Wararkii: Jan 6,
2006
-
Mudaharad Looga Soo Horjeedo Ethiopia Ka
Dhacay Muqdisho
- Muuse
Suudi Yalaxow oo lix bilood kadib kasoo
Degey Gegida Diyaaradaha Ee magaalada
Muqdisho.
- Hay'ad
Ka Tirsan Qaramada Midoobey oo ka dayrisay
Xaaladda Ammaan-darro ee Soomaaliya
-
Hadalkii Kasoo Baxay Wasiirka Arimaha Gudaha
Xuseen Caydiid oo Damqay Meel Dhaawac Ahayd.
- C/laahi
Yuusuf oo dalbaday in ciidamo nabad ilaalin
ah si deg deg ah loogu soo diro Soomaaliya
- Qaar ka
Tirsan Mudanayaasha Baraalamaanka oo ku
sugnaa nairobi ayaa oo Xabsiga La dhigay .
- Ayman
la zawahiri oo ku Baaqay weeraro ku Dhufo ka
dhaqaaq ah oo lala Beegsado ciidamada
Ethiopia
- Contact
Group oo Shir ku yeeshay Nairobi, Kenya
-
Alqaacida oo Muslimiinta Soomaaliya ugu
baaqday inay weeraro ku qaadaan Ciidamada
Itoobiya Ethiopia
"Wiil dhawr iyo
toban jir ah oo ay Ciidamada Ethiopia ku dileen
Muqdisho"
nytimes
Muqdisho:
Jariidada New York Times waxay sheegtay
in saraakiisha Cisbitaal ku yal Muqdisho ay
sheegeen in ciidamada Ethiopia ay Muqdisho ku
dileen wiil dhallinyaro ah oo ka mid ah dadkii
mudaharaadka ku dhigayey Muqdisho. Waxaa wararku
tibaaxeen in ciidamada Ethiopia ay rasaas hoos
ugu dhigeen dad dhigayey mudaharaad ay kaga soo
hor jeedaan Ethiopia oo ciidamadeedu ay
maalintii 10aad ku jiraan magaalada dekedda ah
ee ku taal xeebta badweynta Hindiya ee Muqdisho.
Waxaa wararku intaas ku dareen in dad kalena ay
dhaawac yihiin. [nytimes].
Al-Xaaji Muuse Suudi
Yalaxo oo Muqdisho ku soo laabtay::
Waxaa maanta oo
Sabti ah Muqdisho kusoo laabtay Muuse Yalaxow oo
ka tirsanaan jirey Isbahaysigii la magac baxay
"La dagaalanka Argaggaxisada", arrintas oo
walaac kusoo kordhisey shacabka Soomaaliyeed...
Warka oo dhan hoos ka akhri...
Ciidamada
Ethiopia oo Muqdisho Ku Dhaawacay Dad
Mudaharaadayey
- Warka &
Sawirada mudaharaadka::
yaasiin maxamed cali (faytin)
Sabt, Jan 6,
2007: Saaka waaberigii ayaa waxaa mar qudha lagu
waaberiistay wadooyin waaweyn ee magaalada
muqdisho oo xiran islamarkaana ay Uurada iyo
Qiiqa taayirada la gubayo ay is Qabsadeen ,taasoo
ka dhalatay Hadalkii kasoo yeeray Dowlada ee
ahaa in hubka ay xoog kaga qaadi doonaan
shacabka iyo ganacsatada Ku dhaqan magaalada
muqdisho oo la filayey inuu maanta Bilowdo.
Ilaa Afar qofood iyo in ka badan ayaa waxaa ay
ciidamada Ethiopia ee ku jiray Xaruntii hargaha
iyo saamaha oo ay weheliyaan ciidamada DFKMGS ay
ku dhaawaceen banaan baxaas, islamarkaana
arintaan ayaa timid ka dib markii ay dadka qaar
dhagaxtuureen.
Sidoo kale Habeenimadii xalay ayaa waxaa
wadooyinka waaweyn ee Magaalada muqdisho waxaa
ka bilaabatay jidgooyooyinka aan abaabulneyn oo
ay sameynayeen dhallin yaro caraysan oo
xaafadaha qaarkood isaga soo baxay waaguna ugu
barayey meelo badan oo sida Tarbuunka ,Warshada
caanaha, Taleex, tre Pianno, Soope iyo xaafa
daha ku dhow oo saakay aanay ka aysan jirin wax
Gaadiidka dadweynaha ah oo ka shaqaynayey
halkaasi.
Arintan ayaa ah mid cirka isku sii shereeraysa
hadii xaaladu sidan ku sii socoto oo Xiligan ay
Ciidamo dabaabad Wata oo Ethiopian ahi ay ku
jiraan Gudaha muqdisho oo taageerada DFKMGS.
Mid
ka mida ragii shirkii Eldored ee loo xilsaaray
hub ka dhigista oo sheegay in reer Puntland
aysan hub ka dhigi Karin reer Muqdisho isagoo
soo qaaday hadalkii Madaxweynaha Puntland ee
ahaa..... Ka akhri hoos....
yaasiin maxamed
cali (faytin)
yaasiin2006@hotmail.com
Mudaharaad
Looga Soo Horjeedo Ethiopia oo Ka Dhacay
Muqdisho
Reuters,
Sabti Jan 6: Boqolaal qof oo Soomaali ah ayaa
gubey taayiro, waxayna tuurayeen dhagxaan maanta
oo Sabti ah iyagoo ka mudaaraadaya joogitaanka
ciidmada Ethiopia ee ku sugan Muqdisho.
Ciidamada Ethiopia waxay rideey rasaas ay kor u
ridayeen si ay u kala cayriyaan dadka isusoo
baxay. Waxaana lagu soo waramay in ganacsiga
aagga K4 ay xiran yihiin halkaas oo mudaharaad
ka dhacay. Dhawr kooxood oo ay ku jiraan dumar
iyo carruur ayaa logeeyey wadooyinka iyagoo ku
dhawaaqayey "Itoobiya ha dhacdo". Qof goobta
joogey ayaa yiri "Waxaa socda mudaharaad aad u
weyn, dadku waxay gubeen taayiro, agga K4 waxaa
qariyey qiiqa taayirada la gubey."
AFP:
Dadka mudaharaadayey waxay ku qaylinayeen "Ma
rabno hub ka dhigis hal dhinac ah... ma rabno
Ethiopian, hanooga bexeen dalkayaga."
AP:
Mudaharaad ayaa maanta ka dhacay magaalada
Muqdisho, kaas oo looga soo horjeedo barnaamijka
dadka hubka looga qaado xoogga iyo joogitaanka
ciidamada EThiopia ay ku sugan yihiin Soomaaliya.
Wararkii u horreeyey ee ka soo baxay dadka
mudaharaadka dhigayey ayaa sheegay in ay
dadkaasi wadooyinka ku gubeen taayiro, waxayna
ku dhawaaqayeen erayo dhan ka ah Ethiopia.
Hay'ada AP waxay werisey in ay dadkaasi ku
dhawaaqayeen "Ha dhacdo, Ethiopia ha dhacdo."
Aagga rabshadaha ugu badan ka dheceena waa aagga
Tarabuunka.
Hay'adda
Qaramada Midoobey u Qaabilsan Xiriirka Samafalka
oo ka dayrisay Xaaladda Ammaandarro ee sii
Xumaaneysa ee Soomaaliya
-
Qaramada Midoobey oo Raadina Qof Shaqaale u
ahaa oo ay Ciidama Itoobiya xirteen...
-
Isbaarooyinkii oo kusoo laabtay Jidadka ku
xeeran Muqdisho...
"waayadii hore soohdinta Itoobiya badda ayay ku
sinnayd, hase ahaatee kolkii ay weydey awood ku filan oo
ay wax isaga caabbido, xoogagga kiristaanka ahina ay wax
kaalmo ah taaran waayeen ayay soohdimahayagii badda
gaarsiisnaan jirey waxay u gacan-galeen quwado muslin
ah"
Menelek II: April 10, 1891...
Akhri...
Xuseen
Maxamed Faarax Ceydiid Ra'iisul-wasaare K/xigeenka
ahna Wasiirka Arrimaha Gudaha DFKMG ee lagu soo
dhisay Nairobi oo Magaalada Muqdisho dhawr
maalmood kadib markii ay qabsadeen ciidamada
Ethiopia kula hadalyey odayaal dhaqameedyo ayaa
sheegay in la baabi'inayo Xadka Soomaaliya oo
lala midaynayo Ethiopia, oo Hal Ciidan ay
yeelanayaan, Hal dhaqaale yeelanayaan, hal
Baasaboor ay qaadanayaan Soomaalida iyo Itoobiyaanku.
Xuseen Caydiid: Jan 2, 2006...
Akhri..

Ciidamo Itoobiyaan ah oo harsanaya Geed-hindi;
Muqdisho Jan 4, 2007. AFP
Jan
6, 07:
Inta
maalmood oo Ciidanka Xabashidu Ku Jiraan Magaalooyinka: Galkacyo
(42), Baydhabo
(21), Beledweyne
(13), Muqdisho
(10), Kismaayo
(6)..
Hadalkii Diinaari ee Sarbeebta
ahaa....
Qoraalkii uu C/Risaaq Xaaji Xuseen 2002 Ka Qoray Faragelinta ay
Itoobiya Ku Hayso Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya, kaas oo ku aadan arrimaha
Maanta taagan.. Akhri
Meles Zenawi:
Hadalkii Diinaari ee Sarbeebta ahaa oo aan
Soomaalidu fahmin iyo Xuseen Caydiid oo ah fikirka
Saxda ah iyo Qorshaha/Hindisaha/Aragtida ama
VISION-ka dhabta ah ee Dawladda...
Akhri... |
Qoraal ay
hay'adda OCHA ee Qaramada Midoobey u qaabilsan
xiriirinta samafalka Soomaaliya ay Jimcadii (Jan
5, 2006) ka soo saartay magaalada Nairobi ayey
ku sheegtay sida ay Soomaaliya ugu sii kordheyso
ammaandarrada, iyo sida looga cabsi qabo in ay
soo laabtaan Qabqalayaashii dagaalka iyo weliba
maleyshiyada aan cidna ka amar qaadan iyo
Isbaarooyinki oo soo laabtay, qoraalka hay'adda
waxaa ka mid ahaa:
"Inkasta oo Soomaaliya aysan dhawrkii beri ee la soo dhaafay ka jirin dagaal baahsan, haddana warbixinadu waxay sheegayaan in ay dhaceen arrimo xagga ammaanka la xiriira
oo halis ah. Janaayo 2deedii magaalada Afmadow (J/Hoose) ayaa ciidamda Itoobiya waxay ku xireen
qof shaqaale ah oo ka tirsan hay'ada Qaramada midoobey ee UNDSS, ilaa haddana Qaramada Midoobey waxay raadinayaan meesha uu ku dambeeyey qofkaas shaqaalaha u ahaa Qaramada Midoobey."
"Waxa kale oo jira dhacdooyin iyo falal ay ka mid yihiin hanjabaad iyo nintooxsi iyo xarig aan loo meel deyin oo
ay Ciidamada Militariga Itoobiya u geysteen shaqaalaha Hay'adaha aan dawliga ahayn ee NGO.
3dii Janaayo laba duulimaad oo kuwa diyaaradaha ah oo ay lahayd UNCAS (Hal duulimaad oo xamuul ahaa, iyo mid rakaab ahaa)
ayaa loo diidey in ay ku dejiyaan garoonka K50, waxaana rakaabkii khasab loogu soo celiyey Nairobi, xamuulkii oo loo sidey hay'adda gargaarka carruurta ee
UNICEF waxaa loo weeciyey magaalda Jowhar. 4tii January, diyaarad ay lahayd UNCAS waxaa loo diidey in ay ku degto garoonka diyaaradaha ee
Kismayo.
"Maleyshiyooyin hubaysan ayaa la soo sheegay in joogaan jidadka
magaalada Mogadishu ku xiriiriya Shabeellada Hoose, Shabeelada Dhexe, iyo Baydhabo, jidadkaas oo ay ka dhacaan bililiqo, nintooxsi, cabsigelin,
hanjabaad iyo dhac. Waxaa si khaas ah sheegay saddex dhacdo oo maleyshiyadaas
iska wareegaysanaya ay fuliyeen kufsi - ay kufsaden qof dumar ah oo saarnay
gaari ka tegey Muqdisho oo kusii jeedey Shabeellada Hoose meel 60km jirta, iyo qof dumar ah oo ganacsato ah oo lagu kufsaday meel u dhow
degmada Afgoye meesha la yiraahdo
Bushka iyo gabar lagu kufsaday tuulada Gandershe oo u dhexeysa Merka iyo Mogadishu (dhacdada
u dhambaysa waxay dhacday 4tii
January weerar ay ku dhinteen afar qof)."
"Waxaa lagu soo waramayaa in qabqalayaashii-dagaalka hore ay isku deyeyaan in
ay ku soo laabtaan awoodda magaalooyinka
Jowhar, Kismayo, iyo Mogadishu."
"Kaddib markii baaqii Ra'iisul wasaare Geeddi uu toddobaadkii hore reer Mudisho ugu yeeray in ay hubka iskood isaga dhigaan uu noqday mid aan guud ahaan dheg loo dhigin,
DFKMG waxay ku dhawaaqday maanta (5 January) in ay dadweynaha reer Muqdisho berrito ku bilaabi doonto hubka dhigis,
oo ay xoog hubka kaga qaadi doonto dadka diida in ay hubka iskood isaga dhiibaan. Arrintaasi waxay dhallin kartaa ammaanka oo sii xumaada."
"Magaalada Galkayo, waxaa laga soo sheegay in xaalada guud ahaan deggan tahay, inkastoo dilal aar gudasho ah laga soo sheegay Koonfurta Galkacyo, iyo in la soo sheegay in dadku ay socodkooda yaraynayaan iyagoo cabsi qaba awgeed.
Madaxweynaha Puntland waxa uu ku dhawaaqay cafis iyo in la siideynayo dhammaan maxaabiista loo xirxiray arrimaha la xiriira iska hor-imaadkii.
Si kastaba ha ahaatee, Waxaa muuqada, in maxaabiis aad u tiro yar laga sii daayey Boosaaso iyo in aan wax maxaabiis ah laga siideyn Galkacyo. Waxaa lagu qiyaasay in
cibtaalka Galkacyo ay ku jiraan 212 oo ah dhaawac isugu jira ciidamada DFKMG iyo Midowga Maxkamadaha Islaamiga. Waxaa kale oo lagu soo waraamay in ay jiraan
58 qof oo dhaawac ah (oo badankoodu ah kuwii dagaalamayey) magaalada Gellinsoor kuwaas oo aan tegin cisbitaal cabsi ay qabaan awgeed in la xirxiro ama laga aar goosto."
Warbixintu waxay sheegtay in dadka Soomaaliyeed ee ku barakaacay dagaaladii ugu dambeeyey ay gaarayaan 65,000 ilaa 70,000.
Waxa kale oo warbxintu sheegtay in aad looga cabsi qabo soo laabashada qabqablayaashii dagaalka maadaama ay aad u soo bateen maleyshiyaad aan cidna ka amar qaadan
ee isk awareegaysanaya, qawaaniin la'aan, iyo Isbaarooyinkii oo soo laabtay.
Warbixinta oo arrintaas ka hadleysa waxay tiri "Kooxaha Maleyshiyada ee iska wareegaya iyo Isbaarooyinka oo soo kordhaya ayaa lagu soo waraamayaa in ay
sababaan dib u dhac ku keenaan isu socodka gawaarida, gaar ahaan agagaarka Muqdisho."
Warbixinta oo
dheeray waxay hadalkeeda kusoo gabagabeysey in Dawladda Maraykanku ay 4tii January 2007 ballan qaaday $16 million oo ah gargaar aadaminimo oo lagu caawinayo Soomaaliya.
Deeqdaas oo la sii marsiinayo hay'adaha gargaarka oo kala ah: $11.5 million ee WFP, $1.5 million ee UNICEF iyo $3.575 million ee UNHCR.
Muuse
Suudi Yalaxow oo lix bilood kadib kasoo Degey
Gegida Diyaaradaha Ee magaalada Muqdisho.
yaasiin maxamed
cali (faytin)
yaasiin2006@hotmail.com
Waxaa
maanta kasoo degay Garoonka weyn ee magaalada
Muqdisho Muuse Suudi Yalaxow oo si wayn ay usoo
dhaweeyeen Taageerayaashiisa ku sugnaa magaalada
Muqdisho oo uu in muda ah kamaqnaa magaalada
muqdiso kadib dagaal faraha lagaga gubtay oo uu
la galay Golaha maxaakiimta islaamka ay xoog
kaga saareen magaalada muqdisho lix bilood
kadibna uu maanta ku soo noqday fariisinkiisii
hore.
Muuse suudi oo sida la sheegay safarkan kaga
yimid dalka Malaysiya halkaas oo uu ku soo
hakaday magaalada Hargeisa kadibna wax uu usoo
gudbay magaalada Muqdisho oo ahayd fadhigiisii
lix bilood kahor islamarkaana kamida ahaa
Qabqablayaashii Dagaalka ee isku Bahaysatay
Ururkii La dagaalanka argagixisada ee Looga
awood badnaaday Magaalada Muqdisho.
Imaatinkan Muuse ee magaalada Muqdisho ayaa Lala
xiriiniyaa iyadoo ay uga soo Horeeyeen
axsaabtiisa siyaasada ee uu kamid yahay maxamed
qanyare oo isna dhowaan soo gaaray xaruntiisii
dayniile .
Si kastaba Ha Ahaatee Dadka Reer Muqdisho Ayaa
Walaac Xoogan Ka Muujiyey Arintan Oo ay u arkaan
in ay soo Laabteen Qabqablayaashii dagaalka ee
ay ka Raysteen Mudo lix bilooda ah islamarkaana
ay Muqdisho ay Dib UQooraansatay meel ay isku
bahaysteen qabqabalaayshii dagaalka .
[Sidii
Muqdisho loogu soo dhoweeyey Muuse Suudi iyo
sawirro Halkan ka eeg...]
Mid ka mida
ragii shirkii Eldored ee loo xilsaaray hub ka
dhigista oo sheegay in reer Puntland aysan hub
ka dhigi Karin reer Muqdisho...
Siyaasiga
C/llaahi Sheeh Xasan oo ka mid ah siyaasiyiinta
magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay fikirkiisa ku
aadan hub ka dhigista dowladda federaalka ay ku
dhawaaqday isagoo sheegay in wado munaasib ah
aanan loo soo marin iclaaminta hub ka
dhigistaasi, sida uu hadalka u yiri isagoo
tibaaay in loo baahan yahay in la helo ciidamo
Qaran oo cudud leh.
"Qorshaha hub ka dhigista dowladda waa in hal
maalin, iyo hal saac laga bilaabo gobol walba oo
Soomaaliya ka tirsan” ayuu yiri siyaasigan oo
xusay in haddii aan axdigii lagu heshiiyay la
raacin ama lagu dhaqmin, ay imaan karto fowdo
iyo qalalaase, sida uu yiri.
Siyaasigan ayaa ka mid ahaa oo kale gudugii hub
ka dhigista ee loo soo diray in aysoo
diyaariyaan qaabkii Soomaliya hubka looga dhigi
ahaa balse markii danbe lagu xiray Garoowe ka
dibna laga Soo masaarfiriyey halkaas , taas oo
keenatay in uu soo bandhigo kaarto uu sheegay in
la damacsanahay in lagu soo galo Soomaliya siiba
Muqdisho.
Dhinaca kale, siyaasiga C/llaahi Sheekh Xasan
ayaa sheegay in isaga oo ka tilmaan qaadanaya
hadakii ka soo yeeray xilligii maxkamadaha
madaxweynaha maamul goboleedka Puntland ee ahaa
in maxkamadaha ay yihiin Hawiye shaar diimeed
noo soo gashaday uu isaguna maanta aaminsan
yahay reer Puntland aysan hub ka dhigi Karin
reer Muqdisho, ayna yihiin ciidamada maamulka
Puntland qabiil u soo gashaday shaar dowladeed.
Dib u dhac ku
yimid waqtigii u cayintay Dowlada FKS hub
uruurintii Muqdisho

Mudaharaadka Muqdisho, Sawirka: Reuters |
Sida
uu xaqiijiyay afhayeenka dowladda KMG Soomaaliya
C/raxmaan Nuur Max’ed (Diinaari), waxaa dib loo
dhigay hub uruurintii maanta lagu waday in laga
sameeyo magaalada Muqdisho, taasoo ay fulin
lahaayeen ciidamada dowladda iyo kuwo
Itoobiyaanka ah.
Afhayeenka ayaa tilmaamay in kadib wadahadalo
badan oo ay la yeesheen ururada bulshada rayidka
ah ee G/banaadir iyo odayaasha iyo waxgaradka ay
isla garteen in dib loo dhigo hub uruurinta,
waxaana xusid mudan in afhayeenku uusan sheegin
illaa iyo inta dib loo dhigay, isagoo ka
gaabsaday, waxaana arrintan si weyn u soo
dhoweeyey dadka ku dhaqan Muqdisho oo iyagu ka
cabsi qabay in Inta lagu guda jiro hub uruurinta
ay dhacaan falal khal khal geliya ammaanka iyo
naftooda.
Ra’iisal wasaare Cali Max’ed Geeddi ayaa isagu
horey u shaaciyay in muddo saddex cisho ah kadib
ay dowladdu ka bilaabi doonto Muqdisho iyo
gobolo kale oo uusan carabaabin, waxaana la
filayaa in maanta ra’iisal wasaaruhu uu shir
jaraa’id uga hadlo arrinta dib u dhigista.
yaasiin maxamed
cali (faytin)
yaasiin2006@hotmail.com
002521-5580916
Hadalkii Kasoo Baxay Wasiirka Arimaha Gudaha
Xuseen Caydiid oo Damqay Meel Dhaawac Ahayd.
yaasiin maxamed cali (faytin)
yaasiin2006@hotmail.com
Badanaaba
Xarumaha Laysugu Yimaado ee Magaalada Muqdisho
ayaa waxay noqotay waxayaalaha ugu Hadal Haynta
badan ee xiligan lagu Qaxweeyo Hadalkii kasoo
baxay wasiirka arimaha gudaha Dfkmg ah xuseen
caydiid ee uu dharka kaga dhigay siyaasadii
Qarsoonayd ee ay Dadka xeeldheerayaasha Qaarkood
ay hore u shaaciyeen oo ahayd in itoobiya ay
doonayso in dalka soomaaliya Ka Dhigto Kilinka
Lixaad.
Sidoo kale Cali Maxamed Geedi oo ah Ra'isul
Wasaaraha DFKMG ee Soomaaliya ayaa sheegay in
hadalkii dhowaan uu jeediyay Xuseen Caydiid ee
sheegayay in ay qorshaynayaan in ay baab'iyaan
xadka Soomaaliya iyo Itoobiya oo u muuqday Mid
wax badan ay ka aamineen Shacabka Soomaaliyeed
Dawladdan oo loo arko in ay tahay mid uu ku
shaqaynayso Ra'isul Wasaaraha Itoobiya Melez
Zenawi oo dano dhaqaale iyo kuwo Siyaasadeedba
ka leh dalkaasi Soomaaliya.
Geedi oo sheegay in uu ka xunyahay hadalkaasi
ayaa yiri ''Hadalka Xuseen Caydiid waa mid lama
filaan ah, ma garan karo sababta ku kaliftay
inuu umadda Jahwareer ku abuuro Shacabka
Soomaaliyed ee ku dhaqan Dibadda iyo Gudaha, ma
garan karo danta uu ka leeyahay hadalkaasi ''
Waxuu kaloo yiri: '' waxaan kaloo u sheegay in
xuseen Caydiid meel saaro Hadalkaasi , anigana
danta ayaa igu qasabtay inaan ka hadlo hadalkaas"
ayuu yiri Geeddi
Hadaba waxaa Soo Baxaya in dadka shacabka ah
Badankiisu aysan ku Qanacsanayn hadalka kasoo
Baxay geedi, waxaan waraysi la yeeshay la
sameeyey Qaar kamida shacabka soomaaliyeed ee ku
sugan magaalada muqdisho ,waxaana ugu
horayntiina wax ka waydiiyey cali magan oo ah
Oday ruug cadaa ah oo mudo soo noolaa waxuuna ka
yiri arintan ''wax la Qarsoon Maaha arintani
waxaa Mugdi ku jirta xoriyadii umada
soomaaliyeed ,waxaa Muuqata in ay umada
soomaaliyeed waxii mudo lala rabay ay Maanta
Xariga ugu jirto Itoobiya waa nasiib daro ayuu
yiri cali Magan oo ah sida uu ii sheegay 70jir.
Arintan oo noqotay Mida Ugu saamaynta balaadhan
Ee lagu Qaxweeyo Magaalada Muqdisho ayaa Waxaa
ka dhasha ismaan dhaafyo ay dadka Qaar leeyihiin
ama ku macneeyeen waxaa La damqay Nabar aan
awalba daawo lahayn.
yaasiin maxamed cali (faytin)
yaasiin2006@hotmail.com
C/laahi
Yuusuf oo dalbaday in ciidamo nabad ilaalin ah
si deg deg ah loogu soo diro Soomaaliya
mahamud ahmed
hassan
xuurshe114@hotmail.com
Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya C/laahi
Yuusuf ayaa ku baaqay in ciidamo nabad ilaalin
ah si deg deg ah loogu soo diro Soomaaliya,
wuxuuna khudbad ka jeediyay shirka kooxda
xiriirka caalamiga ah ee Soomaaliya ku yeelatay
shalay Magaalada Nairobi ku sheegay in baahi
weyn loo qabo ciidamo sida ugu dhaqsiyaha badan
loo keeno Soomaliya.
Sidoo kale Madaxweynaha waxa uu sheegay in
iyadoo laga ambaqaadayo qaraarkii Golaha
ammaanka ee QM 1725 looga fadhiyo in ciidamo
afrikaan ah la keeno dalka, ayna dowladiisu u
baahan tahay taageero dhaqaale , mid farsamo iyo
qalab intaba.
Madaxweynaha wuxuu sheegay in heshiis
siyaasadeed oo Soomaaliya arimaheeda laga gaaro
uu yahay mid fursad yar heysta hadii aan beesha
caalamka taageero laga helin, wuxuuna si cad u
sheegay in ay meesha ka baxeen maxkamadihii
Islaamiga ahaa .
Dowladda
Mareykanka 16.5 ugu deeqday Soomaaliya
Xoghayaha arrimaha dibada Mareykanka
Condoleeza Rice ayaa sheegtay in dowladda
Mareykanka ay ugu deeqeyso lacag gargaar oo dhan
16.5 Milyan oo dollarka Mareykanka.
Condoleeza Rice ayaa sheegtay in dhaqaalahaasi
ay ugu talagashay in wax looga qabto arimaha
gargaarka iyo qoxootiga Soomaaliyeed ee ka
barakacay dagaalada sokeeye.
11.5 Milyan oo gargaar ayaa dowladdu Mareykanka
ay soo hor marineysaa iyadoo cuno gargaar ah ay
u soo marsiineysaa hey’adda WFP taasoo wax looga
qabanayo dadka ku tabaaleysan gobolada dalka
Soomaaliya, halka 5 Milyan oo kale ay ku
bixineyso mashaariic ay Qaramada Mdioobay ka
fulineyso gudaha dalka Soomaaliya.
Dowladda Mareykanka ayaa bilowday iney taageero
dhinacyo kala duwan u fidiso dowladda Federaalka
iyo dadka Soomaaliyeed kadib markii meesha laga
saaray Maxkamaddihii Islaamiga.
mahamud
ahmed hassan
xuurshe114@hotmail.com
Contact Group oo Shir ku yeeshay Nairobi, Kenya
Kooxda xiriirka caalamiga ee Marka lasoo Gaabiyo
Loo yaqaano (Contact Group) oo Jimcadii shir Uga
socday Magaalada Nairobi ee Dalkaasi kenya
islamarkaana ay ka Qayb Galeen shirkan
diblomaasiyiin Heer caalami ah iyo Madaxweynaha
Dfkmg ah ee soomaaliya oo ay Weheliyaan xubno
wasiiro ah oo dowladiisa kamida ayaa isku raacay
in Soomaaliya loo diro ciidamada nabada
ilaalineed iyadoo Mareykanka uu bixinayo
Qarashyidda ku Baxaysa ciidamadan.
Diblomaasiyiinta reer galbeedka iyo kuwa
Afrikaanka ee ku mideysan kooxda xiriirka
caalamiga ee Mareykanka uu taageerayo ayaa
maanta ku baaqay in si deg deg loo diro ciidamo
nabad ilaalineed oo xasiloonidii kusoo celiya
Soomaaliya ,ka dib Markii ay dagaalo laba
todobaad socday oo ciidamada isbaheystay ee
Dowlada KMG iyo itoobiya ay xididada ugu siibeen
maxaakimtii Islaamiga ahaa.
Sidoo kale kulankan oo markii hore ay wada
yeesheen Kooxaha xiriirka caalamiga ah oo ay ku
jiraan Mareykanka, Midowga Yurub iyo Midowga
Afrika, ayaa maanta kulankoodii hore ahaa Mid
albaabadu u xirnaayeen islamarkaana uu ka qayb
Galay madaxweynaha Soomaaliya C/laahi Yuusuf
Axmed, iyadoo uu soo baxayo walaacyo hor leh oo
ku saabsan oo dagaalyahanada Islaamiga ay fulin
karaan weeraro iyo iyadoo Muqdishu ay dib ugu
soo laabteen dagaal oogayaashii.
Dhanka kale Madaxweyne C/laahi Yuusuf ayaa
sheegay in dowladiisa ay diyaar u tahay inay
wadahadal la gasho dhinacyada siyaasada ay
iskaga soo horjeedaan si nabad loo Helo.
kaaliyaha xogahaya arrimaha dibada Maareykanka
ee arrimaha Afrika Jendayi Frazer oo shir
gudominaysay kulanka Nairobi ee maanta ayaa
iyana La Fikir ahayd madaxweyne Yuusuf, waxayna
sheegtay in wadahadalka uu u furan yahay Lana
doonayo in dadka qunyar socodka ah ee ku jira
maxkamadaha islaamka ay Wada Hadal Ku dhameeyaan
iyaga iyo dowlada soomaaliya.
"waxay ila tahay in ay sidoo kale muhiim tahay
in dowlada federalka Soomaaliya ay noqotaa mid
sal balaaran oo wada hadal la sameyso raga
qunyar socodka ah ee ku jira Midowga maxaakimtii
islaamiyiinta ee hore,"
Waxaa arintan kasoo hor jeestay wasiirka arimaha
dibada dfkmg soomaaliya Ismaaciil hure Buubaa oo
saxaafada nairobi ugu sheegay "Haddii aad nagu
raaceeysaan , ma aanu arag wax qunyar socod ah
oo ku jira maxkamadaha islaamiga,"
Sidoo kalena waxay Jendayi Farazer ku Boorisay
madaxweyne C/laahi Yuusuf inaan marnaba dagaal
oogayaasha Soomaaliya aan loo ogolaan mar kale
inay Fursad Helaan .
Waxay kaloo intaas ku dartay Jendayi Frazer inay
dowlada Maraykanku ku Ugu deeqayso soomaaliya
16-million oo la marsiinayo hay'adaha Gargaarka.
Si kastaba Ha ahaatee kooxda xiriirka caalamiga
ee Soomaaliya ayaa Maanta si Buuxda isugu Wada
raacay in la taageero dowlada FKMG Soomaaliya
islamarkaana si degdega ah loogu diro ciidamada
nabad ilaalinta dalka soomaaliya.
Qaar ka
Tirsan Mudanayaasha Baraalamaanka oo ku sugnaa
nairobi ayaa oo Xabsiga La dhigay .
Wararka Naga soo Gaaraya Magaalada nairobi ee
dalkaasi kenya ayaa sheegaya in Tiro aan la
cayimin oo kamid ahaa mudanayaasha barlamaanka
Dfkmg ahi ay Ciidamada Booliska Kenya ay kala
bexeen Hoteelkii ay deganaayeen .
Hoteelka Barakaat ee magaalada Nayrobi ayaa
waxay wararku sheegayaan inay kala baxeen
boliska dalka kenya Mudanayasha baarlaamka
soomaaliyeed oo Tiro ahaan lagu Qiyaasay sida ay
noo xaqiijiyeen Goobjoogayaal Ku sugan halkaas
ilaa tobaneeyo xildhibaan inay ahaayeen oo
halkaasi daganaa, iyadoo aan la garaneyn
sababaha iyo halka ay Geeyeen boliskaas watay ,
waloow ay wararka Qaar sheegayaan in la xiray.
Si kastaba ha ahaatee Lama Garanayo Ilaa iyo
hada Xaqiiqda dhabta ah ee ka jirtaa Halkaasi oo
ka Turjumaysa xarigga Mudanayaashaas oo ahaa
dhamaantood Kuwo La garab ah gudoomiyaha
Baarlamaanka soomaaliya Shariif xasan sh,Aadan.
Ayman la zawahiri oo ku Baaqay weeraro ku Dhufo
ka dhaqaaq ah oo lala Beegsado ciidamada
Ethiopia
Kuxigeenka Hogaamiyaha Shabakada Al-qaacida
Sheekh Aydman Al -dawahiri ayaa ugu Baaqay
shacabka soomaaliyeed iyo Maxaakiimtaba
islaamkaba inay qaadaan weeraro ku dhufo oo ka
dhaqaaq ah oo lala beegsanayo ciidamada
itoobiyaanka ah ee ku sugan gudaha dalka
soomaaliya, islamarkaana lamida weerarada ka
dhacaya dalka ciraaq oo kale ,sida ismiidaamin
iyo qaraxyo lala beegsanayo ciidamada
itoobiyaanka ee ku soo duulay dalka Somaliya
Aydman Al-Dawahiri ayaa hadalkan ku sheegay
fariin cajalad ah oo ay shaacisay tvga al-jaziira
ee afka carabiga ku Hadla ,ayaa ku nuuxnuuxday
in ay muslimiinta umada soomaaliyeed ay cadowga
itoobiyaanka la dagaalamaan islamarkaana aysan
eegan inta ay kusii fidayaan dalka soomaaliya ee
ay wiiqaan Cadowga Gaalada ah ee uu wato
maraykanku .
'' waa in Soomaaliya ay ka dhacaan weeraro la
mid ah kuwa ka dhacaya Afghanistaan iyo Ciraaq
meelahaas oo awoodii waayeen Gaaladu inay
xukumaan waxaana ka hor tegey ciidamada
mujaahidiinta waana xaq ,waa in sidoo kale
soomaaliya lagu baabi,ayaa ciidamada
itoobiyaanka ee soo duulay.
Aydman Al- Dawahiri oo ah kuxigeenka Shabakadda
Muslimiinta ee Al-qaacida ayaa waxaa sidoo kale
uu yiri isagoo la hadlayay Muslimiinta
Soomaaliya "waa in aad qaadaan weeraro Gaadmo
ah’Miino dhigis iyo Qaabab kale oo is miidaamin
ah oo ay ku shihiidaan muslimiinta Soomaaliya si
ciidamada Ethiobianka looga saaro dalka
soomaaliya’oo ah dhulka muslimiinta".
Si kastaba ha ahaatee waa markii ugu horeysay
tan iyo intii laga saaray golaha maxaakiimta
islaamka Meelihii ay ka talin jireen ee ka
timaada Shabakadda Al qaacida
yaasiin maxamed cali (faytin)
yaasiin2006@hotmail.com
Alqaacida
oo Muslimiinta Soomaaliya ugu baaqday inay
weeraro ku qaadaan Ciidamada Itoobiya Ethiopia
mahamud ahmed
hassan
xuurshe114@hotmail.com
urur weynaha
Al-qacida ee uu hogaamiyo Osama Bin ladin ayaa
ku baaqay in gudaha Sooomaaliya laga fuliyo
weeraro ka dhan ah ciidamada ethiopanka ah ilaa
ay ka baxayaan gudaha Somaliya, wuxuuna
hadalkaan ku soo aaday xili habeenkii xalay Bam
lagu weeraray goob ay fadhiyaan Ciidamada
Itoobiyaanka oo ku dhow Km4 ee magaalda Muqdisho.
Ayman Al -zawahir
oo ah ku xigeenka Osama Bin Ladin ayaa ku
booriyay muslimiinta Soomaaliya inay qaadaan
weeraro la mid ah kuwa ka dhacaya dalalka Ciraaq
iyo Afganistaan sida ismiidaamin iyo qaraxyo
lala beegsanayo ciidamada Ethiobianka ee ku
sugan gudaha Somalia, iyadoo uu Ayman Al-zawahiri
hadalkan ku sheegay fariin cajalad ah oo la soo
dhigay internetka
Ayman la
zawahiri waxaa uu arintan ku yiri waa in
Soomaaliya ay ka dhacaan weeraro la mid ah kuwa
ka dhacaya Afghanistaan iyo Ciraaq meelahaas oo
awoodii gaalada ay ku wiiqeen ciidamo
mujaahidiina waana in sidoo kale soomaaliya lagu
wiiqaa awoodaha ku soo duulay
Ayman Al-
zawahiri oo ah kuxigeenka Shabakadda Al-qaacida
ayaa waxaa sidoo kale uu yiri isagoo la hadlayay
muslimiinta Soomaaliya "waa in aad qaadaan
weeraro gaadmo ah’miino dhigis iyo qaabab kale
oo is miidaamin ah oo ay ku shihiidaan
muslimiinta Soomaaliya si ciidamada Ethiobianka
looga saaro dalka soomaaliya’dhulka muslimiinta".
Cajaladan oo
muuqaal aheed ayaa la soo dhigay website ay
leeyihiin kooxo muslimiin ah oo lagu xiriirsho
Shabakadda Al-qaacida, waxyna fariinta Al-qaacida
ku soo aaday xili xoogagii maxkamadaha laga
saaray dalka oo aan la ogeyn meel ay ku sugan
yihiin
mahamud ahmed
hassan
xuurshe114@hotmail.com
Kulunkii
Culumada Masjidul Darul Quba Iyo Maamulka Gegida
Diyaaradaha (Airport)
Markey saacadu ahayd 1:00 pm ee Bisha Janaayo
2-dii ayaa Maamulaha (Steve) iyo Ku
xigeenka(Arlie) Gegida diyaaradaha ee
Magaalooyinka Mataanaha ee Minneapolis iyo St.
Paul ayaa waxay la kulmeen Culimada iyo
Muslimiinta Masaajidka Daarul Quba. Shirkaas oo
ka dhacay Masaajidka Darul Quba ayaa waxaa looga
wada hadlay dhibaatada ay ka cabanayaan
darawalada tagaasida ka wada Gegida Diyaaradaha
iyo sidii meel lagu tugado loogu sameyn lahaa
Muslimiinta ka dhoofeysa ama ka soo degeysa
Gegidaas.
Tagaasileyda ayaa waxay inta badan ka cawdaan in
lagu qasbo inay qaadaan khamriga iyaga oo ay
inbadan diideen. Waxaa sanado badan soo
jiitamayey cabashooyinka iyo dacwooyinka ay
tagaasileydu ka bixinayeen Maamulayaasha Gegida
diyaaradaha, waxaana Culumada Masjidka Daarul
Quba ay ka dhaadhiciyeen inaysan Diinta Islaamku
ogoleyn in khamriga la cabo, la iibsado, la
qaado, laga ganacsado iwm, taasoo ay Culumadu
usoo daliishadeen Aayado iyo Axaadiis fara badan.
Waxaa kaloo laga codsaday Maamulaha in Gegida
Diyaaradaha afafka wax lagu ogeysiiyo lagu daro
afka soomaaliga maadaama ay Magaalooyinkan
mataanaha ah ay ku badan yihiin Jaaliyada
Soomaaliyeed. Guud ahaan shirku wuxuu u dhacay
si wanaagsan iyo in la sii wado xiriirka iyo
wada shaqaynta ka dhaxeysa Masjidka Daarul Quba
iyo Gegida Diyaaradaha (Airport).
Sh. Ahmed
magteyn1711@hotmail.com
Faafin:
SomaliTalk.com | Jan 6, 2007
Xuseen Caydiid: Xadka
Soomaaliya Waa La Baab'inayaa
.Nin hubeysan oo labo Itoobiyaan ah
ku diley Degmada Jilib...
.Mucaaradka itoobiya oo ku celiyey in Ciidmda Itoobiya ay..
.Dowladda FKMG oo xayiraaddii ka qaaday duulimaadyadii
.Ciidamo ka socda Wadamada Uganda iyo Nayjeeriya oo ku..
.Goobihii Dowladdu u cayintay in hubka la geeyo oo..
.Ma laga yaabaa in uu qabsoomo kulanka uu ku baaqey...
Wararka oo
dhan oo ka akhri... Jan 3
EEG BOGGA
ARAGTIDA/MAQAALADA DADWEYNAHA..... GUJI...