SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - BAAQ

Baaq ka soo baxay Ururka Mideynta Beelaha Waamo ee ku nool Yurub & Waqooyiga Amerika

KU: Cuqaasha, Isimada, Aqoon yahanada & Waxgaradka Reer Waamo

Ku: Shacabka Reer Waamo Meelkasta oo ay Joogaan:

Feb 27-07/SHW1UMW

Bismillahi Raxmaani Raxiim

Shir Deg Deg ah oo ay isugu yimaadeen Golaha Fulinta iyo Golaha Agaasinka Ururka Mideynta Beelaha Waamo ayaa waxay soo saareen Baaq ay ku muujinaayaan mowqifka ku aadan Maamulka Xaqdarada ah ee loo sameeyey Gobolada Jubboyinka, iyo Dhowrka Shaqsi ee ka been abuurtay Rabitaanka Shacabka Reer Waamo Bayaankii ay soo saareen iyagoo si Dulmi ah u Qortay Magacyada Dadka Reer Waamo, Isla markaana Sheegtay Urur aan la Aqoon Cida dooratay iyo Meesha Lagu Doortay.

Caqli kasta oo Fiyow wuxuu filan karaa in Dadka Reer Waamo Hal Daqiiqo Maskaxdooda dib u hantaan oo ay ka fikiraan Dadka Hor ordaayo inay yahiin dad ka shaqeynaayo Maslaxadooda iyo inay yahiin kuwa ka shaqeynaayo Duleyntooda,

Cidwalboo Dhibaataysan Cid unbaa u kacdo, Shaki kuma jiro Dadka Reer Waamo inay hayaan Sababo badan oo ay Bogsiin La-aanta Xanuunkooda ugu Eedeeyaan Hab Dhaqanka Qabiilka,

Shaki kuma jiro tani inay tahay Caqabada ugu weyn ee Hortaagan Halganka Aqoon Yahanada Reer Waamo ay ugu jiraan inay ka Xoroobaan Dadka aan Ehelka u Aheyn Gobolka ee soo Galay Gobolada Jubboyinka Dhowr & Tobankii Sano ee Dagaalada Mid walbaa oo ka mid ah Waxa uu Naawilaayaa Inay ka helaan Gobolka Waamo Mansab Siyaasadeed oo ayan Xaq u Laheyn Taas na waa ta Ragaadisay Rajada ay Shacabka Reer Waamo ka Qabaan in ay Aayahooda ka Tashadaan.

Ugu danbeyn Aqoon yahanada iyo Wax garadka Beelaha Waamo ee ku kala nool Dunida Dacaladeeda waxaan ka cod sanaynaa inay ka soo Qeyb Galaan Shir weynaha Guud ee Dib u Heshiisiinta Beelaha Waamo Shirkaa oo Sanadkii hore Gogol Dhigiisii lagu Qabtay Gobolka Minnesota ee Cariga Mareykanka Laguna doortay Gudiga Mideynta Beelaha Waamo hadana lagu wado in Sanad Guuradiisii labaad Lagu Qabto Magaalo madaxda Gobolada Jubboyinka ee Kismaayo.

Wixii Su-aal ah la soo xiriir Af-hayeenka Ururka Mideynta Beelaha Waamo, Muuse Caawshaan WaamoUnity2002@aol.com

Hadafka Ururka Mideynta Waamo

A- In Beesha Waamo la mideeyo iyadoon loo eegeyn Qabiil, Shaqsi, Lab ama Dhidig, lana abuuro siday u wada shaqeyn la haayeen una Xalin la haayeen Mushaakilaadka heysta Deegaankooda.

B- In la helo Dad u dhashay Gobolada Jubboyinka oo matala Deeggaankoda

C- In la abuuro ilo Dhaqaale lana kobciyo Hadafka Siyaasadeed ee Beesha kuna wajihan Abuuritaanka Xisbi Siyaasadeed oo ay ku mideysan yahiin dhamman Beelaha Waamo

Faafin: Feb 28, 2007


DFKMG oo Eedayn Kulul u Jeedisey Hay'adaha NGO-ga ee Jooga Soomaaliya


Xarumaha NGO-yada jooga Soomaaliya

Wasiirka DFKMG u qaabilsan Dib u heshiisiinta iyo Jaaliyadaha, Maxamed Cabdi Xayir "Maareeye" oo shir jaraa'id ku qabtay magaalaad Baydhabo (Feb 24, 2007) ayaa si kulul u eedeeyey hay'adaha NGO-ga ee ku sugan dalka Soomaaliya. Wasiirku waxa uu si kulul hay'adaha NGO ugu eedeeyey in ay qayb weyn ka yihiin dhibaatada aan dhamaanayn ee Soomaaliya. Waxana uu ku eedeeyey in hay'adahaas NGO-ga ay Soomaaliya beesha caalamka kaga raadsadaan lacago, marka ay lacagtaas soo helaan aan cidna kula xisaabtamin. Lacagtaas oo, ayuu yiri, ay boqolkiiba 70% ku bixiyaan dalxiiskooda, hoteelada iyo guryaha qaaliga ah ee Kenya iyo meelo kale oo adduunka ah. Boqolkiiba 20% lacagtaas ahna waxay ku kiraystaan, ayuu yiri, diyaarado hawada dhulka Soomaaliya kusoo gala si sharci darro ah, kuwaas oo subaxdiina yimaada galabtiina noqda, halkii ay dalka ka shaqayn lahaayeeneen... Dhegeyso Hadalkii Maareeye.

Feb 19, 2007 ayey ahayd markii Madaxweynaha DGPL, Cadde Muuse, uu aammaanay hay'adaha NGO oo uu kula kulmay magaalada Garoowe, waxana uu sheegay in  hay'adaha NGO ee fadhigoodu yahay Garoowe ay hawl wanaagsan qabteen. Isagoo arrintaas ka hadlaya Gen. Cadde Muuse waxa uu yiri: "Qolooyinkii United Nation-ka IYAGOO DHAN waa noo yimaadeen kulligood wax fiican bay noo qabteen iyagana si aad iyo aad ah ayaan ugu mahad naqayaa iyo waxyaalahay qabteen." Dhegeyso Hadalkii Gen. Cadde.

Waxaa taas ka sii horeysey in Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda ee DGPL, Maxamed C. Y. Gaagaab uu dhaliil u jeediyey hay'adaha Samafalka ee jooga Soomaaliya. Xilligaas oo uu Wasiirku la hadlayey dad Soomaaliyeed oo jooga magaalada Minneapolis ee dalka maraykanka waxa hadaladdiisii ka mid ahaa "Ha'adaha dalka Soomaaliya jooga waxay isu haystaan in ay yihiin madaxweynihii dalka." Dhegeyso Hadalkii Gaagaab...
 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com