degmada Laasqoray
layaab iyo filan waa ku noqotay waxayna sheegeen
inay tahay mid wax loogu dhimayo sumcada iyo amniga
Gobolka Sanaag guud ahaantiisba."
Ma jiro war ka soo
baxay DGPL ama Dawladda Maraykanka oo arrintaas ku
saabsan.
Waraysi Kooban oo
aanu la yeelanay Gudoomiyaha Xibiga Ramaas [RPP]
Daahir Ciiro oo ka hadlaya maraakiib la sheegay in
lagu gurayo xoolo badan...
Somalitalk.com:
mudane Daahir waxaad sharaxaad ka bixisaa
maraakiibta ku xiran dekeda Bosaso oo la sheegay in
lagu gurayo xoolaha.
Daahir Ciiro: Sida aanu la socono waxaa jirta
in lacagtii shilin somaliga ahayd oo dhibaatadu ka
haysatay ummadda la sii kordhiyay dhibaatadaas oo
ahayd in guri kasta loo dhigtay Foto Copy lagu
daabacanayo lacag macmal (Falso) ah oo loogu
talagalay in masaakiinta danyarta ah hantidooda
lagula wareego.
Sidoo kale waxaa
jirta in xoolaha nool ee dalka marka ay ka baxayaan
ay dalka ku soo noqon jireen iyaga oo lagu soo
badashay lacag adag arintaas oo naruuro u ahayd
ganacsatada danyarta ah oo lacagtooda ku soo badalan
jiray badeecooyin kala duwan si ay ugu faa iideeyaan
bulshada danyarta ah.
Hadaba xisbiga
ramaas waxa uu shacabka soo bandhigayaa in ay ka
digtoonaadaan oo ayan oran awal nalooma sheegin
maraakiibta loogu talagalay in xoolaha nool looga
badasho shacabka dan yarta ah hantidooda.
Anaga xisbi ahaan
waxaan shacabka ugu baaqayaa in aad ka hortagtaan
dhibaatooyinkaas keenaya musuqmaasuqa dhaqaala
darida ah oo ay abuurayaan kooxda isku bahaysatay
siyaasad xumida baahday ee ka jirta Puntland.
Somalitalk.com:
Mudane ma noo sheegi kartaa halka iyo meesha ay
maraakiibtani ka yimaadeen iyo halka ay ku socdaan.
Daahir Ciiro:
Sida aanu la socono Maraakibtu waa kuwo ganacsi
waxayna ka soo jeedaan Jabuuti, waxa ay ku socdaana
maahan ganacsi xor ah ee waa ganacsi dadban, mana
ahan mid laga wada faa'iidaysan karo bulsho iyo
xukuumadba ee waa mid u danaynaya dad gaar ah oo
xukuumada u badan.
Somalitalk.com:
Makiinadaha lacagta lagu samaynayo ee la sheegay in
la keenay meelo badan oo ka mid ah Puntland sidee
idinka ka xisbi ahaan u aragaan muxuuse ka badalay
dhaqaalihii wadanka.
Daahir Ciiro: Anaga ka xisbi ahaan
makiinadaha lagu samaynayo lacagta Falso-da ah
waxaan u aragnaa in lagu baaranayo dalka iyo dadka
danyarta ah oo dawlad la'aantu haysay mudada dheer
hadana uu maamulkoodu gacanta ku hayo samaynta been
abuurka lacago falso ah oo dadka lagu baaranayo mana
ogolin wixii dadka iyo dalka wax u dhimay anaga ka
xisbi ahaan, Sida lawada ogyahyana saamayn wayn ayuu
ku yeeshay dhaqaalihii wadanka oo waxaad arkaysaa in
maanta uu xataa doolarkii kor u kacay maciishadiina
uu lug ku yeeshay.
Somalitalk.com: ugu danbayntii maxaad ugu
baaqyasaa shacabka puntland iyo kan Somaliyeedba.
Daahir Ciiro: Dhamaan Soomaalida waxaan ugu
baaqaynaa in ay ka digtoonaadaan waxyaalaha ku
keenaya dhaqaalaha diciifaya ama hoos u dhacaya oo
ay mas'uulka ka yihiin danaystayaasha siyaasadeed.
Wabilaahi tawofiiq.
Somalitalk.com:
Mahadsanid mudane Daahir Ciiro, oo ah Gudoomiyaha
Xisbiga ramaas, oo lagala xiriiri karo Tel#:747090
ama Email
Daahirciiro@hotmail.com
Kumanaan Ciidamo
Ethiopian ah Oo Hor Leh Oo Soo Gaaray Magaalada
Afgooye Ee Sh/hoose.
Axad, Feb 25, 2007: Ciidamo Ethiopian-ah oo ku
hubaysan gawaarida gaashaaman, ayaa soo
buuxdhaafiyey Degmada Afgooye ee Gobalka Sh/hoose
iyo nawaaxigeeda, kuwaasi oo la arkayey iyagoo
fariisimo ciidan ka sameysanaya halkaasi.
Ciidamadan, ayaa la sheegayaa in ay ka soo gudbeen
Magaalada Baydhabo, iyagoo qorshahoodu yahay in ay
xoojiyaan Ciidamada kale ee Ethiopia iyo kuwa
Dowladda ee ku sugan Magaalada Muqdisho.
Kumanaan qoys oo ka barakacay Caasimadda, si ay
naftooda ugala baxsadaan Madaafiicda aan loo meel
dayin ee lagu garaacayo xaafadaha Magaalada, ayaa
walaac iyo cabsi daran ka muujiyey Ethiopian-ka soo
duldegay.
Deegaanka Carbiska oo inta badan dadka ka qaxay
Muqdisho ay ku sugan yihiin, ayaa Ciidamadu ay
fariisin ciidan ka sameysanayaan, inkastoo qorshuhu
yahay in ay usoo gudbaan si deg deg ah gudaha
Magaalada Muqdisho.
Xaaladda xasilooni ee Caasimadda, ayaa si aad ah
looga dayrinayaa iyadoona boqolaal gawaarida
rakaabka qaada ah lagu arkayo wadooyinka magaalada
iyagoo ay ku raran yihiin alaabo aad u tira yar oo
ay sitaan Boqolaal qoys oo u badan haween iyo caruur
oo ka qaxaya Qaraxyada xiriirka ah ee Magaalada ka
aloosan.
yaasiin maxamed cali (faytin)
yaasiinfaytin@hotmail.com
Prof, cali khaliif
galaydh: Iska Hadloow Ina Igare Dowlada Kmg Ah Ayaa
Sidaa Ka Dhigan.
Siyaasiga caanka ah ee soomaaliyeed prof.cali
khaliif galaydh ayaa qaadacay shirka dib u
heshiisiineed ee ay iclaamiyeen dowlada kmg
soomaaliyeed ,ee lagu wado in lagu qabto magaalada
muqdisho 45-cisho kadib .
Pof. Cali khaliif galaydh oo waramayey qaar kamida
warbaahinta muqdisho ayaa sheegay inaysan macquul
ahayn inay dowlada kmg ahi ay tiraahdo wax mucaarid
ah ma lihi ,keligay ayaana shir qabsan doona waxay
ka dhigan tahay, iska hadloow ina igare ,oo weliba
sii raaciso dowladu waa lagu dhan yahay oo beelaha
soomaaliyeed ayaa 4.5 u qaybsaday ,macno keeni mayso
taasi sababta oo ay tahay cid raacsani ma jirto
dowladan ayuu sii raaciyey cali khaliif galaydh .
Sidoo kale prof-ka ayaa intaas ku daray in hadii
xataa shirka la qabto aysan waxba kasoo baxayn oo ay
tahay nin keligii durbaan meel cidla ah ka tuntay .
Hadalkan dr.cali khaliif galaydh ayaa soo baxay
kadib markii ay shaacisay dowlada fkmg ahi inay shir
weyne dib u heshiisiineed ku qaban doonto magaalada
caasimada ee muqdisho 45-cisho kadib islamrkaana
ergooyinka ku casuuman shirkaasi ay dhowaan soo soo
gaari doonaan magaalada muqdisho .
Hadalkan kasoo baxay dowlada kmg ah ayaa kusoo
beegmaya iyadoo magaalada muqdisho ay ka jiraan
qaraxyo iyo barakac ay dadka shacabka ah eek u
dhaqan magaalada muqdisho kasii barkacayaan xaalad
amaan xumo darteed
Yaasiin maxamed cali (faytin)
yaasiinfaytin@hotmail.com
C/laahi Yuusuf
Oo Wacad Ku Maray In Dowladiisu La Dagaalami Doonto
Kooxaha Weerarada La Beegsanaya Ee Muqdisho Jooga .
Madaxweynaha Dowladda KMG ee Somaliya, C/laahi
Yuusuf Axmed, oo haatan ku sugan Magaalada Addis
Ababa ee dalka Ethiopia, ayaa shaaca ka qaaday in ay
Dowladiisu la dagaalami doonto kooxaha soo weeraraya
fariisimaha ciidamada dowlada iyo kuwa Ethiopia.
Madaxweyne Yuusuf, ayaa wacad ku maray in ay
Dowladda iska difaaci doonto kooxaha soo weerar taga,
hadii ay shacabka ku dhex dhuumaalaysanayaan iyo
hadii kaleba .
Isagoo la hadlayey Wakaaladda wararka Ethiopia ee
ENA, ayaa Madaxweynaha waxa uu carabka ku adkeeyey
in Dowladda KMG ay qaadi doonto talaabooyin ay ku
xakameynayso dhibaatooyinka amaan xumo ee ka jira
caasimadda soomaaliya ee muqdisho.
Sidoo kale madaxweynaha ayaa soo hadal qaaday
Arimaha shirka dib u heshiisiinta ee ay dowladu
iclaamisay dhowaan isagoo sheegay mar uu ka hadlayey
arintaas ,waxa ka qeybgali doona shiraka dib u
heshiisiinta Qabaa'ilada Soomaalida ee 16-kii sano
soo dagaalamay, sida uu hadalka u dhigay.
Sidoo kale Madaxweynaha waxa uu tafaasiil ka bixiyey
Imaanshiyaha Ciidamada nabad-ilaalinta ee Midowga
Africa, ayaa qiray in ay ilaalin doonaan fariimisaha
Dowladda KMG, islamarkaana ay tababar siin doonaan
Ciidamada Dowladda kmg ah.
"Ciidamada Nabad-ilaaliyaasha Africaanku uma
imaanayaa Dalka in ay shacabka la dagaalamayaan"
ayuu yiri Madaxweynaha.
Mar uu soo hadal qaaday Maamulada dalka ka jira ayaa
Col. Yuusuf waxa uu sheegay in Maamulka Puntland ay
Dowladdu aqoonsadeen, islamarkaana Dowladdu ay
aqoonsan tahay, balse Maamulka Somaliland looga
baahan yahay in ay maraan wadada Puntland oo ay
aqoonsadaan Dowladda KMG.
Madaxweyne C/laahi Yuusuf Axmed, oo safar ku tagay
Magaalada London ee caasimadda dalka Britain, ayaa
intii uu halkaasi ku sugnaa waxaa uu kulamo la
qaatay Saraakiil ka tirsan Xukuumadda wadankaasi.
Yaasiin maxamed cali (faytin)
yaasiinfaytin@hotmail.com
Xildhibaanad Caasho
Axmed Cabadalla Oo Sheegtay In Ciidamada Ilaalada
Madaxtooyada Baydhabo Ay Si Xun Ula Dhaqmeen ..
Feb 25, 2007: Marwo Xildhibaan Caasho Axmed Cabdalla
ayaa maanta shaaca ka qaaday sida ay xildhibaanada
soomaaliyeed ee jooga magaalada baydhabo aysan uga
hadli karin fikirkooda xorta ah islamrkaana sheegtay
in dhibaato badan ay kala kulanto ciidammada
dowladda ee ilaaliya Madaxtooyada Soomaaliya ee
Baydhabo iyada laf ahaanteeda iyo xildhibaano kaleba
.
Xildhibaanad Caasho oo maanta kulankii baarlamaanka
ka hadashay ayaa sheegay in dhibaatooyin fara badan
ay kala kulanto ilaalada madaxtooyada, waxayna
sheegtay inay baaritaanno aan sharci ahayn oo badan
lagu sameeyo.
sidoo kale waxay sheegtay xildhibaan caasho in aysan
sharci ahayn in wiil yar oo askari ah oo wadada
taagan inuu mudanayaasha baarlmaanka baabuurtooda
baaro ,taasina ay ka hor imaanayso sharciga
sacurty-ga waxaana loo baahan sida shar cigu yahay
in loosoo maro .
"Ciidammada ilaalada madaxtooyada ee baydhabo jooga
waxaan kala kulanaa waxyaalo badan oo uusan
sharicigu qabin iyadoo marka aan jidka marayo ay igu
yiraahdaan istaag waan ku baaraynaaye, markii ay
baaritaan igu sameeyaan kaddib ayaa haddana waxaa
iiga soo baxa meel ku dhow ciidammo kale oo
baaritaan kale igu sameeya" ayay tir Caasho Axmed
Cabdalla oo sheegtay in baaritaannada qaarkood aysan
sharci ahayn.
Sidoo kale xildhibaan caasho ayaa intaas ku dartay "Waxaa
la ii geystaa aflagaadooyin iyo weliba in qoryaha la
ii cabaysto oo la i yiraahdo waanu ku dileynaa ,
arintaas oo aan i qaban ,waxaana la yaabanahay qof
xildhibaan ah iyo askari waxa isu keeni kara''
Xildhibaannada ayaa waxay sidoo kale sheegtay in
wixii hadda ka dambeeya haddii falalkaas lagula kaco
ay is difaaci doonto, basle ma aysan sheegin waxa uu
is difaaceedu noqon karo.
si kastaba ha ahaatee xildhibaan caasho axmed
cabdalla ayaa la tuhunsan yahay inay kamid tahay
siyaasyiinta soomaaliyeed ee sida weyn uga soo hor
jeeda siyaasadda madaxweynaha dowlada kmg ah ee c/laahi
yuusuf.
yaasiin maxamed cali (faytin)
yaasiinfaytin@hotmail.com
50- haween ah oo ay
siminaar uga furtay Hey'adda Fero Muqdisho
Hay’adda Family Empowerment Relief Organization (FERO)
ayaa hotelka Saxafi ee Magaalada Muqdisho uga furtay
50-haween ah siminnaar ku saabsan Doorka haweenku ay
ku leeyihiin dhismaha nabadda iyo horumarinteeda.
Siminnaarkaan oo socon doona muddo 5-casho ayaa
waxaa horay loo soo qabtay laba maalmood oo lagu
golol xaarayay siminaarkaan halka lagu qaban lahaa
iyo waxyaabaha loo hadli lahaa, waxaana saddex
maalmood uu ka socon doonaa Hotelka Saxafi ee
Muqdisho.
Siminnaarka ayaa waxaa maalgeliyay Safaaradda Dalka
Switzerland ku leedahay dalka Kenya, waxaana
qanqaabiyay Hay’adda FERO xafiiskeeda Muqdisho,
iyadoo haweenka ka soo qaybgalay ee 50-xubnood ah ay
ka kala yimaadeen 20-xubnood oo ka yimid maamulka
Gobolka Banaadir iyo 30-kale oo ka yimid Ururrada
Samofalka ee ka shaqeeya Arrimaha Haweenka.

Guddoomiyaha FERO Sahro Ugaas Faarax oo
siminnaarkaana furtay ayaa sheegtay in haweenka
50-ka ah ee siminnaarka uu u furmay ay ka
faa’iidaysan doonaan doorkooda maamul, midkooda
siyaasadeed, midkooda dhismaha nabadda iyo
horumarinta dalka iyo xuquuqdooda sidii ay u raadsan
lahaayeen.
“Waxaan aad ugu faraxsanahay siminnaarka u furmay
haweenka Soomaaliyeed qaarkood, kaasoo aan rajeynayo
inay ku baran doonaan maalmaha uu socdo sidii ay
door wanaagsan ugu yeelan lahaan dhismaha nabadda
dalka iyo sidoo kale horumarinta nabadda” ayay
hadlkeeda ku billowday Guddoomiyaha FERO Mss. Sahro
Ugaas Faarax.
Sahro Ugaas ayaa waxay sheegtay in haweenka ay baran
doonaan qaabkii ay xuquuqahooda kala duwan u raadsan
lahaayeen, isla markaana ay ugu dhiiran lahaayeen
dib u dhiska dalka, iyadoo sheegtay in haweenka
siminnaarka ka soo qaybgalay ay ka muuqato niyad
wanaag aad u weyn, taasoo u muujinaysa madaxda FERO
in haweenka Soomaaliyeed ay u bisil yihiin inay
raadsadaan xuquuqdooda dib u dhiska dalka iyo
nabaddana ay ka qaybqaataan.
Faadumo Olol oo ah madaxda Hay’adda FERO ee Muqdisho
ayaa dhankeeda sheegtay inay si weyn ugu faraxsan
tahay in tababar ay u sameyso Hay’addeeda 50-haween
ah oo ka kala yimid qaybaha haweenka Soomaaliyeed,
waxayna sheegtay inay ka soo bixi doonaan
siminnaarkaan marka uu dhammaado faa’iidooyin
ballaaran sida inay haweenku u duubtaan inay ka
shaqeeyaan nabadda, inay xaqooda raadsadaan iyo inay
dalka dib u dhiskiisa qayb weyn ku yeeshaan, sidii
ay horayba qayb weyn ugu lahaayeen.
Siminaarka oo maalin walba soconaya muddo
6-saacadood ah ayaa waxaa casharrada lagu bixinayo
ka mid ah:
1- Xuquuqaha kala duwan ee haweenka ay leeyihiin,
sida: Diinta, iyo Dhaqanka
2- Qaybtii ay haweenku ku lahaayeen dhismihii
dowladahii ugu dambeeyay ee sida: TFG-dii iyo TNG-da.
3- Ka qaybqaadashadii haweenka in la helo dowlad.
4- Muhimadda isku codeyntooda
5- Dhisidda isku-tiirsanaan ka dhexeysa haweenka
Soomaaliyeed
6- Ku guulaysiga inay sameystaan xiriir iyo iska
warqab.
Gabagabadii Guddoomiyaha FERO Sahro Ugaas Faarax
ayaa waxay sheegtay inay u rajeynayso haweenka ka
qaybgalaya siminnaarkaan inay si weyn uga
faa’iideystaan siminaarka isla markaana faa’iida ay
ka helaan siminnaarka wax ugu qabtaan dalka iyo
dadka Soomaaliyeed.
Maxamuud Axmed Xasan ( Xuurshe)
xuurshe114@hotmail.com
Muqdisho-Somalia
Tel:002521-5573321


|