SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

AQoon Is Waydaarsi Lagaga Wada Hadlayey Xoriyada Saxaafada Oo Ay Wada Yeesheen Dolwada Kmg ah Iyo Ergooyinka Qayabaha Saaxafada .

Kulan Baalaran oo aqoon iswaydaarsi ah oo ay kasoo qayb galeen ergooyinka warbaahinta ee somali-land, punt-land ,jubada hoose ,sh/hoose ,sh/dhexe ,Hiiraan iyo gedo ayaa Maanta ka furmay hotel saxafi ee magaalada muqdisho isagoo socon doona mudo sadex cisho ,islamarkana kulankan aqoon iswaydarsiga ah ayaa ayaa sidoo kale waxaa goob joogayaal ka ahaa hayadaha difaacayaasha xuquuqul aadanaha ,ururka PEN ,iyo wasaarada warfaafinta dowalada kmg.



Kulankan oo ay iska kaashadeen ururka suxufiyiinta qaranka soomaaliyeed ee NUSOJ iyo UNESCO ayaa lagu lafa guray sidii waqtigan xaasaasiga ah ay saxaafadu xoriyadeeda ku hanan lahayd islamarkana loo heli lahaa dad u taagan xuquuqda saxaafada iyo saxafigaba .

kulankan ayaa waxaa ugu horaynba furay agaasimaha guud wasaarada warfaafinta soomaaliyeed ee dolwada kmg xasan ciise cali (kuuriya ) oo sheegay inay saxafadu xor tahay balse hadii ay xoriyada iska qaado aysan xor noqonayn oo ula jeeday in looga baahan yahay anshaxii ay lahaan jirtay oo ay markasta ku dadaalaan sidii loo heli lahaa xoojinta nabada iyo soo celintii qiimihii wadanka waa siduu hadalka u dhigaye .

kuuriya ayaa intaas ku daray ''waxaan salaan diiran idiinka wadaa dhamaan ergooyinka saxaafadeed ee kulankan kasoo qayab galay wasiirka wasaarada warfaafinta dowlada kmg ah cali axmed jamaca (jangeli) oo jeclaa inuu kasoo qayb galo kulankan balse ku mashquulay howlaha guud ee warfaafinta dalka islamarkana aysan usuurtoobin isagoo safar ugu baxay dalka dibadiisa iyadoo uu soo balan qaday hadii alle idmo inuu kasoo qayb geli doono kulamada dambe.

Waxaa kaloo ka hadlay kulankan aqoon iswaydaarsi gudoomiyaha difaacayaasha xuquuqul aadanaha axmed maxamed cali (kimiko) oo ku dheeraaday xoriyada saxaafada iyo tan qofka inay lagama maarmaan tahay islamarkana ay markasta lagu fekero sidii loo dhiiri gelin laha xoriyada saxaafada .

kulankan oo ahaa mid si weyn loosoo agaasimay ayaa waxaa isna ka hadlay Prof.cumar adan Qaadi oo kamida masuuliyiinta hay,ada UNDP islamarkana xubin ka ah ururka qorayaasha soomaaliyeed ee PEN isagoo sheegay in xoriyada saxaafadu lagama maarmaan sinaba u tahay islamarkana uu dowlada kmg ah ka codsanayo inay ilaaliyaan shuruucda dhex yaala saxafada iyo dkmg oo ah axdi qarameedku sida uu qorayo ah in saxafadu inay xor tahay islamarkana u hambalyeeyey qaban qaabiyaasha kulankan ee NUSOJ iyo UNESCO.

Dhanka kale waxaa kulankan hadalo uu kaga hadlayo xuuquuqda saxafada xorta ah iyo lagama maarmaanimada sida ay u tahay ka sheegay xoghayaha guud ururka suxcufiyiinta qaranka soomaaliyeed ee NUSOJ cumar cismaan faaruuq kana sheegay goobtaas inay garab taagan yihiin markasta u doodaayan xuquuqda saxafiga .

Ugu damabayntii waxaa kulankan aqoon is waydaarsi soo gabagabeeyey gudoomiyaha Ururka suxufiyiinta NUSOJ C/risaaq sheikh aduunyo oo ku booriyey Ergooyinka saxaafada xorta ah ee kasoo boqoolay dhamaan gobolada dalka iyo maamulada soomaali-land iyo puntland-ba ba inay laban laabaan fekerka aqooneed iyo weliba sidii loo heli lahaa saxaafad xor ah oo ahmiyad u leh dalka iyo dadka sidoo kalena waxuu u mahad u celiyey dhamaan aqoon yahanada ka kala socday qaybaha kala duwan ee bulshada iyo dolwada kmg ahba iyo kasoo qayb galayasha dhamaantood islamarkana sheegay in kulankani sii socon doono ilaa iyo sadex cisho oo usoo gebgeboobi doono maalinta isniinta fooda inagu soo haysa.

yaasiin maxamed cali (faytin)
yaasiin2006@hotmail.com

Faafin: Jan 20, 2007

Wararka kale ee maanta... akhri....

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH