Wararkii: Jan 19, 2007
- Eritrea oo ka Digtey
Xaaladda Cakiran ee Soomaaliya
- Xiisaddaha
Ka Dhashay Ridistii Shariif Xasan Sheikh Aadan.
- Amar dil ah oo lagu soo
rogay ciddii lagu arko iyadoo ku dhex wadata degmada Afgooye
Eritrea oo ka Digtey
Xaaladda Cakiran ee Soomaaliya

Isaias Afewerki |
Sawirka: Aljazeera |
Jan 19, 2007: Madaxweynaha dalka Eritrea ayaa ka digey isku dayga in ciidamo Afrikaan ah loo diro Soomaaliiya ay noqon karaan kuwo ku dambeeya
guul darro.
Waraysi gaar ah oo uu la yeeshay Al Jazeera, waxa uu madaxweyne
Isaias Afewerki yiri: weli lama arkin dhammaadkii Maxkamadaha Islaamiga ah.
Afewerki hadalkiisu waxa uu ku soo beegmay xilli sarkaal sare oo ka socda
Qaramada Midoobey [Francois Fall] uu Muqdisho maalintii Khamiistii uu wadahadal kula lahaa Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf oo ay kawada hadleen sidii dalka loo geyn lahaa ciidamdo Afrikaan ah.
Waraysiga Al-Jazeera oo telefishanka ka baxay Khamiistii, Madaxweyne Afewerki waxa uu sheegay in Itoobiya ay ka qayb qaadatay dagaal aan meelna u socon
ama cakiran. Waxa kale oo uu yiri "Maxkamadaha Islaamiga ah lama jebin, Soomaalida weligeed lama jebin. Dadkii rabey in ay qorshadooda gaarka ah usoo galaan Soomaaliya ayaa naftooda dhex geeyey baylah halis ah." Waxana uu intaas kudaray "Tani waa arrin cakiran oo waqtiga
oo sheegi doono cidda laga guulaystey."
Madaxweyne Afewerki
waxa uu dhaliilay awooda wax qaban karta ee Midowga
Afrika. Waxana uu yiri: "Waxaan marka hore rabna in aan
ogaano hawsh aloo xilsaaray ciidanka Afrikaanka", waxana
uu Midowga Afrikaanka ku tilmaamay mid gabay qaybo ka
mid ah Qaarada Afrika.
Dhanka kale, Mr.
Francois Fall oo ah wakiilka QM oo waxa uu DFKMG ugu
baaqay in ay ka shaqeeyaan dib u heshiisiinta, waxana uu
sheegay ciidamada Afrikaanka ee nabad ilaalintu "in ay
yihiin fursadii ugu wanaagsanad ee nabadda Soomaaliya
soo marta 16kii sano ee ugu dambeeyey", waana in aan
taas la khasaarin ayuu yiri.

Dr. Ken Menkhaus |
Waxa kale oo arrimaha
Soomaaliya ka hadlay Dr. Ken Menkhaus oo macallin ka ah
jaamacadda North Carolina. Qoraal kusoo baxay jariidada
Guardian (16/1/2007) oo uu Soomaaliya kaga hadlay waxa
uu Dr. Menkhaus yiri: Marka la eego xaaladaha ka jira
Soomaaliya, ma adka in la saadaaliyo arrimuhu sida ay
noqon karaan Soomaaliya: Itoobiya qaar ka mid ah
ciidankeeda ayey kala bixi doontaa, mana bedeli doonaan
ciidaamo tiro ahaan ku filan oo nabad ilaalin ah oo ka
socda Midowga Afrika; DFKMG madaxdoodu ma awoodi doonaan
in ay xakumaan Muqdisho, waxaa soo wajahi doona koror
iska caabin ah, waxayna si degdeg ah ugu laaban doonaan
dhanka baadiyaha; waxaana Soomaaliya soo wajahi doona
xaalad siyaasadeed oo kala qaybsan.....[eeg
www.guardian.co.uk].
November 27, 2001 ayey ahayd markii Ken Menkhaus, oo
professor sare ka ah kulliyada Davidson College, kuna
takhasusay Soomaaliya oo kahadlaayey in aan arrimaha
Soomaaliya laga dhegeysan Itoobiya, waxa uu yiri:
"Waa in aynaan kuxiraan in aan akhbaarta keliya ka
qaadano Itoobiya kuwaas oo inkasta oo ay saaxiibadeen
yihiin haddana waxay wataan qorshe iyaga u gaara oo aan
caddayn, waxayna kabadbadiyaan khatarta."
Dhanka kale magaalada
Rooma ee Dalka Talyaaniga waxay hay'adda Reuters waraysi
kula yeelatay Shariif Xasan Sheikh Aadan, oo sheegay in
ay Soomaaliy aka muuqato xaalada keli talisnimo, oo ay
diyaar yihiin arrimihii kelitaliska. Shariif Xasan waxa
uu hore ugu gacan sayray xil ka qaadistii baarlamaanka..
Halkan
ka dhegeyso.
Xiisaddaha
Ka Dhashay Ridistii Shariif Xasan Sheikh Aadan......
- yaasiin maxamed cali (faytin)
Xiisadda ay reebtay ridistii shariif xasan sheikh aadan ayaa
shacabka ku dhaqan magaalada muqdisho Qaarkood ku tilmaameen
Mid uur-ku-taalo ku reebaysa shacabka soomaaliyeed
islamarkaana u muuqata mid ka dhalatay muquunis aan loo meel
dayin islamarkaana aan waafaqasanayn sharciga xaaladda
degdega ah ee dalku ku jiro, iyadoo ay Saamayn weyn ku
yeelatay xarumaha waaweyn wada hadalka bulshada, Hadal
Hayanta Ugubadan ee laga hadal hayo dadweynaha dhexdooda iyo
suuqyada magaalada muqdisho .
Intaas kadib si aan wax uga
Ogaado Fekerka ay bulsho weynta soomaaliyeed ,gaar ahaan
kuwa reer muqdisho Ugu muuqato Ridista shariif xasan sheikh
aadan ayaan waxaan ka waraystay waxgarad waayo soo joogay
iyo Qaar ka tirsan Bulsho weynta kala duwan ee ku nool
magaalada muqdisho .
Waxaan ugu horaynba Hadalka
ii bilaabay xuseen raage oo kamida Duqowda waayo araga ah ee
soo joogay dowladihii dalka soo maray iyo waqtigii
gumaysigaba waxuuna hadalkiisa ku cabiray sida wadanku
maanta yahay iyo sida xaalku noqon karo hadii xilka laga
qaaday shariif xasan sheikh aadan.

Wiil Soomaali ah oo dhex maraya labo Taangi oo
Itoobiyaan ah magaalada Muqdisho Jan 15, 2007.
Sawirka: VOA |
''Ilaah ayaa Mahad leh ,waxaana
anigu la amakaag sanahay oo marnaba iga degi la, horta yaa
wadanka iska leh yaase u maqan ? waa su,aasha aan keligay is
waydiiyo waayo waxaa haboon in dalka iyo dadku ay had iyo
jeer taageeraan ninka dalkiisa iyo dadkiisa wax u qaban kara
,waxna ka dhigi kara ,waxay ila tahay shariif xasan sheikh
aadan taariikhda ayaa qori doonta ,anigase waxuu iila
muuqday nin diidanaa ciidamada Ethiopia islamarkaana ay
taasi keentay maxaad u diiday ,waxaa keliya oo shariifka
laga raacay sida muuqata waa intaas ,hadaba miyasan idiin
muuqan sida wax u jiraan wadankan soomaaliya marba heer ayuu
taagnaa maantana waxaa taariikhda iigu yaabka badan ay tahay
Taangiga Ethiopiya oo dhex Gurguuranaya Magaalada muqdisho.
Sidoo kale waxaa isna
fekerka ku aadan mawduucan ridista shariif xasan sheikh
aadan ka hadlaya sulayman cabdi oo ku magac dheer (Ciiro) oo
ah arday wax ka dhigta jaamacada muqdisho ''waxaan
isleeyahay waxuu is bedel ku yimid siyaasadiisa islamarkaana
waxay xaga fekerka ku kala duwanadeen masuuliyiinta sarsare
ee dowlada taasina markii ay xukumada Ethiopia usoo tafa
xaydatay inay dalka dhexdiisa keento kumanaan ciidamo ah
islamarkaana welibana ay Gobol gobol ula heshiisay qaarna ay
ula dagaalantay taas oo ah kala qaybi oo xukun mase noqon
karto oo xiligan waxaan ku jirnaa xili dadku wax kala arkaan
marka anigu waxaan shariif xasan sheikh aadan oran lahaa
lama ridin ee waxaa usoo hoyatay taariikh ah baal dahab ah
waayo xiligan lagu jiro oo ah xili siyasiyiintii
soomaaliyeed ay u kala baxeen taageere Ethiopia iyo muwaadin
soomaaliya hadii uu taageeray dhankii toosnaa waa baal dahab
ah ayaa la oran karaa ''.
Sikastaba ha ahatee dadka badankiisa ayaa ku tilmaamay
ridistii shariif xasan sheikh aadan mid aan xiligan meesha
ku jirin islamarkaana aan waafaqsanayn weliba sharciga oo ah
xiligan dalka soomaaliya oo ku jira xaalad degdega ah .
yaasiin maxamed cali (faytin)
yaasiin06@hotmail.com
Amar dil ah oo lagu soo
rogay ciddii lagu arko iyadoo ku dhex wadata degmada Afgooye
Jan 18, 2007: Maamulka Degmada Afgooye oo soo saaray
wareegto ayaa sheegay in maanta wixii ka dambeeya ruuxii
lagu arko isagoo hub la dhex maraya degmada Afgooye la
toogan doono.
Maamulka oo kulan deg-deg ah qaatay kaddib markii kooxo
hubeysan ay maanta ishortaageen howlo canshuur ururin ah oo
uu ka waday maamulka Degmadaas suuqyada degmada Afgooye ayaa
waxaa ka soo baxay wareegtadaan.
Wareegtada ayaa waxaa lagu sheegay in maanta 4:00 galabnimo
xilliga Soomaaliya cidii lagu arko inay hub ku dhex wadato
gudaha Soomaaliya la dili doono, waxaana lagu muujiyay
wareegtada in la dilo doono cid walba oo hub wadata, laguna
amray sidaas ciidammada Ammaanka ee degmada Afgooye.
Arrintaan ayaa waxaa si weyn u soo dhaweeyay shacabka
Degmada Afgooye oo sheegay inay wanaagsan tahay in cid walba
oo hub wadata isla markaana khatar ku ah ammaanka guud ee
degmada Afgooye la toogto, waxaana tani ay qayb muhiim ah ka
noqonaysaa howlaha ay wadaan maamulka cusub ee dhawaan
Dowladda Federaalka Soomaaliya ay u magacowday Degmada
Afgooye.
Maanta ayaa dadweynaha degmada Afgooye waxay ku wareejiyeen
gaari noociisu yahay Landcruiser-ka ah oo ay ugu deeqeen
dadweynaha degmadaas ku nool, waxaana deeqdaan ay noqonaysaa
middii ugu horreysay oo ay shacabka degmadaas guddoonsiiyaan
maamul ka howlgala degmadaas.
Maxamuud Axmed Xasan ( Xuurshe)
Email:
xuurshe114@hotmail.com
Kulan looga hadlayo
arrimaha Soomaaliya oo berri ka furmaya Addis Ababa
Jan 18, 2007: Waxaa lagu wadaa in lagu qabto xarunta Midowga
Afrika ee Addis Ababa berri kulan looga hadlayo arrimaha
Soomaaliya, kulankaasoo ah mid qabanqaabadiisa ay socotay
maalmihii ugu dambeeyay.
Kulankaan oo ay ka soo qaybgeli doonaan madax ka socota
ururrada dunida qaarkood ayaa waxaa diiradda lagu saari
doonaa xaaladda ka jirta Soomaaliya iyo sidii dunida ay
ciidammo ku keeni lahaayeen gudaha Soomaaliya, gaar ahaan
dalalka Afrikaanka ah.
Wararka ka soo baxaya xarunta Midowga Afrika oo uu kulankaas
ka dhacayo berri ayaa waxay sheegayaan in lagu wado in
Ergayga gaarka ah ee QM u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya
Danjire Fall uu hadal dheer oo ku saabsan xaaladda
Soomaaliya ka jeediyo halkaas, waxaana sidoo kale hadalkiisa
ka mid noqon doona qaabka ay qarammada midoobay u doonayso
in lagu geeyo ciidammo nabad ilaalin ah gudaha Soomaaliya.
Kulankaan ayaa noqon doona mid si cad loogu qeexo sida
wararka ku dhowdhow ay sheegayaan arrimaha guud ee
Soomaaliya iyo sidii dunidu ay gacan ballaaran uga geysan
lahayd howlaha ay dowladda federaalka Soomaaliya ka waddo
gudaha Soomaaliya oo ah mid lagu doonayo in lagu
dardargeliyo nabad ka curata gudaha Soomaaliya 16-sano
kaddib.
Maxamuud Axmed Xasan ( Xuurshe)
Email:
xuurshe114@hotmail.com
Wararkii: Jan 18, 2007
-
Ciidamada Xukuumada
Ethiopia oo Faaruqiyey Dekeda iyo Airport magaalada
Muqdisho
-
Cali daacuun: Hadii
hadhuubku buuxsamo Lagama celin karo inuu daato.
-
Gudoomiyaha
Baarlamaanka DFKMG oo Ku gacan Sayray Xil ka
Qaadistii....
-
Kulan Lagu Aasaayey
Guddiga Xidhiidhka Saaxiibtinnimo Ee Suuriya Iyo
Soomaaliya Oo Ka Dhacay Magaalada Dimishiq.
-
[Clan Divisions Threaten Somalia
Government]
- VOA
ama Dhegeyso [Warbixintii
Ryu ee VOA]
Ergeyga QM Ugu Qaybsan
Arimaha Somalia Mr. Francois Fall Oo Maanta Soo Gaaray
Magaalada Muqdisho Ayaa kulamo Kala Gooni Gooni ah La
yeeshay Madaxweyne c/laahi yuusuf iyo Qeybaha kala duwan
ee bulshada Rayidka ah.
Jan 18, 2007:
Waxaa maanta soo gaaray
magaalada muqdisho ee xarunta dalka soomaaliya ergayga
qaramada midoobay ugu qaybasan arimaha soomaaliya
Francois Fall isagoo kulamo kala gooni gooni ah la
yeeshay madaxaweyne c/laahi yuusuf iyo ururada kala
duwan ee bulshada rayidka ah .
Mr.
Fall ayaa kulan saacado qaatey la yeeshay Madaxweynaha
DFKMG Somalia C/laahi Yuusuf Axmed oo ay isla soo
qaadeen arimo dhowr ah oo ku aadan sidii nabad loogu soo
dabaali lahaa dalka soomaaliya ,islamarkaana dardar
galin loo gelinj lahaa nabada iyo xasiloonida dalka
soomaaliya iyo keenista ciidamada nabad ilaalineed ee la
keenayo Somaliya, sida ay suurta gal u tahay in dowladda
Somaliya in xubno muuqda laga siiyo qeybaha kala duwan
ee bulshada iyo arimo kale oo ku aadan xilka qaadistii
shalay lagu sameeyay Gudoomiyihii Baarlamanka Somaliya
Shariif Xasan Sheekh Aadan oo uu ku tilmaamay mid lagu
degdegay .
Mr .fall ayaa sidoo kale soo hadal qaaday in ciidamada
Ethiopia inaysan suurto gal aheyn in ay sii joogaan
gudaha Somaliya balse ay ka baxayaan dalka marka ay
yimaadaan ciidamada Afrikaanka ah oo lagau wado inay soo
gaaraan dalka .
Mr. Fall ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay xariggii
dhowaan loo gaystay idaacadaha qaarkood ee magaalada
Muqdisho, isagoo sheegay in arinkaasi uu cambaareeynayo,
waxa uuna saxaafadda kula dardaarmay in ay ilaaliyaan
qawaaniinta shuruucda saxaafadda ayna ka qeyb qaataan
dib u dhiska dalka, iyo nabad soo celinta dlka
Soomaaliya.
Mar uu ka hadlayay hay'adaha samafalka ee Q.M ayaa waxa
uu sheegay in hay'adaha samafalka ee ku sugan magaalada
Nairobi ay dhamaan tood u soo guurayaan caasimadda
Somaliya sida ugu dhaqsiyaha badan, mana jirto sabab
hadda ay ugu sii nagaadaan Nairobi, taasina ay soo
dedejin karto imaatinkooda hadii aa nabada xoojisaan .
Mr. Fall ayaa waxa uu sheegay in ciidamo caalami ah oo
ka socda Q.M ay imaan doonaan gudaha dalka Somaliya,
kuwaasi oo ka qeyb qadanaya xasilinta iyo amaanka ku soo
celinta dalka soomaaliya .
Dhanka kale Ergeyga Q.M ugu qeybsan arimaha Somaliya
ayaa kulanka Madaxweynaha ka dib waxa uu Hotel Pradise
kula kulmay Qeybaha bulshada rayidka oo uu kala hadlay
ka qeyb qaadashada geedi socodka nabadda Somaliya isagoo
qaybaha kala duwan ee buslhada ku booriyey inay si
wadajir u qabtaan soo celintii kala damabayntii iyo
nabadii dalka soomaaliya isalamarkaana ay muujiyaan
dadaalo dheeri ah oo ay uga qeyb qaadanayaan nabada .

Yaasiin maxamed cali (faytin)
Yaasiin2006@hotmail.com
Maraykanka oo Cambaareeyey Xil Kaqaadistii Guddoomiyaha Baarlamaanka DFKMG....
Dublomaasi sare oo Maraykan ah ayaa cambaareeyey cod bixintii baarlamanka Kumeelgaarka ah ee Soomaaliya uu xilka uga qaaday guddoomiyaha baarlamaanka Shariif Xasan Sheikh Aaden.
Caawiyaha xoghayaha Arrimaha dibada ee Maraykanka u qaabilsan arimaha afrika, Jendayi Frazer, waxay tiri arrintani waxay dhaawac ku tahay isku dayga in si nabad gelyo ah lagu xalliyo kala tafaraaruqa dalka dagaalku halakeeyey. Sidaas waxaa warka ku bilaabay Raadiyaha Maraykanka ee VOA.

Jendayi Frazer |
VOA waxa uu intaas ku daray: Baarlamaanka Kumeelgaarka ah ee Soomaaliya oo ku shiray Baydhabo waxa uu si aqlabiyad ah ugu codeeyey in xulka laga qaado Shariif Xasan. Shariif Xasan waxa uu sannadkii hore isku deyey in heshiis nabad gelyo ay wada gaaraan DFKMG iyo Dhaqdhaqaaqa Islaamiga ah ee
dalka, oo markaas xukumey casimada Muqdisho.
Ciidamda Itoobiya ayaa bishii hore waxay galeen Soomaaliya iyagoo gacan siinaya DFKMG, kuwaas oo Muqdisho iyo in badan oo dalka ah
ka saaray dagaalyahainiintii Islaamiyiinta ahaa, waa sida warka VOA u dhigay'e. Ilaa xilligaas saraakiisha Maraykanku waxay ugu baaqayeen madaxda dawladda Soomaaliya
in ay la xiriiraan kooxda Soomaaliya ee la jebiyey si la isugu dayo in la dhamaystiro
colaada 16ka sano ah.
Caawiyaha xoghayaha Arrimaha dibada ee
Maraykanka u qaabilsan arimaha afrika, Jendayi Frazer, waxay tiri go'aanka xilka looga qaaday afhayeenka barlamaanku waxay dhaawacaysaa isku daygii dib u heshiinta garabyada Soomaaliya.
"Calaamadda ah in madaxweynaha iyo ra'iisul wasaaruhu ay taageereen in meesha laga saaro isaga (shariif Xasan) waa mid ka soo hor jeeda dareenka dib u heshiisiinta," ayey tiri, waxayna intaas ku dartay "Sidaas daraadeed waxaan kula talineynaa dawladda, ka taageerayaal ahaan dawladda,
in ay muujiyaan wax taas ka duwan." Waxaana VOA intaas ku daray in taas oo
jirta in Maraykanku sii wadayo taageeradiisa DFKMG.
Frazer waxay hadalkaas ka
jeedisey gole looga hadlayey arrimaha Soomaaliya oo ah
xarunta Istaraatiijyada ito daraasada Caalamiga ah ee
Washington.
Dhanka kale VOA waxa uu
warbixin dheer ka bixiyey xaaladda guud ee Soomaaliya.
Raadiyaha oo arrintaas ka hadlaya waxa uu yiri: Dalka
Soomaaliya, dhaqdhaqaaqii dalka mar xoogga weynaa ee
Islaamiga ahaa jabkiisii waxa uu culays aad u xoog weyn
dusha ka saaray dawlada secular-ka (cilmaaniga)
ah ee ay qaramada Midoobey aqoonsan tahay si ay u hesho
taageerada shacabka, una dejiso dalka. Dhegeyso [Warbixintii
Ryu report
] ama Akhri [Clan Divisions Threaten Somalia
Government].
Kufsigii ay Ciidanka
Itoobiya u Geysanayeen gabdhaha Soomaaliyeed oo sii
socda...
Dhanka kale Hay'adaha reer
Galbeedka ee ku sugan Bariga Kenya ayaa waxaa wararku
sheegeen in ay soo gaarayaan warar isasoo taraya oo
tibaaxaya kufsi ay Ciidamada Xabashida ee soo galay
Soomaaliya u geysteen gabdho Soomaaliyeed. Mid ka mid ah
warbixinadaasi waxay sheegtay in dad soo gaarey Dhoobley
ay sheegeen in Ciidamada Itoobiya ay kufsi u geysteen
gabdho Soomaaliyeed. Waxaana warbixintu sheegtay in
nacaybka u dhexeeya labada dal ee Soomaaliya iyo Itoobiy
auusan ahayn mid qarsoon.
Ilaa hadda wax war ah oo
arrintaas ku saabsan lagama maqal DFKMG, in kasta oo
Dadka Soomaaliyeed ay rumaysan yihiin in arrintaan
adduunka oo dhammi ka hadlayo aysan madaxda DFKMG ahi ka
hadli doonin.
Toddobaadkii hore ayey
ahayd markii ay soo baxday warbixintii in shan ka tirsan
ciidamada Itoobiya ay kufsadeen qof dumar ah oo
Soomaaliyeed...
EEG WARBIXINTII HORE
Ciidamada Xukuumada
Ethiopia oo Faaruqiyey Dekeda iyo Airport magaalada
Muqdisho
Waxaa maalintii Talaadadii ahayd uu Raysal wasaaraha
xukuumada Ethiopiya Melez zanawi uu ku dhawaaqay in
ciidamiisu ay kabaxayaan dalka Somaliya oo aysan sii
joogayn isagoo sheegay in uu waqtigii loo qabtay ay ku
ekayd oo kaliya Maalinta taladadii ah oo ku beegnayd
maalintii Jan 16, 2007 isagoo intaa ku daray inay hada
udiyaar garoobayaan sidii ay uga bixi lahaayeen guud
ahaan dalka soomaaliya .
Raysal wasaaraha Xukuumada Ethiopiya ayaa waxa kale oo
ay intaa ku dartay inaysan ciidamo Africanka ah aysan
sugi doonin iyadoo loo malaynayo inay ku Hungoobeen oo
maalmihii lasoo dhaafay uu culays kaga yimid caalamka
islamarkaana xooga lagu saaray in lasoo dedejiyo sidii
ay ciidamo African ah loo heli lahaa.
Ciidamada Ethiopiya ayaa habeenimadii Arbacadu soo
geleysey faaruqiyey fariisimo dhowr ah oo ay ka
deganaayeen magaalada muqdisho islamarkaana ku
wareejiyey ciidamo soomaali ah , dekeda iyo airporka
magaalada Muqdisho iyagoo isaga baxay saldhigyadaas
waxana warar laga helayo isla goobahaasi ay sheegayaan
in ciidamada Ethiopiyanka ah ee ka baxay meelahaasi inay
tageen daafaha maagalada muqdisho sida siinka dheer ee
wadada isku xirta afgooye iyo muqdisho iyo dhinaca
xeradii hiilweyne.
ka bixitaanka ciidamada xukuumada Ethiopiya ee Garoonka
iyo Dekeda ayaa kusoo beegmaya xili ay maamulka cusub ee
gobolka banadiir ku dhawaaqeen in ay ciidamada Ethiopya
iskaga baxaan gudaha magaalada muqdisho islamarkaana ay
arintan oo aad ay usoo dhoweeyeen wax garadka ,aqoonyahanka
,xeeldheerayaasha siyaasadeed iyo bulshada inteeda
kaleba.
yaasiin maxamed cali (faytin)
yaasiin2006@hotmail.com
Cali daacuun: Hadii
hadhuubku buuxsamo Lagama celin karo inuu daato.
Siyaasiga soomaaliyeed ee cali maxamed axmed (cali
daacuun) oo indhowaaleba hadafkiisa siyaasadeed ku
cabirayey halista siyaasadeed ee dalka marayo iyo sida
talo ahaan ay ula muuqataba iyo ismaandhaafka
siyaasadeed ee ku kala dhex jira masuulyiinta ugu sar
saraysa dowlada kmg ah ku cabairaya fekerkiisa ayaa ka
yiri sidatan ;
''Hadii haruubku buuxsamo lagama celin karo inuu daato ,noolaha
waxaa laga rabaa inuu cabiro weelka uu wax ku shubanayo
,si uu badbaado in siyaasadiisu dhulka ku daadato ,tusaale
waxaan noqon kara dowladii lagu soo dhisay Jabuuti
Gobolka carta waxay ku dheeliday khilaaf soo kala dhex
galay madaxdii ugu sar saraysay Taasoo loo arkay
wasiirkii koowaad Dr, cali khaliif galaydh hadii uu
meesha ka baxo oo lagu guulaysto radistiisa inay dowladu
shaqayan doonto lagana heli doono aqoonsi Ethiopia ,nasiib
darro radistii cali khaliif waxay keentay in in TNG ay
si fiican u burburto dhaxalkeediina in shirkii khartoum
ay ka dhalato looma dhamayn shirkii jabuuti ee waa in
shir cusub hada la abaabulaa oo laysugu yimaadaa dalka
kenya ''.
Waxuu kaloo intaas ku daray ''sida ii hada muuqata hadii
la rido gudoomiyaha baarlamaanka ,waxay noqon doontaa
hal bacaad lagu lisay waxii lagu soo dhisay dalka kenya
,ma qabo in reer galbeedka iyo jaamacada carabtu inay ku
farxi doonaan ridista hada la qabanqaabinayo ee ku
salaysan gudoomiyaha baaralamaanka ''.
Cali daacuun ayaa intaas sii raaciyey '' waxaan talo
ahaan usoo jeedin lahaa Madaxweynaha dowlada kmg
soomaaliyeed inuu ka fiiro u yeesho shaqaaqada ka socota
magaalada baydhabo ,wax kasta oo khilaaf soo kala dhex
gala TFG da waa in lagu dhamayaa wada hadal ,hadiise ay
noqoto awood ,waxii kasoo baxa waxba yaan layga siin''.
yaasiin maxamed cali (faytin)
yaasiin2006@hotmail.com
Gudoomiyaha Baarlamaanka
DFKMG oo Ku gacan Sayray Xil ka Qaadistii....
Saacado intii aysan ka soo
wareegin markii ay Baarlamaanka DFKMG ee Baydhabo u
codeeyeen in xilka laga qaado guddoomiyaha Baarlamaanka
Shariif Xasan, ayuu arrintaas ganafka ku dhiftay Shariif
Xasan Sh. Aaden oo safar ku maraya dalal ka tirsan
Qaarada Yurub.
"Baarlamanka Soomaaliya sida
la ogyahay ma ahan xor go'aan gaari kara" ayuu yiri
Shariif Xasan oo intaas raaciyey "waa mid lahaysto,
baarlamanka ma ahan mid xil dhiibi kara ama qaadi kara".
Warkii xil ka qaadista hoos
ka akhri...
Gudoomiyeha Baarlamaanka
oo xilkii laga xayuubiyay....
Golaha baarlamaanka federaalka kmg-ka Soomaaliyeed ayaa
daqiiqado ka hor xilkiisii ka qaadey gudoomiyihii golaha
baarlamaanka federaalka Shariif xasan Sheekh Aaden.
Golaha Baarlamaanka oo kulan yeeshay ayaa cod u qaadey
sidii laga yeeli lahaa gudoomiyeha golaha baarlamaanka
oo la soo hordhigay baarlamaanka moshin ka dhan ah
gudoomiyeha.
Maanta waxaa soo xaadiray kulanka baarlamaanka 192
xildhibaan oo 183 in kalsoonida kala laabteen
gudoomiyaha baarlamaanka, halka 9-diideen, iyadoo Boqore
uu sheegayin aysan jirin cid ka aamustay.
AKHRI WARKA OO DHAN...
Kulan Lagu Aasaayey
Guddiga Xidhiidhka Saaxiibtinnimo Ee Suuriya Iyo
Soomaaliya Oo Ka Dhacay Magaalada Dimishiq.
Waxaa lagu qabtay magaalada Dimishiq kulan lagu
aasaasayey guddi loogu magacdaray , gudiga xidhiidhka
saaxiibtinnimada Suuriya iyo Soomaaliya, kulankan oo uu
soo qabanqaabiyey safiirka Soomaaliya Mudane Maxmuud
Muuse Tarey ayaa waxa loogu talo galay sidii loogu
xoojin lahaa xidhiidhka labada dal ee Suuriya iyo
Soomaaliya.
Waxaana ka soo qayb galay kulanka xubno hore uga ahaan
jiraya safiiro Soomaaliya oo uu ka mid yahay safiirkii
hore ee Suuriya u Fadhiyey Muqdisho, mudane Naciim
Qaddaax , mudanayaal ka tirsan golaha shuurada ee dalka
suuriya oo ay ka mid yihiin Cadnaan Dakhaakhina, Dr.
Maxmed Al-Xabash, iyo Bahaa’addiin, iyo Xoghayaha
Safaaradda Soomaaliya ee dalka Suuriya Mudane C/raxmaan
C/qaadir Shiikh Maxmuud.
Sida la sheegay gudigani waxa ay ka shaqayn doontaa
sidii kor loogu qaadi lahaa xidhiidhka ka dhexeeya
labada dal,iyo sidii dhinaca ganacsiga, waxbaradhada iyo
iskaashiga siyaasadeed loo xoojin lahaa.
Waxaa iyana laysla soo qaaday sidii looga wada shaqayn
lahaa ilaalinta qarannimada ummadda carbeed iyada oo
laga shiidaal qaadanayo heshiisyadii hore ay wadamada
carbeed u gaadheen.
Waxayna sheegeen labada dhinac in arrimahan lagu
fulinayo iyada oo loo marayo in la qabto wacyi galin loo
qabanyo shacabka laba wadan.
Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Suuriya Maxmuud
Muuse Taray ayaa isaga oo saxaafadda u warama sheegay in
ay tahay gudigani tii ugu horaysay ee laba wadan oo
carbeed dalka Suuriya iskula afgartaan in ay talaabadan
wada qaataan.
Asad Caddaani Ibraahim
Dimishiq Suuriya.
asadlaska@hotmail.com
Faafin: Jan 18, 2007
Gudoomiyeha Baarlamaanka oo xilkii laga xayuubiyay...
Golaha baarlamaanka federaalka kmg-ka
Soomaaliyeed ayaa maanta xilkiisii ka qaadey gudoomiyihii golaha
baarlamaanka Shariif xasan Sheekh Aaden, waxaana magaalada Baydhabo ee cod
ku...
Akhri....
17/1
WAR MURTIYEED: Jaaliyadda Reer Xaaji Suleymaan ee Yurub
& Waqooyiga
Ameerika waxay soo saareen
Akhri... 17/1
SomaliGalbeed:
Dagaallo ciidammada gumaysiga lagu naafeeyay.
iyo Dadwayne uu cadowgu ku xidhxidhay meelo kala duwan....
Xorriyo 16/1
Shariif
Xasan Sheekh Aadan "Maanta maalin ka xun ma soo marin Soomaaliya"
Guddoomiyaha Baarlamaanka DFKMG iyo wafdi uu hoggaaminayo booqday
Belgium ayaa
Akhri.. 16/1

