Wararkii: Feb 27, 2007
-
Taageerayaasha Xuseen Caydiid oo aad uga
caroodey hadalkii Cabdulaahi Yuusuf..
- Geedi oo
sheegay in dib u heshiisiin Soomaaliya..
- Calanka
Itoobiya oo shalay lagu gubay Goobo ku yaal
Magaalada Muqdisho..
- Bam lagu
tuuray Ciidamo Booliis ah oo ku sugnaa Isgoyska
Siinaay.
- Ciidamada
Itoobiya ee ku sugnaa Carbiska oo halkaa isaga
baxay..
- Dadka ka
qaxa Muqdisho oo sii kordhay
- Prof,Dalxa:
Waa Arin Qaldan Calanka Ethiopia Ee Laga Taagay
Tarabuunka Somaliya Calan Ayay Leedahay .
- Cadde Gabow:
Calanka Ethiopia Dadka Suray Tarabunka Waa Dad
Soo Dhowaynaya Ciidamada Cusub Ee Ethiopia .

Nin alaabtiisii ku qaatay Gaari Dameer oo
kasii qaxayey Muqdisho isagoo kusii jeedey
dhanka Afgooye Jimcadii Feb 23, 2007.
Sawirka: AP

Abbee Carruurtiisa kala soo qaxay Muqdisho
oo jooga Afgooye, Jimcadii Feb 23, 2007.
Sawirka AP

Gabar aan wax degaan ah haysan (homeless) oo
haysa canug yar iyagoo kasoo cararay
Muqdisho, Jimce Feb 23, 2007. Sawirka: AP

Dad ka qaxaayey meel kaambo ah oo ay
deganaayeen magaalada muqdisho Feb 17, 2007.
Sawirka: AFP

Gaari sidey ciidan Itoobiyaan ah oo kusii
jeedey Afgooye Janaury 24, 2007. Sawirka:
Reuters.

Madaxweynaha Sudan Omar Hassan Al-Bashir (midig)
oo la hadlayey Madaxweynaha Soomaaliya
Abdullahi Yusuf Ahmed (bidix), Madaxweynaha
Yemen Ali Abdullah Saleh (3aad marka laaga
soo tiriyo bidix) iyo Ra'iisul wasaaraha
Itoobiya Meles Zenawi (2aad dhanka midig),
kulankaas oo ka dhacay magaalada Addis Ababa
February 26, 2007. Madaxweynaha Soomaaliya
waxa uu Isniintii ka digey in raabshaduhu ay
u tallaabi doonaan dalalka kale ee Geeska
Afrika haddii aan dawladiisa lala soo gaarin
ciidamo degdeg ah oo nabad ilaalin ah.
Sawirka: Reuters |
Calanka Itoobiya oo
shalay lagu gubay Goobo ku yaal Magaalada Muqdisho..
Dadweynaha ku nool Xaafadda Shiirkole ayaa shalay
subax ku soo baraarugay calanka Itoobiya oo ka dul
babanaya Wasaaraddii hore ee Gaashaandhiga iyo goobo
ku dhow dhow deegaankaasi, waxayna Dadweynuhu
bilaabeen in ay calanka soo dejiyaan oo ay gubaan,
isla markaana waxay ku dhawaaqayeen erayo liddi ku
ah Dowladda Itoobiya.
Dadweynaha oo marba marka ka dambeysa isku soo
uruursanayey jidka Warshadaha ayaa waxay bilaabeen
in ay gooyaan wadooyinka, isla markaana dab
qabadsiiyaan lacanka Itoobiya.
Dhanka kale Dowladda Federaalka ayaa siyaabo kala
duwan uga hadashay arintaasi, waxa uuna duqa
Magaalada Muqdisho sheegay in ay soo dhaweynayaan in
calanka Itoobiya la suro xaafadaha, basle dhinaca
kale Guddoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Max’ed
Cumar Dhalxa ayaa waxa uu sheegay in ay qalad tahay
in calanka Itoobiya la suro xaafadaha dhexdooda,
isagoo sheegay in ay ka dambeeyaan kooxo doonaya
inay iska hor keenaan Dowladda iyo Shacabka. [Warbixinno
dheeraad oo ku saabsan calanka Itoobiya ee la suray
Muqdisho hoos ka akhrii....]
Dadka ka qaxa
Muqdisho oo sii kordhay
Dadweynaha ku nool
Magaalada Muqdisho ayaa 16-kii sano ee la soo
dhaafay waxaa joogto u noqday dagaalo iyo iska hor
imaadyo.
Dadweynaha oo markii hore la daalaadhacayey
qutul-maalmoodkooda, ayaa haatan waxaad moodaa in ay
soo wajahday qaxii ugu balaarnaa waxaadna maalin
walba arkeysaa Gawaari daabuleysa dadkaasi.
Dadweynaha intooda badan waxay gaareen deegaanada
Lafoole iyo Degmada Afgooye, waxayna dadkaasi iska
degeen Geedo hoostoos, iyadoo ay halkaasi ku haysato
dhibaatooyin dhinacyo badan leh, sida Hoy la’aan,
Cunto La’aan iyo waxyaabo kale.
Dadkaan oo ka cararay madaafiicda Ciidamada Itoobiya
ay ku garaacayaan shacabka iyo kuwa iyana lagu
ridayo Itoobiyaanka ayaa waxaa lagu waramay in qaar
ka mid ah dadkii qaxay ay dib ugu soo laabteen
Magaalada Muqdisho kaddib markii ay la soo
gudboonaaday dhibaatooyin.
Dowladda Federaalka ayaa waxa ay saxaafadda ka
dalbatay in aan la sheeg sheegin dadka qaxay, ilaa
iyo haddana ma jiro mas’uul ka tirsan Dowladda
Federaalka oo soo eegay xaaladda ay ku sugan yihii
dadkaasi iyo waliba dhibaatooyinka kala duwan ee
haysta.
Taageerayaasha
Xuseen Caydiid oo aad uga caroodey hadalkii
Cabdulaahi Yuusuf..
Taageerayaasha Xuseen Caydiid ayaa si aad ah uga
caroodey hadalkii ka soo yeerey Madaxweyne
Cabdulaahi Yuusuf ee ahaa in Xuseen Caydiid uusan
ahayn nin caadi ah kadib markii Madaweynaha wax laga
weydiiyey sida u u arko hadalkii Xuseen Caydiid ee
uu ku sheegey In wadamada Soomaaliya yo Itoobiya ay
midoobi karaan isla markaana wada sameysan karaan
hal Baasaboor
Madaxweyne Cabdulahi Yuusuf wuxuu sheegey in aysan
marnaba Midoobi Karin Soomaaliya iyo Itoobiya ,
isagoo sheegey in hadalka Xuseen Caydiid uu yahay
mid aan laga fiirsan oo aysan Go’aamin labada Gole
ee Dowlada Fedraalka
Cabdulaahi Yusuf waxaa la weydiiyey Su’aal ahayd
maxaa ku darey Dowladda nin aan Caadi ahayn wuxuuna
ku Jawaabey Madaxweyne Cabdulaahi “hadalka Xuseen
Caydiid waa mid aysan la qabin Dowlada oo ku kooban
isaga oo keliya”
Cabdulaahi waxaa kaloo la weydiiyey su’aal ahayd
waxaa u shaqeysaa Dowlada Itoobiya wuxuuna ku
jawaabey Madaxweyne Cabdulaahi Yuusuf ”Runtiii aniga
waxaan laba jeer la soo dagaalamey Dowlada Itoobiya
waqtigaas wuxuu ahaa mid dagaal maanta labada dalka
waxaa ka dhexeeye Iskaashi”
Taageerayaasha Xuseen Caydiid ayaa ku tilmaamey
hadalka Cabdulaahi Yuusuf Mid uusan ka fiirsan
waxayna u soo jeediyeen in uu raali gareyn ka bixiyo
iyagoo sheegey in hadalkaas uu yahay mid sii kala
fogeynaya Bulshada Soomaaliyeed.
Geedi oo
sheegay in dib u heshiisiin Soomaaliya..
Ra’isul Wasaare Cali Max’ed Geeddi oo dhawaan dib
ugu soo laabtay Magaalada Baydhabo ayaa waxa uu
kulan la yeeshay golihiisa Wasiirada waxa uuna uga
waramay qaabka ay noqoneyso dib u heshiisiinta
Ummadda Soomaaliyeed, waxa uuna sheegay in afartan
beri gudahood lagu qaban doono shir dib u heshiisiin
ah oo uu sheegay in ay ka soo qaybgali doonaan
dhamaan Beelaha Soomaaliyeed, Bulshada Rayidka ah,
Siyaasiyiinta iyo cid kasta oo aan looga maarmarin
dib u heshiisiinta dadka Soomaaliyeed. Geeddi waxa
uu sheegay in dib u heshiisiintaasi lagu qaban doono
Magaalada Muqdisho, isagoo sheegay in shirkaasi uu
socon doono mudo bilx ah, isagoo sheegay in mudadaas
afartanka maalmood gudahood la bilaabi doono sidii
loo soo uruurin lahaa ergyooyinka ka qaybglaya
shirkaasi oo uu taradooda ku sheegay ilaa iyo 3-Kun
oo Qof.
Dib heshiisiinta ay
wataan C/llaahi Yuusuf iyo Cali Max’ed Geeddi ayaa
ah mid aan u cuntami Karin Beesha Caalamka, waxayna
beesha caalamka ay dooneysaa in dib u heshiisiintu
ay noqoto mid ay ka soo qaybgalaan dhamaan kooxaha
ka soo horjeeda Dowladda oo ay ugu horeeyaan
Maxaakiimta Islaamiga ah laguna qaybsado awooda
Dowladda. Beesha caalamka waxay dooneysaa in
shirkaasi lagu qabto meel ka baxsan dalka gudihiisa
iyagoo ballanqaaday in ay bixinayaan wixii qarash ah
ee ku baxaya shirkaasi. Dowladda Federaalka ayaa
ilaa iyo haatan waxaa ka xayiran lacagihii deeqda
ahaa waxaana sabab u ah iyadoo weli ka meermeereysa
qabashada shirweyne dib u heshiisiin ah, waxaana
Midowga Yurub uu Dowladda u ballanqaaday in ay
siinayaan lacag gaareysa 70-Milyan oo Doolar, balse
waxay shuruud uga dhigeen inay Dowladdu ay furto
shir dib u heshiisiin oo ay ka qaybgalaan dhamaan
kooxaha Soomaaliyeed
Bam lagu tuuray
Ciidamo Booliis ah oo ku sugnaa Isgoyska Siinaay.
Ciidamo Booliis ah oo ka tirsan Dowladda Federaalka
kuna sugnaa Isgoyska Siinaay ayaa kooxo aan la
garaneyn waxay ku tureen Bam kuwa gacanta ah,
waxaana halkaasi ku dhaawacmay shan qofood oo labo
ka mid ahi ahaayeen ciidanka Booliiska iyo saddex
kale oo rayid ahaa.
Waxaa marba marka ka dambeysa sii kordhaya ugaarsiga
lagu hayo Ciidamada Booliiska, iyadoo kooxaha
Muqaawamada ah horey u sheegeen inay la dagaalami
doonaan cid kasta oo taageero siisa Ciidamada
Itoobiya ama Dowladda Federaalka ah.
Dhawaan ayay ahayd markii saldhigyada Booliiska ee
ku yaala Gobalka Banaadir lagu ekeeyey weeraro is
daba joog ah.
Ciidamada
Itoobiya ee ku sugnaa Carbiska oo halkaa isaga baxay..
Wararka naga soo gaaraya Degmada Afgooye waxay
sheegayaan in Ciidamada Itoobiya ee ku sugnaa
saldhiga Carbiska ee Deegaanka Lafoole halkaasi ay
shalay isaga baxeen.
Ciidamadan oo aad u xooganaa watayna hub aad u fara
badan ayaa waxaa la sheegay inay u dhaqaaqeen
dhinaca Degmada Afgooye, warar kale ayaa waxay
sheegayaan in Ciidamada Itoobiya ay dib ugu laabteen
Magaalada Baydhabo.
Ciidamada Itoobiya ayaa carbiska waxa uu u ahaa
saldhigii ugu weynaa ee ay ku sugnaayeen, waxaana
guuritaankooda soo dhaweeyay dadweynaha deegaanka oo
iyagu dhawaan lagu amray in ay isaga baxaan
Kulliyaddii Beelaha iyo Dugsigii Daaqa Qaranka.
Dagaalkii ay ciidamada Itoobiya la galeen
Maxaakiimta Islaamiga ah ayaa waxaa la sheegay in
ciidamo gaaraya 8-kun oo Itoobiyaan ah ay soo galeen
Koonfurta Soomaaliya, waxaana ciidamadani
bixitaan-kooda la sheegay inay qayb ka yihiin, kadib
markii Ra’isul Wasaaraha Itoobiya sheegay in
ciidamada Itoobiya Soomaaliya laga soo saari doono
dhowr todobaad kadib. Xerooyinka ay degan yihiin
Ciidamada Itoobiya ayaa waxaa maalin walba lagu
hayaa weeraro joogto ah, waxaana weerarkii ugu
dambeeyay lala beegsaday Ciidamada Itoobiya ee ku
sugan wasaaraddii hore ee Gaashaandhiga, waxaana
weerarkaasi ku dhintay 11 qofood oo la sheegay inay
u badnaayeen dad rayid ah oo ay madaafiici ugu
tagtay guryahooda.
Xaflad lagu
caleema saarayey Gudoomiyaha cusub ee Ururka SAMO.
Xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay oo lagu
caleema saarayey guddoomiyaha cusub ee ururka Samo
Mudane Sadiiq Xasan Cabdi (Matinba) ayaa ka dhacday
Magaalada Muqdisho.
Xafladdaan oo ayka qaybgaleen, Odoyaal Dhaqameedyo,
Waxgarad, iyo Siyaasiyiinta ayaa ugu horeyntii waxaa
ka hadlay Garaad Cali Garaad Axmed iyo Malaaq Sharey
Max’ed Iimaan kuwaas oo sheegay in wixii maanta ka
dambeeya aysan u dulqaadan doonin in Beesha Jareer
Weyne lagu sheego Adaris iyo wixii la mid ah,
waxgaradkaan waxay kaloo Dowladda ugu baaqeen in la
soo dedejiyo shirka dib u heshiisiinta ee dhawaan
lagu dhawaaqay si loo baajiyo colaadaha Shisheeye ee
soconaya. Ugu dambeyntii waxaa halkaasi ka hadlay
Guddoomiyaha cusub ee SAMO mudane Sadiiq Xasan Cabdi
oo sheegay in uu ka shaqeyn doono isku keenista
Beelaha Jareerweyne, isagoo dhinaca kale
ballanqaaday in uu taageersan yahay shirka dib u
heshiisiinta.
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail
amiinkhasaaro@hotmail.com
Prof,Dalxa: Waa
Arin Qaldan Calanka Ethiopia Ee Laga Taagay
Tarabuunka Somaliya Calan Ayay Leedahay
.
yaasiin maxamed
cali (faytin)
yaasiinfaytin@hotmail.com
Feb 26, 2007: Gudoomiye ku xigeenka labaad ee
baaralamaanka soomaaliya prof,maxamed cumar dalxa oo
ka hadlayaya munaasabad lagu soo gaba-gabeeyey
tartanka kubadda kolayga oo ka dhacday magaalada
Muqdisho ayaa waxa uu sheegay in ay tahay nasiib
darro in calan aan aheyn calanka Somaliya lagu arko
qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho.
prof,dalxa ayaa ku tilmaamay arin qaldan calankii
saaka isagoo ka taagan lagu arkay fagaaraha
Tarabuunka oo uu ku tilmaamay midaan maskaxda geli
karin isla markaana calanka Somalida lagu yaqaano uu
yahay buluug xidig 5 gees ah leh, cidii wax ka
badashana ay iyada u taalo .
'' calanka soomaaliya waa calan buluug ah oo ay
xiddig caddi dhexda kaga taalo cidina ma bedeli
karto ,laakiin cidii doonaysa inay wax kabedesho
iyada ayay u taalaa ,mana la ogolaan doono ,arintan
saaka iyo xalay dhacday waa arin qaladan waana arin
aan masakaxda kaa daadegayn '' ayuu tiri prof dalxa
sidoo kale dalxa oo ayaa carabka kunadkeeyey inaysan
jirin cid bedeli karta calanka wadanka soomaaliya
islamrkaana xataa waxna ku kordhin karta waxna
kadhimi karta .
si kastaba ha ahaatee arintan calanka Ethiopia ee uu
ku xusnaa qoraalka (soomaaliya waa kilinka lixaad)
ayaa kicisay shucuubta kumanaan soomaali ah
islamrkaana ay maanta hadal haynta ugu badan ee la
hadal hayo ay noqotay calanka ethiopia ee lagu arkay
meelo kamida caasimada muqdisho iyadoo ay dalka
soomaaliya gudihiisa joogaan kumanaan ciidamo
Ethiopian ah .
Cadde Gabow:
Calanka Ethiopia Dadka Suray Tarabunka Waa Dad Soo
Dhowaynaya Ciidamada Cusub Ee Ethiopia .
Duqa magaalada muqdisho cadde gaaboow ayaa shaaca
qaaday inuu soo dhowaynayo arintan calanka ethiopia
ee laga taagay meelo kamida magaalada caasimada ee
muqdisho islamarkaana aysan ahayn wax dhibaato ah oo
loola jeedo oo keliya in lagu soo dhoweeyo cutubyada
ciidamada ee Ethiopia ee soo gaaray magaalada
muqdisho .
cadde gaaboow ayaa intaas ku daray waxaan shacabka
soomaaliyed ugu baaqayaa inay meel kasta ka taagaan
calanka Ethiopia islamrkaana sheegay waa in lagu
soodhoweeyaa ciidamada nabad ilaalineed ee
afrikaanka ah ee dhowaan imaanaya xarumaha ay
degayaan in laga sii taago calamada .
''anigu arintaan waxaan u arkaa inay soo dhowayn
tahay lagu soo dhowaynayo ciidamada Dowlada Ethiopia
loona baahan yahay oo weliba waxaaba wanaagsan oo
aan shacabka soomaaliyeed ugu baqayaa inay suraan
calanka ethiopia meel kasta iyo weliba calanka
dowladaha afrikaanka ah ee ciidamadooda usoo diraya
dalka soomaaliya'' ayuu yiri cadde gaaboow.
sidoo kale calankan Ethiopia ee laga taagay xalay
meelo kamida magaalada muqdisho ayaa dhaliyey
xiisado siyaasadeed ,iyadoo dadka qaarkii ay ku
macneeyeen inay tahay arin ah in dalka soomaaliya uu
noqday sida ku xusan calanka dushiisaba (kilinka
lixaad) ,halka dadka qaarna ay fikiro kale qabaan ,iyadoo
masuuliyiinta dowlada kmg ahina ay siyaabo kala
duwan uga hadleen arintan .
si kastaba ha ahaatee arintan ayaa sii xoojisay
xaalada murugsan ee dalku marayo iyadoo ay sii
kordhayaan nacaybka looqabo ciidamada xukuumada
Ethiopia ee ku sugan dalka soomaaliya gudahiisa .
Fagaaraha
Tarbuunka Iyo Meelo kale Oo Muqdisho Kamida oo Laga
Taagay Calanka Ethiopia .
FEB 26, 2007 Magaalada muqdisho ayaa subaxnimadii
Isniinta ku waaberiisatay fagaaraha tarabuunka ,rugta
saraakiisha shiir-kole iyo meelo kale oo ay ka
taagan yihiin calanka Ethiopia iyadoo ay dadku ay
layaab ku noqotay sababta calanka looga taagay
dhulka soomaaliya gaarahaan caasimada muqdisho
Calanka dowladd Ethiopia oo lagu arkay dhowr meelood
oo fariisimada u ah ciidamada xukuumada Ethiopia .
calamadan ayaa waxaa qaarkood ku xusnaa Qoraal
Somali ah (Somalia Kalinka lixaad), iyadoo ay
dowladda Ethiopia ay beenisay in ku lug leedfahay
arinkaasi.
Sidoo kale Arintaan ayaa waxaa caro xooggan ka
muujiyay dadweyne isugu jira aqoon yahanka ,wax-garadka
iyo dadka rayidka ah oo aad u fara badan oo halkaasi
isugu soo baxay kadibna dab qabadsiiyey qaarna jeex
jeexay calamaantii dhowrka ahaa ee laga taagay
meelahaasi .
Lama garanayo sababta dhabta ah iyo cidda ka
dambaysa in calankaasi laga taago goobahaas , iyadoo
saraakiil u hadashay ciidamada Ethiopia oo la soo
xiriirey Saxaafadana ay beeniyeen in ay ka sureen
calankaasi oo astaan u ah xukuumada Ethiopia iyadoo
Saraakiishaasi Ciidamada Ethiopia ay ku tilmaameen
arinkaasi mid la isaga horkeenayo shacabka
soomaaleeyeed iyo ciidamada Ethiopia .
" Anaga ma aanan u imaan halkaan in aanu wax qabsano,
waxaan u imaanay in aanu caawino dowladda KGM ah oo
ogolaashaheeda ayaanu ku soo galnay Somaliya"
sidaana waxaa yiri sarkaal u hadlayey ciidamada
xukuumada Ethiopia oo ku hadlayey luqada soomaaliga
,isagoo aan magaciisa xusin .
Dhinaca kale Ciidamada xukuumada Ethiopia oo ku
hubeysan gawaarida gaashaaman ayaa isku gadaamay
wadada Tarabuunka ilaa warshaddii hore ee caanaha
halkaasi oo saaka ay ka bilaabeen baaritaano, iyagoo
baaraya sida ay sheegeen dadkii ka dambeeyay
falkaasi islamrkaana sheegay inay soo qaban doonaan
waa siday sheegeene .
Waxaa soo baxaya warar sheegaya inay calanka
Ethiopia ee ay ku qoran yihiin qoraalkan (kilnka
lixaad) ay kataageen ciidamada Ethiopia ,
Goobjoogayaal ku sugnaa agagaarka deegaanka
tarabuunka ayaa saxaafada u xaqiijiyay in calankaasi
laga taagay fagaaraha Tarabuunka xalay, ay sureen
dad ka yimid dhinaca Isbitalka Digfeer oo fariisin u
ah ciidamada dowladda Ethiopia.
Si kastaba ha ahaatee arintan ayaa kacaraysiisay
kumanaan dad ah iyadoo shacabka ku dhaqan magaalada
muqdisho ay walaac xoogan ka muujiyey arintan ,islamrkaana
sii kicisay shucuurta dadka oo laga cabsi qabo inay
keento dagaalo ba,an oo ka dilaaca magaalada
muqdisho.
yaasiin maxamed cali (faytin)
yaasiinfaytin@hotmail.com
Xiddigaha Kubadda
Koleyga ee Hay’adda FERO oo la guddoonsiiyay
abaalmarinno kala duwan
FEB 26, 2007: Xaflad lagu soo gabagabeynayay
tartankii Xiddigaha Kooxaha kubadda Koleyga ee
Soomaaliya ayaa lagu qabtay Hotelka Global ee
Magaalada Muqdisho.
Xafladdaan ayaa waxaa soo qabanqaabiyay guddiga
xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Koleyga iyo
Hay’adda GOS, waxaan sidoo kale qayb ka ahaa
xubnihii ka soo qaybgalay Guddoomiye ku xigeenka
1-aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Prof.
Maxamed Cumar Dalxa iyo Duqa Magaalada Muqdisho
Maxamuud Xasan Cali (Cadde Gaaboow).
Kulankaan oo ahaa
mid aad u xiiso badan ayaa kooxihii la guddoonsiiyay
abaalmarinnada waxaa ka mid ahaa Xiddiga Kubadda
Koleyga ee Hay’adda FERO oo la guddoonsiiyay Koob
iyo Laba shahaado oo ay muteysteen.

Koobka ayaa waxaa la gudoonsiiyay Kabtanka Kooxda
Abaareey, waxaan guddoonsiiyay Gudoomiyaha Xiriirka
Soomaaliyeed ee Kubadda Koleyga Mudane Aadan Xaaji
Yabaroow (Wiish), waxaana sidoo kale shahaadooyinka
la guddoonsiiyay Xiddigaha FERO ay kala ahaayeen mid
la guddoonsiiyay Hay’adda FERO iyo sidoo kale mid la
guddoonsiiyay Xiddiga K/Koleyga ee FERO.
Xiddiga FERO ayaa waxay ka galeen kaalinta 2-aad
tartankii xiddiga kubadda koleyga, waxaana kaalinta
labaad ay galeen markii ciyaartii Finalka ahayd ay
kaga guulaysteen xiddigaha OLYMPIC FITNESS CENTER.

Xafladda ayaa waxaa xiddiga FERO uga qaybgalay
Madaxda Hay’adda FERO ee Muqdisho Faadumo Maxamuud
Faarax (Fadumo Olol) iyo kabtanka Xiddiga FERO
Abaarey iyo mid ka mid ah ciyaartoyda, waxaana
xiddigaha FERO lagu ammaanay ciyaar wanaag ay soo
bandhigeen intii uu tartanka socday.

Xafladda ayaa waxaa hadallo ka jeediya madaxdii
Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ka soo qaybgalay
iyagoo sheegay in loo baahan yahay in isboortiga la
horumariyo, sidoo kalena nabadda lagu dadaalo iyagoo
sheegay in nabadda iyo isboortiga ay isku xiran
yihiin.

Dhanka kale, Hay’adda FERO ayaa gudoonsiiyay
xiddigaheeda abaalmarinno shahaadooyin ah, waxaana
la guddoonsiiyay ciyaartoyda naadiga oo gaaraya
10-xubnood shahaadooyin.

Faadumo Olol oo ah Madaxa Hay’adda FERO ee Muqdisho
ayaa abaalmarinnadaas guddoonsiiyay xiddiga Naadiga,
waxayna sheegeen qaarkood inay si weyn ugu faraxsan
yihiin abaalmarinnada la guddoonsiiyay ayna kaga
mahadcelinayaan hay’adda Family Empowerment Relief
Organization (FERO).
Maxamuud Axmed Xasan ( Xuurshe)
xuurshe114@hotmail.com
Muqdisho-Somalia
Tel:002521-5573321
DFKMG oo Eedayn
Kulul u Jeedisey Hay'adaha NGO-ga ee Jooga
Soomaaliya
Wasiirka
DFKMG u qaabilsan Dib u heshiisiinta iyo Jaaliyadaha,
Maxamed Cabdi Xayir "Maareeye" oo shir jaraa'id ku
qabtay magaalaad Baydhabo (Feb 24, 2007) ayaa si
kulul u eedeeyey hay'adaha NGO-ga ee ku sugan dalka
Soomaaliya. Wasiirku waxa uu si kulul hay'adaha NGO
ugu eedeeyey in ay qayb weyn ka yihiin dhibaatada
aan dhamaanayn ee Soomaaliya. Waxana uu ku eedeeyey
in hay'adahaas NGO-ga ay Soomaaliya beesha caalamka
kaga raadsadaan lacago, marka ay lacagtaas soo
helaan aan cidna kula xisaabtamin. Lacagtaas oo,
ayuu yiri, ay boqolkiiba 70% ku bixiyaan
dalxiiskooda, hoteelada iyo guryaha qaaliga ah ee
Kenya iyo meelo kale oo adduunka ah. Boqolkiiba 20%
lacagtaas ahna waxay ku kiraystaan, ayuu yiri,
diyaarado hawada dhulka Soomaaliya kusoo gala si
sharci darro ah, kuwaas oo subaxdiina yimaada
galabtiina noqda, halkii ay dalka ka shaqayn
lahaayeeneen...
Dhegeyso
Hadalkii Maareeye.
Feb 19, 2007
ayey ahayd markii Madaxweynaha DGPL, Cadde
Muuse, uu aammaanay hay'adaha NGO oo uu kula kulmay
magaalada Garoowe, waxana uu sheegay in
hay'adaha NGO ee fadhigoodu yahay Garoowe ay hawl wanaagsan qabteen. Isagoo arrintaas ka hadlaya
Gen. Cadde Muuse waxa uu yiri: "Qolooyinkii United Nation-ka
IYAGOO DHAN waa noo yimaadeen kulligood wax fiican bay noo
qabteen iyagana si aad iyo aad ah ayaan ugu mahad naqayaa
iyo waxyaalahay qabteen."
Dhegeyso
Hadalkii Gen. Cadde.
Waxaa taas ka sii
horeysey in Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda ee DGPL, Maxamed C. Y.
Gaagaab uu dhaliil u jeediyey hay'adaha Samafalka ee jooga
Soomaaliya. Xilligaas oo uu Wasiirku la hadlayey dad
Soomaaliyeed oo jooga magaalada Minneapolis ee dalka
maraykanka waxa
hadaladdiisii ka mid ahaa "Ha'adaha dalka Soomaaliya jooga
waxay isu haystaan in ay yihiin madaxweynihii dalka."
Dhegeyso Hadalkii Gaagaab...


|