- Ma dhab-baa in
xalay Iska hor Imaadkii xarunta Villa Somalia ka dhacay
madaxweyne C/llaahi Yuusuf Loola cararay dhinaca Dekeda
weyn ee muqdisho ...
- Ciidamada Ethiopia
Oo Dad Rayid Ah Ku Laayey Wadada Dheer Ee Isku Xirta
Suuqa Xoolaha Iyo Isbitaalka Sos.
Ma dhab-baa in Iska hor
Imaadkii xarunta Villa Somalia ka dhacay in madaxweyne C/llaahi
Yuusuf Loola cararay dhinaca Dekeda weyn ee muqdisho ...
Warar xog ogaal ah oo ku dhow dhow xarunta madaxtooyada ee
villa soomaaliya ayaa xaqiijiyey in habeenkii Jimcada
weerarkii ay soo qadeen kooxihii maleeshiyooyinka ahaa oo la
sheegay inay si aad ah u hubeysanaayeen, in markaaslaga
saaray madaxweyne c/laahi yusuf Villa Somalia, xaalad amaan
xumo awgeed halkaasoo ay ku rideen Rasaas aad u waaweyn oo
ay ku jireen kuwa ka dhaca, qorayga loo yaqaano Biiteem-ka,
Hoobiyeyaasha, iyo weliba baasuukaha,oo argagax ku abuuray
dadka degan xaafadaha ku dhow dhow xarunta Villa Somalia .
Sidoo kale, ciidamada ilaalada madaxtooyada ayaa iyaguna ku
jawaabay Rasaas ka dhaceysay qoryaha waaweyn, gaar ahaana
midka lidka diyaaraha, Shilkaha, Biiteemka iyo weliba qoryo
kale oo ku cusbaa dhegaha dadka reer Muqdisho, taasoo
keentay in dadka ku dhaqan xaafadaha Buurhindi iyo
Geedjaceyl ay habeenimo la qaxaan caruurta iyo dadka da,da
ah ee waaweyn .
Kooxaha dableyda ah ee falkan geystay ayaa iyagu la sheegay
inay ka yimaadeen dhinaca dugisigii hore ee 15ka May oo
xarunta madaxtooyada kaga beegan dhinaca Bari, inkastoo
afahayeenka dowlada mr,Diinaari uu sheegay inay laga soo
weeraray dhinaca Galbeedka oo ku beegan dhinaca Radio
Muqdisho, waxaana la tilmaamay in kooxahani ay wateen gaari
mini bas ah oo ah nooca loo yaqaano (Caasiga) islamarkaana
ay ku wateen hubka noocyada ee garbaha lagu qaato , gaar
ahaana sida wararku sheegayaan qoryaha BTM-ka iyo
hoobiyeyaasha, iyo weliba Baasukayaasha , kuwaasoo si daran
doori ah ula beeegsaday xarunta madaxtooyada isla daqiiqado
kadibna ka cararay gaarigoodii, taasoo keentay in illaalada
madaxtooyada iyaguna ay ooda kaga qaadeen wixii huba ahaa ee
ay haysteen .
Ma cada ilaa iminka qasaaraha dhabta ah ee ka dhashay iska
hor imaadkan, iyadoo isbitaalada Magaalada Muqdishona ay
xaqiijiyeen in aysan kaga imaan iska hor imaadkan wax
dhaawaca ah , afhayeenka dowladda C/raxmaan Diinaari oo ka
hadlay dhacdadii xalay ayaa wuxuu carabka ku dhuftay in
aysan jirin wax qasaare ah oo ka dhashay Rasaastii xalay
lagu soo riday oo ay ku dhacday derbi ku yaala dhinaca Bari
ee Villada.
yaasiin maxamed cali (faytin)
yaasiin2006@hotmail.com
Ciidamada Ethiopia Oo Dad
Rayid Ah Ku Laayey Wadada Dheer Ee Isku Xirta Suuqa Xoolaha
Iyo Isbitaalka Sos.
Jan 20: Tacshiirad ay ku dhinteen 4qofood , 9 kalena ku
dhaawacmeen ayay ciidamada Ethiopia ee ku sugan magaalada
muqdisho La beegsadeen dad shacab ah ka dib markii ay rasaas
ooda kaga qaadeen dadkan shacabka ah xili ay ciidamada
xukuumada Ethiopia marayeen wadada isku xirta suuqa xoolaha
iyo isbitaalka sos inta u dhaxaysa.
Rasaastaan ayay Fureen ciidamada Ethiopia ayaa sida ay noo
xaqiijiyeen goobjoogayaal ku sugnaa xiligaas meesha
tacshiiradu ka dhacday waxa ay jawaab u aheyd nin ku
hubeysan Bastoolad oo rasaas ku riday kolonyada ciidamada
Ethiopia oo halkaasi marayay, iyadoo ninkaasi oo aan la
garaneyn uu ku dhex cararay xaafadaha dhexdooda islamarkaana
ay sababtay inay rasaas la beegsadaan shacabkii deganaa
xaafadahaas.
4ta ruux ee ku geeriyootay tacshiiraddaan ayaa waxa ay
ahaayeen dad rayid ah oo ku sugnaa halkaasi, iyadoo
ciidamada Ethiopia ay fureen rasaasta ka dhacda qoryaha
lidka diyaaradaha oo si weyn looga maqlayay magaalada
Muqdisho.
C/kariim Max'ed Cali oo ah milkilihii gaari Xaajiyo ah oo ay
burburiyeen kadib markii ay dul mareen taangiyadii ay wateen
ciidamada ethiopia ayaa saxaafada uga waramay dhibka soo
gaaray, isagoo xusay inuu ku waayey gaarigiisii islamarkaana
hantiba intaas ka lahaa islamarekaana sheegay inuu gaarigan
ka biilan jiray sadex xaas iyo caruurtooda,waxuuna ku
calaacalay maxaan hada sameeyaa ma haysto waxaan ku debero
caruurta .
Si kastaba ha ahaatee ciidamada Xukuumada Ethiopia ayaa
dadka shacabka ah ee aan waxaba galabsan kula dhaqmaya si
araxan daro ah Mana aha markii ugu horeysay oo sidan oo kale
ay si bareer ah rasaas ula beegsadaan dad shacab ah oo wata
howlahooda caadiga ah .
yaasiin maxamed cali (faytin)
yaasiin2006@hotmail.com
Wararka
Kale ee: Jan 21, 2007
- Faahfaahin dheeraad
ah oo ku saabsan rasaas ay rideen Ciidmada Itoobiya..
- Maxaabiis lasheegay
in ay ka tirsanaayeen Maxaakiimta oo ay ku jireen Oromo
iyo Ereteriya oo laga soo dejiyey Garoonka..
- Dowladda Mareykanka
oo wada Qorshayaal ay ku dooneyso in ay meel isugu
keento
- Maxamed Dheere oo
shaley Dowladda ku wareejiyey 25 Gaari oo tekniko ah
- Geedi oo la sheegey
in uu u tagey Suudaan sidii ..
Madaafiic
Xalay Lala Beegsaday Villa Soomaaliya..
Madaafiic ayaa lala beegsaday aqalka madaxtooyada,
warkaas iyo Maxkamadaha Islaamiga ah oo si kulul u Beeniyey in Shiikh
Shariif uu isu dhiibey dalka Kenya, waxaa kale oo wararku sheegeen in aan la
dhaawicin A. Cayrow..
Akhri... 20/1
Xisbiga RPP oo Maamulka Puntland uga digey in ay xukunka kororsadaan...
waxa kale oo xisbiga RPP uu digniin u xiray maamulka Somaliland....
Akhri...
20/1
Eritrea
oo ka Digtey Xaaladda Cakiran ee Soomaaliya
Waxa kale oo arrimaha Soomaaliya ka hadlay Dr. Ken
Menkhaus oo..
Akhri...
19/1

