SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Wararkii: Jan 7, 2007

  • Ciidamada Ethiopia oo Hadda Isku urursaday garoonka iyo Dekedda Muqidisho
  • Dagaal ka dhacay Xuduuda u dhexeysa Kenya iyo Soomaaliya..
  • Halkee ku dambeeyeen hogaankii Sare Maxaakiimta..
  • Cali Cabdala Saalax oo kulan la yeeshay kaaliyaha..
  • Ciidanka Ethiopia oo Diley Wiil 13-jir ah...
  • Banaanbax looga soo horjeedo ciidamada Itoobiya..
  • Dowladda Kenya oo sii deysay xildhibaanadii…
  • Muuse Suudi Yalaxow oo Sabtidii dib ugu laabtey…
"waayadii hore soohdinta Itoobiya badda ayay ku sinnayd, hase ahaatee kolkii ay weydey awood ku filan oo ay wax isaga caabbido, xoogagga kiristaanka ahina ay wax kaalmo ah taaran waayeen ayay soohdimahayagii badda gaarsiisnaan jirey waxay u gacan-galeen quwado muslin ah"
Menelek II: April 10, 1891... Akhri...

Xuseen Maxamed Faarax Ceydiid Ra'iisul-wasaare K/xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Gudaha DFKMG ee lagu soo dhisay Nairobi oo Magaalada Muqdisho dhawr maalmood kadib markii ay qabsadeen ciidamada Ethiopia kula hadalyey odayaal dhaqameedyo ayaa  sheegay in la baabi'inayo Xadka Soomaaliya oo lala midaynayo Ethiopia, oo Hal Ciidan ay yeelanayaan, Hal dhaqaale yeelanayaan, hal Baasaboor ay qaadanayaan Soomaalida iyo Itoobiyaanku.
Xuseen Caydiid: Jan 2, 2006... Akhri..


Ciidamo Itoobiyaan ah oo harsanaya Geed-hindi;  Muqdisho Jan 4, 2007.  AFP

ItoJan 7, 07: Inta maalmood oo Ciidanka Xabashidu Ku Jiraan Magaalooyinka: Galkacyo (43), Baydhabo (22), Beledweyne (14), Muqdisho (11), Kismaayo (7)..
Hadalkii Diinaari ee Sarbeebta ahaa....

abdirsaqQoraalkii  uu C/Risaaq Xaaji Xuseen  2002  Ka Qoray Faragelinta ay Itoobiya Ku Hayso Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya, kaas oo ku aadan arrimaha Maanta taagan.. Akhri

Meles Zenawi: Hadalkii Diinaari ee Sarbeebta ahaa oo aan Soomaalidu fahmin iyo Xuseen Caydiid oo ah fikirka Saxda ah iyo Qorshaha/Hindisaha/Aragtida ama VISION-ka dhabta ah ee Dawladda... Akhri...


Goobo ku yaal Muqdisho oo ay ku sugnaayeen Ciidamadda Itoobiya oo..

Iyadoo Ciidamada Itoobiya markii ay soo galeen Magaalada Muqdisho ka degeen dhowr goobood oo muhiim ah ayaa haddana waxaa maalmihii ugu dambeeyey isa soo tarayey in Ciidamada Itoobiya ka sii baxayaan goobihii ay horey u degeen. Todobaadkii hore ayay ahayd markii Ciidamadii Itoobiya ee soo degay Agagaarka Hotel Ramadan ay halkaasi isaga baxeen kaddib markii lagu weeraray Bam. Sidoo kale Ciidamada Itoobiya ee ku sugnaa agagaarka Sayidka ayaa iyana halkaasi isaga baxay kaddib markii hanjabaadyo iyo weeraro uga yimaadeen kooxo maleeshiyooyin ah oo deganaa xaafadaha ku dhow halka aydeganaayeen.

Sabtidii Jan 6 galabnimadii ayaa Ciidamada Itoobiyaanka ah ee ku sugnaa xaruntii Hargaha iyo Saamaha halkaasi laga daadgureeyey, iyadoo habeenkii ka horeeyey ciidamadaasi lagu tuuray Bam Gacmeed, iyadoo Sabtidii ay ugu darsameen banaanbaxyadii rabshadaha watay, waxaana la arkayey Ciidamada Itoobiya oo lagu daad-gureynayo gawaari fara badan oo si aad ah loo ilaalinayo.

Ciidamada Itoobiya ayaa haatan ku soo uruuray Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada, Dekedda Weyn ee Magaalada Muqdisho, iyadoo maalintii shalay ahayd Dekedda horteeda uu ka dhacay Banaanbax looga soo horjeedo Ciidamada Itoobiya, taasina waxay keentay in Rasaas ka fakatay qori Zuu ah ay disho askari ka tirsan Ciidamada Dowladda Federaalka, isagoo dhaawacay saddex Askari oo kale.

Waxaa haatan muuqata cabsi weyn oo laga qabo in uu iska hor imaad dhex maro ciidamada Itoobiya iyo Shacabka oo iyagu u arka Itoobiyaanka in ay yihiin Ciidamo Xoog ku qabsaday dalka Soomaaliya, waxaana shalay Magaalada Muqdisho ka dhacay banaanbixii ugu balaarnaa oo looga soo horjeedo Ciidamada Itoobiya, kaas oo keenay markii dambe ina y ku dhintaan Dhowr qof ayna ku dhaawacmaan dhowr kale... [13 jir ka mid ahaa dadkii mudaharaadayey oo ay ciidamada Ethiopia dileen oo aabihiis la hadlay saxaafada ka akhri hoos...]

Dagaal ka dhacay Xuduuda u dhexeysa Kenya iyo Soomaaliya..

Wararka naga soo gaaraya xuduuda u dhexeysa Kenya iyo Soomaaliya ayaa waxay sheegayaan in halkaasi uu ka dhacay dagaal aad u kharaar oo u dhexeeyay ciidamada Maxaakiimta Islaamiga ah iyo kuwa Itoobiya oo gacan siinaya kuwa Dowladda Federaalka, waxaana dagaalkaasi lagu tilmaamay kii ugu kharaaraa, inkastoo aan faahfaahin dheeraad ah laga hayn, haddana waxaa la sheegay in labada dhinac uu kala gaaray khasaarooyin baaxad leh, iyadoo wararka ka imaanaya Kismaayana ay sheegayaan in Magaaladaasi lakeenay dhow qofood oo dhaawac ah.

Halka lagu dagaalamayo ayaa ah dhul aad hawd u ah oo ay adag tahay in halkaasi ay galaan Ciidamada Itoobiya, maadaama halkaasi ay horey ugu jireen dagaalyahno fara badan, ciidamada Maxaakiimta Islaamiga ah ee halkaasi ku jira ayaa tiradooda lagu qiyaasay ilaa iyo 2000 Kun oo aad u hubeysan, waxaana laga cabsi qabaa in dagaal kale uu mar kale dhex maro labada dhinac, iyadoo Dowladda Itoobiya ay dooneyso in halkaasi ay ka saarto dhamaan Ciidamada Maxaakiimta.

Dowladda Itoobiya oo sheegtay in aysan soomaaliya u imaan...

  • Baladweyne: Itoobiya oo hub dib ugu celisey maleeshiyooyin
  • Gobolada Dhexe: Itoobiya oo hubkii dib ugu celisey Beelo

Iyadoo dhawaan Ra’isul Wasaare Cali Max’ed Geeddi uu sheegay in hubka laga uruurin doono dadweynaha ku nool Magaalada Muqdisho ayaa haddana Dowladda Federaalka dib uga laabatay kaddib markii ay sheegeen in ay wadatashi la sameeyeen bulshada rayidka ah iyo odoyaasha dhaqanka.

Sarkaal u hadlay Dowladda Itoobiya ayaa waxa uu sheegay in aysan Soomaaliya u imaanin sidii ay hub u uruurin lahaayeen, balse ay u yimaadeen in ay la dagaalamaan kooxaha mucaaradka ku ah Dowladda Itoobiya oo siduu sheegay ku sugnaa gudaha dalka Soomaaliya, sarkaalku waxa uu sheegay in Ciidamada Itoobiya marka ay dhameeyaan hawgalkooda ay dib ugu laaban doonaan Itoobiya, iyadoo wararka ka imaanay Magaalada Baladweyne ay sheegayaan in hubkii ay Ciidamada Itoobiya ka qaadeen Ciidamadii Maxaakiimta Islaamiga ah dib loogu celiyey Maleeshiyooyinkii lahaa, sidoo kalan hubkii ay ka qabteen gobalada dhexe iyana dib loogu celiyey beelihii lahaa ee deganaa Gobalada dhexe ee dalka Soomaaliya..

Halkee ku dambeeyeen hogaankii Sare Maxaakiimta..

Ayadoo taagaarayaashii Maxkamadaha Islaamiga ah ay is waydiinayaan halkii ay ku dambeeyeen Hogaankii Sare Goalaha Maxaakiimta islaamiga ayaa hadane warar aynu halnay waxay sheegayaan in xubnihii Sare ee Maxakamadaha ay ku sugan yihiin Dalka Yeman ka dib markii dhawaan ka qaaday Garoonka Kismaayo.

Inkastoo aan la faahfaahin Masuuliyiinta hadane warar aynu ka helnay Dalka Yeman waxay sheegayaan in Xubno ay ka mid yihiin Shiikh Shariif, Xoghayahii Arrimaha dibadda ibraahim Xasan Caddow ay ku sugan yihiin.

Dowladda Yeman ayaa sheegtay in Raggaas halkaasi loo keenay sidii arinta Soomaaliya loogu dhamayn lahaa wadahadal iyo isafgarad, ayadoo Dowladda Yeman ay sheegtay inay aad u danayneeso sidii xaalada Soomaaliya loo qaboojin lahaa.

Dowladda K/M/G ayaa waxay eedeen u jeedisay Dowladda Yeman kuna tilmaameen inay hooy siinayso waxa ugu yeertay kooxo Argagixiso ah oo dhibaato Shacabka Soomaaliyeed.

Dowladda Maraykanaka ayaa horay u sheegtay in sida uga dhaqsiyaha badan loo sameeyo Dowladda Qaran oo ay ka wada muuqdaan qaybaha kala duwan ee Bulashada ayna ku jiraan kana dhex muuqdaan Xubnaha qunyara socodka ah ee Maxkamaha islaamiga ah.

Dhowr jeer oo wadahadal horay u dhexmaray Maxkamaha islaamiga ah iyo Dowladda fedaraalka ah kaasoo markii dambe ku fishilamay Dalka Suudaan, oo qolo walba ay soo bandhigtay Shuruudo adag.

Wararka kale ee ka imanaya dalka Yemen ayaa sheegaya sabtidii ay dalkaasi u duushay Jendayi Frazer.. Akhri warbixinta hoose ee Kulanka Cali Cabdalla Saalax...

Cali Cabdala Saalax oo kulan la yeeshay kaaliyaha..

Iyadoo qaar ka mid ah mas’uuliyiinta sar sare ee Maxaakiimta Islaamiga ah ay ku sugan yihiin Magaalada Sanca ee dalka Yemen ayaa haddana waxaa magaaladaasi kulan kula yeeshay madaxweynaha dalka Cali Cabdala Saalax kaaliya Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka J. Fraizar, waxaana kulankaasi la iskula soo qaaday arrimaha Soomaaliya, iyadoo Dowladda Yemen ay soo dhaweysay in Soomaaliya loo qabto dib u heshiisiin qaran oo ay ka wada qaybgalaan dhamaan qaybaha kala duwan ee bulshada iyo Mas’uuliyiinta Maxaakiimta Islaamiga Soomaaliyeed kuwooda qunyaro socodka ah.

Fraizar oo doraad shir gudoomisay kulan looga hadlayey arrimaha Soomaaliya ayaa waxa ay sheegtay in Dowladda Mareykanka ay 16 Milyan oo Doolar ugu deeqday Dowladda Federaalka Soomaaliyeed, iyadoo sheegtay in lacagtaasi loogu talagalay dhinaca gargaarka iyo Qaxootiga.

Cali Cabdala Saalax ayaa isagu wada dadaalkii ugu dambeeyey oo uu ku doonayo in uu ku dhameeyo arrimaha Soomaaliya iyadoo dhawaan uu tagayo wafdi ka socda dowladda dalkaasi Yemen.

Banaanbax looga soo horjeedo ciidamada Itoobiya..

Maalintii Sabtidii ayaa Magaalada Muqdisho qaybo fara badan waxaa ka dhacay banaanbaxiii ugu balaarnaa oo wata rabshado kaas oo ay dhigayeen dadweyne ka soo horjeeday joogitaanka Ciidamada Itoobiya iyo waliba in hubka laga uruurinayo bulshada, waxayna qaarkood ku dhawaaqayeen “Doonimeyno Itoobiya” “Wadankeena ha nooga baxaan Ciidamada Itoobiya”, “Waxaan ku dagaalameynaa Diinta Islaamka” “Hub dhiibimeyno’, waxa uuna banaanbaxaasi markii dambe ku fiday ilaa iyo garoonka Diyaaradaha, iyadoo markii dambe Ciidamada Itoobiya iyo kuwa Dowladda Federaalka oo iska shaanaya ay rasaas huwiyeen dadkii banaanbaxayey, waxaana halkaasi ku dhintay wiil 13-jir ahaa, waxaana ku dhawaacmay todobo ruux oo qaarkood la dhigay isbitaalada.

Banaanbaxaan oo mudo saacado ah socday ayaa markii dambe iskii isaga qaboobay, hase yeeshee mar aan wareysanay dadweynaha waxay inoo sheegeen in ay wadayaan tan iyo inta ay Ciidamada Itoobiya ka baxaan dalka Soomaaliya.

Dowladda Federalka ayaa sheegtay in ay dib u dhigtay hub uruurintii kaddib markii ay sheegtay in ay codsiyo uga yimaadeen qaar ka mid ah bulshada rayidka ah iyo odoyaasha dhaqanka, basle ma cararaabin dowladdu waqtiga la uruurinayo hubkaasi, hase yeeshee dadweynaha magaalada Muqdisho ayaa waxay sheegeen in ay sinaba hub ku dhiibi doonin, ilaa la helo gacan aamina oo dhex dhexaad ka ah ishaysiga siyaasadeed ee Soomaaliya.

  • Wiil 13 jir Soomaali ah oo ay dileen Ciidamada Itoobiya:
    Cumar Xalame Raage: Wiilkaygii waxaa laga toogtey Dhabarka....
    AFP:
    Hay'adda wararka ee AFP waxay sheegtay wiilka la diley in da'diisu ahayd 13-jir. Wiilka aabihiis oo magaciisa la yiraahdo Cumar Xalame Raage, waxa uu AFP u sheegay "Wiilkaygii waxa uu ka yimid Iskoolka. Waxa uu la socdey dad mudaharaadayey. Qaar ka mid ah ciidamada dawladda iyo ciidamada Itoobiya ayaa rasaas ku furay si ay dadka u kala cayriyaan, wiilkayga rasaastii ayaa haleeshay." Waxana uu intaas ku daray "Waxay xabbada kaga dhifteen dhabarka, waxayna xabbadu ka haleeshay wadnaha. Arrintaasi ma ahan mid la aqbali karo, waana mid ka baxsan bini'aadaminamada. Uma baahnin ciidaankaas Ethiopianka iyo askarta dawladooda haddii ay carruurtayada tooganayaan."
    Muqdisho:
    Jariidada New York Times waxay sheegtay in saraakiisha Cisbitaal ku yal Muqdisho ay sheegeen in ciidamada Ethiopia ay Muqdisho ku dileen wiil dhallinyaro ah oo ka mid ah dadkii mudaharaadka ku dhigayey Muqdisho. Waxaa wararku tibaaxeen in ciidamada Ethiopia ay rasaas hoos ugu dhigeen dad dhigayey mudaharaad ay kaga soo hor jeedaan Ethiopia oo ciidamadeedu ay maalintii 10aad ku jiraan magaalada dekedda ah ee ku taal xeebta badweynta Hindiya ee Muqdisho. Waxaa wararku intaas ku dareen in dad kalena ay dhaawac yihiin. [Halkan ka eeg sawiradii Mudaharaadkii Sabtidii..].

Dowladda Kenya oo sii deysay xildhibaanadii…

Wararka ka imaanay dalka Kenya waxay sheegayaan in afartii xildhibaan ee dhawaan lagu xirxiray dalka Kenya shalay la sii daayey kaddib markii ay dadaal u galeen siyaasiyiin iyo waxgarad kale oo ku nool dalka Kenya.

Dowladda Kenya ayaa raaligareyn ka bixisay xarigaasi, hase yeeshee Guddoomiyaha Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa waxa uu xarigasi ku tilmaamay mid xadgudub ku ah sharciga caalamiga ah, waxa uuna sheegay in Dowladda Kenya aysan dhex dhexaad ka ahayn Soomaaliya.

“Xildhibaanku xaq ayuu u leeyahay in uu fikirkiisa jeediyo ee ma ahan in la caburiyo laguna shaqeeyo shaqsiyaad warkooda” ayuu yiri Guddoomiyaha Baarlamaanka oo sheegay in Dowladda Kenya looga baahan yahay inay dhex dhexaad ka ahaato arrimaha Soomaaliya.

Shacabka ku nool dalka Kenya ayaa si weyn uga carooday xarigaasi kuna tilmaamay mid Dowladda Kenya ay ku deg degtay iyadoo aan si rasmi ah u baarin waxa jira, waxayna ka codsadeen Dowladda Kenya inay ka shaqeyso maslaxadda ummadda Soomaaliya

Muuse Suudi Yalaxow oo Sabtidii dib ugu laabtey…

Xildhibaan Muuse Suudi Yalaxow oo mudo lix bilood ah ka maqnaa Magaalada Muqdisho kaddib markii isbahaysigiisii ay jabiyeen Ciidamada Maxaakiimta Islaamiga ah ayaa maalintii Sabtidii dib ugu Magaalada Muqdisho, waxaana halkaasi ku soo dhaweeyay dadweyne badan.

Muuse oo aan wax war ah siin Saxaafadda ayaa waxa uu ka mid noqday Hogaamiye kooxeedyada dib ugu soo laabtay Muqdisho, waxaana horey u joogay Max’ed Cumar Xabeeb (Max’ed Dheere), Cabdi Xasan Cawaale (Qaybdiid), Cabdi Nuure Siyaad, Max’ed Qanyare Afrax, hase yeeshee Dowladda Federaalka ayaa horey u sheegtay in uu dhamaaday waqtigii hogaamiye kooxeedyada balse dadka qaarkii ayaa u arka in Dowladda Itoobiya aysan dan ka lahayn qaran Soomaaliyeed, maadaama ay dib u soo celisay Hogaamiye kooxeedyadii, iyadoo la og yahay in ay awood u leedahay in dib u celiso Hogaamiye kooxeedyadaasi oo mudo 16 sano ah dhibaato ku hayey Bulshada Soomaaliyeed, isku soo wada duuboo xaalka Soomaaliya ayaa haatan u muuqda mid faraha ka sii baxaya.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Odayaasha iyo Wax Garadka Kasoo Jeeda gobolka sh/hoose oo Qaadacay Niman wata Waraaq Nabad Sugidda (NSA)...

Muuse Maxamuud Jiisow
somali39@hotmail.com


Mudaharaadkii Mudisho, Sabti Jan 6, 07... Akhri...

Sawirka: AP

Wararka naga soo gaaraya magaalada Baraawe ee Gobolka sh/hoose ayaa sheegaya inay halkaasi tageen Saddex Xubnood oo ka socda Sida ay sheegteen iyagoo waraaq caddeyneyso ay wateen Hay’adda Nabadsugidda Qaranka, National Security Agency”NSA”, taas oo aysan ku caddeyn wax maamul ah oo ay dhisayaan .Waxayna waraaqda ay wataan soo Qorey Taliyaha Nabadsuggidda Sarreeye Guuto Maxamed Warsame Faarax”Darwiish”, sida ay waraaqda ku qoran Waloow ay waxagaradka iyo odayaasha deegaankaasi ay walaac ka muujiyeen .

Sida ay muujineysowaraaqdu waxay howshoodu noqon kartaa kormeerid iyo ogaanshaha xaaladda nabadgelyo ee Gobolka shabeellada Hoose ,Hase ahaatee qorshihii ay u socdeen ee loo soo direy way beddeleen ,waxayna culeyskooda oo dhan saareen inay dhisayaan Guddi maamul oo kumeelgaar ah oo ay tiradiisu tahay 9 Xubnood.

Saddexdan Xubnood ayaa laba ka mid ah waxay ka soo jeedaan Beelaha Hawiye Halka kan kalena uu yahay Beesha Miriflle kuwaas oo magacyadooda iyo waxay yihiin ka heli kartaa waraaqddooda oo ku lifaaqan maqaalkan ,odeyaasha iyo waxgaradka Deegaanka oo waraaqda ay wataan iyo warbixintooda si fiican u dhuuxey ayaa u sheegey In ay marka hore ay dersayaan wixii ay u sheegeen markaas ka dibna ay jawaab buuxda siin doonaan.

Wararka ayaa waxay intaas ku darayaan In ay waxgaradka deegaanka ay si weyn u lafa gurey arrimaha ay raggaasi sheegeen iyo sida laga yeelaayo ,waxa xiriir lala sammeeyey Wasiirada iyo Xildhibaanada Digil iyo Miriflle ee Dowlladda Ku meelgaarka ah ,waxaana loo sheegey raggan yimid, waxaana la weydiyey inay la socdaan qorshahaas ,waxay sheegeen wax la ogyahay oo aan raalli ka nahay ma aha waxayna ku sheegeen kooxo doonaya inay abuuraan qas iyo jahwareer sidaas darteed waxay ku baaqeen in si cad loo diido wax kasta oo ay damacsan yihiin.

Intaas ka dib odeyaasha degaanku waxay Go’aan ku gaareen in.... [Akhri warkan oo dhan....]

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 7, 2007


EEG BOGGA ARAGTIDA/MAQAALADA DADWEYNAHA..... GUJI...


Shacabka Reer Addis Ababa Sidee u Arkaan Dagaalka  Soomaaliya
Jariidada Washingtonpost oo qoraal dheer ka qortay aragtida reer Addis Ababa ee dagaalka Soomaaliya & Itoobiya... Akhri..

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH