Wararki: Feb 28, 2007
- Sheekh
Shariif oo martiqaad ka helay Jaaliyadda
Soomaaliyeed ee ku nool Switzerland...
- Dowladda
Federaalka oo sheegtay in xaruntii Gaashaandhiga
noqon doonto saldhiga ugu weyn ee ciidamada
Nabad ilaalinta ah…
- Ciidamada
Itoobiya oo Sawiro isaga qaaday Gurigii uu
deganaan jiray Gen. Max‘ed Cali Samatar
- Banaanbax
looga soo horjeedo keenista Ciidamo Shisheeye oo
ka dhacay Deegaanka…
- Taliyihii
Ciidamada Madaniga ee NBC oo la dilay
- Shan qofood
oo siyaabo kala duwan loogu dilay Muqdisho
shalay
- Wafdi ka
socda Koonfur Afrika oo soo gaaray Magaalada
Muqdisho
Sheekh
Shariif oo martiqaad ka helay Jaaliyadda
Soomaaliyeed ee ku nool Switzerland...
Guddoomiyaha Golaha Fulinta Maxaakiimta Islaamiga ah
Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa martiqaad ka helay
Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalka
Switzerland, waxaana la filayaa in uu inta uu
halkaasi joogo uu kulamo la yeesho Jaaliyadda
Soomaaliyeed ee halkaasi ku nool. Dhawaan ayey ahayd
markii Sheekh Shariif uu qadka Taleefanka kaga
qaybgalay xaflad ka dhacday dalkaasi oo ay ka
qaybgaleen Bulshada Soomaaliyeed ee halkaasi ku nool,
waxa uuna Sheekh Shariif uga waramay Xaaladda Dalka
Soomaaliya iyo sida ugu haboon ee nabad loogu soo
dabaali karo, waxa uuna sheegay Sheekh Shariif in ay
sidii wadi doonaan halganka ay kula jiraan Dowladaha
ku soo duulay dalka Soomaaliya, waxa uuna si gaar ah
farta ugu fiiqay Dowladda Itoobiya oo uu sheegay
inay qabsatay dalka Soomaaliya, waxa uuna Sheekh
Shariif ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay
maalkooda iyo naftooda u horaan difaaca Diinta iyo
Dalka.
Sheekh Shariif o ku
sugan dalka Yemen ayaa waxaa kaloo uu martiqaad ka
helay dhamaan Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee ku nool
dalalka Yurub, hase yeeshee Sheekh ayaa dalka Yemen
ka wada hawlo loogu googol xaarayo sidii nabad loogu
soo dabaali lahaa dalka Soomaaliya. Sheekh oo isagu
dhawaan gaaray dalka Yemena yaa mudo ku sugnaa
Magaalada Nayroobi, iyadoo Dowladaha Mareykanka iyo
Midowga ay aad u daneynayaan in Sheekh Shariif iyo
kooxaha kale ee Qunyaru- Socodka ah ay ka mid
noqdaan Dowlad Soomaaliyeed oo loo dhiso shacabka
Soomaaliyeed, hase yeeshee Dowladda Federaalka ayaa
horey u diiday inay wax wada hadal la gasho
Maxaakiimta Islaamiga ah oo ay sheegeen in ay ka
baxeen saaxadda Siyaasadda.
Dowladda
Federaalka oo sheegtay in xaruntii Gaashaandhiga
noqon doonto saldhiga ugu weyn ee ciidamada Nabad
ilaalinta ah…
Dowladda Federaalka ayaa qorsheyneysa in xaruntii
hore ee Wasaaradda Gaashaandhiga ay noqoto Saldhiga
ugu weyn ee Ciidamada Midowga Afrika oo dhawaan
hawlo nabad ilaalin ah ka fulin Doona dalka
Soomaaliya.
Wasaaraddii hore ee Gaashaandhiga oo ay degan yihiin
dad qaxooti ah oo soo barakacay ayaa waxaa arintaani
walwal ka muujiyey dadweynihii deganaa oo sheegay in
Dowladda looga baahan yahay inay u hesho goobo kale.
Wasaaradda Gaashaan-dhiga oo ay dhawaan soo degeen
Ciidamo Itoobiyaan ah ayaa halkaasi waxay kala
kulmeen weeraro kaga imaanayey kooxo hubeysan kuwaas
oo ka soo horjeeda joogitaanka ciidanka Itoobiya ee
halkaasi. Xaruntaan ayaa la qorsheynaa in ay xarun u
noqoto Ciidamada Midowga Afrika, hase yeeshee,
banaanbax shalay ka dhacay Magaalada Muqdisho ayaa
waxaa si aad ah looga soo horejeestay Keenista
Ciidamadaasi, waxayna sheegeen inay la dagaali
doonaan cid kasta oo shisheeye ah oo timaada gudaha
dalka Soomaaliya. Banaanbaxaan waxaa kaloo looga soo
horjeeday qaraxyada iyo weerarada maalin iyo
habeenba ka dhaca Magaalada Muqdisho oo ay ku
waxyeeloobayaan dad rayid ah oo aan waxba galabsan.
Ciidamada
Itoobiya oo Sawiro isaga qaaday Gurigii uu deganaan
jiray Gen. Max‘ed Cali Samatar
Ciidamada Itoobiya oo dhawaan baaris ka fuliyey
Xaafadda Shiirkole iyo Wasaaradda Gaashaandhiga ayaa
dad goobjoog ah waxay noo sheegeen in markii ay
yimaadeen Deegaanka Shiirkole waxay dadka weydiiyeen
halkii uu deganaan jiray Wasiirkii hore ee
Gaashaandhiga Gen. Max’ed Cali Samatar ayaa markii
farta loogu fiiqay waxay bilaabeen in ay sawiro
isaga qaadaan.
Ciidamadii Soomaalida ee la socday ayaa weydiiyey
ciidamada Itoobiya sababaha ay Sawirada isaga
qaadayaan halkaan, waxay ugu jawaabeen in Sawiradani
taariikhi yihiin oo ay iyaga muhiim u yihiin,
maadaama goobtaani ay ahayd halkii laga xukumi jiray
Ciidamadii Xoogga dalka Soomaaliyeed, uuna Wasiirkii
Gaashaandhiga ahaana Taliyahii Ciidamada Xoogga
Dalka Soomaaliyeed Cali Samatar. Askartii kale ee
Soomaalida aheyd ee la socotay ayaa aad ula yaabay,
waxaana nin haatan Odey noqday oo ka tirsanaa
ciidankii Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa ku
calaacalay, (Waa ayaandaro in Ciidan Itoobiyaan ah
yimaadaan xarumaheenii ciidamada).
Banaanbax looga
soo horjeedo keenista Ciidamo Shisheeye oo ka dhacay
Deegaanka…
Banaanbax looga soo horjeedo Ciidamada shisheeye iyo
dilalka iyo qaraxyada ku soo kordhay Magaalada
Muqdisho maalmihii ugu dambeeyey ayaa waxa uu ka
dhacay Suuqa xoolaha. Banaanbaxaan oo markii hore ku
bilowday si tartiib tartiib ah ayaa markii dambe ku
fiday wadooyinka suuqa Xoolaha waxayna dadku
dhawaaqayeen ereyo ay ka mid ahaayeen “Doonimeyno
Ciidamo Shisheeye” ‘ciidamo shisheeye hore ayaan
usoo aragnay dhibaatooyinka, oo maanta nooguma
horeyso’.
Banaanbaxaan ayaa waxaa kaloo lagu dalbaday in ay
ciidamada Itoobiya ay si dhaqsi leh uga baxaan dalka
Soomaaliya, ilaa iyo haddana lama garanayo sababihii
uu ku bilowday banaanbaxaasi, waana banaanbixii
labaad ee ka dhaca Suuqa xoolaha tan iyo markii ay
Dowladdu soo gaartay Magaalada Muqdisho, ilaa iyo
haddana kama hadlin Dowladdu banaanbax-yadaasi.
Warar ayaa waxay sheegayaan in banaanbaxyo kuwaan ka
balaaran ay ka dhici doonaan Muqdisho kuwaas oo
looga soo horjeedo ciiamada Shisheeye.
Taliyihii
Ciidamada Madaniga ee NBC oo la dilay
Waxaa maqribnimadii shalay Magaalada Muqdisho lagu
dilay taliyihii Ciidamada Madaniga ee Xaafadda
Taleex Axmed Xirsi (Dhaashane).
Nin ku hubeysan ayaa ku sugayey iridka hore ee
Masaajid ee uu markaasi ku tukanayey marxuumka,
kadibna markii uu banaanka yimid ayuu dhowr xabood
ku dhuftay, halkii ayuun ku geeryooday.
Allaha u naxariistee Axmed Dhaashane oo si weyn
looga yaqiinay Degmada Hodan Waaxda Saddexaad ee
NBC, waxa uuna dagaal kula jiray kooxaha burcadda ah
ee ka qowleysata xaafaddaasi.
Axmed Dhaashani markii la dilayey waxa uu ka adimay
Masjidka uu Markaasi ku tukanayey ee Gerweyne,
waxaana si aad ah geeridiisa uga naxay dadweynaha ku
nool Xaafadda NBC.
Ilaa iyo hadda lama garanayo sababaha loo dilay
Axmed, balse warar ayaa waxay sheegayaan in in uu
ahaa raggii sida aadka ah uga soo horjeeday kooxaha
Caaddeystay in ay bulshda dhexdeeda ka dhex tuuraan
Hoobiyayaasha.
Shan qofood oo
siyaabo kala duwan loogu dilay Muqdisho shalay
Waxaa Magaalada Muqdisho ku sii kordhaya dialka loo
gaysanyo dadka aan waxba galabsan waxaana maalintii
shalay ahayd Magaalada Muqdisho lagu dilay shan
qofood oo siyaabo kala duwan loogu dilay.
Suuqa Bakaaraha ayaa waxaa lagu dilay nin la damcay
in laga qaato Bistuulad, isna mid ka mid ah
burcaddii ayuu dhaawac u gaystay oo uu markii dambe
u dhintay, iyadoo la sheegay in kii labaad ee
Burcadda isna lagu dhex dilay Suuqa Bakaraaha.
Nin la socday Gaari TOYOTA ayaa isna lagu dilay
agagaarka Xarunta Isgaarsiinta ee Nationlinka, sidoo
kale nin isna marayey agagaarka garoonka Cayaaraha
ee Stadium Mogadishu.
Xalay maqribnimadii ayaa Taliyihii ciidamada
Madaniga ee Xaafadda NBC Axmed Xirsi Dhaashane la
dilay isagoo ka soo baxayey masjid ku yaalay
Xaafadda, waxaana dilkiisa gaystay nin ku hubeysnaa
Bistoolad.
Dilalkaan ku soo kordhay Magaalada Muqdisho ayaa
waxaa walwal ka muujiyey dadwenah ku nool Magaalada
Muqdisho oo iyago markii hore la walwalsanaa
qaraxyadii iyo weeraradii ay isku hayeen labada
dhinac ee Ciidamada Itoobiya iyo kooxaha Muqaawamada.
Wafdi ka socda
Koonfur Afrika oo soo gaaray Magaalada Muqdisho
Waxaa shalay Magaalada Muqdisho soo gaaray wafdi ka
socday K/Afrika oo la sheegay ina y ku jiraan
Saraakiil dhinaca Ciidamada ah, waxaana ku soo
dhaweeyey Magaalada Muqdisho saraakiil iyana ka
tirsan Dowladda Federaalka.
Wafdigaan ayaa maanta waxay la kulmi doonaan
mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka oo uu ku
jiro, guddoomiye ku xigeenka Golaha Baarlamaanka
Prof. Dhalxa.
Ujeedada ay u yimaadeen wafdigaan ayaa lagu
macneeyey inay tahay iyadoo ay doonayaan in ay
indha-indheeyaan Xaaladda Magaalada Muqdisho, Iyadoo
Dowladda K/Afrika ay horey u sheegtay inay
Soomaaliya u soo direyso kooxo tababarayaal ah,
waxayna diiday inay Soomaaliya u soo dirto ciidamo
nabad ilaalin ah. Dowladda K/.Afrika ayaa ka mid
ahayd dowladihii ugu horeeyey ee ballanqaaday in ay
Soomaaliya ciidamo u soo dirayaan, basle waxay dib
uga laabatay go’aankeedii markii ay ogaateen
xaaaladda dalka.
Wafdigaan ayaa la filayaa in ay u ambabaxaan
Magaalada Baydhabo oo xarun ku meel gaar ah u ah
Dowladda Federaalka, waxaana la filayaa in ay
halkaasi kula kulmaan mas’uuliyiinta ugu sareysa
Dowladda Federaalka oo ay ku jiraan Madaxweynaha iyo
Ra’isul Wasaaraha.
Dowladda Uganda ayaa lagu wadaa in ay noqoto
Dowladdi ugu horeysay oo ciidamo hoos taga Midowga
Afrika u soo dirta Soomaaliya.
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail
amiinkhasaaro@hotmail.com
Faafin: Feb 28,
2007
Wararkii Talaadadii::
Dilal
Kala Gooni -Gooni Ah Oo Maanta Ka Dhacay Magaalada
Muqdisho ..
Feb 28, 2007: Dilalkan oo aan la ogayn cidda
kadamabaysa ayaa maanta dhowr melood lagu kala diley
ilaa 7-qof oo uu ku jiro ganacsade caan ka ahaa
magaalada caasimada ee muqdisho .
Kooxo dabley ah oo aan heybtooda la garaneyn ayaa
ganacsade la oran jirey Yuusuf Dar-buuxshe waxa ay
ku toogteen wadada labaad ee suuqa Bakaaraha ee
magaalada Muqdisho maanta duhurnimadii, iyadoo aan
la garaneyn sababta ka dambeysa dilka ganacadsadahan
oo tacshiirad lala beegsaday xilli uu watay gaari
yar oo nooca loo yaqaano surf-ka .
Sidoo kale Labo ruux ayaa geeriyootay ka dib markii
tacshiirad ay isku fureen nin rayid ah iyo kooxo
burcad ah oo doonayay in ay ka qaataan telefoonka
gacanta (mopile) agagaarka Suuqa Dawada ee Bakaaraha
ee magaalada Muqdisho.
Sidoo kale mid kamida dadka la diley maanta ayaa
isna lagu diley isagoo masaajid ku yaala suuqa
bakaaraha isagoo kasoo baxaya xili salaadii duhur
kadib ah.
dilalkan kala gooni gaanida ah ee ka dhacay
magaalada muqdisho ayaan la ogayn sababta dhabta ah
ee kadambaysa ,iyadoo badanaaba loo sababaynayo
xaalada amaan daro ee ka jirta magaalada muqdisho
dhinaca kale weerar lagu doonayey in lagu afduubto
mid kamida shaqaalaha shirkada korontada ee (som-electeric)
oo badanaaba magaalada muqdisho dabka gelisa ayaa
dhicisoobay kadib markii ilaalada shirkadaasi ay
iska caabiyeen islamrkaana ay halkaas ka eryeen
burcadaas doonanaysay afduubka .
Goob joogayaal ku sugnaa halkaasi ayaa ii xaqiijiyey
inay ilaalada shirkada som-elelcteric ay iska
difaaceen burcadaas islamrkaana ay ka carareen
burcadii goobtaasi ,iyadoo aysan jirin cid wax ku
noqotay
Sidoo kale Saakay ayay aheyd markii nin rayid ah
isna lagu dilay agagaarka Stadio Muqdisho, iyadoo
aan la garaneyn sababta iyo cidda ka dambeysa
dilkiisa.
Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ku soo badanaya
dialalka dadka rayidka ah loo geysanayo iyo waliba
weerarada lala beegsanayo xarumaha ciidamada
dowladda iyo kuwa Ethiopia, iyadoo xalay labo
bambaano lagu weeraray saldhigga booliska ee degmada
yaaqshiid, inkastoo aanu la soo sheegin wax qasaaro
ah.
Si kastaba ha ahaatee xaalada amaan xumo ee ka jirta
caasimada soomaaliya ayaa kasii daraysa maalinba
maalinta kasii dambaysa ,iyadoo aysan jirin cid ka
tirsan masuuliyiinta dowladda kmg ah oo ka hadashay
arintaan oo kusoo beegmaysa xili ay gacanta ku
hayaan magaalada muqdisho.
yaasiin maxamed cali (faytin)
yaasiinfaytin@hotmail.com
DFKMG oo Eedayn
Kulul u Jeedisey Hay'adaha NGO-ga ee Jooga
Soomaaliya
Wasiirka
DFKMG u qaabilsan Dib u heshiisiinta iyo Jaaliyadaha,
Maxamed Cabdi Xayir "Maareeye" oo shir jaraa'id ku
qabtay magaalaad Baydhabo (Feb 24, 2007) ayaa si
kulul u eedeeyey hay'adaha NGO-ga ee ku sugan dalka
Soomaaliya. Wasiirku waxa uu si kulul hay'adaha NGO
ugu eedeeyey in ay qayb weyn ka yihiin dhibaatada
aan dhamaanayn ee Soomaaliya. Waxana uu ku eedeeyey
in hay'adahaas NGO-ga ay Soomaaliya beesha caalamka
kaga raadsadaan lacago, marka ay lacagtaas soo
helaan aan cidna kula xisaabtamin. Lacagtaas oo,
ayuu yiri, ay boqolkiiba 70% ku bixiyaan
dalxiiskooda, hoteelada iyo guryaha qaaliga ah ee
Kenya iyo meelo kale oo adduunka ah. Boqolkiiba 20%
lacagtaas ahna waxay ku kiraystaan, ayuu yiri,
diyaarado hawada dhulka Soomaaliya kusoo gala si
sharci darro ah, kuwaas oo subaxdiina yimaada
galabtiina noqda, halkii ay dalka ka shaqayn
lahaayeeneen...
Dhegeyso
Hadalkii Maareeye.
Feb 19, 2007
ayey ahayd markii Madaxweynaha DGPL, Cadde
Muuse, uu aammaanay hay'adaha NGO oo uu kula kulmay
magaalada Garoowe, waxana uu sheegay in
hay'adaha NGO ee fadhigoodu yahay Garoowe ay hawl wanaagsan qabteen. Isagoo arrintaas ka hadlaya
Gen. Cadde Muuse waxa uu yiri: "Qolooyinkii United Nation-ka
IYAGOO DHAN waa noo yimaadeen kulligood wax fiican bay noo
qabteen iyagana si aad iyo aad ah ayaan ugu mahad naqayaa
iyo waxyaalahay qabteen."
Dhegeyso
Hadalkii Gen. Cadde.
Waxaa taas ka sii
horeysey in Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda ee DGPL, Maxamed C. Y.
Gaagaab uu dhaliil u jeediyey hay'adaha Samafalka ee jooga
Soomaaliya. Xilligaas oo uu Wasiirku la hadlayey dad
Soomaaliyeed oo jooga magaalada Minneapolis ee dalka
maraykanka waxa
hadaladdiisii ka mid ahaa "Ha'adaha dalka Soomaaliya jooga
waxay isu haystaan in ay yihiin madaxweynihii dalka."
Dhegeyso Hadalkii Gaagaab...