WARARKII: JAN 17, 2007
Gudoomiyeha
Baarlamaanka oo xilkii laga xayuubiyay maanta.
Golaha baarlamaanka federaalka kmg-ka Soomaaliyeed ayaa
daqiiqado ka hor xilkiisii ka qaadey gudoomiyihii golaha
baarlamaanka federaalka Shariif xasan Sheekh Aaden.
Golaha Baarlamaanka oo kulan yeeshay ayaa cod u qaadey sidii
laga yeeli lahaa gudoomiyeha golaha baarlamaanka oo la soo
hordhigay baarlamaanka moshin ka dhan ah gudoomiyeha.
Maanta waxaa soo xaadiray kulanka baarlamaanka 192
xildhibaan oo 183 in kalsoonida kala laabteen gudoomiyaha
baarlamaanka, halka 9-diideen, iyadoo Boqore uu sheegayin
aysan jirin cid ka aamustay.
waxaa shir gudoominayay gudoomiye ku xigeenka baarlamaanka
Cismaan Cilmi Boqore, waxaana xildhibaanada laga hor aqriyay
waxyaabaha lagu dhaliilayo gudoomiyeha baarlamaanka qaarkood
oo sida la sheegay ay ka mid ahaayeen.ku xad gudub iyo been
ka sheegid xubnaha golaha baarlamaanka ee shaqadooda watay,
isaga oo qoraal u gudbiyay hay'ada UNDP, isaga oo sheegay in
uu sheegay in xildhibaanada baarlamaanka fasax ku jiraan.
Codeyntii baarlamaanka in ciidamo nabad ilaalin ah la keeno
gudaha Soomaaliya oo baarlamaanka uu ogolaadey oo sida ay
sheegeen uu ka hor yimid.waxaa xildhibaanada hortooda laga
aqriyay xubnaha ku saxiinaa moshinka oo ay ka mid ahaayeen:
Madoobe Nuunoow, Xuseen Caraale,Sareedo Xasan
Beekoos,Ibraahim Kiish, Xuseen Maxamed jaamac, Xasan Maxamed
Idiris, Xasan C/nuur ,Aaden C/laahi Diiriye, Macalin Nuur
Xasan, Cali Jeyte Cismaan,Axmed Ciise Cawaaleiyo xubno kale
Kadib ayuu gudoomiye ku xigeenka Baarlamaanka bilaabay in uu
xildhibaanada u sheego habka loo qaadayo codeynta isaga oo
sheegay in xildhibaanada ay gacan taagayaan, taasi oo buuq
dhalisay, laakiin Boqore ayaa dib uga laabtay, sheegeyna in
codeynta ay noqon doonto mid qarsoodi ah.
Cadde Gaabow “Doorasho ma
lihin waqtigan la joogo, waxaan idiin sheegayaa hubka aan
iska dhiibno oo aan is badbaadino…”
Kulan
ballaaran oo ay maanta isugu yimaadeen waxgaradka beelaha
deggan magaalada Muqdisho iyo maamulka cusub ee magaalada
Muqdisho dhowaan loo magacaabay isla markaana ay ka soo qeyb
galeen dad tiradoodu ay gaareysay 400 ruux ayaa maanta lagu
qabtay hotelka nabadda ee magaalada Muqdisho.
Kulankan ayaa waxaa ka hadlay nabadoono, salaadiin,
siyaasiyiin, culimaa’udiin, haween iyo waxgarad kale iyo
masuuliyiinta magaalada Muqdisho, waxaana layskula soo
qaaday arrimo badan oo ay ka mid yihiin nabadeynta
caasimadda Muqdisho, hubka in la wareejiyo iyo qaabka
dowladda loola shaqeynayo.
Waxgarad fara badan oo halkaa ka hadlay uuna ka mid ahaa
Shariif Cali Dhabarey ayaa sheegay in wax lagu qaban karo in
la wada tashado, isla markaana hubka layska wareejiyo,
wuxuuna sheegay in loo baahan yahay in la helo midnimo ka
timaadda dadka Muqdisho.
Sidoo kale xubnihii halkaasi ka hadlay waxaa ka mid ahaa
Macallin Haaruun Macallin Yuusuf oo ka mid ahaa
nabadoonnadii halkaasi isugu yimid, wuxuuna sheegay in loo
baahan yahay in marka hore dadka magaalada Muqdisho ka
fikiraan sidii dowladnimo loo heli lahaa isla markaana loo
taageeri laaha dowladda Federalka maadaama dhowr jeer oo
horay lagu guuleysan waayay isku dayo lagu sameynayay in
dowlad ay ka dhalato dalka.
Ugu
dambeyntii, waxaa halkaas ka hadlay guddoomiyaha cusub ee
maamulka magaalada Muqdisho oo isagu ku dheeraaday in loo
baahan yahay in si buuxda loo taageero dowladda, leyskana
iloobo been-beenta meelaha la wado, “Inaan is badbaadino
ayay joogtaa ee doorasho ma lihin, waana in hubka layska
dhiibaa” ayuu yiri Max’ud Xasan Cali Cadde Gaabow oo sheegay
isagu in markii uu dalka imaanayay uu u yimid sidii uu u
dhisi lahaa caasimadda Muqdisho oo uu dhibka ula qeybsan
lahaa dadka ku dhaqan magaalada Muqdisho.
“Runta aan isku sheegno waxaan wax ka qabsan waynay
xaasidnimo annaga dhexdeena ah, xilligan awoodda waa naga
wareegtay oo xaalad deg-deg ah ayaa dalka ka jirta, hala
sheego haddii aan beledka Felluja ka dhigeyno iyo haddii
kale, waana in sida ugu fudud u dhiibnaa hubka” Ayuu yiri
Cadde Gaabow oo sheegay in caasimadda magaalada Muqdisho
lagu soo celin doono nabaddii ay maxkamadaha horay ugu
sameeyeen, wuxuuna xusay in maxkamaduhu aysan baryo nabadda
ku keenin, dowladduna ay sidoo kale gacan bir ah ku qaban
doono magaalada oo nabadda lagu dhalin doono.
“Ganacsiga ayaan ku roonahay, siyaasad wax kama naqaan ee
hubka ha la wareejiyo oo aan u naxno caruurteena iyo
haweenkeena” ayuu yiri Cadde Gaabow oo sheegay in qof kasta
uu canuggiisa ceshado, canuggii la qabto ee lagu qabto
isagoo qori wata waxaa la soo raaci doonaa raadkiisa iyo
guriga uu ka yimid, iyadoo la xirayo kuwii soo diray ee
dhalay.
Kulankan oo ahaa kii ugu weynaa oo ay isugu yimaadaan dadka
magaalada Muqdisho ku dhaqan loogana hadlay aayaha magaalada
iyo sidii loo nabadeyn lahaa, waxaana ka soo qeyb galay
siyaasiyiin dhowr oo magac ku lahaa ururweynihii USC
kuwaasoo ay ka mid ahaayeen Dr. Xuseen Xaaji Max’ed Bood iyo
Prof. Max’ed Faarax Jimcaale.
mahamud ahmed hassan
xuurshe114@hotmail.com
Soomaalida ku nool Kenya oo
Dowladda dalkaasi ku canaatay in ay kala safatay..
Waxaa isku soo dubaridey
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com
Dadka Soomaaliyeed ee ku nool dalka Kenya ayaa Dowladda
Kenya ku tilmaamay mid aan dhex dhexaad ka aheyn arrimaha
Soomaaliya, iyagoo ku eedeeyey in ay kala safatay Dowladaha
Mareykanka iyo Itoobiya kaddib markii dhawaan ay duqeeyeen
deegaano ka tirsan Koonfurta Soomaaliya. “waxay ahayd in ay
si siman shacabka ula dhaqanto oo ay soo dhaweyso dadkii ka
soo cararay weeraradii Mareykanka iyo Itoobiya” ayuu yiri
nin ganacsade ah oo ku nool Xaafaladda Islii oo diiday in
magaciisa la seego, wuxuuna intaas sii raaciyey “Dowladda
Kenya waxay sabab u noqotay in dad Soomaali ah oo dhinaca
Kenya nabadgelyo u soo aaday markii dib loo celiyey ay ku
dhinteen weeraradii Ciidamada Itoobiya iyo kuwa Mareykanka,
taasina ma ahan mid cadaalad ah”, Haweeney iyana ku
ganacsatada Xaafadda Islii “waxaana aamisanahay in
Maxaakiimtii Islaamiga ahayd isugu tageen Itoobiya, Kenya
iyo Mareykan, waana mid taariikhdu qori doonto, shacabka
Soomaaliyeed weligood gumeysi waa ay ka soo horjeedeen
waqtigaana yeeli maayaan”.
Dowladda Kenya ayaa
hogaamiye kooxeedyadii dhinaceeda u cararay waxay siisay
mangelyo, kaddibna waxay u masaafurisay wadamo kale, kuwaas
oo shacabka Soomaaliyeed xasuuq u gaystay, hase yeeshee
Dowladda Kenya waxay xir xirtay oo xarig u gaystay qaar ka
mid ah taageerayaashii Maxaakiimta, sidoo kalana waxay dalka
ka masaafurisay qaar ka mid ah Xildhibaaanada Baarlamaanka
oo uu ku jiro Guddoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh
Aadan. Sidoo kale Dowladda Kenya waxaa lagu eedeeyey in
gawaaridii Gargaarka u siday gudaha dalka Soomaaliya, iyana
lagu xayiray xuduuda u dhexeysa Kenya iyo Soomaaliya,
waxayna shacabka Soomaaliyeed ee ku nool Kenya Dowladda
Kenya u soo jeediyeen in ay dhex dhexaad ka noqoto arrimaha
Soomaaliya.
Dowladda Musanbiik oo
ku soo biirtay dowladaha Soomaaliya u soo diraya ciidamada..
Dowladda Yugaandha oo iyadu horey u sheegtay in ay ciidamo u
soo direyso Soomaaliya ayaa haatan waxaa dhinaceeda iyana
uga dhawaaqday dowladda Musanbiik oo sheegtay in ay
diyaarisay Kun Askari oo ka qayb-qaata ciidamada nabad
ilaalinta qaaradda Afrika.
Dowladda Musanbiik waxay sheegtay in marka hore loobahaan
yahay in shacabka Soomaaliyeed raali ka noqdaan keenista
ciidamadaasi si ciidamadu ugu shaqeeyaan jawi jabadgelyo ah,
sidoo kale waxay soo jeedisay in kulan dib u heshiisiin ah
la isugu keeno kooxaha isaga soo horjeeda gudaha dalka
Soomaaliya.
Dowlado fara badan ayaa loo diray fariimo ah in ay ciidamo
ugu yaboohaan dalka Soomaaliya si ay uga qayb-qaataan
ciidamada nabad ilaalinta, hase yeeshee dowladahaasi waxay
sheegeen in ciidamadooda aysan waqtigaan ku aamini Karin
gudaha dalka Soomaaliya, sidoo kale waxay soo jeediyeen in
loobaahan in marka hore meel la saaro qarashaadka ku baxaya
ciidamada nabad ilaalinta ee hoos tagaya ururka Midowga
qaaradda Afrika
Hay’ad cambaareeyey
xarigii loo gaystay Idaacaha kala ah..
Hay’adda Xaquuqda Aadanaha Ismaaciil Jimcaale ayaa walwal
iyo walaac ka muujisay xiritaankii idaacadaha Horn Afrik,
Shabelle iyo Quraanka Kariimka ah, kuwaas oo lagu xiray amar
ka soo baxay hay’adda Nabad sugida ee Dowladda Federaalka,
taariikhdu markay ahayd 15/1/2007.
Hay’addu waxa ay idaacadahaasi ku tilmaantay kuwo ka
shaqeeya soo tabinta wararka iyo barnaamijyada kor loogu
qaadayo garaadka iyo wacyiga bulshada, waxayna xaruntu soo
jeedineysaa in la sameeyo nidaam iyo xeerar sharciyeed oo
horseedi kara in saxaafaddu hawlaheeda u gadato si sharci ah
halka laga xiri lahaa. Hay’addu waxay sheegtay in xoriyadda
Saxaafadda iyo afgaarta madaxa banaan ay yihiin kuwo lama
taabtaan ah sida ku cad axdi qaramadeedka Dowladda
Federaalka iyo baaqa caalamiga ah ee Xaquuqda Aadanaha
qodobkiisa 19-aad oo leh, in qof walba uu xaq u leeyahay in
uu helo xornimo xagga ra’yiga iyo hadalka, hase yeeshee
maalintii shalay ahayd ayaa idaacadaasi dib ugu soo laabteen
hawada, waxaana qoraalkaani ku saxiixnaa gudoonka xarunta
Maryan Aw-Reeye
Wufuud ka socota beesha
caalamka oo ku soo fool leh Soomaaliya..
Waxaa todobaadka soo socda Soomaaliya soo gaari doona wufuud
ka kala socota beesha Caalamka, kuwaas oo wax ka ogaan doona
xaaladda dhabta ah ee ka jirta gudaha dalka Soomaaliya.
Wufuudaan oo ka socota Qaramada Midoobey, Jaamacadda Carabta
iyo Midowga Afrika, waxaana la sheegay in ay kulamo la
yeelan doonaan Dowladda Federaalka iyo qaybaha kala duwan ee
Bulshda si loo helo dib u heshiisiin guud oo dhex marta
kooxaha Soomaaliyeed, waxaana wufuudaani ay booqan doonaan
maamul gobaleedka Puntland iyo gobolo ka tirsan Soomaaliya,
waana markii ugu horeysay oo uu wafdigaani soo gaaro dalka
tan iyo markii ay Dowladdu la wareegtay qaybo ka mid ah
dalka.
Kibaki iyo Meles oo
isku afgartay in la dedejiyo ciidamada loo dirayo Soomaaliya...
Madaxweynaha waddanka Kiinya Mr Kibaki iyo Rasii’sul
wasaaraha waddanka Itobiya Meles Zenawi ayaa kulan saacad
qaatay ku yeeshay magaalada Nayroobi, waxaana kulankaas
looga hadlay xaaladda Soomaaliya, gaar ahaan is beddelkii
dhawaan ka dhacay magaalada Muqdisho.
Labada mas’uul waxay diiradda saareen sidii Soomaaliya deg
deg loogu geyn lahaa Ciidamo Nabad ilaalin ah ee beddela
kuwa Itoobiya iyadoo Meles Zanawi uu mari doono waddamo
badan oo Afrikan ah si uu wadamadaas uga dhaa dhiciyo sidii
Ciidamo loo geyn lahaa Soomaaliya.
Dawladda Itoobiya ayaa iyadu dooneysa in lagala wareego
arrimaha Soomaaliya, wuxuuna Ra’isul wasaaraha dhawaan
sheegay inay kala bixi doonaan ciidamadooda gudaha dalka
Soomaaliya.
Madaxweynaha dalka Kiinya ayaa isaguna dhiniciisa ka wada
sidii Soomaaliya loo geyn lahaa ciidamo ka socda Qaaradda
Afrika isagoo wufuud u kala diray dhowr waddan oo ka tirsan
qaaradda Afrika si ay uga soo dhaa dhiciyaan in Soomaaliya
loo soo diro Ciidamo
Ragga siyaasadda u kuur gala waxay sheegeen in haddii aan
Soomaaliya ciidamo deg deg ah loogu soo dirin in xaaladda
Soomaaliya ay isu beddeli doonto Dagaalo sokeeya oo ku baaha
geeska afrika. Urur goboleedka IGAD ayaa iyagu ku kala
qaybsan arrimaha Soomaaliya iyadoo dhowr waddan ay si aad ah
ugu soo hor jeesteen fara galinta Etobiya ay ku qaaday
gudaha Soomaaliya, waxayna xaalka Soomaaliya ku tilmaameen
mid batrool lagu sii shubay, waxayna codsadeen in Soomaaliya
loo diro Ciidamo shacabku raali ka yahay kuwaas oo isugu
jira Afrikaan iyo Carab.
Banaanbaxyo looga soo
horjeeday Dowladda FKMG laguna gubay calanka Soomaaliya...
Waxaa maalintii shalay ahayd magaalooyinka waa weyn ee
maamulka la magac Somali land ka dhacay banaan baxyo looga
soo hor jeedo Dawladda Federaalka isla markaana lagu
taageerayo gooni isu taagga Somali Land, waxaana banaan
baxaas ka qayb galay kumanaan dad weyne ah kuwaasoo mararka
qaar gubayay calanka Soomaaliya.
Banaanbaxaan ayaa waxaa soo da dajiyay kaddib markii
dawladda federaalka ah loo fasaxay inay ku shaqayso xaalad
deg deg ah taasoo laga yaabo inay saamayn ku yeelato
Maamulka Somali land, waxayna sheegeen banaan baxayaashu
waxa ka dhacaya koofurta Soomaaliya inay tahay mid caqabad
ku ah waxa ay ugu yeereen madax banaanida Somali land,
waxayna sheegeen inay iska difaaci doonaan cid kasta oo ku
soo xad gudubta.
Dawladihii soo maray koofurta Soomaaliya, banaan bax kanoo
kale ah kama dhicin Somali land, laakiin dawladda uu
hoggaamiyo Cabdullaahi Yuusuf waxay u arkaan mid danahooda
ka hor imaanaya, balse shacabka Soomaaliyeed ayaa waxaa la
yaab ku noqdey gubidda Calanka, waxayna yiraahdeen qaarkood
Somali land muxuu ka galabsaday Calanka,
Qaar ka mid ah Xildhibaanada oo sheegay in haddii Xilka laga
qaado...
Qaar ka mid ah mas’uuliyiinta ugu sarreysa dawladda iyo
xubno xildhibaano ah ayaa waxa ay wadaan mooshin ka dhan ah
guddoomiyaha barlamaanka oo la doonayo in xilka looga qaado.
Guddoomiyaha barlamaanka Shariif Xasan ayaa si aad ah u
canbaareeyay soo galitaankii Ciidamada Itoobiya ee
Soomaaliya oo isagu u arko gumaysi cusub, waxayna
xildhibaada ku fikirika ah guddoomiyaha ay mooshinkaas ku
tilmaameen mid sii kala qaybinaya dawladda, waxayna
yiraahdeen “Haddii ay arrintaasi dhacdo waxaa soo bixi doona
laba guddoomiye Barlamaan, Laba Ra’iisul wasaare, Laba
Baarlamaan iyo laba Madaxweyne”, waxayna codsadeen in
arrintaas aan lagu deg degin. Guddoomiyaha barlamaanka oo
iminka safar ku maraya waddamo ka tirsan midowga yurub ayaa
halkaas u tegey sidii uu taageero ugu heli lahaa fikirkiisa
ku aaddan arrimaha Soomaaliya, sidoo kale wuxuu guddoomiyuhu
booqan doonaa qaar ka mid ah dalalka carabta oo iyagu ka soo
hor jeeda fara gelinta Itoobiya.
Ma dhabaa in la qabtay
mid ka mid ah mas’uuliyiintii ugu sareysay Maxaakiimta...
Waxaa maalmahan qaar ka mid ah saxaafadda ay faafinayeen in
dawlada Kiinya ay qabatay mid ka mid ah saraakiishii ugu
sarreysey maxaakiimtii Islaamiga iyadoo sheegtay inay ku
qabatay Xero qaxooti oo ku dhow magaalada Gaarisa. Mar aan
la xiriirnay magaalada Gaarisa oo aan waraysanay bulshada
halkaas ku nool ayaa waxa ay noo sheegeen in aysan maqal
warar ku saabsan sarkaalkaas oo illaa iyo haatan magaciisa
aan daboolka laga qaadin. Dawladda Keenya oo horey u
sheegtay inay baaritaan ku hayso sarlkaas ay qabteen
dhawaana ay saxaafadda u soo ban dhigi doonaan, saraakiishii
ugu sarreysey maxkamadaha Islaamiga ayaa weli ku sugan qaybo
ka mid ah dalka Soomaaliya, kuwa kalena waxaa la sheegay
inay ku sugan yihiin dalka dibaddiisa iyadoon illaa iyo
haatana aan war sugan laga hayn halka ay ku sugan yihiin
raggaas, iyadoo dhawaan uu wab-site-ka Islam.Com uu
wareystay guddoomiye ku xigeenkii golaha fulinta ee
Maxaakiimta Sh.Cabdulqaadir Cali Cumar kaasoo sheegay inay
halgganka sii wadi doonaan tan iyo inta ay dalka ka
saarayaan ciidamada Itoobiya iyo kuwa daba socda.
Hay’adda OSPAD oo qabatay
Siminaar ku saabsan Cudurka AIDS-ka…
Waxaa maalintii khamiista ahayd Hotel Saxafi Labo ee
Magaalada Muqdisho lagu soo gebagabeeyey siminaar ku
saabsanaa Cudurka AIDS-ka oo socday mudo saddex maalmood ah
oo loo qabtay qaar ka mid ah Umuliso Dhaqameedyada, dadka ku
shaqeysta gudniinka Caruurta, Dhallinyaro iyo Saxaafadda,
waxaana soo qaban-qaabiyey Hay’adda OSPAD oo gacan ka
heleysay Hay’adaha Global Fun, UNICEF waxaana kormeerayey
Hay’adda SCAC, waxaana Siminaarkaani cashiro ka bixinayey
mudadii uu socday Macallimiin ay ka mid ahaayeen Macallin
Ibraahim Max’ed, Dr. Max’ed Maxamuud Bideey, waxayna si aad
ah ugu dheeraadeen qaababka uu ku yimaado cudurkaasi iyo
sida looga dareemo qofka uu ku dhaco cudurkaasi.

Goobaha ugu badan oo uu cudurku ku faafo ayaa lagu sheegay
in ay u badan yihiin xarumaha Umulisooyinka, Meelaha wax
lagu gudo, Xiirmada, Cirbadaha la isku duro, dhiiga la isku
shubo iyo gogol dhaafka, waxayna macalimiintu sheegeen in
loo baahan yahay in mar kasta laga feejignaado cudurkaasi.
Siminaarkaan waxaa gebagabadiisii ka hadlay sarkaal lagu
magacaabo C/llaahi Xasan Ciyow oo ka socday Hay’adda UNICEF
oo sheegay in dadka Soomaaliyeed ay yihiin dad jaahil ka ah
cudurkaasi, loona baahan yahay in lagu wargeliyo qatarta
cudurkaasi, sidoo kale waxaa ka hadashay Batuulo Max’ed
Mursal oo iyana ka hadashay dhacdooyin fara badan oo uu ku
yimaado cudurkaasi, waxayna ka qaybgalyaasha u soo jeedisay
in ay waxyaabihii ay ka barteen siminaakaan u gudbiyaan
bulshada kale, si looga hortago qatarta cudurka AIDS-ka.
Waxaa kaloo ka hadlay Dr. Max’ed Maxamuud Bideey oo isna
sheegay in Boqolkii 1.5 cudurkaani lagu arkay Soomaaliya ay
tahay Qatar aad u weyn, waxaa kaloo ka hadlay Guddoomiyaha
OSPAD Cabdi Nuur Cismaan Weheliye, waxa uuna sheegay in
siminaarkaani uu qayb ka yahay siminaaro lix oo ay qaban
doonto hay’adda OSPAD, kaas oo loogu talagalay in bulshada
looga wacyigeliyo qatarta cudurka AIDS-ka oo ah cudur aan
lahayn wax dawo ah.
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com
Faafin: Jan 17, 2007
-
::
DKMG
Soomaaliya oo Albaabada u laabtay idaacado ka howl gala Muqdisho iyo TV-ga Aljazeera...
Akhri...
15/1
-
Waraaqo lagu daadshay Magaalada Muqdisho:
urur la magacbaxay
Akhri 15/1
- Ma Dhabaa In Xilka Lagaga Qaadayo Shariif
Xasan Shiikh Aadan?
Akhri.. 14/1
- Somalia: Xaalad Degdeg ah oo lagu soo
rogey dalka Soomaaliya
Akhri...
13/1
-
Madaxweynaha DFKMG oo wareegto ku magacaabay Maamulka cusub
Akhri 15/1
-
Hogaamiyeyaasha dagaalka 3 cisho hubkooda ha
ku soo wareejiyaan
Akhri.. 14/1
-
Ismaaciil Cumar Geelle: Mareykanka
waxaan uga digaynaa inuu
Akhri 13/1


|