Wararkii: Jan 18, 2007
-
Ciidamada Xukuumada
Ethiopia oo Faaruqiyey Dekeda iyo Airport magaalada
Muqdisho
-
Cali daacuun: Hadii
hadhuubku buuxsamo Lagama celin karo inuu daato.
-
Gudoomiyaha
Baarlamaanka DFKMG oo Ku gacan Sayray Xil ka
Qaadistii....
-
Kulan Lagu Aasaayey
Guddiga Xidhiidhka Saaxiibtinnimo Ee Suuriya Iyo
Soomaaliya Oo Ka Dhacay Magaalada Dimishiq.
-
[Clan Divisions Threaten Somalia
Government]
- VOA
ama Dhegeyso [Warbixintii
Ryu ee VOA]
Ergeyga QM Ugu Qaybsan
Arimaha Somalia Mr. Francois Fall Oo Maanta Soo Gaaray
Magaalada Muqdisho Ayaa kulamo Kala Gooni Gooni ah La
yeeshay Madaxweyne c/laahi yuusuf iyo Qeybaha kala duwan
ee bulshada Rayidka ah.
Jan 18, 2007:
Waxaa maanta soo gaaray
magaalada muqdisho ee xarunta dalka soomaaliya ergayga
qaramada midoobay ugu qaybasan arimaha soomaaliya
Francois Fall isagoo kulamo kala gooni gooni ah la
yeeshay madaxaweyne c/laahi yuusuf iyo ururada kala
duwan ee bulshada rayidka ah .
Mr.
Fall ayaa kulan saacado qaatey la yeeshay Madaxweynaha
DFKMG Somalia C/laahi Yuusuf Axmed oo ay isla soo
qaadeen arimo dhowr ah oo ku aadan sidii nabad loogu soo
dabaali lahaa dalka soomaaliya ,islamarkaana dardar
galin loo gelinj lahaa nabada iyo xasiloonida dalka
soomaaliya iyo keenista ciidamada nabad ilaalineed ee la
keenayo Somaliya, sida ay suurta gal u tahay in dowladda
Somaliya in xubno muuqda laga siiyo qeybaha kala duwan
ee bulshada iyo arimo kale oo ku aadan xilka qaadistii
shalay lagu sameeyay Gudoomiyihii Baarlamanka Somaliya
Shariif Xasan Sheekh Aadan oo uu ku tilmaamay mid lagu
degdegay .
Mr .fall ayaa sidoo kale soo hadal qaaday in ciidamada
Ethiopia inaysan suurto gal aheyn in ay sii joogaan
gudaha Somaliya balse ay ka baxayaan dalka marka ay
yimaadaan ciidamada Afrikaanka ah oo lagau wado inay soo
gaaraan dalka .
Mr. Fall ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay xariggii
dhowaan loo gaystay idaacadaha qaarkood ee magaalada
Muqdisho, isagoo sheegay in arinkaasi uu cambaareeynayo,
waxa uuna saxaafadda kula dardaarmay in ay ilaaliyaan
qawaaniinta shuruucda saxaafadda ayna ka qeyb qaataan
dib u dhiska dalka, iyo nabad soo celinta dlka
Soomaaliya.
Mar uu ka hadlayay hay'adaha samafalka ee Q.M ayaa waxa
uu sheegay in hay'adaha samafalka ee ku sugan magaalada
Nairobi ay dhamaan tood u soo guurayaan caasimadda
Somaliya sida ugu dhaqsiyaha badan, mana jirto sabab
hadda ay ugu sii nagaadaan Nairobi, taasina ay soo
dedejin karto imaatinkooda hadii aa nabada xoojisaan .
Mr. Fall ayaa waxa uu sheegay in ciidamo caalami ah oo
ka socda Q.M ay imaan doonaan gudaha dalka Somaliya,
kuwaasi oo ka qeyb qadanaya xasilinta iyo amaanka ku soo
celinta dalka soomaaliya .
Dhanka kale Ergeyga Q.M ugu qeybsan arimaha Somaliya
ayaa kulanka Madaxweynaha ka dib waxa uu Hotel Pradise
kula kulmay Qeybaha bulshada rayidka oo uu kala hadlay
ka qeyb qaadashada geedi socodka nabadda Somaliya isagoo
qaybaha kala duwan ee buslhada ku booriyey inay si
wadajir u qabtaan soo celintii kala damabayntii iyo
nabadii dalka soomaaliya isalamarkaana ay muujiyaan
dadaalo dheeri ah oo ay uga qeyb qaadanayaan nabada .

Yaasiin maxamed cali (faytin)
Yaasiin2006@hotmail.com
Maraykanka oo Cambaareeyey Xil Kaqaadistii Guddoomiyaha Baarlamaanka DFKMG....
Dublomaasi sare oo Maraykan ah ayaa cambaareeyey cod bixintii baarlamanka Kumeelgaarka ah ee Soomaaliya uu xilka uga qaaday guddoomiyaha baarlamaanka Shariif Xasan Sheikh Aaden.
Caawiyaha xoghayaha Arrimaha dibada ee Maraykanka u qaabilsan arimaha afrika, Jendayi Frazer, waxay tiri arrintani waxay dhaawac ku tahay isku dayga in si nabad gelyo ah lagu xalliyo kala tafaraaruqa dalka dagaalku halakeeyey. Sidaas waxaa warka ku bilaabay Raadiyaha Maraykanka ee VOA.

Jendayi Frazer |
VOA waxa uu intaas ku daray: Baarlamaanka Kumeelgaarka ah ee Soomaaliya oo ku shiray Baydhabo waxa uu si aqlabiyad ah ugu codeeyey in xulka laga qaado Shariif Xasan. Shariif Xasan waxa uu sannadkii hore isku deyey in heshiis nabad gelyo ay wada gaaraan DFKMG iyo Dhaqdhaqaaqa Islaamiga ah ee
dalka, oo markaas xukumey casimada Muqdisho.
Ciidamda Itoobiya ayaa bishii hore waxay galeen Soomaaliya iyagoo gacan siinaya DFKMG, kuwaas oo Muqdisho iyo in badan oo dalka ah
ka saaray dagaalyahainiintii Islaamiyiinta ahaa, waa sida warka VOA u dhigay'e. Ilaa xilligaas saraakiisha Maraykanku waxay ugu baaqayeen madaxda dawladda Soomaaliya
in ay la xiriiraan kooxda Soomaaliya ee la jebiyey si la isugu dayo in la dhamaystiro
colaada 16ka sano ah.
Caawiyaha xoghayaha Arrimaha dibada ee
Maraykanka u qaabilsan arimaha afrika, Jendayi Frazer, waxay tiri go'aanka xilka looga qaaday afhayeenka barlamaanku waxay dhaawacaysaa isku daygii dib u heshiinta garabyada Soomaaliya.

Wiil Soomaali ah oo dhex maraya labo Taangi oo
Itoobiyaan ah magaalada Muqdisho Jan 15, 2007.
Sawirka: VOA |
"Calaamadda ah in madaxweynaha iyo ra'iisul wasaaruhu ay taageereen in meesha laga saaro isaga (shariif Xasan) waa mid ka soo hor jeeda dareenka dib u heshiisiinta," ayey tiri, waxayna intaas ku dartay "Sidaas daraadeed waxaan kula talineynaa dawladda, ka taageerayaal ahaan dawladda,
in ay muujiyaan wax taas ka duwan." Waxaana VOA intaas ku daray in taas oo
jirta in Maraykanku sii wadayo taageeradiisa DFKMG.
Frazer waxay hadalkaas ka
jeedisey gole looga hadlayey arrimaha Soomaaliya oo ah
xarunta Istaraatiijyada ito daraasada Caalamiga ah ee
Washington.
Dhanka kale VOA waxa uu
warbixin dheer ka bixiyey xaaladda guud ee Soomaaliya.
Raadiyaha oo arrintaas ka hadlaya waxa uu yiri: Dalka
Soomaaliya, dhaqdhaqaaqii dalka mar xoogga weynaa ee
Islaamiga ahaa jabkiisii waxa uu culays aad u xoog weyn
dusha ka saaray dawlada secular-ka (cilmaaniga)
ah ee ay qaramada Midoobey aqoonsan tahay si ay u hesho
taageerada shacabka, una dejiso dalka. Dhegeyso [Warbixintii
Ryu report
] ama Akhri [Clan Divisions Threaten Somalia
Government].
Kufsigii ay Ciidanka
Itoobiya u Geysanayeen gabdhaha Soomaaliyeed oo sii
socda...
Dhanka kale Hay'adaha reer
Galbeedka ee ku sugan Bariga Kenya ayaa waxaa wararku
sheegeen in ay soo gaarayaan warar isasoo taraya oo
tibaaxaya kufsi ay Ciidamada Xabashida ee soo galay
Soomaaliya u geysteen gabdho Soomaaliyeed. Mid ka mid ah
warbixinadaasi waxay sheegtay in dad soo gaarey Dhoobley
ay sheegeen in Ciidamada Itoobiya ay kufsi u geysteen
gabdho Soomaaliyeed. Waxaana warbixintu sheegtay in
nacaybka u dhexeeya labada dal ee Soomaaliya iyo Itoobiy
auusan ahayn mid qarsoon.
Ilaa hadda wax war ah oo
arrintaas ku saabsan lagama maqal DFKMG, in kasta oo
Dadka Soomaaliyeed ay rumaysan yihiin in arrintaan
adduunka oo dhammi ka hadlayo aysan madaxda DFKMG ahi ka
hadli doonin.
Toddobaadkii hore ayey
ahayd markii ay soo baxday warbixintii in shan ka tirsan
ciidamada Itoobiya ay kufsadeen qof dumar ah oo
Soomaaliyeed...
EEG WARBIXINTII HORE
Ciidamada Xukuumada
Ethiopia oo Faaruqiyey Dekeda iyo Airport magaalada
Muqdisho
Waxaa maalintii Talaadadii ahayd uu Raysal wasaaraha
xukuumada Ethiopiya Melez zanawi uu ku dhawaaqay in
ciidamiisu ay kabaxayaan dalka Somaliya oo aysan sii
joogayn isagoo sheegay in uu waqtigii loo qabtay ay ku
ekayd oo kaliya Maalinta taladadii ah oo ku beegnayd
maalintii Jan 16, 2007 isagoo intaa ku daray inay hada
udiyaar garoobayaan sidii ay uga bixi lahaayeen guud
ahaan dalka soomaaliya .
Raysal wasaaraha Xukuumada Ethiopiya ayaa waxa kale oo
ay intaa ku dartay inaysan ciidamo Africanka ah aysan
sugi doonin iyadoo loo malaynayo inay ku Hungoobeen oo
maalmihii lasoo dhaafay uu culays kaga yimid caalamka
islamarkaana xooga lagu saaray in lasoo dedejiyo sidii
ay ciidamo African ah loo heli lahaa.
Ciidamada Ethiopiya ayaa habeenimadii Arbacadu soo
geleysey faaruqiyey fariisimo dhowr ah oo ay ka
deganaayeen magaalada muqdisho islamarkaana ku
wareejiyey ciidamo soomaali ah , dekeda iyo airporka
magaalada Muqdisho iyagoo isaga baxay saldhigyadaas
waxana warar laga helayo isla goobahaasi ay sheegayaan
in ciidamada Ethiopiyanka ah ee ka baxay meelahaasi inay
tageen daafaha maagalada muqdisho sida siinka dheer ee
wadada isku xirta afgooye iyo muqdisho iyo dhinaca
xeradii hiilweyne.
ka bixitaanka ciidamada xukuumada Ethiopiya ee Garoonka
iyo Dekeda ayaa kusoo beegmaya xili ay maamulka cusub ee
gobolka banadiir ku dhawaaqeen in ay ciidamada Ethiopya
iskaga baxaan gudaha magaalada muqdisho islamarkaana ay
arintan oo aad ay usoo dhoweeyeen wax garadka ,aqoonyahanka
,xeeldheerayaasha siyaasadeed iyo bulshada inteeda
kaleba.
yaasiin maxamed cali (faytin)
yaasiin2006@hotmail.com
Cali daacuun: Hadii
hadhuubku buuxsamo Lagama celin karo inuu daato.
Siyaasiga soomaaliyeed ee cali maxamed axmed (cali
daacuun) oo indhowaaleba hadafkiisa siyaasadeed ku
cabirayey halista siyaasadeed ee dalka marayo iyo sida
talo ahaan ay ula muuqataba iyo ismaandhaafka
siyaasadeed ee ku kala dhex jira masuulyiinta ugu sar
saraysa dowlada kmg ah ku cabairaya fekerkiisa ayaa ka
yiri sidatan ;
''Hadii haruubku buuxsamo lagama celin karo inuu daato ,noolaha
waxaa laga rabaa inuu cabiro weelka uu wax ku shubanayo
,si uu badbaado in siyaasadiisu dhulka ku daadato ,tusaale
waxaan noqon kara dowladii lagu soo dhisay Jabuuti
Gobolka carta waxay ku dheeliday khilaaf soo kala dhex
galay madaxdii ugu sar saraysay Taasoo loo arkay
wasiirkii koowaad Dr, cali khaliif galaydh hadii uu
meesha ka baxo oo lagu guulaysto radistiisa inay dowladu
shaqayan doonto lagana heli doono aqoonsi Ethiopia ,nasiib
darro radistii cali khaliif waxay keentay in in TNG ay
si fiican u burburto dhaxalkeediina in shirkii khartoum
ay ka dhalato looma dhamayn shirkii jabuuti ee waa in
shir cusub hada la abaabulaa oo laysugu yimaadaa dalka
kenya ''.
Waxuu kaloo intaas ku daray ''sida ii hada muuqata hadii
la rido gudoomiyaha baarlamaanka ,waxay noqon doontaa
hal bacaad lagu lisay waxii lagu soo dhisay dalka kenya
,ma qabo in reer galbeedka iyo jaamacada carabtu inay ku
farxi doonaan ridista hada la qabanqaabinayo ee ku
salaysan gudoomiyaha baaralamaanka ''.
Cali daacuun ayaa intaas sii raaciyey '' waxaan talo
ahaan usoo jeedin lahaa Madaxweynaha dowlada kmg
soomaaliyeed inuu ka fiiro u yeesho shaqaaqada ka socota
magaalada baydhabo ,wax kasta oo khilaaf soo kala dhex
gala TFG da waa in lagu dhamayaa wada hadal ,hadiise ay
noqoto awood ,waxii kasoo baxa waxba yaan layga siin''.
yaasiin maxamed cali (faytin)
yaasiin2006@hotmail.com
Gudoomiyaha Baarlamaanka
DFKMG oo Ku gacan Sayray Xil ka Qaadistii....
Saacado intii aysan ka soo
wareegin markii ay Baarlamaanka DFKMG ee Baydhabo u
codeeyeen in xilka laga qaado guddoomiyaha Baarlamaanka
Shariif Xasan, ayuu arrintaas ganafka ku dhiftay Shariif
Xasan Sh. Aaden oo safar ku maraya dalal ka tirsan
Qaarada Yurub.
"Baarlamanka Soomaaliya sida
la ogyahay ma ahan xor go'aan gaari kara" ayuu yiri
Shariif Xasan oo intaas raaciyey "waa mid lahaysto,
baarlamanka ma ahan mid xil dhiibi kara ama qaadi kara".
Warkii xil ka qaadista hoos
ka akhri...
Gudoomiyeha Baarlamaanka
oo xilkii laga xayuubiyay....
Golaha baarlamaanka federaalka kmg-ka Soomaaliyeed ayaa
daqiiqado ka hor xilkiisii ka qaadey gudoomiyihii golaha
baarlamaanka federaalka Shariif xasan Sheekh Aaden.
Golaha Baarlamaanka oo kulan yeeshay ayaa cod u qaadey
sidii laga yeeli lahaa gudoomiyeha golaha baarlamaanka
oo la soo hordhigay baarlamaanka moshin ka dhan ah
gudoomiyeha.
Maanta waxaa soo xaadiray kulanka baarlamaanka 192
xildhibaan oo 183 in kalsoonida kala laabteen
gudoomiyaha baarlamaanka, halka 9-diideen, iyadoo Boqore
uu sheegayin aysan jirin cid ka aamustay.
AKHRI WARKA OO DHAN...
Kulan Lagu Aasaayey
Guddiga Xidhiidhka Saaxiibtinnimo Ee Suuriya Iyo
Soomaaliya Oo Ka Dhacay Magaalada Dimishiq.
Waxaa lagu qabtay magaalada Dimishiq kulan lagu
aasaasayey guddi loogu magacdaray , gudiga xidhiidhka
saaxiibtinnimada Suuriya iyo Soomaaliya, kulankan oo uu
soo qabanqaabiyey safiirka Soomaaliya Mudane Maxmuud
Muuse Tarey ayaa waxa loogu talo galay sidii loogu
xoojin lahaa xidhiidhka labada dal ee Suuriya iyo
Soomaaliya.
Waxaana ka soo qayb galay kulanka xubno hore uga ahaan
jiraya safiiro Soomaaliya oo uu ka mid yahay safiirkii
hore ee Suuriya u Fadhiyey Muqdisho, mudane Naciim
Qaddaax , mudanayaal ka tirsan golaha shuurada ee dalka
suuriya oo ay ka mid yihiin Cadnaan Dakhaakhina, Dr.
Maxmed Al-Xabash, iyo Bahaa’addiin, iyo Xoghayaha
Safaaradda Soomaaliya ee dalka Suuriya Mudane C/raxmaan
C/qaadir Shiikh Maxmuud.
Sida la sheegay gudigani waxa ay ka shaqayn doontaa
sidii kor loogu qaadi lahaa xidhiidhka ka dhexeeya
labada dal,iyo sidii dhinaca ganacsiga, waxbaradhada iyo
iskaashiga siyaasadeed loo xoojin lahaa.
Waxaa iyana laysla soo qaaday sidii looga wada shaqayn
lahaa ilaalinta qarannimada ummadda carbeed iyada oo
laga shiidaal qaadanayo heshiisyadii hore ay wadamada
carbeed u gaadheen.
Waxayna sheegeen labada dhinac in arrimahan lagu
fulinayo iyada oo loo marayo in la qabto wacyi galin loo
qabanyo shacabka laba wadan.
Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Suuriya Maxmuud
Muuse Taray ayaa isaga oo saxaafadda u warama sheegay in
ay tahay gudigani tii ugu horaysay ee laba wadan oo
carbeed dalka Suuriya iskula afgartaan in ay talaabadan
wada qaataan.
Asad Caddaani Ibraahim
Dimishiq Suuriya.
asadlaska@hotmail.com
Faafin: Jan 18, 2007
Gudoomiyeha Baarlamaanka oo xilkii laga xayuubiyay...
Golaha baarlamaanka federaalka kmg-ka
Soomaaliyeed ayaa maanta xilkiisii ka qaadey gudoomiyihii golaha
baarlamaanka Shariif xasan Sheekh Aaden, waxaana magaalada Baydhabo ee cod
ku...
Akhri....
17/1
WAR MURTIYEED: Jaaliyadda Reer Xaaji Suleymaan ee Yurub
& Waqooyiga
Ameerika waxay soo saareen
Akhri... 17/1
SomaliGalbeed:
Dagaallo ciidammada gumaysiga lagu naafeeyay.
iyo Dadwayne uu cadowgu ku xidhxidhay meelo kala duwan....
Xorriyo 16/1
Shariif
Xasan Sheekh Aadan "Maanta maalin ka xun ma soo marin Soomaaliya"
Guddoomiyaha Baarlamaanka DFKMG iyo wafdi uu hoggaaminayo booqday
Belgium ayaa
Akhri.. 16/1