Wararkii: Jan 20, 2007
- Dagaalkii ugu
Kharaaraa oo xaley ka dhacay Xarunta Madxtooyada ee
Villa Soomaliya....
- Maxkamadaha
Islaamiga ah oo si kulul u Beeniyey in Shiikh Shariif uu
isu dhiibey...
- Banaanbaxyo looga
soo horjeedo Mareykanka iyo Itoobiya oo ka kala
dhacay......
- Golaha Amaanka iyo
Nabadgalyada ee qaaradda Afrika oo ku hungoobey...
- Shariif Xasan oo
taageero ka helay Midowga Yurub, Mareykanka iyo
Jaamacadda Carabta
Dagaalkii ugu Kharaaraa oo
xaley ka dhacay Xarunta Madxtooyada ee Villa Soomaliya....
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail
amiinkhasaaro@hotmail.com

Ciidanka Itoobiya ee ku sugan Muqdisho.. AFP |
Dagaal la isku adeegsadey Hubka culus iyo midka fudud ayaa
xalay ka dhacay Magaalada Muqdisho gaar ahaan Xarunta
Madaxtooyada ee uu fadhiyo C/llaahi Yuusuf Axmed .
Dadka Muqdisho ayaa dhegahooda xamili kari waayeen hubka ka
dhacay dhinaca madaxtoonyada, waxaana rasaastaan la sheegay
in ay socotay mudo laabaatan daqiiqo ah, waana dagaalkii ugu
kharaaraa ee dhex mara kooxo maleeshiyo ah iyo ciidamada
Dowladd iyo kuwa Itoobiya ee isbahaystay tan iyo markii ay
baxeen Ciidamadii Maxaakiimta, ilaa iyo haddana lama
garanayo khasaraha dhabta ah ee uu keenay dagaalkaasi, wax
hadal ah oo ay Dowladdu ka soo saartayna ma jirto oo ku
saabsan dagaalkaasi (waa markii warkan la qorayey'e).
Warbaahinta caalamka iyo
qaraxyadii Xalay:::
Madaafiic lala beegsaday
Villa Soomaaliya..
Sida ay werisey wakaaladda
wararka ee Reuters, shan madfac ayaa ku dhacay gudaha aqalka
madaxtooyada ee Muqdisho habeenimadii Jimacada, waxaana la
maqlayey rasaas ka dheceysey magaalada Muqdisho.
"Siddeed madfac ayaa lagu
soo gamey Villa Soomaaliya, laakiin shan ka mid ahaa
haleelay Villa Soomaaliya. Saddexda kale waxay ku dheceen
guryo u dhow," sidaas waxaa Reuters u sheegay sarkaal sare
oo ka tirsan DFKMG, waxana uu caddeeyey in xilligaas uu
madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf ku jirey Villa Soomaaliya.
Warar kale ayaa sheegay in la xaqiijiyey in ugu yaraan laba
madfac ay ku dheceen gudaha madaxtooyada.
Markii la weydiiyey
sarkaalka dawladda in dad ku dhinteen, waxa uu ku jawaabey "Arrintu
waa mid cakiran. Ma cadayn karo arrintaas hadda."

Gaari Itoobiyaan ah oo dhex maraya carrada
Soomaaliya, Dec 2006
|
Wakaaladda oo wakeeda sii
wadata waxay tiri: Weerarkani waxa uu dhacay markii dhulku
mugdi noqday, waxaana la maqlay in kabadan dersin qoraxyo ah
oo ka dhacay Muqdisho, waxaana ku xigey rasaasta dheceysa,
taas oo ka dambeysey dhawr beri oo ay deganayd magaalada ku
taal xeebta badweynta Hindiya.
"Waxaan maqlay in kabadan
dersin qaraxyo ah... hadda waxaan maqlayaa rasaasta," Sidaas
waxaa yiri Sahal cabdulle oo markaas u waramayey Reuters, oo
joogey meel u dhow halka qaraxyadu ka dheceen.
Meles Zenawi oo Sheegay in
uu Bilaabayo in uu Ciidankiisa kala Baxayo Soomaaliya....
Ra'iisul wasaaraha Itoobiya,
Meles Zenawi, waxa uu British Broadcasting Corporation u
sheegay in uu bilabayo in uu ciidamada Itoobiy akala baxayo
Soomaaliya, waxana la bilaabayaa "Saddexda beri ee soo socda."
Arrintan ayaa ku soo beegantay ayadoo aan weli rajo
wanaagsan laga qabin ciidamo Afrikaan ah oo la keenayo
Soomaaliya, marka laga reebo ballan qaad laga helay dalka
Uganda.
Maxkamadaha Islaamiga ah oo
si kulul u Beeniyey in Shiikh Shariif uu isu dhiibey...
Iyadoo
maalamahaan la hadalhayey in Gudoomiyaha Golaha fulinta ee
Maxaakiimta islaamiga ah uu isku dhiibay Ciidamada wadanka
Kenya ayaa hadana Masuul u hadlay Maxaakiimta islaamiga ah
laguna quray Web-Site-kooda gaar ah ee qaadisaya ayaa si
kulul loogu beenayey in Shiikh Shariif Shiikh Axmed uu isku
dhiibay Dowladda Kenya waxa ayna ku tilmaameen in uu doonayo
in niyad looga jibiyo Taageerayaasha Maxaakiimta islaamiga
ah.
Warka waxa uu intaa ku darayaa in Shiikh Shariif uu ku sugan
yahay Gudaha Waddanka Soomaaliya uuna wado howlihii looga
soo horjeeday Ciidamda itoobiya, waxa kaloo warkaas lagu
sheegay in Shiikh Shariif uu badqabo, hase yeeshee kama
aysan hadlin wararka sheegaya in Shiikh Shariif uu ka
qaybgalo wadahadal la doonayo in la’isu soo horfariisiyo
Maxkamadaha islaamiga iyo Dowladda fedaraalka, iyadoo
Dowladda sheegtay insan wax wadahadal ah aysan lagali doonin
Maxaakiimta islaamiga ah iyagoo ku tilmaamay kuwa baaba’ay
oo laga awood roonaaday hase yeeshee Beesha Caalamka ayaa
waxa rabtaa qaar ka mid ah Masuuliyiinta Maxaakiimta
islaamiga ah inay ka dhex muuqdaan Masraxa Siyaasadda
Soomaaliya.
Ciidamadii Maxaakiita islaamiga iyo Masuuliyiintoodii ayaa
wali ku sugan qaybo ka mid ah Koonfurta Soomaaliya halkaasi
ay ka wadaan iska caabin ay kaga soo horjeedaan Ciidamada
itoobiya iyo kuwa Dowladda federaalka ah.
Dhinaca kale ilaa iyo haatan majiraan Dowladda ogalaaday
inay Ciidmo u soo diraan Gudaha Waddanka Soomaaliya si ay u
bedalaan Ciidamada itoobiya oo iyagu sheegay inay ka
baxayaan Maalmaha soo socda Waddanka Soomaaliya, mark alaga
reebo Uganda oo ogolaansho laga helay.
:: Dhanka kale mas'uul ka
tirsan Midowga Maxkamadaha Islaamiga ah oo ay la xiriirtay
shabakada Halgan ayaa sidoo kale xaqiijiyey in Shiikh
Shariif Shiikh Axmed uu ku sugan yahay gudaha dalka
Soomaaliya, oo uu waxba kama jiraan yahay hadalkii ahaa
Kenya ayaa qabatay. Waxaa warku intaas ku daray in ay yihiin
waxba kama jiraan wararka sheegayey in uu dhaawacmay
Aaden
Xaashi Ceyrow.
Banaanbaxyo looga soo
horjeedo Mareykanka iyo Itoobiya oo ka kala dhacay......
Banaanbaxyo looga soo horjeedo faragalinta Dowladda
Maraykanka ay ku heyso Soomaaliya iyo duulaanka Ciidamada
itoobiya ay ku soo qaadeen Gudaha Waddanka Soomaaliya ayaa
ka kala dhacay Wadamada Kenya iyo Ingiriiska waxaana ka
qaybgalay Dadwayne aad u fara badan oo ku dhawaaqay Erayoka
dhan ah Dowladahaasi.
Dadka ay ka muuqatay Wajiyadooda Caro aad u xun oo ay u
qabaan faragalinta Maraykanaka iyo soo galintaanka Ciidamada
itoobiya ee Soomaaliya ayaa hadaan soo qaadano kii dhacay
Wadanka Kenya waxaa Bulshada la hadalay Siyaasiga Caanka ah
ee Biloow Geerow oo Dowladda ku canaantay in garab siisay
Maraykanka si loo baabi’iyo Shacabka Soomaaliyeed, sidoo
kale kii ka dhacay Waddanka ingiriiska ayaa waxa ka hadalay
Max’ed Nuur Tarsan oo sheegay inay banaanbaxa ay u dhigayaan
Maraykanka iyo itoobiya oo dhibaato ku haya Bulshada
Soomaaliyeed
Golaha Amaanka iyo
Nabadgalyada ee qaaradda Afrika oo ku hungoobey.
Kulan ay isu yimaadeen Golaha Amaanka Afrika kana dhacay
Dalka itoobiya ayaa waxaa la iskula soo qaaday sidii Ciidamo
Nabad ilaalin ah loogu diri la ahaa Soomaaliya, waxaa
kulankaasi ka qaybgaly Danjiriha Wadanka Soomaaliya u
fidhiya Midowga Afrika C/kariin Faarax (laqanyo) ayaa
kulankaasi waxaa si aad ah loogu lafo guray sidii Wadamada
Afrika looga dhaadhicin lahaa in Soomaaliya loo diro Ciidamo
Nabad ilaalin ah oo bedalo kuwa haatan jooga ee itoobiya,
Afyaheen Midowga Afrika ayaa sheegay inay aad u yar tahay
rajada laga qabo in Soomaaliya loo soo diro Ciidamo Nabad
ilaalin ah waxaa kaloo Afhayeenka sheegay in Waddanka Uganda
oo kaliya uu ogalaaday in Soomaaliya uu u diriyo Ciidamo
nabad ilaalin ah waxaa kaloo sheegay in Maalmaha soo socda
ay wafuud u kala diri doonaan Waddamada Afrika si loo helo
Ciidamo Nabad ilaalin ah oo bedalo kuwa itoobiya hase
yeeshee Waddama Midowga Afrika ayaa iyagu ka wal-walsan
Cidda bixinaysa Kharashka Ciidamadaasi iyo Cidda hoggaamin
doonta sidoo kale Waddamo ayaa qaba inay haboon tahay in
marka hore Shacabka Soomaaliya ay ogalaadaan imaantinka
Ciidamadaasi.
Shariif Xasan oo taageero
ka helay Midowga Yurub, Mareykanka iyo Jaamacadda Carabta
Iyadoo maalintii daraad ahayd Golaha Baarlmaanka Dowladda
fedaraalka uu xilka ka qaaday Gudoomiyhii Baarlamaanka
Shariif Xasan Shiikh Aadan ayaa dhinaca kale waxaa
Gudoomiyaha soo gaaraya taageero uga imaanaysa Midowga
Yurub, Marykanka, iyo Jaamacadda Carabta, oo xilka qaadista
u arka mid Sharci darro ah oo lagu deg-degay.
Guddoomiyaha Baarlamaanka oo haatan booqasho ku jooga
Waddamo ka mid Midowga Yurub ayaa wadamadaasi ku qaabilay
inuu yahay Guddoomiyaha Baarlamaanka taasoo dhabar jab ku
noqon kartay Dowladda fedaraalka gaar ahaan dhinaca
Dhaqaalaha maadaama dhaqaale Fara badan ka helijireen
Midowga Yurub.
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail
amiinkhasaaro@hotmail.com
Maxkamadaha Islaamka Oo
Wacad Ku Maray Inay Sii Wadi Doonaan Dagaalka Ay Kula Jiraan
Ciidamada Ethiopia...
Afhayeen u hadlay maxakmadihii islaamka oo magaciisa kusoo
koobay sheikh mustafa oo British Broadcasting Corporation
laanteeda afka carabiga u warmayey ayaa sheegay inay sii
wadi doonaan dagaalka ay kula jiraan ciidamada Ethiopia tan
iyo inta ay ka baxayaan gudaha wadanka Soomaaliya.
Hadalkan ayaa soo baxay kadib xilli ay xukuumada Ethiopia ay
sheegtay inay ciidamadeeda ay kala baxayso gudaha Somaliya
waloow ay jiraan ciidamo gaaraya kumanaan oo Ethiopian ah oo
ku sugan gudaha wadanka soomaaliya .
Sidoo kale afhayeenka ayaa intaas raaciyey inay diyaar u
yihiin in ay wadahadal la galaan dowlada KMG ee Soomaaliya
islamarkaana ay haboon tahay in marka hore ay xukuumada
Ethiopia kala baxdo ciidamadeeda gudaha wadanka soomaaliya.
Si kastaba ha ahaatee
Maxaakimta Islaamka ayaa laga saaray koonfurta iyo bartamaha
Soomaaliya dabayaaqadii bishii December ee sanadkii hore
kadib markii loo gaystay weeraro cirka iyo dhulka oo ay
adeegsanayeen ciidamada Ethiopia iyo kuwa maraykanka oo ku
xasuuqay shacab aad u badan iyo xoolo isugu jira geel ,lo,
iyo ariba koonfurta soomaaliya oo ay weli ka socdaan dagaalo
goos goos ah .
yaasiin maxamed cali (faytin)
yaasiin2006@hotmail.com
Wararkii: Jan 19, 2007
- Eritrea oo ka
Digtey Xaaladda Cakiran ee Soomaaliya
- Xiisaddaha Ka
Dhashay Ridistii Shariif Xasan Sheikh Aadan.
- Amar dil ah oo lagu
soo rogay ciddii lagu arko iyadoo ku dhex wadata degmada
Afgooye
Eritrea oo ka Digtey
Xaaladda Cakiran ee Soomaaliya

Isaias Afewerki |
Sawirka: Aljazeera |
Jan 19, 2007: Madaxweynaha
dalka Eritrea ayaa ka digey isku dayga in ciidamo Afrikaan
ah loo diro Soomaaliiya ay noqon karaan kuwo ku dambeeya
guul darro.
Waraysi gaar ah oo uu la
yeeshay Al Jazeera, waxa uu madaxweyne Isaias Afewerki yiri:
weli lama arkin dhammaadkii Maxkamadaha Islaamiga ah.
Afewerki hadalkiisu waxa uu
ku soo beegmay xilli sarkaal sare oo ka socda Qaramada
Midoobey [Francois Fall] uu Muqdisho maalintii Khamiistii uu
wadahadal kula lahaa Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf oo ay
kawada hadleen sidii dalka loo geyn lahaa ciidamdo Afrikaan
ah.
Waraysiga Al-Jazeera oo
telefishanka ka baxay Khamiistii, Madaxweyne Afewerki waxa
uu sheegay in Itoobiya ay ka qayb qaadatay dagaal aan meelna
u socon ama cakiran. Waxa kale oo uu yiri "Maxkamadaha
Islaamiga ah lama jebin, Soomaalida weligeed lama jebin.
Dadkii rabey in ay qorshadooda gaarka ah usoo galaan
Soomaaliya ayaa naftooda dhex geeyey baylah halis ah."
Waxana uu intaas kudaray "Tani waa arrin cakiran oo waqtiga
oo sheegi doono cidda laga guulaystey."
Madaxweyne Afewerki waxa uu
dhaliilay awooda wax qaban karta ee Midowga Afrika. Waxana
uu yiri: "Waxaan marka hore rabna in aan ogaano hawsh aloo
xilsaaray ciidanka Afrikaanka", waxana uu Midowga Afrikaanka
ku tilmaamay mid gabay qaybo ka mid ah Qaarada Afrika.
Dhanka kale, Mr. Francois
Fall oo ah wakiilka QM oo waxa uu DFKMG ugu baaqay in ay ka
shaqeeyaan dib u heshiisiinta, waxana uu sheegay ciidamada
Afrikaanka ee nabad ilaalintu "in ay yihiin fursadii ugu
wanaagsanad ee nabadda Soomaaliya soo marta 16kii sano ee
ugu dambeeyey", waana in aan taas la khasaarin ayuu yiri.

Dr. Ken Menkhaus |
Waxa kale oo arrimaha
Soomaaliya ka hadlay Dr. Ken Menkhaus oo macallin ka ah
jaamacadda North Carolina. Qoraal kusoo baxay jariidada
Guardian (16/1/2007) oo uu Soomaaliya kaga hadlay waxa uu
Dr. Menkhaus yiri: Marka la eego xaaladaha ka jira
Soomaaliya, ma adka in la saadaaliyo arrimuhu sida ay noqon
karaan Soomaaliya: Itoobiya qaar ka mid ah ciidankeeda ayey
kala bixi doontaa, mana bedeli doonaan ciidaamo tiro ahaan
ku filan oo nabad ilaalin ah oo ka socda Midowga Afrika;
DFKMG madaxdoodu ma awoodi doonaan in ay xakumaan Muqdisho,
waxaa soo wajahi doona koror iska caabin ah, waxayna si
degdeg ah ugu laaban doonaan dhanka baadiyaha; waxaana
Soomaaliya soo wajahi doona xaalad siyaasadeed oo kala
qaybsan.....[eeg
www.guardian.co.uk].
November 27, 2001 ayey ahayd markii Ken Menkhaus, oo
professor sare ka ah kulliyada Davidson College, kuna
takhasusay Soomaaliya oo kahadlaayey in aan arrimaha
Soomaaliya laga dhegeysan Itoobiya, waxa uu yiri: "Waa in
aynaan kuxiraan in aan akhbaarta keliya ka qaadano Itoobiya
kuwaas oo inkasta oo ay saaxiibadeen yihiin haddana waxay
wataan qorshe iyaga u gaara oo aan caddayn, waxayna
kabadbadiyaan khatarta."
Dhanka kale magaalada Rooma
ee Dalka Talyaaniga waxay hay'adda Reuters waraysi kula
yeelatay Shariif Xasan Sheikh Aadan, oo sheegay in ay
Soomaaliy aka muuqato xaalada keli talisnimo, oo ay diyaar
yihiin arrimihii kelitaliska. Shariif Xasan waxa uu hore ugu
gacan sayray xil ka qaadistii baarlamaanka..
Halkan ka
dhegeyso.
Xisbiga RPP oo Maamulka Puntland uga digey in ay xukunka kororsadaan...
waxa kale oo xisbiga RPP uu digniin u xiray maamulka Somaliland....
Akhri...
20/1

