- Garowe: Xisbiga Ramaas oo
shir jaraa'id ku qabtay Garowe kagana hadlay arrimo badan oo
la xiriira dastuurka DGPL....
- Laascaanood: Afhayeenka
Xisbiga Ramaas ee Gobolada Sool, Sanaag, Cayn oo ka hadlay
mudaharaadkii hargaysa.
Garowe: Xisbiga Ramaas oo
shir jaraa'id ku qabtay Garowe kagana hadlay arrimo badan oo
la xiriira dastuurka DGPL....
- Maamulka Puntland
oo looga digey in ay xukunka kororsato...
Shir jaraa'id oo uu Jimacdii ku qabtay xisbiga mucaaradka ah
ee ka jira Puntland oo marka magiciisa la soo gaabioyo loo
yaqaan RPP ayuu shirkiisa jaraa'id kaga hadlay arimo badan
oo la xiriira xeerka axsaabta, dastuurka, iyo qodobo kale
hadaba ka dheeho hoos shirkii ja'raaid wixii looga hadlay.
puntland state of soomaalia
ramaas politcal party
RPP/03/07 garowe 17/1/07
ku: saxaafada madax banaan ee soomaaliya
oG:shacabweynaha puntland
ujeedo:shir saxaafadeed digniin xanbaarasan
Mudanayaal
iyo marwooyin waxaan idinku salaamayaa salaanta islaanka
A/C/w/w/ salaan kadib walaalayaal sida aad la socataan
dhismihii dowlad gobaleedka puntland xeerkii ku meel gaarka
ahaa ee loo sameeyay ayaa lagu qeexey in puntland ay ku
dhaqmayso nidaamka xisbiyada , hasa ahaatee nidaamyadii
dadkii hogaanka shacabku u wakiishay waa ay iska indho
tireen Qodabadii ka hadlayay xisbiyada badan iyaga oo ku
ilaashanaya danahooda gaarka ah.
Hadaba hadalkaa kasoo yeeray golaha xuguumada puntland hada
ka jirta maahan fulin sharci ee ay diyaar u yihiin ee waxaa
weeye hadalo ey shacabka kumajara habaabineyso si ay u
gudato danaheeda oo ay ku abuurto shacabka walaac si ay uga
sii jeestaan danahooda ey fushanayaan.
Hadii ay dhab ka tahay waxaa lagu garan lahaa iyaga oo
bilaaba tiro koobtii dadweynaha dabadeedna ugudba
tilaabooyinka kale oo looga baahanyahay sida dastuurka oo
shacabka afti looga qaado.
Sida aad la socotaan waxaa dalkaan ka jira wax sharci ah oo
lagu daqmi karo xeerkii la sameeyay 1998 isaguna waxuu
cadaynayaa in maamulku yahay sedex sano hadana waxaa ka
harsan wax sanad ka yar.
Ma idin latahay mudadaa in lagu qaban karo tiro koobka iyo
kalsoonida dastuurka ay shacabka codka uga rabaan, masa idin
latahay nin xeerka iskala weyn oo aan ku dhaqmin in uu
horumar dalka gaarsiin karo.
jawaabtu waa maya
Hadaba mudanayaasha xisbiga ramaas waxay diyaar u yihiin
inay shacabka usoo bandhigaan dhaliilaha xukuumada ee ay ku
ilaashanayso danaheeda gaarka ah,
Shacabka puntland waa mid taariikh caalamka ku leh
waa kuwii isku qabsaday qodabo ka mid xeerka kuna qabsaday
xukuumada oo jabisay arintaas caalamka oo dhan uu marag ka
yahay,
Hadaba xisbiga ramaas waxuu kula talinayaa maamulka inuu
udiyaar garoobo inuu doorasho qabto maadaama ay mudadiisii
Gabagabo tahay ee uu iska ilaaliyo inuu isku dayo inuu
mudada kororsado.
Iyada oo aad ogtihiin in madaxweynuhu uusan marana dhowrin
axdiga hadan uu qabo in shan sano la doortay, walaalayaal
meelna makaga qorantahay axdiga in shan sano maamulku yahay,
jawaabtu waa maya
Digniin....
Xisbiga waxuu ka digayaa wixii garab marsan axdiga waxay
abuuri karaan gacan ka hadal maadaama ay beeluhu wada
hubeesanyihiin sidaa darteeda iska ilaaliyaan golaha
xuguumadu waxyaabaha uu shacabku indhaha ku hayo.
Hadii aysan iska ilaalin wixii ay keento iyaga ayaa
masuuliyadeeda qaadaya.
wabilaahi towfiiq
gudoomiyaha Xisbiga Ramaas Political Party (RPP)
daahir c/qaadir muuse Email:
Daahirciiro@hotmail.com
Mobile: 002525749070
Laascaanood: Afhayeenka
Xisbiga Ramaas ee Gobolada Sool, Sanaag, Cayn oo ka hadlay
mudaharaadkii hargaysa.
Afhayeenka Xisbiga
Mucaaradka ah ee ka jira Puntland ee Gobladda Sool, Sanaag,
Cayn; C/salaan Ciise Dubad ayaa Jimcadii si caraleh uga
jawaabay mudaharaadkii ka dhacay Hargaysa ee looga soo
horjeday midnimada iyo israaca somalia isaga oo Afhayeenku ku
tilmaamay mudaharaadkaasi mid lagu faquuqayo umada
Somaliyeed ee jecel wadajirka iyo Soomaalinimada isaga oo ku
eedeeyay maamulka Daahir riyaale kan kala jar jaraya
Somalinimada iyo wada jirka umada somaliyeed.
Afhayeenka Xisbiga Ramaas
ee gobalada Sool, Sanaag, iyo Cayn ayaa sidoo kale sheegay
in ay iyagu masuul ka yihiin deegaanadooda islamarkaana ay
tixgalinayaan rabitaanka shacabka ay masuuliyadu ka
saarantahay ayna marna diidi karin waxa ay rabaan waxana uu
sheegay in shacabka ku dhaqan gobaladaasi ay rabaan wada
jirka, midnimada, rabitaanka, israaca Soomaaliwayn ayna
iyaguna sidaas oo kale la rabaan in aan marna somali lakala
goyn ama aan la kala qoqobin.
Afhayeenka ayaa ugu baaqay
madaxda Somaliland in ay ka waan toobaan shacabka iyo
Gobalada ay had iyo goor ku hadaaqayaan oo ay leeyihiin
anaga ayay naga tirsanyihiin ee Sool, Sanaag, iyo Cayn,
gobaladaani buuyiri waa kuwo tashtay kana tashaday aayahooda
iyo jiritaankooda una tashtay in ay u midaysan yihiin
jecelyihiina Somalinimada islamrkaana ay hadaba yihiin
Gobolo ka tirsan Puntland si lagu gaaro xal Somalinimo ah
waxayna u jeedaan in ay ka shaqaystaan arimahooda hoose sida
Nabadgalyada, hormarkooda, bilicda magalaooyinkooda iyaga oo
wixii dhaqaale ahna ka helay dhanka Puntland islamarkaana
aysan jirin wax dhaqaale iyo taakulayn ah ee kaga yimaada
dhanka lamagacbaxay Somaliland sidaa darteed maahan in afka
un laga sheegto meelo aadan maamulin ama aadan wax tasiilaad
kale ah aad ku taakulaysaa aynaan jirin sidaa darteed
waxaanu u sheegaynaa maamulka riyaale in ay ka tanaasulaan
riyadooda iyo maaweelinta ay shacabka ku hayaan.
Si kastaba Afhayeenka
Xisbiga Ramaas ee Gobalada Sool, Sanaag, iyo Cayn C/salaan
Ciise Dubad ayaa ugu baaqay shacabka gobaladadaasi in ay had
iyo goor ka shaqeeyaan Nabadgalyadooda iyo hormarka iyo
jirirtaanka umada Somaliyeed.
A/rizak koronto
Garowe puntland
Faafin: Jan 20, 2007
Wararka kale ee maanta... akhri....

