Wararkii: Jan
11, 2007
Dowlado
fara badan oo Cambaareeyey Duqeynta..
Iyadoo Taleefishinada Caalamka lagu soo bandhigay carruur,
Haween iyo Xoolo uu Mareykanku ku duqeeyey tuulooyin ku
yaala Koonfurta Soomaaliya gaar ahaan Gobalka Jubbadda Hoose,
ayaa waxaan arrintaani aad uga carooday wadamo iyo Hay’ado u
dooda xaquuqda aadanaha oo Mareykanka ku tilmaamay in uu
baneystay ama uu ku tuntay xaquuqdii Bulshada, waxayna
qaarkood dalbadeen in Mareykanku uu joojiyo duqeynta uu ku
hayo tuulooyinkaasi.
Dowladaha Jaamacadda
Carabta ayaa waxa ay Duqeyntaasi ku tilmaameen mid arxan
daro ah oo la doonayo in lagu dhameystiro wixii ka haray
bulshada, waxayna ka dalbadeen Mareykanka in sida dhaqsiyaha
badan loo joojiyo duqeyntaasi iyo weerarada ka dhanka ah
dadka rayidka ah, sidoo kale Midowga Yurub ayaa duqeyntaasi
ku tilmaamay mid ka baxsan Xaquuqda Aadanaha, iyagoo sheegay
in loo baahan yahay in sida ugu dhaqsiyaha badan Soomaaliya
uga baxaan quwadaha shisheeye oo ay ugu horeyso Dowladda
Itoobiya. Dowladda Talyaaniga ayaa ka mid ah dowladaha sida
weyn uga carooday duqeynta ay Ciidamada Mareykanku ka wadaan
Soomaaliya, iyagoo sheegay in ay keeni karto qalalaase ku
baaha wadamada Geeska Afrika, sidoo kale Dowladda Norway
ayaa iyana walwal ka muujisay duqeynta iyo barakaca lagu
hayo bulshada Soomaaliyeed oo ay ku jireen mudo 16 sano ah,
waxayna Mareykanka ka dalbadeen in sida ugu dhaqsiyaha badan
uu ku joojiyo duqeyntaasi. Xoghayaha cusub ee Qaramada
Midoobey ayaa isna Duqeyntaani ku tilmaamay mid uga sii
dareysa xaaladda murugsan ee Soomaaliya, wuxuun ku baaqay in
wada hadal loo furo kooxaha isku haya Soomaaliya.
Meles Zenawi oo sheegay
in maalmaha soo socda ciidamadooda.
Ra’isul Wasaaraha Dalka Itoobiya Meles Zenawi ayaa waxa u
sheegay in Ciidamadeedu ay maalmaha soo socda kala bixi
doonto gudaha dalka Soomaaliya, kaddib markii hawlihii ay u
tageen Soomaaliya sida uu sheegay ay soo afjarmeen.
Meles Zenawi waxa uu sheegay in haatan loo baahan yahay
ciidamo nabad ilaalina oo bedela kuwa Itoobiya, wuxuu kaloo
sheegay in Itoobiya ay tixgelineyso go’aankii Qaramada
Midoobey ee ahaa in Soomaaliya aan loo dirin ciidamo ka
socda wadamada Safka hore, waxa uuna Meles Zenawi soo
dhaweeyay ciidamada ay ku yabooheen wadamad Nayjeeriya,
Koonfur Afrika, iyo Yugaandha. Hadalka ka soo yeeray Meles
Zenawi ayaa u muuqda in ciidamadiisu sii galayaan khataro
fara badan kaddib markii maalamiii la soo dhaafay ciidamada
Itoobiya ee ku sugan dalka ay weeraro kaga yimaadeen kooxo
dabley ah oo aad uga careysan joogitaanka Ciidamada Itoobiya
ee garabka siinaya kuwa Dowladda Federaalka kuna sugan
Muqdisho.
Qaraxyo iyo iska hor
imaadyo weli ka jira Magaalada Muqdisho..
Maalintii shalay ahayd ayaa gaari ay saarnaayeen ciidamo
Itoobiyaan ah iyo kuwo Soomaali ah lagu weeraray agagaarka
Isbitaalka carafaad kaddib markii ay jidka u galeen kooxo
maleeshiyo ah.
Qaraxa lala damacsanaa gawaaridaasi, ayaa lala seegay,
waxaase halkaasi ka dhacay rasaas ay is weydaarsadeen labada
dhinac oo ay ku dhaawacmeen dhowr qofood.
Ciidamada Itoobiya ayaa haatan u muuqda kuwo ku sii
xaroonaya xeryooyin ku yaala Duleedka Muqdisho, iyadoo
habeenadii la soo dhaafay qaraxyo lala beegsaday goobo ay
deggan yihiin ciidamada Dowladda Federaalka iyo Itoobiyaanka
ah, gaar ahaan agagaarka Isgooska Lambar Afar, iyadoo shalay
isgooskaasi u xirnaa, gaawirada mareysana lagu hayey
baaritaan.
Kooxaha dableyda ah ayaan la garaneyn cid ay ka amarqaataan,
hase yeeshee waxay u muuqdaan kuwo si aad ah uga soo
horjeeda joogitaanka Ciidamda Itoobiya ee ku sugan
Soomaaliya, waxayna Dowladda Federaalka shalay ku baaqday in
maleeshiyooyinka iyo hubkoodaba ay tagaan xerooyin ku yaala
duleedka Magaalada Muqdisho..
Shacabka Suudaan oo aad
uga carooday hadalkii ka soo yeeray..
Shacabka ku nool dalka Suudaan ayaa aad uga xumaaday
madaxweynaha ku xigeenka koowaad ee dalkaasi Salpha Kiir
kaddib markii uu taageeray duqeynta ay ciidamda Mareykanku
ka wadaan koonfurta Soomaaliya oo uu ku tilmaamay in tahay
duqeyn loo baahnaa, madaxweynuhu ku xigeenku waxaa kale oo
uu sheegay in loo baahan yahay in dagaalka ay ka
qayb-qaataan ciidamda xagga lugta ah si halkaasi looga saaro
wax uu ugu yeeray kooxo argagixiso ah.
Shacabka Suudaan ayaa hadalkaan ka soo yeeray madaxweyne ku
xigeenka Suudaan ku tilmaamay mid ka tarjumaya cadaawadda ay
Kirishitanku u hayaan Islaamka, iyagoo sheegay in tani keeni
karto caro ku baahda wadamada Muslimka ah.
Shacabka ayaa hadalkaan waxa uu ku noqday la yaab, waxayna
qaarkood ku tilmaameen in hadalkaani uu yahay fakir gaar ah
u ah madaxwene ku xigeenka oo aan ka tarjumeyn dhamaan dalka
Suudaan oo shacabkiisu aad uga soo horjeedaan dhibaatada
lagu hayo Shacabka Soomaaliyeed.
Beelaha Banaadiriga iyo
Jareerweyne oo ka dalbadey Cabdulaahi Yuusuf..
Kulan ay isugu yimaadeen waxgaradka, Odoyaasha dhaqanka,
Culima’udiinka, Siyaasiyiinta, Aqoonyahanada iyoi
Dhallinyarada qowmiyadaha Banaadiriga iyo Jareerweyne ayaa
waxaa shirkaasi looga hadlay arimo fara badan oo ku saabsan
hawlaha siyaasadeed ee ku soo kordhay dalka iyo maamul u
sameynta gobalka Banaadir.
Labada dhinac waxay soo saareen qodobo ay ka mid yihiin in
ay taageersan yihiin maamul u sameynta Gobalka Banaadir, in
la siiyo xubnaha ay Xaqa u leeyihiin oo aan ka leex leexaad
lahayn, in Dowladdu raacdo dastuurka u degsan Dowladda ee ku
aadan kuwa Gobalada, waxayna ka codsadeen mas’uuliyiinta ugu
sareysa Dowladda in la tixgeliyo codsigooda, waxaana ka mid
ah xubnihii ka qaybgalay shirkaasi Malaaq Mahdi Xaaji Nuunow,
Ugaas Aweys Sheekh Xuseen, Malaaq Xaaji Abuukar Aweys, Ugaas
Xaaji Xuseen, Malaaq C/llaahi Sayid Cali, Dr. Caaqil Sheekh
Axmed, Nabadoon Cusmaan Wajeer, Nabadoon Sheekh Xasan
Ibraahim, Ugaas Xaaji Max’ed Ciise, Nabadoon Jaylaani Max’ed
Maye, Nabadoon Axmed Iigar C/llaahi, Malaaq Max’ed Shire,
Nabadoon C/qaadir Max’ed Shiino, Ugaas SHeekh Xasan Yare,
Nabadoon Xasan Bilaal, Nabadoon Max’ed Sheekh Cali, Dr. C/qaadir
Siid Sheekh, Siciid Max’ed Faqeey, Sheekh Guudle Cumar
Max’ed, Cali Cumar Abati, Malaaq Suufi Buuwe Muude iyo
Nabadoon Abuukar Xaaji Aweys (Abba Sokor) iyo Xubno kale oo
Fara badan
C/llaahi Yuusuf iyo C/qaasim
oo kulan gaar ah yeeshey
Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed oo maalmahan ku sugnaa
Magaalada Muqdisho kulamana la yeelanayey qaybaha kala duwan
ee Bulshada, ayaa maalintii shalay ahayd waxa uu kulan la
yeeshey madaxweynihii hore ee Dowladdii Carta C/qaasim
Salaad Xasan.
Kulankaan oo ay albaabadu u xirnaayeen ayaa loo diiday in
Saxaafaddu wax ka ogaadaan, hase yeeshee markii ay ka soo
baxeen kulankaasi ayaa war aan sidaasi u weyneyn waxa ay
siiyeen Saxaafadda, waxa uuna Madaxweyne C/llaahi Yuusuf
sheegay in kulanka uu la yeeshay C/qaasim ay si weyn iskula
garteen in dalka la keeno ciidamo nabad ilaalin ah.
C/qaasim oo isna ka hadlay kulankaasi waxa uu sheegay in
shacabka ku nool Gobalka Banaadir looga baahan yahay in ay
la shaqeeyaan Dowladda Federaalka, sidoo kalana waxa uu
sheegay in waqtigaan loo baahan yahay in la keeno dalka
Ciidamo nabad ilaalin ah oo ka socda Adduunka qaybihiisa
kala duwan laguna bedelo kuwa oo haatan ku sugan dalka
gudihiisa. Sidoo kale C/llaahi Yuusuf waxa uu kulan la
yeeshay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cali Mahdi Max’ed,
waxayna kulankaasi la iskula soo qaaday xaaladda dalka, gaar
ahaan Magaalada Muqdisho oo ay isku afgarteen in gacan laga
gaysto nabadgelyada.
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com


|